Falimaha Rasuullada 1:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo markay magaaladii galeen, waxay aadeen qolladdii sare, meeshay joogi jireen Butros iyo Yooxanaa iyo Yacquub iyo Andaros, iyo Filibos iyo Toomas, iyo Bartolomayos, iyo Matayos, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Simoon Qiiroleh, iyo Yuudas ina Yacquub.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 20:8 : 8 Siraaddo badan baa ka baxayay qowladda sare oo aannu ku urursanayn.
  • Mat 10:2-4 : 2 ¶ Laba-iyo-tobanka rasuul magacyadoodu waa kuwan, Kan ugu horreeyaa waa Simoon, kan Butros la odhan jiray, iyo walaalkiis Andaros, iyo Yacquub ina Sebedi, iyo walaalkiis Yooxanaa, 3 iyo Filibos, iyo Bartolomayos, iyo Toomas, iyo Matayos oo cashuurqaadaha ahaa, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Tadayos, 4 iyo Simoon reer Kaana, iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.
  • Mark 2:14 : 14 Goortuu ag marayay, wuxuu arkay Laawi ina Alfayos, isagoo fadhiya meesha cashuurta lagu qaado, oo uu ku yidhi isaga, I soo raac. Wuuna kacay oo raacay.
  • Luuk 22:12 : 12 Wuxuu idin tusayaa qoolad weyn oo sare oo goglan, halkaa ku diyaargareeya.
  • Mark 3:16-19 : 16 Waxay ahaayeen Simoon, kan uu Butros u bixiyey, 17 iyo Yacquub ina Sebedi, iyo Yooxanaa, Yacquub walaalkiis, iyaga wuxuu u bixiyey Bo'anerges, waxaa weeye wiilashii onkodka, 18 iyo Andaros, iyo Filibos, iyo Bartolomayos, iyo Matayos, iyo Toomas, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Tadayos, iyo Simoon reer Kaana, 19 iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.
  • Mark 14:15 : 15 Wuxuu idin tusayaa qollad weyn oo sare oo goglan oo diyaar ah; halkaa inoogu diyaargareeya.
  • Fal 2:38 : 38 Markaasaa Butros iyagii ku yidhi, Toobadkeena, oo midkiin kasta ha lagu baabtiiso magaca Ciise Masiix dembidhaafkiinna aawadiis, oo waxaad heli doontaan hadiyadda ah Ruuxa Quduuska ah.
  • Fal 3:1-9 : 1 ¶ Haddaba saacaddii sagaalaad oo wakhtigii salaadda ah ayaa Butros iyo Yooxanaa macbudka tageen. 2 Waxaa la soo qaaday nin curyaannimo uurkii hooyadiis kala soo baxay oo maalin walba la ag dhigi jiray albaabka macbudka oo la odhan jiray Qurux Badane inuu kuwa macbudka gelayay dawarsado. 3 Isagu, markuu arkay Butros iyo Yooxanaa oo ku dhow inay macbudka galaan, ayuu dawarsaday iyaga. 4 Markaasaa Butros, oo Yooxanaa la socdo, intuu aad u fiiriyey isaga, ku yidhi, Na soo eeg. 5 Markaasuu u fiirsaday iyaga, isagoo filanaya inuu iyaga wax ka helo. 6 Laakiin Butros baa ku yidhi, Lacag iyo dahab midna ma haysto, laakiin waxaan haystaan ku siinayaa. Magaca Ciise Masiix, kii reer Naasared, ku soco. 7 Markaasuu intuu gacanta midigtaa ku dhegay ayuu sara kiciyey; oo markiiba cagihiisii iyo anqowyadiisiiba waa xoogaysteen. 8 Intuu kor u booday ayuu istaagay oo socod bilaabay; markaasuu iyaga macbudkii la galay, isagoo socda oo boodboodaya oo Ilaah ammaanaya. 9 Dadkii oo dhammuna waxay arkeen isagoo socda oo Ilaah ammaanaya; 10 markaasay waxay garteen inuu isagu yahay kii Albaabkii Quruxda Badnaa agtiisa dawarsiga u fadhiisan jiray; markaasay yaab iyo amankaag ula dhinteen wixii ku dhacay isaga.
  • Fal 4:13 : 13 ¶ Markay arkeen Butros iyo Yooxanaa dhiirranaantoodii, oo ay garteen inay yihiin niman aan wax baran, jaahiliinna ah, ayay yaabeen; markaasay garteen inay Ciise la joogi jireen.
  • Fal 4:19 : 19 Laakiin Butros iyo Yooxanaa ayaa u jawaabay iyagii oo ku yidhi, Idinku kala xukuma inay Ilaah hortiisa ku qumman tahay inaannu idinka idin maqallo intaannu Ilaah maqli lahayn, iyo in kale;
