Falimaha Rasuullada 13:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Haddaba kiniisaddii Antiyokh ku tiil waxaa joogay nebiyo iyo macallimiin, kuwaas oo ahaa Barnabas, iyo Simecoon oo la odhan jiray Niger, iyo Lukiyos oo reer Kuranaya ah, iyo Mana'een oo la koray taliye Herodos, iyo Sawlos.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 11:22-27 : 22 ¶ Oo warkii iyaga ku saabsanaa baa wuxuu soo gaadhay kiniisaddii Yeruusaalem ku tiil; markaasay Barnabas tan iyo Antiyokh u direen; 23 kaasoo farxay markuu yimid oo arkay nimcada Ilaah; wuxuuna kulligood ku waaniyey inay Rabbiga ku xajistaan niyad qalbiga ka timid, 24 maxaa yeelay, nin wanaagsan buu ahaa oo waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah iyo rumaysad; dad badan baana Rabbiga u kordhay. 25 Markaasuu Tarsos tegey inuu Sawlos ka doono; 26 markuu soo helayna, ayuu Antiyokh keenay. Waxaana dhacday inay sannad dhan kiniisadda la urureen oo ay dad badan wax bareen, oo meeshii ugu horraysay ee xertii loogu yeedhay Masiixiyiin waxay ahayd Antiyokh. 27 ¶ Wakhtigaas waxaa Yeruusaalem ka yimid nebiyo inay Antiyokh tagaan.
  • Fal 4:36 : 36 ¶ Markaasaa Yuusuf oo rasuulladu ugu yeedhi jireen Barnabas, kan lagu micneeyey Wiilkii dhiirigelinta, oo qoladiisu Laawi ahayd oo reer Qubrus u dhashay,
  • Luuk 3:1 : 1 ¶ Waxay ahayd sannaddii shan iyo tobnaad oo Tiberiyas Kaysar boqranaa, markii Bontiyos Bilaatos xukumi jiray Yahuudiya, oo Herodos taliye u ahaa Galili, walaalkiis Filibosna taliye u ahaa Ituraya iyo dalkii Tarakhoonitis, oo Lusaniyas taliye u ahaa Abilene,
  • Fal 15:32 : 32 Yuudas iyo Silas, iyagoo qudhooduna nebiyo ahaa, ayay hadallo badan walaalihii ku waaniyeen oo ku xoogeeyeen.
  • 1 Kor 12:28-29 : 28 Ilaah markii hore kiniisadda qaar wuxuu uga dhigay rasuullo, markii labaadna qaar kale nebiyo, markii saddexaadna qaar kale macallimiin, dabadeedna qaar cajaa'ibyo sameeya, qaarna kuwo leh hadiyado wax lagu bogsiiyo, qaarna kaalmeeyayaal, qaarna taliyayaal, iyo qaar afaf kala cayn ah ku hadla. 29 Dhammaan ma wada rasuullo baa? Dhammaan ma wada nebiyo baa? Dhammaan ma wada macallimiin baa? Dhammaan ma wada cajaa'ibyo sameeyayaal baa?
  • Room 12:6-7 : 6 Innagoo haysanna hadiyado ku kala duwan nimcadii layna siiyey, hadday tahay wax sii sheegid, aan wax ku sii sheegno sida qaybta rumaysadkeenna. 7 Ama hadday tahay adeegid, aan aad u adeegno; kii wax baraana, si fiican wax ha u baro;
  • Ef 4:11 : 11 Oo qaar wuxuu ka dhigay inay ahaadaan rasuullo, qaarna nebiyo, qaarna wacdiyayaal, qaarna kuwo kiniisadda dhaqaaleeya, iyo macallimiin.
  • Fil 4:22 : 22 Quduusiinta oo dhammu way idin soo salaamayaan, khusuusan kuwa guriga Kaysar jooga.
  • 1 Tes 5:20 : 20 Wax sii sheegiddana ha quudhsanina.
