Falimaha Rasuullada 22:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo waxaa dhacday, markaan Yeruusaalem ku soo noqday dabadeed, intaan macbudka ku tukanayay, inaan riyooday,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Kor 12:1-4 : 1 ¶ Waa inaan faano in kastoo aanay waxtar lahayn, laakiin waxaan gaadhi doonaa riyooyin iyo waxa Rabbigu muujiyo. 2 Waxaan garanayaa nin Masiix ku jira oo afar iyo toban sannadood ka hor kor loo qaaday ilaa samada saddexaad. Inuu jidhka ku jiray iyo inaanu jidhka ku jirin garan maayo, Ilaah baase garan. 3 Oo waxaan garanayaa ninkaas, laakiin inuu jidhka ku jiray iyo inaanu jidhka ku jirin garan maayo, Ilaah baase garan. 4 Isaga kor baa loogu qaaday Firdooska, oo wuxuu maqlay erayo aan lagu hadlin oo aan nin loo idmin inuu ku hadlo.
  • Gal 1:18 : 18 ¶ Kolkaasaan saddex sannadood dabadeed Yeruusaalem aaday inaan Keeyfas soo barto, oo shan iyo toban maalmood ayaan la joogay isagii.
  • Muj 1:10 : 10 Maalintii Rabbiga waxaan ku jiray Ruuxa, oo waxaan meel iga dambaysa ka maqlay cod weyn oo ah sidii buun oo leh,
  • Fal 9:26-28 : 26 ¶ Oo kolkuu Yeruusaalem yimid, wuxuu isku dayay inuu xertii ku darsamo; dhammaantoodse waa ka cabsadeen, maxaa yeelay, ma ay rumaysnayn inuu xer yahay. 27 Laakiin Barnabas baa kaxeeyey, oo wuxuu u geeyey rasuulladii oo u sheegay siduu Rabbiga ugu arkay jidka, iyo inuu la hadlay, iyo siduu Dimishaq geesinimo ugu wacdiyey magaca Ciise. 28 Markaasuu iyagii la joogay, isagoo la gelaya, kalana baxaya Yeruusaalem, geesinimona dadka ugu wacdiyaya magaca Rabbiga;
  • Fal 10:9-9 : 9 ¶ Haddaba maalintii dambe intay safrayeen oo magaalada ku soo dhowaanayeen, ayaa Butros wuxuu tegey gurigii dushiisa inuu ku tukado abbaaraha saacaddii lixaad, 10 waana gaajooday oo wuxuu doonayay inuu wax cuno; laakiin intay wax u diyaarinayeen ayuu riyooday,
  • Fal 26:20 : 20 laakiin waxaan horeba ugu sheegay kuwii joogay Dimishaq iyo Yeruusaalem iyo dalka Yahuudiya oo dhan iyo weliba dadka aan Yuhuudda ahayn, inay toobadkeenaan oo ay Ilaah u soo noqdaan, iyagoo samaynaya shuqullo toobad istaahila.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 22:6-11
    6 aayado
    78%

    6¶ Oo waxaa dhacday, intaan sodcaalayay oo Dimishaq u soo dhowaanayay, iyadoo duhur ah, in dhaqsiba iftiin weyn oo samada ka yimid hareerahayga ka iftiimay.

    7Markaasaan dhulka ku dhacay, oo waxaan maqlay cod igu leh, Sawlosow, Sawlosow, maxaad ii silcinaysaa?

    8Markaasaan u jawaabay oo ku idhi, Yaad tahay, Sayidow? Markaasuu igu yidhi, Waxaan ahay Ciisaha reer Naasared oo aad silcinaysid.

    9Oo kuwii ila joogayna runtii waxay arkeen iftiinkii, laakiin ma ay maqlin kii ila hadlay codkiisii.

    10Markaasaan ku idhi, Maxaan sameeyaa, Rabbiyow? Kolkaasaa Rabbigu igu yidhi, Kac oo Dimishaq gal; meeshaasaana laguugu sheegi doonaa waxa ku saabsan waxyaalihii lagu amray inaad samaysid oo dhan.

    11Markaan waxba arki waayay dhalaalkii iftiinka aawadiis, kuwii ila joogay ayaa gacanta igu hagay oo waxaan imid Dimishaq.