  • Fal 8:14-25 : 14 ¶ Haddaba markii rasuulladii Yeruusaalem joogay maqleen in Samaariya ereygii Ilaah aqbashay, ayay waxay u soo direen Butros iyo Yooxanaa, 15 kuwaasoo markay yimaadeen, u duceeyey iyaga inay Ruuxa Quduuska ah helaan; 16 maxaa yeelay, midkoodna weli kuma uu soo degin; laakiinse magaca Rabbi Ciise oo keliya ayaa lagu baabtiisay. 17 Markaasay gacmahooda saareen, oo waxay heleen Ruuxa Quduuska ah. 18 ¶ Haddaba Simoon markuu arkay in markii rasuulladu gacmahooda saareen, waxaa la siiyey Ruuxa Quduuska ah, ayuu lacag u taagay, 19 isagoo leh, Anigana i siiya xooggan in nin kastoo aan gacmahayga saaroba, uu helo Ruuxa Quduuska ah. 20 Laakiin Butros baa wuxuu ku yidhi, Lacagtaadu ha kula baabba'do, maxaa yeelay, waxaad u malaysay in hadiyadda Ilaah lacag lagu helo. 21 Xaalkan kuma lihid ama qayb ama badh; maxaa yeelay, qalbigaagu Ilaah hortiisa kuma qummana. 22 Sidaas aawadeed xumaantaadan ka toobadkeen, Rabbigana ka bari in fikirka qalbigaaga lagaa cafiyo. 23 Waayo, waxaan arkaa adigoo ku jira xammeetida qadhaadhnimada, kuna xidhan xaqdarrada. 24 Markaasaa Simoon u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga ii barya inaan waxyaalahaas aad ku hadasheen midkoodna igu dhicin. 25 ¶ Haddaba iyagu markay marag fureen oo Rabbiga ereygiisa ku hadleen, waxay ku noqdeen Yeruusaalem, waxayna tuulooyin badan oo reer Samaariya ah ku wacdiyeen injiilka.
  • Fal 9:32-43 : 32 ¶ Oo waxaa dhacay intuu Butros marayay dhinacyada oo dhan inuu u yimid quduusiintii Ludda degganayd. 33 Halkaasna wuxuu ka helay nin la odhan jiray Ayne'as, kaas oo siddeed sannadood sariirtiisa jiifay, maxaa yeelay, curyaan buu ahaa. 34 Markaasaa Butros wuxuu ku yidhi, Ayne'asow, Ciise Masiix baa ku bogsiinaya; kac oo sariirtaada gogol. Oo markiiba wuu kacay. 35 Kuwii Ludda iyo Sharoon degganaana waa arkeen, oo Rabbigay u soo jeesteen. 36 ¶ Haddaba waxaa Yaafaa joogi jirtay naag xer ah oo la odhan jiray Tabita taasoo micneheedu yahay Dorkas. Naagtaas waa camal wanaagsanayd, sadaqooyinna waa bixin jirtay. 37 Wakhtigaas waxaa dhacday inay bukootay, wayna dhimatay, kolkay maydheenna waxay dhigeen qollad sare. 38 Dhowaantii ay Ludda u dhowayd Yaafaa aawadeed, xertii markay maqleen in Butros halkaas joogo, waxay u direen laba nin iyagoo ka baryaya oo leh, Ha ka raagin inaad noo timaadid. 39 Markaasaa Butros kacay oo raacay iyagii. Oo kolkuu yimidna, waxay geeyeen qolladdii sare; carmalladii oo dhammina waa ag taagnaayeen iyagoo ooyaya oo tusaya garbageliyaashii iyo dharkii Dorkas samaysay intay la joogi jirtay iyaga. 40 Laakiin Butros baa dhammaantood dibadda u saaray, markaasuu jilba joogsaday oo duceeyey, oo intuu meydka xaggiisa u jeestay ayuu ku yidhi, Tabitay, kac. Markaasay indhihii kala qaadday; oo markay Butros aragtayna way fadhiisatay. 41 Markaasuu gacan siiyey oo kiciyey; oo markuu u yeedhay quduusiintii iyo carmalladiiba, iyadoo nool ayuu hor taagay. 42 Taasna waa laga wada ogaaday Yaafaa oo dhan; kuwa badanna waa rumaysteen Rabbiga. 43 Waxaana dhacday inuu maalmo badan Yaafaa la joogay nin la yidhaahdo Simoon oo megdeeye ah.