  • Room 16:21 : 21 ¶ Waxaa idin soo salaamaya Timoteyos oo ila shaqeeya, iyo Lukiyos, iyo Yasoon, iyo Soosibater, iyagoo ah xigaalkayga.
  • 1 Kor 9:6 : 6 Mise aniga iyo Barnabas oo keliyaan jid u lahayn inaannan shaqayn?
  • 1 Kor 14:24-25 : 24 Laakiin hadday dhammaantood wax sii sheegaan oo uu u yimaado mid aan rumaysanayn ama aan garanaynini, isaga waa la wada canaantaa, oo la wada xukumaa. 25 Waxyaalaha qarsoon ee qalbigiisa waa la muujiyaa, oo taa aawadeed wejigiisuu u dhici doonaa oo Ilaah ayuu caabudi doonaa isagoo odhanaya, Runtii Ilaah waa idin dhex joogaa.
  • Gal 2:9 : 9 oo kolkay ogaadeen nimcada lay siiyey, Yacquub iyo Keeyfas iyo Yooxanaa, iyagoo loo sharfay sida tiirar, waxay aniga iyo Barnabas na siiyeen gacanta midigta oo wehelnimada, inaannu annagu u tagno dadka aan Yuhuudda ahayn, iyaguna ay u tagaan kuwa gudan.
  • Gal 2:13 : 13 Yuhuudda inteedii kalena sidaas oo kalay labawejiilayaal la ahaayeen isaga, sidaas daraaddeed labawejiilenimadoodii waxay la tagtay xataa Barnabas.
  • Mat 14:1-9 : 1 ¶ Waagaas taliye Herodos ayaa warkii Ciise maqlay, 2 oo wuxuu midiidinyadiisii ku yidhi, Kanu waa Yooxanaa Baabtiisaha. Kuwii dhintay ayuu ka soo sara kacay, sidaa darteed shuqulladan xoogga leh waa ku dhex jiraan oo shaqaynayaan. 3 Waayo, Herodos baa Yooxanaa qabtay oo intuu xidhay ayuu u xabbisay, walaalkiis Filibos naagtiisii Herodiya aawadeed. 4 Waayo, Yooxanaa wuxuu ku yidhi, Xalaal kuuma aha inaad haysatid, 5 oo goortuu doonay inuu dilo, dadkii badnaa ayuu ka baqay, maxaa yeelay, waxay u haysteen sidii nebi oo kale. 6 Goortii maalintii la xusuustay dhalashadii Herodos timid, gabadhii Herodiya ayaa dadkii dhexdiisa ku cayaartay, oo Herodos ayay ka farxisay. 7 Kolkaasuu dhaar ku ballanqaaday inuu siiyo wixii ay weyddiisatoba. 8 Iyadoo hooyadeed hore ula soo talisay ayay tidhi, Halkan xeedho igu soo sii madaxa Yooxanaa Baabtiisaha. 9 Boqorkii waa calool xumaaday, laakiin dhaarihiisii iyo kuwii la fadhiyey aawadood ayuu ku amray in la siiyo. 10 Markaasuu cid diray oo Yooxanaa xabsigaa madaxa lagaga gooyay.
  • Fal 15:35 : 35 Laakiin Bawlos iyo Barnabas ayaa Antiyokh sii joogay, oo waxay kuwo badan oo kale la barayeen oo kula wacdiyeyeen ereyga Rabbiga.
  • Fal 19:6 : 6 Markii Bawlos gacmaha dul saarayna ayaa Ruuxa Quduuska ahu ku soo degay iyagii; markaasay afaf kale ku hadleen oo ay wax sii sheegeen;
  • Fal 21:9 : 9 Ninkanu wuxuu lahaa afar gabdhood oo bikrado ah oo wax sheegi jiray.
  • Fal 11:30 : 30 oo sidaasay yeeleen, oo waxay waayeelladii ugu sii dhiibeen gacanta Barnabas iyo Sawlos.
  • Fal 13:9 : 9 Laakiin Sawlos, oo ahaa Bawlos, kaasoo Ruuxa Quduuska ahu ka buuxsamay, ayaa aad u fiiriyey,
