Falimaha Rasuullada 6:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiin waxaa kacay oo Istefanos la murmay kuwii sunagogga la odhan jiray sunagogga Libertiinta, iyo kan reer Kuranaya, iyo reer Iskanderiya, iyo kuwa Kilikiya iyo Aasiya.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 15:23 : 23 Markaasay qoreen oo iyagii la direen warqad leh, Annagoo ah rasuullada iyo walaalaha waayeellada ah waxaannu soo salaamaynaa walaalaha ka mid ah dadka aan Yuhuudda ahayn oo jooga Antiyokh iyo Suuriya iyo Kilikiya.
  • Fal 15:41 : 41 Oo wuxuu dhex maray Suuriya iyo Kilikiya isagoo kiniisadihii xoogaynaya.
  • Fal 22:3 : 3 ¶ Waxaan ahay nin Yuhuudi ah oo ku dhashay Tarsos oo ku taal Kilikiya, laakiin magaaladan baa laygu koriyey anoo Gamalii'eel hoostiisa wax laygu baray sidii caadadii adkayd oo sharcigii awowayaasheen, anigoo Ilaah qiiro u leh sida aad dhammaantiin maanta tihiin.
  • Fal 23:34 : 34 Markuu akhriyeyna, wuxuu weyddiiyey gobolkii uu ka yimid; oo kolkuu ogaaday inuu Kilikiya ka yimid,
  • Gal 1:21 : 21 Markaas dabadeed waxaan imid xagga dalalka Suuriya iyo Kilikiya,
  • Fal 21:27 : 27 ¶ Oo kolkii toddobadii maalmood u dhowayd inay dhammaadaan ayaa Yuhuuddii Aasiya ka timid isagii macbudka ku aragtay, markaasay dadkii oo dhan kiciyeen, wayna qabteen isagii,
  • Mat 10:17 : 17 Laakiin dad iska jira, waayo, waxay idiin dhiibi doonaan shirar, oo sunagogyadooda ayay idinku karbaashi doonaan.
  • Fal 18:24 : 24 ¶ Haddaba waxaa Efesos yimid Yuhuudi Abolloos la odhan jiray oo reer Iskanderiya ahaa, oo wuxuu ahaa nin hadalyaqaan ah, oo Qorniinka garasho xoog leh u leh.
  • Fal 19:10 : 10 Taasuna laba sannadood ay socotay, si dadkii Aasiya degganaa, oo Yuhuud iyo Gariigba lahaa, ay u wada maqleen ereyga Rabbiga.
  • Fal 16:6 : 6 ¶ Markaasay waxay dhex mareen dhulka Farugiya iyo Galatiya iyagoo Ruuxa Quduuska ahu u diiday inay ereyga kaga dhex hadlaan Aasiya,
  • Mat 27:32 : 32 ¶ Goortay soo baxeen, waxay arkeen nin reer Kuranaya ah oo Simoon la odhan jiray, kan ay ku qasbeen inuu iskutallaabtiisa u qaado.
  • Mark 13:9 : 9 ¶ Laakiin iska jira. Waxaa laydiin dhiibi doonaa shirar, oo sunagogyo waa laydinku karbaashi doonaa; taliyayaal iyo boqorro hortooda ayaad daraadday u istaagi doontaan inaad markhaati u ahaataan.
  • Luuk 21:12 : 12 Waxyaalahan oo dhan hortood gacmahooday idin saari doonaan oo idin silcin doonaan oo idiin dhiibi doonaan sunagogyada iyo xabsiyada, oo waxaa magacayga aawadiis laydiin hor geeyn doonaa boqorro iyo taliyayaal.
  • Fal 2:9-9 : 9 Innagoo ah reer Bartiya iyo Mediya iyo Ceelaam, iyo kuwa deggan Mesobotamiya, iyo Yahuudiya iyo Kabbadokiya, iyo Bontos iyo Aasiya, 10 iyo Farugiya iyo Bamfuliya, iyo Masar iyo meelaha Liibiya oo Kuranaya ku wareegsan, iyo ajanabiyo Rooma ka yimid oo ah Yuhuud iyo kuwa raacsan labadaba,