  • Fal 10:9-9 : 9 ¶ Haddaba maalintii dambe intay safrayeen oo magaalada ku soo dhowaanayeen, ayaa Butros wuxuu tegey gurigii dushiisa inuu ku tukado abbaaraha saacaddii lixaad, 10 waana gaajooday oo wuxuu doonayay inuu wax cuno; laakiin intay wax u diyaarinayeen ayuu riyooday, 11 wuxuuna arkay samada oo furantay, oo waxaa soo degayay weel sida shiraaq weyn oo kale oo afartiisa geesood loogu soo dejinayo dhulka; 12 oo waxaana ku jiray jinsi kasta oo xayawaan afar lugood leh iyo waxa dhulka gurguurta iyo haadda cirka. 13 Oo waxaa isaga u yimid cod leh, Kac, Butrosow; gowrac oo cun. 14 Laakiin Butros wuxuu yidhi, Saas yaanay noqon, Rabbiyow, maxaa yeelay, weligay ma aan cunin wax xaaraan ah oo aan nadiif ahayn. 15 Mar labaad codkii baa u yimid isagoo leh, Wixii Ilaah nadiifiyey, xaaraan ha ka dhigin. 16 Taasuna waxay dhacday saddex goor; markiibana weelkii waa loo qaaday samada. 17 ¶ Haddaba Butros intuu si aad ah ugu wareersaday riyadii uu arkay waxay micneheedu ahayd, bal eega, nimankii Korneeliyos soo diray, iyagoo mar weyddiistay gurigii Simoon, ayay waxay istaageen albaabka hortiisa, 18 waxayna u yeedheen oo weyddiisteen in Simoon, kan la yidhaahdo Butros, uu meeshaas marti ku yahay iyo in kale. 19 Oo Butros intuu riyadii ka fikirayay ayaa Ruuxu wuxuu ku yidhi, Bal eeg, saddex nin baa ku raadinaysa. 20 Haddaba kac oo hoosta tag oo raac, adoo aan shaki lahayn, maxaa yeelay, anaa soo diray. 21 Markaasaa Butros nimankii hoos ugu tegey, oo wuxuu ku yidhi, Bal eega, anigu waxaan ahay kaad raadinaysaan. Waa maxay sababta aad u timaadeen? 22 Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Korneeliyos oo boqol askari u taliya oo nin xaqa ah, Ilaahna ka cabsada, oo quruunta Yuhuudda oo dhammuna wanaaggiisa u markhaati furto, waxaa u digay isaga malaa'ig quduus ah inuu gurigiisa kuugu yeedho, hadallona kaa maqlo. 23 Sidaas aawadeed ayuu gudaha ugu yeedhay oo marti geliyey. Maalintii dambe ayuu kacay oo iyagii la baxay, walaalihii Yaafaa joogana qaarkood ayaa raacay isagii. 24 ¶ Maalintii dambe waxay soo galeen Kaysariya. Korneeliyosna iyaguu sugayay isagoo isugu yeedhay xigtadiisii iyo saaxiibbadiisii u dhowaa. 25 Markuu Butros soo galay, ayaa Korneeliyos ka hor yimid, lugihiisana ku dhacay, waana caabuday. 26 Laakiin Butros baa kiciyey oo ku yidhi, Istaag; aniga qudhayduba nin baan ahay. 27 Oo intuu isagii la hadlayay, ayuu soo galay, oo wuxuuna arkay kuwo badan oo isu yimid; 28 markaasuu ku yidhi iyagii, Idinka qudhiinnu waa og tihiin inay xaaraan u tahay nin Yahuudi ah inuu ku darmado ama u dhowaado nin quruun kale ah; hase ahaatee Ilaah baa i tusay inaanan ninna ku sheegin nin xaaraan ah ama aan nadiif ahayn; 29 sidaas aawadeed, markii la ii yeedhay, waxaan imid diididla'aan. Saas darteed waxaan idin weyddiinayaa sababtii aad iigu soo yeedheen. 30 Markaasaa Korneeliyos wuxuu ku yidhi, Afar maalmood oo hore, saacaddan oo kale, ayaan joogay anoo gurigayga saacaddii sagaalaad ku tukanaya; oo bal eeg waxaa i hor istaagay nin qaba dhar dhalaalaya, 31 oo wuxuu yidhi, Korneeliyosow, baryadaadii waa la maqlay, sadaqooyinkaagiina Ilaah hortiisa waa laga xusuustay. 32 Sidaas darteed Yaafaa cid u dir oo u yeedho Simoon, kan Butros la yidhaahdo. Wuxuu marti ku yahay guriga Simoon megdeeye oo badda dhinaceeda yaal. 33 Sidaas darteed markiiba cid baan kuu soo diray; oo si wanaagsan baadna u samaysay inaad timid. Haddaba sidaa darteed dhammaantayo halkan waa wada joognaa Ilaah hortiisa, inaannu maqalno waxyaalihii Rabbigu kugu amray oo dhan.
  • Fal 12:2-3 : 2 Wuxuuna seef ku dilay Yacquub oo ahaa Yooxanaa walaalkiis. 3 Oo markuu arkay inay ka farxisay Yuhuuddii, ayuu weliba ku daray inuu soo qabto Butros. Maalmahaasna waxay ahaayeen maalmihii Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn.
  • Fal 12:17 : 17 Laakiin isagoo u gacan haadinaya inay aamusaan ayuu wuxuu u sheegay sida Rabbigu xabsiga uga soo saaray. Wuxuuna ku yidhi, Waxyaalahan u sheega Yacquub iyo walaalahaba. Markaasuu ka tegey oo meel kale aaday.