  • Fal 11:5-6
    2 aayado
    76%

    5¶ Anigu waxaan joogay magaalada Yaafaa la yidhaahdo oo waan tukanayay, markaas waxaan khilaawo ku arkay riyo oo ahayd weel soo degaya sida shiraaq weyn oo kale oo afartiisa geesood samada lagaga soo dejinayo; wuuna ii soo dhowaaday,

    6oo markaan aad u fiiriyey, ayaan ka fikiray oo waxaan arkay xayawaankii afarta lugood lahaa oo dhulka, iyo dugaagta, iyo waxa gurguurta, iyo haadda cirka.

  • Fal 22:18-21
    4 aayado
    76%

    18oo waxaan arkay isagoo igu leh, Degdeg, oo dhaqso Yeruusaalem uga bax; maxaa yeelay, markhaatigaad ii furaysid kaama ay aqbali doonaan.

    19Markaasaan idhi, Rabbiyow, iyaga qudhoodu way og yihiin inaan xidhxidhay oo aan sunagog walba ku garaacay kuwa ku rumaystay;

    20oo markii la daadshay dhiigga Istefanos oo ahaa markhaatigaaga, aniguna waan ag taagnaa oo u oggolaanayay oo haynayay kuwii isagii dilay dharkoodii.

    21Markaasuu igu yidhi, Tag, maxaa yeelay, waxaan kuu dirayaa meel fog inaad dadka aan Yuhuudda ahayn ugu tagtid.

  • 13ayaa ii yimid oo iskay ag taagay isagoo igu leh, Walaal Sawlosow, araggaaga hel. Oo saacaddiiba waan arkay isagii.

  • Fal 22:15-16
    2 aayado
    74%

    15Maxaa yeelay, dadka oo dhan hortiisa waxaad isaga uga markhaati furaysaa waxaad aragtay oo aad maqashay.

    16Haddaba maxaad u sugaysaa? Kac ha lagu baabtiiso, oo dembiyadaada iska maydh, adoo magiciisa ku baryaya.

  • Fal 26:12-17
    6 aayado
    74%

    12¶ Oo markaan Dimishaq u sodcaalayay, boqorow, anigoo wata amarkii iyo dardaarankii wadaaddada sare,

    13ayaan waxaan hadhkii arkay, intaan jidka marayay, iftiin samada ka baxaya oo qorraxda ka sii dhalaal dheer, oo ka iftiimaya hareerahayga aniga iyo kuwii ila socdayba.

    14Oo kolkii aannu dhammaantayo dhulka ku wada dhacnay, ayaan maqlay cod afka Cibraaniga ku hadlaya oo igu leh, Sawlosow, Sawlosow, maxaad ii silcinaysaa? Way kugu adag tahay inaad harraatidid wax ku muda.

    15Markaasaan idhi, Yaad tahay Sayidow? Kolkaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Waxaan ahay Ciisaha aad silcinaysid.

    16Laakiin bal sara joogso, oo cagahaaga ku istaag; waayo, sababtan aawadeed ayaan kuugu muuqday inaan kaaga dhigo midiidin iyo markhaati waxyaalihii aad igu aragtay iyo waxyaalaha aan kuugu muuqan doonaba;

    17anigoo kaa samatabbixinaya dadka iyo quruumaha aan kuu diri doonaba,

  • 21Waxyaalahaas aawadood baa Yuhuuddu macbudka gudihiisa iigu qabteen, oo waxay isku dayeen inay i dilaan.

  • Fal 9:3-4
    2 aayado
    73%

    3Oo kolkuu sodcaalay, waxaa dhacday inuu Dimishaq u soo dhowaaday; oo dhaqsiba waxaa hareerihiisa ka iftiimay iftiin samada ka yimid.

    4Markaasuu dhulka ku dhacay, oo wuxuu maqlay cod isaga ku leh, Sawlosow, Sawlosow, maxaad ii silcinaysaa?

  • Fal 9:11-12
    2 aayado
    73%

    11Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Kac oo aad jidka la yidhaahdo Toosane, oo waxaad guriga Yuudas ka doontaa nin la yidhaahdo Sawlos oo reer Tarsos ah; oo bal eeg, waa tukanayaaye;

    12oo wuxuu arkay nin la yidhaahdo Ananiyas isagoo u soo gelaya oo gacmihiisa dul saaraya inuu araggiisii helo.

