Falimaha Rasuullada 22:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Jidkanna waan silcin jiray tan iyo dhimasho, anigoo xidhaya oo xabsiga geeynaya rag iyo dumarba.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 22:19-20 : 19 Markaasaan idhi, Rabbiyow, iyaga qudhoodu way og yihiin inaan xidhxidhay oo aan sunagog walba ku garaacay kuwa ku rumaystay; 20 oo markii la daadshay dhiigga Istefanos oo ahaa markhaatigaaga, aniguna waan ag taagnaa oo u oggolaanayay oo haynayay kuwii isagii dilay dharkoodii.
  • Fal 26:9-9 : 9 ¶ Runtii aniga qudhayduba waxaan mooday inay waajib igu tahay inaan sameeyo waxyaalo badan oo wada khilaafsan magaca Ciisaha reer Naasared. 10 Oo sidaasaan ku sameeyey Yeruusaalem; weliba waxaan xabsi ku xidhay kuwo badan oo quduusiin ah, anigoo amar ka wata wadaaddada sare, oo kolkii la dilayayba waan ku raacsanaa. 11 Oo marar badan ayaan iyaga ku ciqaabay sunagogyada oo dhan, oo waxaan qasbay inay caytamaan; oo intaan aad iyo aad ugu cadhooday, ayaan iyaga ku silciyey tan iyo xataa magaalooyin ajanabi.
  • Fal 8:1-4 : 1 ¶ Sawlosna raalli buu ka ahaa diliddiisa. Oo maalintaas kiniisaddii Yeruusaalem ku tiil aad baa loo silciyey; oo dhammaantoodna rasuulladii mooyaane waxay ku kala firdheen dalalka Yahuudiya iyo Samaariya. 2 ¶ Markaasaa niman cibaado leh Istefanos aaseen oo aad ugu baroorteen. 3 Laakiin Sawlos aad buu kiniisadda u rafaadiyey, oo intuu guri walba galay, ayuu rag iyo dumarba ka soo jiiday, oo xabsi ku riday. 4 ¶ Haddaba kuwii kala firidhsanaa, meel walba oo ay mareenba ereygii bay ku wacdiyeen.
  • Fal 9:1-2 : 1 ¶ Laakiin Sawlos oo weli dhaaranaya inuu cabsiiyo oo dilo xerta Rabbiga, ayuu wuxuu u tegey wadaadkii sare, 2 oo weyddiistay warqado uu la tago Dimishaq ilaa sunagogyada, si hadduu helo dadkii Jidka, ha ahaadeen rag ama dumarba, uu iyagoo xidhxidhan Yeruusaalem u keeno.
  • Fal 9:13-14 : 13 Laakiin Ananiyas baa u jawaabay oo ku yidhi, Rabbiyow, waxaan dad badan ka maqlay ninkanu intuu shar badan u gaystay quduusiintaada Yeruusaalem jooga; 14 halkanna wuxuu wadaaddada sare ka haystaa amar inuu xidhxidho kuwa magacaaga kuugu yeedha oo dhan.
  • Fal 9:21 : 21 Dadkii maqlay oo dhammuna waa yaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Kanu sow ma aha kii Yeruusaalem ku layn jiray kuwa magacaas ugu yeedhi jiray? Oo sababtaas ayuu halkan u yimid inuu iyagoo xidhxidhan hor keeno wadaaddada sare.
  • Fal 16:17 : 17 Taasaa Bawlos iyo annaga na soo raacday, wayna qaylisay iyadoo leh, Nimankanu waa addoommadii Ilaaha ugu sarreeya, kuwaasoo idinku wacdiyaya jidka badbaadada.
  • Fal 18:26 : 26 oo wuxuu bilaabay inuu geesinimo kaga dhex hadlo sunagogga. Laakiin Bariskilla iyo Akula, markay maqleen isagii, ayay kaxaysteen, kolkaasay aad ugu sii caddeeyeen jidka Ilaah.
  • Fal 19:9 : 9 Laakiin qaarkood markay madax adkaadeen oo caasiyoobeen, iyagoo xumaan kaga hadlaya Jidka dadkii badnaa hortooda, ayuu iyagii ka tegey oo xertii ka soo soocay, oo maalin walba ayuu dad kula doodi jiray iskoolka Turannos.
  • Fal 19:23 : 23 ¶ Haddaba waxaa wakhtigaas kacday rabshad aan yarayn oo ku saabsan Jidka.
  • 1 Kor 15:9 : 9 Waayo, anigu waxaan ahay kan rasuullada u liita oo aan istaahilin in loogu yeedho rasuul, waayo, kiniisadda Ilaah baan silcin jiray.
  • Fil 3:6 : 6 xagga qiiradana waxaan ahaa mid silcin jiray kiniisadda, xagga xaqnimada sharciga ku jirtana waxaan ahaa eedlaawe.
  • 1 Tim 1:13-15 : 13 in kastoo aan hore u ahaan jiray mid dadka caaya oo silciya, oo dhiba, laakiin waa la ii naxariistay, waayo, aqoonla'aan baan ku sameeyey, anigoo aan rumaysanayn. 14 Nimcada Rabbigeenna waxay aad iyo aad ula badatay rumaysadka iyo jacaylka ku jira Ciise Masiix. 15 Hadalkanu waa run, waana mid istaahila in la wada aqbalo, in Ciise Masiix dunida u yimid inuu badbaadiyo dembilayaasha anoo ah kan ugu daran.
  • Fal 24:14 : 14 Laakiin tan baan kuu qiranayaa, inaan Ilaaha awowayaashayo ugu adeego sida Jidka ay yidhaahdaan dariiqo bidcinimo ah, anigoo rumaysan waxyaalaha sharcigu leeyahay oo dhan iyo waxyaalaha lagu qoray kitaabbadii nebiyada.
  • Fal 7:58 : 58 Markaasay intay magaalada ka soo saareen dhagxiyeen; kuwii maragga ahaana dharkoodii waxay ag dhigteen nin dhallinyaro ah oo la odhan jiray Sawlos.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 22:5-11
    7 aayado
    84%