  • Fal 15:7-9 : 7 Oo kolkay wax badan su'aaleenna, Butros baa istaagay oo ku yidhi iyagii, Walaalayaalow, waad og tihiin in maalmo hore Ilaah dhexdiinna ka doortay in dadka aan Yuhuudda ahayn ay afkayga ereygii injiilka ka maqlaan oo ay rumaystaan. 8 ¶ Oo Ilaaha qalbiga garta ayaa u markhaati furay iyaga, wuxuuna iyaga siiyey Ruuxa Quduuska ah siduu innagana inoo siiyey; 9 oo inama kala soocin innaga iyo iyaga, laakiin qalbiyadooda rumaysad buu ku nadiifiyey. 10 Haddaba maxaad Ilaah u jirrabaysaan inaad harqood qoorta xerta saartaan, kaasoo innaga iyo awowayaasheen aynaan qaadi karin? 11 Laakiin waxaan rumaysan nahay inaynu ku badbaadi doonno nimcadii Rabbi Ciise siday ugu badbaadi doonaan.
  • Fal 15:13 : 13 Kolkay aamuseen dabadeed ayaa Yacquub u jawaabay, isagoo leh,
  • 1 Kor 15:7 : 7 Gortaasuu Yacquub u muuqday, markaas rasuullada oo dhan.
  • Gal 1:19 : 19 Laakiin rasuulladii kale midna kama arag, Yacquub oo ah Sayidka walaalkiis mooyaane.
  • Gal 2:9 : 9 oo kolkay ogaadeen nimcada lay siiyey, Yacquub iyo Keeyfas iyo Yooxanaa, iyagoo loo sharfay sida tiirar, waxay aniga iyo Barnabas na siiyeen gacanta midigta oo wehelnimada, inaannu annagu u tagno dadka aan Yuhuudda ahayn, iyaguna ay u tagaan kuwa gudan.
  • Yac 1:1 : 1 ¶ Yacquub, oo ah addoonkii Ilaah iyo Rabbi Ciise Masiix, wuxuu salaan gaadhsiinayaa laba iyo tobanka qolo oo kala firidhsan.
  • 1 Yoox 1:1-5 : 1 ¶ Waxaannu idiin soo qoraynaa wax ku saabsan wixii tan iyo bilowgii jiray, oo aannu maqalnay, oo aannu indhahayaga ku aragnay, oo aannu eegnay, oo ay gacmahayagu taabteen oo Ereyga nolosha ah. 2 Nolosha waa la muujiyey, oo waannu aragnay, waanan u marag furaynaa, oo waxaannu idiinka warramaynaa nolosha weligeed ah, ta Aabbaha la jirtay oo lanoo muujiyey. 3 Wixii aannu aragnay oo aannu maqalnay ayaannu idiinka warramaynaa, si aad idinkuna noo soo wehelisaan; oo wehelnimadeennu waa mid la jirta Aabbaha iyo Wiilkiisa Ciise Masiix ah. 4 Oo waxaannu waxyaalahan idiinku soo qoraynaa si ay farxaddiinnu u buuxsanto. 5 ¶ Warkii aannu ka maqalnay oo aan idiinka warramayno wuxuu yahay, in Ilaah nuur yahay, oo isaga aan gudcur ku jirin innaba.
  • 2 Yoox 1:1-3 Yoox 1:14 : 1 ¶ Anigoo odayga ah waxaan salaamayaa marwada la doortay iyo carruurteeda aan runta ku jeclahay, keligayna ma ahaye, laakiin xataa waxaa jecel kuwa runta yaqaan oo dhan, 2 runta inagu dhex jirta, weligeedna inagu dhex jiri doonta aawadeed. 3 Nimco iyo naxariis iyo nabad ka yimaada Ilaaha Aabbaha ah iyo Ciise Masiix oo ah Wiilka Aabbaha ayaa inala jiri doona xagga runta iyo jacaylka. 4 ¶ Aad baan ugu farxay markaan arkay carruurtaadii qaarkood oo runta ku socda, waana sidaynu Aabbaha amar uga helnay. 5 Oo haatan waxaan kaa baryayaa, murwoy, sidii anigoo aan kuu soo qorayn amar cusub laakiinse kii aynu tan iyo bilowgii haysannay, kaasoo ah inaynu isjeclaanno. 6 Tanu waa jacayl inaynu amarradiisa ku soconno. Amarkiina waa kan, waana sidaad tan iyo bilowgii u maqli jirteen inaad ku socotaan. 7 Waayo, khaa'inno badan baa dunida u soo baxay, waana kuwa aan qiran in Ciise Masiix jidh ku yimid. Kaasu waa khaa'inka iyo ku Masiixa ka gees ah. 8 Iska jira si aydnaan u khasaarayn wixii aynu falnay, laakiinse si aad abaalgud dhan u heshaan. 9 Mid kasta oo dhaafa oo aan cilmiga Masiixa ku sii socon, kaasu Ilaah ma leh; laakiin kii cilmiga ku sii socdaa, Aabbaha iyo Wiilka labadaba wuu leeyahay. 10 Haddii nin idiin yimaado oo uusan cilmigan idiin keenin, gurigiinna ha soo gelinina, hana salaamina, 11 waayo, kii salaamaa, wuxuu ka qayb galaa shuqulladiisa sharka ah. 12 ¶ In kastoo aan hayo wax badan oo aan idiin soo qoro, ma aan jeclayn inaan warqad iyo khad idiinku soo qoro; laakiinse waxaan rajaynayaa inaan idiin imaado oo aan afkayga idinkula hadlo, si ay farxaddiinnu u buuxsanto. 