  • Fal 14:26-27 : 26 meeshaasna waxay uga dhoofeen Antiyokh, taasoo ahayd meeshii iyaga lagaga ammaana geliyey nimcadii Ilaah shuqulkii ay sameeyeen aawadiis. 27 Oo markay yimaadeen oo kiniisaddii isu ururiyeen waxay uga warrameen waxyaalihii Ilaah iyaga la sameeyey oo dhan iyo siduu albaabka iimaanka ugu furay dadkii aan Yuhuudda ahayn.
  • Luuk 3:19-20 : 19 Laakiin kolkuu taliye Herodos u canaantay walaalkiis Filibos naagtiisii Herodiya aawadeed, iyo waxyaalaha xunxun oo Herodos sameeyey oo dhan aawadood, 20 ayaa Herodos waxan oo dhan weliba ku daray inuu Yooxanaa ku xidho xabsigii.
  • Luuk 13:31-32 : 31 ¶ Markaas qudhiisa ayaa waxaa yimid qaar Farrisiin ah iyagoo ku leh, Bax oo ka tag meeshan, waayo, Herodos ayaa doonaya inuu ku dilo. 32 Wuxuu iyaga ku yidhi, Idinku u taga oo dawacaas u sheega, Bal eeg, maanta iyo berriba ayaan jinniyo saarayaa oo dad bogsiinayaa, maalinta saddexaadna ayaan kaamilmayaa.
  • Luuk 23:7-9 : 7 Goortuu ogaaday inuu ka mid ahaa kuwii Herodos xukumo, wuxuu u diray Herodos, kan qudhiisu Yeruusaalem joogay wakhtigaas. 8 ¶ Herodos goortuu Ciise arkay, aad buu u farxay, maxaa yeelay, ilaa wakhti dheer ayuu doonayay inuu arko, waayo, wax buu ka maqlay, oo wuxuu rajaynayay inuu calaamo ka arko. 9 Markaasuu su'aalo badan weyddiiyey, laakiin waxba uma uu jawaabin. 10 Wadaaddadii sare iyo culimmadii ayaa istaagay, oo aad iyo aad bay u ashtakeeyeen. 11 Herodos ayaa fududaystay oo ku majaajilooday, isaga iyo askartiisiiba, oo intuu dhar dhalaalaya u geliyey ayuu Bilaatos u celiyey.
  • Fal 8:1-3 : 1 ¶ Sawlosna raalli buu ka ahaa diliddiisa. Oo maalintaas kiniisaddii Yeruusaalem ku tiil aad baa loo silciyey; oo dhammaantoodna rasuulladii mooyaane waxay ku kala firdheen dalalka Yahuudiya iyo Samaariya. 2 ¶ Markaasaa niman cibaado leh Istefanos aaseen oo aad ugu baroorteen. 3 Laakiin Sawlos aad buu kiniisadda u rafaadiyey, oo intuu guri walba galay, ayuu rag iyo dumarba ka soo jiiday, oo xabsi ku riday.
  • Fal 9:1 : 1 ¶ Laakiin Sawlos oo weli dhaaranaya inuu cabsiiyo oo dilo xerta Rabbiga, ayuu wuxuu u tegey wadaadkii sare,
  • Fal 11:19-20 : 19 ¶ Haddaba kuwii u kala firidhsanaa, dhibaatadii kacday Istefanos aawadiis, waxay u sodcaaleen tan iyo Foynike iyo Qubrus iyo Antiyokh, iyagoo aan ereyga kula hadlin ninna, Yuhuudda oo keliya mooyaane. 20 Laakiin waxaa jiray qaar iyaga ka mid ah oo ahaa niman reer Qubrus iyo reer Kuranaya ahaa, kuwaasoo, kolkay Antiyokh yimaadeen, xataa Gariiggiina la hadlay, iyagoo ku wacdiyaya Rabbi Ciise.
  • Fal 12:25 : 25 ¶ Barnabas iyo Sawlos ayaa ka soo noqday Yeruusaalem markay shuqulkoodii soo dhammaysteen, oo waxay wateen Yooxanaa oo la odhan jiray Markos.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 13:2-9
    8 aayado
    80%