  • Fal 11:20 : 20 Laakiin waxaa jiray qaar iyaga ka mid ah oo ahaa niman reer Qubrus iyo reer Kuranaya ahaa, kuwaasoo, kolkay Antiyokh yimaadeen, xataa Gariiggiina la hadlay, iyagoo ku wacdiyaya Rabbi Ciise.
  • Fal 13:1 : 1 ¶ Haddaba kiniisaddii Antiyokh ku tiil waxaa joogay nebiyo iyo macallimiin, kuwaas oo ahaa Barnabas, iyo Simecoon oo la odhan jiray Niger, iyo Lukiyos oo reer Kuranaya ah, iyo Mana'een oo la koray taliye Herodos, iyo Sawlos.
  • Fal 13:45 : 45 Laakiin Yuhuuddu markay arkeen dadkii faraha badnaa, waxaa iyaga ka buuxsamay masayr, wayna beeneeyeen waxyaalihii Bawlos ku' hadlay, waana caayeen.
  • Fal 17:17-18 : 17 Saas daraaddeed ayuu Yuhuuddii iyo nimankii cibaadaysnaa kula xaajooday sunagogga, suuqa dhexdiisana ayuu maalin walba kula xaajooday kuwii kula kulmayba. 18 Waxaana la kulmay isagii kuwo ka mid ah faylosuufiinta Ebikuriyiin iyo Istoo'ikiin ah. Qaar baa waxay yidhaahdeen, Ninkan dawdarka ihi muxuu odhan doonaa? Qaar kalena waxay yidhaahdeen, Wuxuu u eg yahay nin ilaahyo qalaad wax ka sheega; maxaa yeelay, wuxuu dadkii ku wacdiyey Ciise iyo sarakicidda.
  • Fal 19:26 : 26 Waxaad arkaysaan oo aad maqlaysaan in Bawloskanu sasabay oo jeediyey dad badan, oo aan kuwii Efesos oo keliya ahayn, laakiin kuwii joogay Aasiya badidood, isagoo leh, Ilaahyo gacmo lagu sameeyo, ilaahyo ma aha.
  • Mat 23:34 : 34 Sidaa darteed, waxaan idiin soo dirayaa nebiyo iyo kuwa xigmadda leh iyo culimmo. Qaarkood waad dili doontaan oo iskutallaabta ku qodbi doontaan, qaarkoodna sunagogyadiinna ayaad ku karbaashi doontaan, oo magaalo ilaa magaalo ayaad ku silcin doontaan,
  • Fal 21:39 : 39 Laakiin Bawlos wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay nin Yuhuudi ah oo reer Tarsos ah taasoo Kilikiya ku taal, oo waxaan ahay magaalo aan yarayn waddanigeed. Waxaan kaa baryayaa inaad ii fasaxdid inaan dadka la hadlo.
  • Fal 22:19 : 19 Markaasaan idhi, Rabbiyow, iyaga qudhoodu way og yihiin inaan xidhxidhay oo aan sunagog walba ku garaacay kuwa ku rumaystay;
  • Fal 26:11 : 11 Oo marar badan ayaan iyaga ku ciqaabay sunagogyada oo dhan, oo waxaan qasbay inay caytamaan; oo intaan aad iyo aad ugu cadhooday, ayaan iyaga ku silciyey tan iyo xataa magaalooyin ajanabi.
  • Fal 27:5-6 : 5 Oo markii aannu ka gudubnay badda u dhow Kilikiya iyo Bamfuliya, waxaannu nimid Mura oo ku taal Lukiya. 6 Oo halkaas boqol-u-taliyihii wuxuu ka helay doonni Iskanderiya ka timid oo u dhoofaysa Itaaliya; markaasuu na fuushiiyey.
  • 1 Kor 1:20 : 20 Meeh kan xigmadda lihi? Meeh kan culimmada ka mid ahi? Meeh kan wakhtigan muranka badani? Ilaah miyaanu nacasnimo ka dhigin xigmadda dunida?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 6:10-13
    4 aayado
    77%