13 ¶ Carruurtii walaashaada la doortay way ku soo salaamayaan. 1 ¶ Anigoo odayga ah waxaan warqaddan u qorayaa gacaliye Gayos oo aan runta ku jeclahay. 2 ¶ Gacaliyow, waxaan kuugu duceeyaa inaad wax kasta ku liibaantid oo aad caafimaad qabtid siday naftaadu u liibaansan tahay. 3 Waayo, aad baan ugu farxay markii walaalo yimaadeen oo ka markhaati fureen runtaada iyo sidaad runta ugu socotid. 4 Ma lihi farxad tan iiga weyn inaan maqlo in carruurtaydu ay runta ku socdaan. 5 ¶ Gacaliyow, aaminnimaad ku samaysaa shuqul kasta oo aad u samaysid walaalaha iyo shisheeyahaba. 6 Iyagu jacaylkaagay kiniisadda horteeda kaga markhaati fureen. Wanaag baad samayn lahayd haddii aad iyaga u ambabbixisid sida Ilaah istaahilo; 7 maxaa yeelay, magiciisa aawadiis ayay u ambabbexeen iyagoo aan waxba ka qaadan dadka aan Yuhuudda ahayn. 8 Sidaas daraaddeed waxaa inagu waajib ah inaynu kuwaas oo kale soo dhowayno, si aynu u noqonno kuwa runta kala wada shaqeeya iyaga. 9 ¶ Wax baan kiniisadda u soo qoray, laakiinse Diyotrefees oo jecel inuu iyaga ka sarreeyo, na aqbali maayo. 10 Sidaas daraaddeed, haddaan imaado, waxaan xusuusin doonaa shuqulladiisa uu sameeyo isagoo hadallo xunxun nagu shubaya. Taasu kuma filla isaga, mana aqbalo walaalaha, kuwii aqbali lahaana wuu u diidaa, kiniisaddana wuu ka eryaa. 11 Gacaliyow, ha ku dayan waxa sharka ah, laakiinse ku dayo waxa wanaagsan. Ka samafalaa waa ku Ilaah, ka shar falaase Ilaah ma uu arkin. 12 Dadka oo dhammu way u markhaati furaan Deemeetriyos, runta qudheedu way u markhaati furtaa, annaguna waannu u markhaati furnaa, waanad og tahay in markhaatifurkayagu run yahay. 13 ¶ Waxaan hayay waxyaalo badan oo aan kuu soo qoro, laakiinse dooni maayo inaan qalin iyo khad kuugu soo qoro. 14 Laakiin waxaan rajaynayaa inaan dhowaan ku arko, oo aynu afkeenna iskula hadli doonno.
  • Yuud 1:1 : 1 ¶ Anigoo Yuudas ah oo ah addoonkii Ciise Masiix, Yacquubna walaalkiis ah, waxaan warqaddan u qorayaa kuwa loo yeedhay oo Ilaaha Aabbaha ahu jecel yahay, Ciise Masiixna loo dhawray.
  • Muj 1:1-3 : 1 ¶ Tanu waa muujintii Ciise Masiix oo Ilaah isaga siiyey inuu tuso addoommadiisa waxyaalaha waajibka ah inay dhowaan dhacaan. Oo isagu wuxuu taas tusay addoonkiisii Yooxanaa isagoo malaa'igtiisa u soo diraya isaga, 2 kaasoo ka markhaati furay erayga Ilaah iyo markhaatifuridda Ciise Masiix, iyo wixii uu isagu arkay oo dhan. 3 Waxaa barakaysan ka akhriya iyo kuwa maqla erayadii wax sii sheegidda, oo xajiya waxyaalaha ku qoran, waayo, wakhtigii wuu dhow yahay.
  • Mark 14:33 : 33 Oo wuxuu watay Butros iyo Yacquub iyo Yooxanaa, oo wuxuu bilaabay inuu calool xumaado oo tiraanyoodo.
  • Luuk 5:27-29 : 27 ¶ Waxyaalahaas dabadood ayuu baxay, oo wuxuu arkay cashuurqaade Laawi la odhan jiray oo fadhiya meeshii cashuurta lagu qaado, oo wuxuu ku yidhi, I soo raac. 28 Markaasuu wax walba ka tegey, wuuna kacay oo raacay. 29 Laawi wuxuu gurigiisa ugu sameeyey diyaafad weyn. Waxaana joogay qaar badan oo cashuurqaadayaal ah iyo qaar kale oo cunto ula fadhiya iyaga.
  • Luuk 6:13-16 : 13 Oo goortay maalin noqotay ayuu xertiisii u yeedhay. Markaasuu laba iyo toban ka soo saaray, wuxuuna u bixiyey rasuullo; 14 oo waxay ahayeen Simoon, kan uu Butros u bixiyey, iyo walaalkiis Andaros, iyo Yacquub iyo Yooxanaa, iyo Filibos iyo Bartolomayos, iyo 15 Matayos iyo Toomas, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Simoon oo la odhan jiray Qiiroleh, 16 iyo Yuudas ina Yacquub, iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.