    2Oo markay Rabbiga caabudayeen oo soomanaayeen ayaa Ruuxa Quduuska ahu wuxuu ku yidhi, Barnabas iyo Sawlos iigu sooca shuqulkii aan ugu yeedhay.

    3Markay soomeen oo duceeyeen oo gacmahoodii saareen dabadeed ayay direen iyagii.

    4¶ Haddaba iyagoo Ruuxa Quduuska ahu soo diray waxay tageen Selukiya; meeshaasna waxay uga dhoofeen Qubrus.

    5Oo kolkay Salamis joogeen, ereygii Ilaah bay ku wacdiyeen sunagogyada Yuhuudda; oo Yooxanaa ayay kaaliye u haysteen.

    6Oo kolkay gasiiraddii oo dhan dhex mareen ayay waxay yimaadeen Bafos, taas oo ay kala kulmeen nin saaxir ah oo ahaa nebi been ah oo Yuhuudi ah oo magiciisa la odhan jiray Barciise;

    7kaas oo la jiray taliye Sergiyos Bawlos oo ahaa nin garasha leh. Kaasu markuu u yeedhay Barnabas iyo Sawlos, wuxuu doonayay inuu ereyga Ilaah maqlo.

    8Laakiin waxaa iyagii ka hor istaagay saaxirka Elumas (oo sidaas magiciisa loo fasiri jiray), oo wuxuu isku dayayay inuu taliyihii ka leexiyo iimaanka.

    9Laakiin Sawlos, oo ahaa Bawlos, kaasoo Ruuxa Quduuska ahu ka buuxsamay, ayaa aad u fiiriyey,

  • Fal 11:19-27
    9 aayado
    76%

    19¶ Haddaba kuwii u kala firidhsanaa, dhibaatadii kacday Istefanos aawadiis, waxay u sodcaaleen tan iyo Foynike iyo Qubrus iyo Antiyokh, iyagoo aan ereyga kula hadlin ninna, Yuhuudda oo keliya mooyaane.

    20Laakiin waxaa jiray qaar iyaga ka mid ah oo ahaa niman reer Qubrus iyo reer Kuranaya ahaa, kuwaasoo, kolkay Antiyokh yimaadeen, xataa Gariiggiina la hadlay, iyagoo ku wacdiyaya Rabbi Ciise.

    21Gacanta Rabbiguna waa la jirtay iyaga; oo kuwa tiro badan oo rumaystay baa Rabbiga u soo jeestay.

    22¶ Oo warkii iyaga ku saabsanaa baa wuxuu soo gaadhay kiniisaddii Yeruusaalem ku tiil; markaasay Barnabas tan iyo Antiyokh u direen;

    23kaasoo farxay markuu yimid oo arkay nimcada Ilaah; wuxuuna kulligood ku waaniyey inay Rabbiga ku xajistaan niyad qalbiga ka timid,

    24maxaa yeelay, nin wanaagsan buu ahaa oo waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah iyo rumaysad; dad badan baana Rabbiga u kordhay.

    25Markaasuu Tarsos tegey inuu Sawlos ka doono;

    26markuu soo helayna, ayuu Antiyokh keenay. Waxaana dhacday inay sannad dhan kiniisadda la urureen oo ay dad badan wax bareen, oo meeshii ugu horraysay ee xertii loogu yeedhay Masiixiyiin waxay ahayd Antiyokh.

    27¶ Wakhtigaas waxaa Yeruusaalem ka yimid nebiyo inay Antiyokh tagaan.

  • 27Laakiin Barnabas baa kaxeeyey, oo wuxuu u geeyey rasuulladii oo u sheegay siduu Rabbiga ugu arkay jidka, iyo inuu la hadlay, iyo siduu Dimishaq geesinimo ugu wacdiyey magaca Ciise.