    10Iyaguna waa is-hor taagi kari waayeen xigmaddii iyo Ruuxii uu ku hadlay.

    11Markaasay niman laaluusheen, oo nimankii baa waxay yidhaahdeen, Waxaannu maqalnay isagoo Muuse iyo Ilaahba caayaya.

    12Markaasay kiciyeen dadkii iyo waayeelladii iyo culimmadii, oo intay isagii ku soo kediyeen oo qabteen, ayay shirkii geeyeen.

    13Markaasay waxay soo taageen markhaatiyaal been ah oo leh, Ninkanu iskama daayo inuu meeshan quduuska ah iyo sharciga erayo xunxun ka sheego,

  • Fal 6:5-8
    4 aayado
    77%

    5Hadalkiina waa ka wada farxiyey dadkii badnaa oo dhan; oo waxay doorteen Istefanos oo ahaa nin ay ka buuxaan rumaysad iyo Ruuxa Quduuska ahu, iyo Filibos, iyo Barokhoros, iyo Nikanoor, iyo Timoon, iyo Barmenaas, iyo Nikolas kii reer Antiyokh oo diinta soo galay.

    6Kuwaasay rasuulladii hor keeneen; oo markay tukadeen dabadeed, ayay gacmahoodii saareen.

    7¶ Markaasaa ereygii Ilaah faafay, tiradii xertiina Yeruusaalem aad ugu badatay, oo tiro badan oo wadaaddo ahina iimaankay yeeleen.

    8¶ Markaasaa Istefanos oo ay nimco iyo xoog ka buuxaan ayaa dadka dhexdiisa ku sameeyey yaabab iyo calaamooyin waaweyn.

  • 29wuxuuna la hadlay oo la dooday Yuhuuddii Gariigta ahayd; iyaguse waxay doondooneen inay dilaan.

  • Fal 14:4-6
    3 aayado
    71%

    4Markaasaa dadkii badnaa oo magaaladu kala qaybsameen, oo qaar waxay raaceen Yuhuudda, qaarna rasuulladii.

    5Markii dadkii aan Yuhuudda ahayn iyo Yuhuuddaba, iyaga iyo taliyayaashoodii, ay ku yaaceen inay caayaan oo dhagxiyaan,

    6ayay garteen, oo waxay u carareen magaalooyinkii la odhan jiray Luka'oniya iyo Lustara iyo Derbe iyo dhulka ku wareegsan;

  • Fal 11:19-20
    2 aayado
    71%

    19¶ Haddaba kuwii u kala firidhsanaa, dhibaatadii kacday Istefanos aawadiis, waxay u sodcaaleen tan iyo Foynike iyo Qubrus iyo Antiyokh, iyagoo aan ereyga kula hadlin ninna, Yuhuudda oo keliya mooyaane.

    20Laakiin waxaa jiray qaar iyaga ka mid ah oo ahaa niman reer Qubrus iyo reer Kuranaya ahaa, kuwaasoo, kolkay Antiyokh yimaadeen, xataa Gariiggiina la hadlay, iyagoo ku wacdiyaya Rabbi Ciise.

  • Fal 2:9-10
    2 aayado
    71%

    9Innagoo ah reer Bartiya iyo Mediya iyo Ceelaam, iyo kuwa deggan Mesobotamiya, iyo Yahuudiya iyo Kabbadokiya, iyo Bontos iyo Aasiya,

    10iyo Farugiya iyo Bamfuliya, iyo Masar iyo meelaha Liibiya oo Kuranaya ku wareegsan, iyo ajanabiyo Rooma ka yimid oo ah Yuhuud iyo kuwa raacsan labadaba,

  • Fal 8:1-2
    2 aayado
    70%

    1¶ Sawlosna raalli buu ka ahaa diliddiisa. Oo maalintaas kiniisaddii Yeruusaalem ku tiil aad baa loo silciyey; oo dhammaantoodna rasuulladii mooyaane waxay ku kala firdheen dalalka Yahuudiya iyo Samaariya.