  • Mark 5:37 : 37 Ninnana uma oggolaanin inuu raaco, Butros, iyo Yacquub, iyo Yooxanaa oo ahaa Yacquub walaalkiis, maahee.
  • Mark 9:2 : 2 ¶ Lix maalmood dabadeed Ciise wuxuu waday Butros iyo Yacquub iyo Yooxanaa; oo wuxuu keligood geeyey buur dheer, hortoodana ayuu ku beddelmay.
  • Yoox 1:40-46 : 40 Mid ka mid ah labadii maqashay Yooxanaa oo raacday, wuxuu ahaa Andaros, Simoon Butros walaalkiis. 41 Isagu wuxuu hortii doonay walaalkiis Simoon oo ku yidhi, Waannu helnay Masiixa (kan lagu fasiro Kiristooska). 42 Markaasuu wuxuu u geeyey Ciise. Ciisena intuu eegay ayuu wuxuu ku yidhi, Adigu waxaad tahay Simoon ina Yoonis. Waxaa lagu odhan doonaa Keeyfas (oo fasirkiisu yahay Butros). 43 ¶ Maalintii labaad wuxuu doonayay inuu Galili tago, oo wuxuu helay Filibos. Ciisena wuxuu ku yidhi, I soo raac. 44 Filibos wuxuu ahaa reer Beytsayda taas oo ah magaaladii Andaros iyo Butros. 45 Markaasaa Filibos wuxuu doonay Nataana'el oo ku yidhi, Waxaannu helnay kii Muuse sharciga ku qoray wax isaga ku saabsan, oo nebiyadiina ay qoreen wax isaga ku saabsan, waana Ciisihii reer Naasared oo ah ina Yuusuf. 46 Nataana'el wuxuu ku yidhi, Ma wax wanaagsan baa ka iman kara Naasared? Markaasaa Filibos wuxuu ku yidhi, Kaalay oo arag.
  • Yoox 6:5-7 : 5 Haddaba Ciise intuu indhihiisii kor u qaaday, ayuu wuxuu arkay dad badan oo soo socda, wuxuuna Filibos ku yidhi, Xaggee baynu kibis ka soo iibinnaa inay kuwanu cunaan? 6 Wuxuu waxaas ugu yidhi inuu jirrabo isaga, waayo, isaga qudhiisu waa ogaa wuxuu samayn lahaa. 7 Filibos wuxuu ugu jawaabay, Laba boqol oo dinaar oo kibis ahi kuma filla in nin walba wax yar qaato.
  • Yoox 11:16 : 16 Sidaa aawadeed Toomas, kii Didumos la odhan jiray, wuxuu ku yidhi xertii la socotay, Innaguna aan tagno si aynu ula dhimanno.
  • Yoox 12:21-22 : 21 Kuwaas haddaba waxay u yimaadeen Filibos oo ahaa reer Beytsayda ee Galili, wayna weyddiisteen oo waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, waxaannu doonaynaa inaannu Ciise aragno. 22 Markaasaa Filibos u yimid oo Andaros u sheegay, oo haddana Andaros iyo Filibos baa wada yimid, oo ay Ciise u sheegeen.
  • Yoox 13:23-25 : 23 Waxaa joogay oo laabta Ciise ku tiirsanaa xertiisa midkood oo uu Ciise jeclaa. 24 Sidaa daraaddeed ayaa Simoon Butros calaamo u sameeyey oo ku yidhi, Noo sheeg yuu yahay kan uu ka hadlayo. 25 Isagoo sidii ugu tiirsan laabta Ciise, ayuu ku yidhi, Sayidow, waa kuma?
  • Yoox 14:8-9 : 8 ¶ Filibos baa ku yidhi, Sayidow, Aabbaha na tus, waana nagu filan yahay. 9 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ma intaas badan baan idinla joogay, oo aanad i garanaynin, Filibosow? Kii i arkay wuxuu arkay Aabbaha. Sidee baad u leedahay, Aabbaha na tus?
  • Yoox 18:17 : 17 Gabadhii albaabka ilaalinaysay waxay Butros ku tidhi, Adiguna ma waxaad tahay mid ka mid ah ninkan xertiisa? Wuxuu ku yidhi, Ma ihi.
  • Yoox 18:25-27 : 25 ¶ Simoon Butros ayaa taagnaa oo dabka kulaalayay. Haddaba waxay ku yidhaahdeen, Adiguna ma waxaad tahay xertiisii midkood? Markaasuu inkiray oo yidhi, Ma ihi. 26 Addoommadii wadaadka sare midkood oo qaraabo ay ahaayeen kii Butros uu dhegta ka gooyay wuxuu yidhi, Miyaanan beerta kugula arkin isaga? 27 Haddaba Butros mar kale ayuu inkiray, oo markiiba diiqii baa ciyey.