  • 30oo sidaasay yeeleen, oo waxay waayeelladii ugu sii dhiibeen gacanta Barnabas iyo Sawlos.

  • 22¶ Kolkaasay la wanaagsanaatay rasuulladii iyo waayeelladii iyo kiniisaddii oo dhan inay iska dhex doortaan niman ay Antiyokh ula diraan Bawlos iyo Barnabas, kuwaas oo ahaa Yuudas oo la odhan jiray Barsabaas iyo Silas oo ahaa niman madax ah walaalaha dhexdooda.

  • 35Laakiin Bawlos iyo Barnabas ayaa Antiyokh sii joogay, oo waxay kuwo badan oo kale la barayeen oo kula wacdiyeyeen ereyga Rabbiga.

  • Fal 13:13-15
    3 aayado
    69%

    13¶ Haddaba Bawlos iyo kuwii la socday ayaa ka dhoofay Bafos, oo waxay yimaadeen Berga oo Bamfuliya ku jirta; markaasaa Yooxanaa ka tegey iyagii oo Yeruusaalem ku noqday.

    14Laakiin iyagu kolkii ay ka tageen Berga waxay yimaadeen Antiyokh oo Bisidiya ku jirta; oo maalintii sabtidana sunagogga ayay galeen oo fadhiisteen.

    15Markii sharcigii iyo nebiyadii la akhriyey dabadeed kuwii sunagogga u sarreeyey ayaa cid u soo diray iyagoo leh, Walaalayaalow, haddaad dadka u haysaan hadal waana ah, dhaha.

  • 5Hadalkiina waa ka wada farxiyey dadkii badnaa oo dhan; oo waxay doorteen Istefanos oo ahaa nin ay ka buuxaan rumaysad iyo Ruuxa Quduuska ahu, iyo Filibos, iyo Barokhoros, iyo Nikanoor, iyo Timoon, iyo Barmenaas, iyo Nikolas kii reer Antiyokh oo diinta soo galay.

  • 13Oo markay magaaladii galeen, waxay aadeen qolladdii sare, meeshay joogi jireen Butros iyo Yooxanaa iyo Yacquub iyo Andaros, iyo Filibos iyo Toomas, iyo Bartolomayos, iyo Matayos, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Simoon Qiiroleh, iyo Yuudas ina Yacquub.

  • 1¶ Sawlosna raalli buu ka ahaa diliddiisa. Oo maalintaas kiniisaddii Yeruusaalem ku tiil aad baa loo silciyey; oo dhammaantoodna rasuulladii mooyaane waxay ku kala firdheen dalalka Yahuudiya iyo Samaariya.

  • Fal 9:10-11
    2 aayado
    68%

    10¶ Haddaba waxaa Dimishaq joogay nin xer ah oo la odhan jiray Ananiyas; oo Rabbigu wuxuu kula hadlay riyo, isagoo ku leh, Ananiyasow. Isna wuxuu ku yidhi, Waa i kan, Rabbiyow.

    11Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Kac oo aad jidka la yidhaahdo Toosane, oo waxaad guriga Yuudas ka doontaa nin la yidhaahdo Sawlos oo reer Tarsos ah; oo bal eeg, waa tukanayaaye;

  • 21¶ Oo markay magaaladaas injiilkii ku wacdiyeen oo kuwo badan xer ka dhigeen, ayay ku noqdeen Lustara iyo Ikoniyon iyo Antiyokh,

  • 14¶ Haddaba markii rasuulladii Yeruusaalem joogay maqleen in Samaariya ereygii Ilaah aqbashay, ayay waxay u soo direen Butros iyo Yooxanaa,

  • 36¶ Markaasaa Yuusuf oo rasuulladu ugu yeedhi jireen Barnabas, kan lagu micneeyey Wiilkii dhiirigelinta, oo qoladiisu Laawi ahayd oo reer Qubrus u dhashay,

  • 30Kolkii walaalihii garteen, waxay keeneen Kaysariya, oo waxay u sii direen Tarsos.