    2¶ Markaasaa niman cibaado leh Istefanos aaseen oo aad ugu baroorteen.

  • 1¶ Waagaas waxaa dhacay, intii xertu badnaysay, in Yuhuuddii Gariigta ahayd ay ka gunuunaceen Cibraaniyadii, maxaa yeelay, carmalladoodii laga dhintay wixii maalin walba la siin jiray looguma hagarbixin.

  • Fal 19:32-33
    2 aayado
    69%

    32Haddaba qaar wax bay ku qayliyeen, qaar kalena wax kalay ku qayliyeen, maxaa yeelay, ururkii waa qasnaa, badidooduna ma ay garanayn waxay isugu yimaadeen.

    33Markaasay Aleksanderos ka soo saareen dadkii badnaa isagoo ay Yuhuuddii hore u soo tuurayaan. Markaasaa Aleksanderos gacan taagay, oo wuxuu damci lahaa inuu af isku daafaco dadka hortiisa.

  • 58Markaasay intay magaalada ka soo saareen dhagxiyeen; kuwii maragga ahaana dharkoodii waxay ag dhigteen nin dhallinyaro ah oo la odhan jiray Sawlos.

  • Fal 14:1-2
    2 aayado
    68%

    1¶ Waxaa Ikoniyon ka dhacday inay wada galeen sunagogga Yuhuudda, oo siday u hadleen aawadeed dad badan oo Yuhuud iyo Gariigba ah ayaa rumaystay.

    2Laakiin Yuhuuddii caasiyiinta ahayd ayaa waxay dadkii aan Yuhuudda ahayn ku kiciyeen oo si xun ugu direen walaalihii.

  • Fal 19:8-9
    2 aayado
    68%

    8¶ Haddaba sunagogga ayuu galay, oo meeshaas ayuu saddex bilood geesinimo kaga dhex hadlay, isagoo dadka la doodaya oo u soo jeedinaya waxyaalo ku saabsan boqortooyada Ilaah.

    9Laakiin qaarkood markay madax adkaadeen oo caasiyoobeen, iyagoo xumaan kaga hadlaya Jidka dadkii badnaa hortooda, ayuu iyagii ka tegey oo xertii ka soo soocay, oo maalin walba ayuu dad kula doodi jiray iskoolka Turannos.

  • 2Oo markii Bawlos iyo Barnabas wax aan yarayn kula murmeen oo ku su'aaleen iyaga, ayaa walaalihii waxay doorteen Bawlos iyo Barnabas iyo kuwo kale oo iyaga ka mid ah inay Yeruusaalem aadaan oo ay u tagaan rasuulladii iyo waayeelladii inay su'aashan kala hadlaan.

  • Fal 4:5-7
    3 aayado
    68%

    5¶ Markaasaa waxaa dhacday in maalintii dambe taliyayaashoodii iyo waayeelladoodii iyo culimmadoodii ay Yeruusaalem isugu soo wada urureen;

    6waxaana joogay Annas oo ahaa wadaadkii sare, iyo Kayafas, iyo Yooxanaa, iyo Aleksanderos, iyo in alla intii wadaadka sare xigaalo la ahayd.

    7Oo intay dhexda soo taageen bay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Xooggee ama magacee baad waxan ku samayseen?

  • 5Laakiin Yuhuuddii oo ka masayrsan ayaa nimanka suuqa ka soo kaxaysatay kuwo shar leh, urur bayna isu keeneen, oo magaaladii bay buuq ka dhigeen; oo markay gurigii Yasoon weerareen ayay waxay dooneen inay iyagii dadka u soo saaraan.

  • 2Oo markii Butros Yeruusaalem yimid, kuwii ka mid ahaa kuwii gudnaa ayaa la murmay isagii,

  • 7Oo markuu sidaas yidhina, waxaa Farrisiintii iyo Sadukiintii ka dhex dhacay muran, ururkiina waa kala qaybsamay.