  • Yoox 20:26-29 : 26 ¶ Oo siddeed maalmood dabadeed xertiisii gudaha ayay mar labaad wada joogeen, oo Toomasna waa la joogay. Markaasaa Ciise yimid, albaabbadii oo xidhan, oo intuu isdhex taagay ayuu ku yidhi, Nabadi ha idinla jirto. 27 Markaasuu Toomas ku yidhi, Fartaada keen oo arag gacmahayga, oo gacantaadana keen oo geli dhinacayga, oo ha rumaysad la'aanin laakiin rumayso. 28 Toomas ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Rabbigay iyo Ilaahayow. 29 Markaasaa Ciise ku yidhi, Waad i aragtay, taas aawadeed ayaad rumaysatay. Waxaa barakaysan kuwa aan i arag ee rumaystay.
  • Yoox 21:2 : 2 Waxaa wada joogay Simoon Butros, iyo Toomas ka la yidhaahda Didumos, iyo Nataana'el oo ahaa kii Kaana tii Galili, iyo wiilashii Sebedi, iyo laba kale oo xertiisa ah.
  • Yoox 21:15-24 : 15 ¶ Haddaba markay quraacdeen dabadeed Ciise wuxuu Simoon Butros ku yidhi, Simoon ina Yoonisow, kuwan ma iga jeceshahay? Wuxuu ku yidhi, Haah, Sayidow, waad og tahay inaan ku jeclahay. Markaasuu ku yidhi, Baraarkayga daaji. 16 Haddana wuxuu mar labaad ku yidhi isaga, Simoon ina Yoonisow, ma i jeceshahay? Wuxuu ku yidhi, Haah, Sayidow, waad og tahay inaan ku jeclahay. Markaasuu ku yidhi, Idahayga ilaali. 17 Markii saddexaad ayuu ku yidhi, Simoon ina Yoonisow, Ma i jeceshahay? Butros ayaa ka calool xumaaday, waayo, wuxuu markii saddexaad ku yidhi, Ma i jeceshahay? Markaasuu ku yidhi, Sayidow, wax walba waad og tahay, waadna garanaysaa inaan ku jeclahay. Ciise ayaa ku yidhi, Idahayga daaji. 18 Runtii, runtii, waxaan kugu leeyahay, Markaad yarayd adigu waad guntan jirtay, oo waxaad mari jirtay meeshaad doonaysay, laakiin markaad gabowdid, gacmahaad kala bixin doontaa, oo mid kalaa kuu guntin doona, oo wuxuu kuu qaadi doonaa meel aadan doonayn. 19 Wuxuu waxaas u yidhi inuu tuso dhimashaduu Ilaah ku ammaani doono. Markuu waxaas yidhi dabadeed, wuxuu ku yidhi, I soo raac. 20 ¶ Butros markuu jeestay wuxuu arkay kii xerta ahaa oo Ciise jeclaa oo daba socda; isagu wuxuu ahaa kii laabta Ciise ku tiirsanaa wakhtigii cashada oo ku yidhi, Sayidow, waa kuma kan ku gacangelin doonaa? 21 Haddaba Butros markuu arkay, wuxuu Ciise ku yidhi, Sayidow, kanna ka warran? 22 Ciise wuxuu ku yidhi, Haddaan doonayo inuu joogo ilaa aan imanayo, maxaa kaa galay? Adigu i soo raac. 23 Haddaba waxaa walaalaha ku dhex faafay hadalkaas oo leh, Kaas oo xerta ka mid ahaa ma dhiman doono. Laakiin Ciise kuma odhan, Ma dhiman doono, wuxuuse yidhi, Haddaan doonayo inuu joogo ilaa aan imanayo, maxaa kaa galay? 24 ¶ Kan weeye kii xerta ahaa oo u marag furay waxyaalahan, oo qoray waxyaalahan, oo waxaannu garanayna maraggiisu inuu run yahay.
  • Fal 2:14 : 14 ¶ Laakiin Butros intuu koob-iyo-tobankii isla taagay, ayuu sare u qaaday codkiisa oo ku yidhi iyaga, Niman yahow reer Yahuudiya iyo dhammaantiinan Yeruusaalem degganow, tan ogaada oo hadalladayda dhegaysta.
  • Mat 4:18-22 : 18 ¶ Markuu badda Galili ag marayay wuxuu arkay laba walaalo ah, Simoon kii Butros la odhan jiray iyo Andaros oo ahaa walaalkiis, iyagoo shabag badda ku tuuraya, waayo, waxay ahaayeen kalluumaystayaal. 19 Oo wuxuu ku yidhi, I soo raaca, waxaan idinka dhigayaa kuwa dadka jillaabta. 20 Markiiba intay shabagyadii ka tageen, ayay raaceen isagii. 21 Markuu meeshaas hore uga socday wuxuu arkay laba kale oo walaalo ah, Yacquub ina Sebedi iyo walaalkiis Yooxanaa, iyagoo aabbahood doonnida kula jira oo shabagyadoodii hagaajinaya, wuuna u yeedhay. 22 Markiiba doonnidii iyo aabbahood way ka soo tageen oo way raaceen.
  • Mat 9:9 : 9 ¶ Ciise kolkuu meeshaas ka tegey intuu socday ayuu wuxuu arkay nin la odhan jiray Matayos oo fadhiya meeshii cashuurta lagu qaado, oo wuxuu ku yidhi, I soo raac. Markaasuu kacay oo raacay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mark 3:17-19
    3 aayado
    86%