    5Sidatan ayay iigu markhaati furayaan wadaadka sare iyo waayeelladii oo dhammuba, kuwaasoo aan warqado uga helay walaalaha, oo aan Dimishaq u sodcaalay inaan kuwa halkaas joogayna, iyagoo xidhxidhan, Yeruusaalem keeno si loo ciqaabo.

    6¶ Oo waxaa dhacday, intaan sodcaalayay oo Dimishaq u soo dhowaanayay, iyadoo duhur ah, in dhaqsiba iftiin weyn oo samada ka yimid hareerahayga ka iftiimay.

    7Markaasaan dhulka ku dhacay, oo waxaan maqlay cod igu leh, Sawlosow, Sawlosow, maxaad ii silcinaysaa?

    8Markaasaan u jawaabay oo ku idhi, Yaad tahay, Sayidow? Markaasuu igu yidhi, Waxaan ahay Ciisaha reer Naasared oo aad silcinaysid.

    9Oo kuwii ila joogayna runtii waxay arkeen iftiinkii, laakiin ma ay maqlin kii ila hadlay codkiisii.

    10Markaasaan ku idhi, Maxaan sameeyaa, Rabbiyow? Kolkaasaa Rabbigu igu yidhi, Kac oo Dimishaq gal; meeshaasaana laguugu sheegi doonaa waxa ku saabsan waxyaalihii lagu amray inaad samaysid oo dhan.

    11Markaan waxba arki waayay dhalaalkii iftiinka aawadiis, kuwii ila joogay ayaa gacanta igu hagay oo waxaan imid Dimishaq.

  • Fal 26:9-15
    7 aayado
    83%

    9¶ Runtii aniga qudhayduba waxaan mooday inay waajib igu tahay inaan sameeyo waxyaalo badan oo wada khilaafsan magaca Ciisaha reer Naasared.

    10Oo sidaasaan ku sameeyey Yeruusaalem; weliba waxaan xabsi ku xidhay kuwo badan oo quduusiin ah, anigoo amar ka wata wadaaddada sare, oo kolkii la dilayayba waan ku raacsanaa.

    11Oo marar badan ayaan iyaga ku ciqaabay sunagogyada oo dhan, oo waxaan qasbay inay caytamaan; oo intaan aad iyo aad ugu cadhooday, ayaan iyaga ku silciyey tan iyo xataa magaalooyin ajanabi.

    12¶ Oo markaan Dimishaq u sodcaalayay, boqorow, anigoo wata amarkii iyo dardaarankii wadaaddada sare,

    13ayaan waxaan hadhkii arkay, intaan jidka marayay, iftiin samada ka baxaya oo qorraxda ka sii dhalaal dheer, oo ka iftiimaya hareerahayga aniga iyo kuwii ila socdayba.