  • 19¶ Sidaas daraaddeed, boqor Agribbow, kuma aan caasiyoobin riyadii samada ka timid;

  • 22Hadda bal eega, Yeruusaalem baan tegayaa anoo Ruuxa ku xidhan oo aan garanaynin waxyaalaha halkaas igaga dhici doona;

  • Fal 10:9-10
    2 aayado
    72%

    9¶ Haddaba maalintii dambe intay safrayeen oo magaalada ku soo dhowaanayeen, ayaa Butros wuxuu tegey gurigii dushiisa inuu ku tukado abbaaraha saacaddii lixaad,

    10waana gaajooday oo wuxuu doonayay inuu wax cuno; laakiin intay wax u diyaarinayeen ayuu riyooday,

  • 11¶ Adigu waad ogaan karaysaa inayan laba iyo toban maalmood ka badnayn kolkii aan Yeruusaalem caabudidda u tegey.

  • Fal 24:17-18
    2 aayado
    72%

    17Haddaba sannado badan dabadeed ayaan waxaan u imid inaan quruuntayda u keeno sadaqooyin iyo qurbaanno.

    18Markaan kuwaas keenayay ayay macbudka iga heleen, anigoo daahirsamay, oo aan dad badan la joogin, oo aan buuq ku jirin; laakiin waxaa joogay kuwo Yuhuud ah oo Aasiya ka yimid

  • 6laakiin kac oo magaalada gal, oo waxaa laguu sheegi doonaa wixii kugu waajib ah inaad samaysid.

  • Fal 9:17-18
    2 aayado
    72%

    17¶ Markaasaa Ananiyas tegey oo gurigii galay, oo intuu gacmihiisa dul saaray, ayuu wuxuu ku yidhi, Walaal Sawlosow, Rabbi Ciise oo kuugu muuqday jidkaad ku timid baa ii soo diray inaad araggaaga heshid iyo in Ruuxa Quduuska ahu kaa buuxsamo.

    18Oo markiiba waxaa indhihiisa ka soo dhacay wax xuubab u eg, wuuna helay araggiisii; markaasuu kacay oo waa la baabtiisay;

  • 19¶ anigoo Rabbiga ugu adeegaya is-hoosaysiin oo dhan, iyo ilmo, iyo jirrabaaddaha igu dhacay markii Yuhuuddu sirqoollada ii dhigtay;

  • Gal 1:17-18
    2 aayado
    71%

    17Yeruusaalemna uma aan aadin kuwii hortay rasuullada ahaa, laakiinse waxaan aaday dalka Carabta, dabadeedna waxaan ku soo noqday Dimishaq.

    18¶ Kolkaasaan saddex sannadood dabadeed Yeruusaalem aaday inaan Keeyfas soo barto, oo shan iyo toban maalmood ayaan la joogay isagii.

  • 30Markaasaa Korneeliyos wuxuu ku yidhi, Afar maalmood oo hore, saacaddan oo kale, ayaan joogay anoo gurigayga saacaddii sagaalaad ku tukanaya; oo bal eeg waxaa i hor istaagay nin qaba dhar dhalaalaya,

  • Fal 11:10-11
    2 aayado
    70%

    10Taasna waxay dhacday saddex goor; markaasaa dhammaantood mar labaad samada kor loogu bixiyey.

    11Oo bal eega, markiiba saddex nin baa istaagtay gurigaannu joognay hortiisa, kuwaasoo la iiga soo diray Kaysariya.

  • 2Kolkay maqleen inuu af Cibraaniga kula hadlay, ayay sidii hore ka sii aamuseen. Markaasuu ku yidhi,

  • 28Markaasuu iyagii la joogay, isagoo la gelaya, kalana baxaya Yeruusaalem, geesinimona dadka ugu wacdiyaya magaca Rabbiga;

  • 2 Kor 12:1-2
    2 aayado
    70%

    1¶ Waa inaan faano in kastoo aanay waxtar lahayn, laakiin waxaan gaadhi doonaa riyooyin iyo waxa Rabbigu muujiyo.

    2Waxaan garanayaa nin Masiix ku jira oo afar iyo toban sannadood ka hor kor loo qaaday ilaa samada saddexaad. Inuu jidhka ku jiray iyo inaanu jidhka ku jirin garan maayo, Ilaah baase garan.

  • 29Maxaa yeelay, mar hore waxay magaalada kula arkeen Torofimos oo reer Efesos ahaa, kaasoo ay u maleeyeen in Bawlos macbudka keenay.

  • 4Jidkanna waan silcin jiray tan iyo dhimasho, anigoo xidhaya oo xabsiga geeynaya rag iyo dumarba.

  • 16Taasuna waxay dhacday saddex goor; markiibana weelkii waa loo qaaday samada.

  • 13Waad maqasheen dabiicaddaydii hore xagga diintii Yuhuudda, sidii aan kiniisaddii Ilaah aad iyo aad ugu silcin jiray oo u kharribi jiray.