  • 10iyo Farugiya iyo Bamfuliya, iyo Masar iyo meelaha Liibiya oo Kuranaya ku wareegsan, iyo ajanabiyo Rooma ka yimid oo ah Yuhuud iyo kuwa raacsan labadaba,

  • 26meeshaasna waxay uga dhoofeen Antiyokh, taasoo ahayd meeshii iyaga lagaga ammaana geliyey nimcadii Ilaah shuqulkii ay sameeyeen aawadiis.

  • 44¶ Sabtida dambe ayaa magaaladii oo dhan in yar mooyaane isugu timid inay maqasho ereyga Ilaah.

  • Fal 15:3-4
    2 aayado
    66%

    3Sidaas daraaddeed iyagoo kiniisaddu soo sagootiday, waxay sii dhex mareen Foynike iyo Samaariya, iyagoo ka warramaya sidii dadkii aan Yuhuudda ahayn u soo jeesteen; waxayna aad uga farxiyeen walaalihii oo dhan.

    4Oo markay Yeruusaalem yimaadeen, ayaa kiniisaddii iyo rasuulladii iyo waayeelladiiba soo dhoweeyeen, markaasay waxay uga warrameen waxyaalihii Ilaah iyaga la sameeyey oo dhan.

  • Fal 11:12-13
    2 aayado
    66%

    12Ruuxuna wuxuu ii sheegay inaan raaco iyaga, anoo aan shaki lahayn. Oo lixdatan walaalaha ihina way i raaceen; waxaannan galnay ninkii gurigiisii;

    13markaasuu wuxuu noo sheegay siduu gurigiisa ugu arkay malaa'igta taagan oo ku leh, Yaafaa cid u dir oo uga soo yeedh Simoon kan la yidhaahdo Butros;

  • 14¶ Walaalayaalow, i dhegaysta, Simecoon waa ka warramay sidii Ilaah markii ugu horraysay u soo booqday dadka aan Yuhuudda ahayn inuu dad uga soo bixiyo iyaga magiciisa aawadiis.

  • 9Laakiin waxaa kacay oo Istefanos la murmay kuwii sunagogga la odhan jiray sunagogga Libertiinta, iyo kan reer Kuranaya, iyo reer Iskanderiya, iyo kuwa Kilikiya iyo Aasiya.

  • 13Laakiin Ananiyas baa u jawaabay oo ku yidhi, Rabbiyow, waxaan dad badan ka maqlay ninkanu intuu shar badan u gaystay quduusiintaada Yeruusaalem jooga;

  • 25¶ Barnabas iyo Sawlos ayaa ka soo noqday Yeruusaalem markay shuqulkoodii soo dhammaysteen, oo waxay wateen Yooxanaa oo la odhan jiray Markos.

  • 14oo waxay ahayeen Simoon, kan uu Butros u bixiyey, iyo walaalkiis Andaros, iyo Yacquub iyo Yooxanaa, iyo Filibos iyo Bartolomayos, iyo

  • 9¶ Waxaa jiray nin Simoon la odhan jiray oo markii hore magaalada wax ku sixri jiray oo dadka reer Samaariya ka yaabin jiray, isagoo isugu sheegaya inuu yahay nin weyn.

  • 21Markaas dabadeed waxaan imid xagga dalalka Suuriya iyo Kilikiya,

  • 17¶ Markaasaa Ananiyas tegey oo gurigii galay, oo intuu gacmihiisa dul saaray, ayuu wuxuu ku yidhi, Walaal Sawlosow, Rabbi Ciise oo kuugu muuqday jidkaad ku timid baa ii soo diray inaad araggaaga heshid iyo in Ruuxa Quduuska ahu kaa buuxsamo.

  • 5Haddaba waxaad niman u dirtaa Yaafaa inay u soo yeedhaan Simoon kan la yidhaahdo Butros.

  • 25sidaas daraaddeed waxaa nala wanaagsanaatay, annagoo isku qalbi noqonnay, inaannu soo dooranno niman aannu idiinla soo dirno gacaliyayaashayadii Barnabas iyo Bawlos,