    14Oo kolkii aannu dhammaantayo dhulka ku wada dhacnay, ayaan maqlay cod afka Cibraaniga ku hadlaya oo igu leh, Sawlosow, Sawlosow, maxaad ii silcinaysaa? Way kugu adag tahay inaad harraatidid wax ku muda.

    15Markaasaan idhi, Yaad tahay Sayidow? Kolkaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Waxaan ahay Ciisaha aad silcinaysid.

  • Fal 9:1-5
    5 aayado
    82%

    1¶ Laakiin Sawlos oo weli dhaaranaya inuu cabsiiyo oo dilo xerta Rabbiga, ayuu wuxuu u tegey wadaadkii sare,

    2oo weyddiistay warqado uu la tago Dimishaq ilaa sunagogyada, si hadduu helo dadkii Jidka, ha ahaadeen rag ama dumarba, uu iyagoo xidhxidhan Yeruusaalem u keeno.

    3Oo kolkuu sodcaalay, waxaa dhacday inuu Dimishaq u soo dhowaaday; oo dhaqsiba waxaa hareerihiisa ka iftiimay iftiin samada ka yimid.

    4Markaasuu dhulka ku dhacay, oo wuxuu maqlay cod isaga ku leh, Sawlosow, Sawlosow, maxaad ii silcinaysaa?

    5Markaasuu ku yidhi, Yaad tahay, Sayidow? Wuxuuna ku yidhi, Waxaan ahay Ciisaha aad silcinaysid;

  • Fal 22:19-22
    4 aayado
    80%

    19Markaasaan idhi, Rabbiyow, iyaga qudhoodu way og yihiin inaan xidhxidhay oo aan sunagog walba ku garaacay kuwa ku rumaystay;

    20oo markii la daadshay dhiigga Istefanos oo ahaa markhaatigaaga, aniguna waan ag taagnaa oo u oggolaanayay oo haynayay kuwii isagii dilay dharkoodii.

    21Markaasuu igu yidhi, Tag, maxaa yeelay, waxaan kuu dirayaa meel fog inaad dadka aan Yuhuudda ahayn ugu tagtid.

    22¶ Wayna dhegaysteen ilaa hadalkaas; markaasay codkoodii sare u qaadeen iyagoo leh, Dhulka ka fogee ninka caynkan ah, maxaa yeelay, ma qummana inuu noolaado.

  • 3¶ Waxaan ahay nin Yuhuudi ah oo ku dhashay Tarsos oo ku taal Kilikiya, laakiin magaaladan baa laygu koriyey anoo Gamalii'eel hoostiisa wax laygu baray sidii caadadii adkayd oo sharcigii awowayaasheen, anigoo Ilaah qiiro u leh sida aad dhammaantiin maanta tihiin.

  • Gal 1:13-14
    2 aayado
    79%

    13Waad maqasheen dabiicaddaydii hore xagga diintii Yuhuudda, sidii aan kiniisaddii Ilaah aad iyo aad ugu silcin jiray oo u kharribi jiray.

    14Oo kuwa badan oo asaaggay ah oo aan isku waddan nahay ayaan kaga hor maray diinta Yuhuudda, anigoo aad iyo aad ugu adag xeerarkii awowayaashay.

  • Fal 26:21-22
    2 aayado
    77%

    21Waxyaalahaas aawadood baa Yuhuuddu macbudka gudihiisa iigu qabteen, oo waxay isku dayeen inay i dilaan.

    22Haddaba anigoo caawimaad ka helay xag Ilaah ayaan waxaan ilaa maanta u taaganahay inaan marag furo oo aan u sheego yar iyo weynba, anigoo aan innaba wax kale sheegayn wixii nebiyadii iyo Muuse ay sii sheegeen inay ahaan doonaan mooyaane;

  • 3Laakiin Sawlos aad buu kiniisadda u rafaadiyey, oo intuu guri walba galay, ayuu rag iyo dumarba ka soo jiiday, oo xabsi ku riday.

  • 14Laakiin tan baan kuu qiranayaa, inaan Ilaaha awowayaashayo ugu adeego sida Jidka ay yidhaahdaan dariiqo bidcinimo ah, anigoo rumaysan waxyaalaha sharcigu leeyahay oo dhan iyo waxyaalaha lagu qoray kitaabbadii nebiyada.

  • 21Dadkii maqlay oo dhammuna waa yaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Kanu sow ma aha kii Yeruusaalem ku layn jiray kuwa magacaas ugu yeedhi jiray? Oo sababtaas ayuu halkan u yimid inuu iyagoo xidhxidhan hor keeno wadaaddada sare.