  • 1¶ Intay dadkii la hadlayeen ayaa wadaaddadii iyo sirkaalkii macbudka iyo Sadukiintii u yimaadeen,

  • 6¶ Haddaba rasuulladii iyo waayeelladii baa ururay inay xaajadan ka tashadaan.

  • 15Laakiin intay amreen inay shirka dibadda uga baxaan, ayay wada hadleen iyagoo leh,

  • 17¶ Laakiin waxaa kacay wadaadkii sare iyo kuwii la socday oo dhan, kuwaas oo ka mid ahaa dariiqada Sadukiinta; markaasay iyagoo aad u xanaaqsan,

  • 12Anigoo qof la doodaya ama dad badan kicinaya laygama helin ama macbudka ama sunagogyada ama magaalada.

  • Fal 17:17-18
    2 aayado
    66%

    17Saas daraaddeed ayuu Yuhuuddii iyo nimankii cibaadaysnaa kula xaajooday sunagogga, suuqa dhexdiisana ayuu maalin walba kula xaajooday kuwii kula kulmayba.

    18Waxaana la kulmay isagii kuwo ka mid ah faylosuufiinta Ebikuriyiin iyo Istoo'ikiin ah. Qaar baa waxay yidhaahdeen, Ninkan dawdarka ihi muxuu odhan doonaa? Qaar kalena waxay yidhaahdeen, Wuxuu u eg yahay nin ilaahyo qalaad wax ka sheega; maxaa yeelay, wuxuu dadkii ku wacdiyey Ciise iyo sarakicidda.

  • 1¶ Haddaba kiniisaddii Antiyokh ku tiil waxaa joogay nebiyo iyo macallimiin, kuwaas oo ahaa Barnabas, iyo Simecoon oo la odhan jiray Niger, iyo Lukiyos oo reer Kuranaya ah, iyo Mana'een oo la koray taliye Herodos, iyo Sawlos.

  • 6Oo markii sanqadhaas la maqlay, dadkii badnaa ayaa isu yimid, wayna yaabeen, maxaa yeelay, nin kastaa wuxuu maqlay iyagoo afkiisa ku hadlaya.

  • 45Laakiin Yuhuuddu markay arkeen dadkii faraha badnaa, waxaa iyaga ka buuxsamay masayr, wayna beeneeyeen waxyaalihii Bawlos ku' hadlay, waana caayeen.

  • 14¶ Laakiin Butros intuu koob-iyo-tobankii isla taagay, ayuu sare u qaaday codkiisa oo ku yidhi iyaga, Niman yahow reer Yahuudiya iyo dhammaantiinan Yeruusaalem degganow, tan ogaada oo hadalladayda dhegaysta.

  • 8Markaasay dhib geliyeen dadkii badnaa iyo taliyayaashii magaalada oo waxyaalahaas maqlay.

  • 1¶ Haddaba markay sii dhex mareen Amfibolis iyo Abollooniya ayay waxay yimaadeen Tesaloniika meeshaas oo sunagogga Yuhuuddu ahaa;

  • 22Markaasaa dadkii badnaa ku wada kaceen; oo xaakinnadiina dharkoodii bay ka jeexeen, waxayna ku amreen in la uleeyo.

  • 2Kolkay maqleen inuu af Cibraaniga kula hadlay, ayay sidii hore ka sii aamuseen. Markaasuu ku yidhi,

  • 34Laakiin waxaa shirkii iska dhex taagay mid Farrisiinta ka mid ahaa oo la odhan jiray Gamalii'eel, kaas oo ahaa macallinkii sharciga, dadkuna aad u maamuusi jireen, oo wuxuu amray in nimanka dibadda cabbaar loo saaro.

  • 15Markii sharcigii iyo nebiyadii la akhriyey dabadeed kuwii sunagogga u sarreeyey ayaa cid u soo diray iyagoo leh, Walaalayaalow, haddaad dadka u haysaan hadal waana ah, dhaha.