  • 6xagga qiiradana waxaan ahaa mid silcin jiray kiniisadda, xagga xaqnimada sharciga ku jirtana waxaan ahaa eedlaawe.

  • Gal 1:22-23
    2 aayado
    73%

    22oo weliba laygama weji garanayn kiniisadaha Masiixa oo Yahuudiya ku yiil.

    23Laakiin waxay maqleen oo keliya in la yidhi, Kii mar ina silcin jiray, hadda wuxuu wax ku wacdiyayaa iimaankii uu mar kharribi jiray.

  • Fal 26:4-5
    2 aayado
    73%

    4Yuhuuddu dhammaantoodba tan iyo yaraantaydii way wada yaqaaniin camalka noloshayda, taasoo bilowga aan kula dhex jiray quruuntayda oo aan Yeruusaalem la joogay.

    5Haddii ay raalli ku yihiin inay ii marag furaan, iyaguba tan iyo horraantii aqoon bay u lahaayeen sidii aan ugu dhaqmi jiray dariiqada diintayada ugu qiiro adag anoo Farrisi ah.

  • 32Xagga Dimishaq taliyihii ka hooseeyey boqorkii Aretas ahaa ayaa gaadh ka qabtay magaalada reer Dimishaq si uu ii qabto.

  • 1¶ Sawlosna raalli buu ka ahaa diliddiisa. Oo maalintaas kiniisaddii Yeruusaalem ku tiil aad baa loo silciyey; oo dhammaantoodna rasuulladii mooyaane waxay ku kala firdheen dalalka Yahuudiya iyo Samaariya.

  • 9Waayo, anigu waxaan ahay kan rasuullada u liita oo aan istaahilin in loogu yeedho rasuul, waayo, kiniisadda Ilaah baan silcin jiray.

  • 17anigoo kaa samatabbixinaya dadka iyo quruumaha aan kuu diri doonaba,

  • Fal 23:29-30
    2 aayado
    70%

    29kaasoo aan markaas gartay inay isaga ku dacweeyeen su'aalo ku saabsan sharcigooda, laakiin inaan lagu ashtakayn wax uu ku istaahilo in la dilo ama in la xidho.

    30Haddaba markii la ii sheegay in loo heshiiyey in ninkii la gaadi doono, ayaan dhaqso kuugu soo diray isagii, anigoo ku amraya kuwii soo dacwaynayay inay hortaada ku dacweeyaan isaga.

  • 22Hadda bal eega, Yeruusaalem baan tegayaa anoo Ruuxa ku xidhan oo aan garanaynin waxyaalaha halkaas igaga dhici doona;

  • 19¶ anigoo Rabbiga ugu adeegaya is-hoosaysiin oo dhan, iyo ilmo, iyo jirrabaaddaha igu dhacay markii Yuhuuddu sirqoollada ii dhigtay;

  • 11iyo silecyadayda, iyo xanuunsigayga. Waxyaalihii xunxumaa ee igu dhacay markaan Antiyokh iyo Ikoniyon iyo Lustara joogay! Silecyadii badnaa ee aan u adkaystay! Oo kulligood Rabbigaa iga samatabbixiyey.

  • 17¶ Oo waxaa dhacday, markaan Yeruusaalem ku soo noqday dabadeed, intaan macbudka ku tukanayay, inaan riyooday,

  • 23¶ Oo markii maalmo badan dhaafeen, ayay Yuhuuddu ku tashadeen inay dilaan;

  • 13in kastoo aan hore u ahaan jiray mid dadka caaya oo silciya, oo dhiba, laakiin waa la ii naxariistay, waayo, aqoonla'aan baan ku sameeyey, anigoo aan rumaysanayn.

  • 17¶ Oo waxay noqotay in saddex maalmood dabadeed uu isugu wada yeedhay kuwii Yuhuudda ugu waaweynaa; oo kolkii ay u yimaadeen, ayuu ku yidhi iyagii, Walaalayaalow, anigu in kastoo aanan wax xumaan ah ku samayn dadkii ama caadooyinkii awowayaasheen toona, haddana anoo maxbuus ah ayaa waxaa layga soo waday Yeruusaalem oo waxaa la ii gacangeliyey reer Rooma.

  • 14halkanna wuxuu wadaaddada sare ka haystaa amar inuu xidhxidho kuwa magacaaga kuugu yeedha oo dhan.