    17iyo Yacquub ina Sebedi, iyo Yooxanaa, Yacquub walaalkiis, iyaga wuxuu u bixiyey Bo'anerges, waxaa weeye wiilashii onkodka,

    18iyo Andaros, iyo Filibos, iyo Bartolomayos, iyo Matayos, iyo Toomas, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Tadayos, iyo Simoon reer Kaana,

    19iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.

  • Fal 1:14-16
    3 aayado
    82%

    14Kuwaas oo dhammu, iyagoo isku wada qalbi ah, ayay ku sii adkaysteen tukasho, iyaga iyo dumarka, iyo Maryan oo ahayd Ciise hooyadiis, iyo walaalihiis.

    15¶ Oo wakhtigaas ayaa Butros walaalaha dhexdooda istaagay (oo waxaa wada jiray dad badan oo qiyaastoodu ahayd boqol iyo labaatan); markaasuu yidhi,

    16Walaalayaalow, waxaa waajib ahaa in Qorniinku noqdo, kaas oo Ruuxa Quduuska ahu waagii hore afka Daa'uud kaga hadlay waxa ku saabsan Yuudas oo ahaa kii waday kuwii qabtay Ciise.

  • Mat 10:2-4
    3 aayado
    82%

    2¶ Laba-iyo-tobanka rasuul magacyadoodu waa kuwan, Kan ugu horreeyaa waa Simoon, kan Butros la odhan jiray, iyo walaalkiis Andaros, iyo Yacquub ina Sebedi, iyo walaalkiis Yooxanaa,

    3iyo Filibos, iyo Bartolomayos, iyo Toomas, iyo Matayos oo cashuurqaadaha ahaa, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Tadayos,

    4iyo Simoon reer Kaana, iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.

  • Luuk 6:13-16
    4 aayado
    81%

    13Oo goortay maalin noqotay ayuu xertiisii u yeedhay. Markaasuu laba iyo toban ka soo saaray, wuxuuna u bixiyey rasuullo;

    14oo waxay ahayeen Simoon, kan uu Butros u bixiyey, iyo walaalkiis Andaros, iyo Yacquub iyo Yooxanaa, iyo Filibos iyo Bartolomayos, iyo

    15Matayos iyo Toomas, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Simoon oo la odhan jiray Qiiroleh,

    16iyo Yuudas ina Yacquub, iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.

  • 2Waxaa wada joogay Simoon Butros, iyo Toomas ka la yidhaahda Didumos, iyo Nataana'el oo ahaa kii Kaana tii Galili, iyo wiilashii Sebedi, iyo laba kale oo xertiisa ah.

  • 29¶ Oo markiiba kolkay sunagoggii ka soo baxeen, waxay galeen guriga Simoon iyo Andaros, iyaga iyo Yacquub iyo Yooxanaaba.

  • Mark 1:19-20
    2 aayado
    75%

    19Markuu cabbaar socday, wuxuu arkay Yacquub ina Sebedi iyo walaalkiis Yooxanaa, iyagoo doonnida dhexdeeda shabagyadoodii ku hagaajinaya.

    20Markiiba wuu u yeedhay. Kolkaasay aabbahood Sebedi iyo shaqaalayaasha kaga soo tageen doonnida, oo isagay raaceen.

  • 21Haddaba nimankii inala socday wakhti kasta intuu Rabbi Ciise ina soo dhex galay, inagana dhex baxay,

  • 12¶ Markaasay Yeruusaalem ku noqdeen iyagoo ka yimid buurtii Saytuun la odhan jiray, oo u dhowayd Yeruusaalem, oo u jirtay maalin sabtiyeed socodkeed.

  • 33Saacaddaas qudheeda ayay kaceen oo Yeruusaalem ku noqdeen, waxayna arkeen koob-iyo-tobankii iyo kuwii la jiray oo isu ururay,

  • 16¶ Markaasaa koob-iyo-tobankii xerta ahaa Galili tageen ilaa buurtii Ciise kula ballamay.

  • 26Markaasay u saami riteen; saamigiina wuxuu ku dhacay Matiyas; oo isagana waxaa lagu daray koob-iyo-tobankii rasuul.

  • 36Markaasaa Simoon iyo kuwii la jiray ka daba tageen.

  • Yoox 1:39-40
    2 aayado
    72%

    39Wuxuu ku yidhi, Kaalaya oo arka, Markaasay yimaadeen oo arkeen meeshuu degganaa, wayna la joogeen maalintaas. Goortaas waxay ahayd abbaaraha saacaddii tobnaad.

    40Mid ka mid ah labadii maqashay Yooxanaa oo raacday, wuxuu ahaa Andaros, Simoon Butros walaalkiis.

  • 24¶ Laakiin Toomas mid laba iyo tobanka ka mid ah oo Didumos la odhan jiray lama joogin markuu Ciise yimid.

  • 21Markuu meeshaas hore uga socday wuxuu arkay laba kale oo walaalo ah, Yacquub ina Sebedi iyo walaalkiis Yooxanaa, iyagoo aabbahood doonnida kula jira oo shabagyadoodii hagaajinaya, wuuna u yeedhay.

  • 18¶ Markuu badda Galili ag marayay wuxuu arkay laba walaalo ah, Simoon kii Butros la odhan jiray iyo Andaros oo ahaa walaalkiis, iyagoo shabag badda ku tuuraya, waayo, waxay ahaayeen kalluumaystayaal.

  • 14¶ Laakiin Butros intuu koob-iyo-tobankii isla taagay, ayuu sare u qaaday codkiisa oo ku yidhi iyaga, Niman yahow reer Yahuudiya iyo dhammaantiinan Yeruusaalem degganow, tan ogaada oo hadalladayda dhegaysta.

  • 1¶ Oo kolkii maalintii Bentekoste la gaadhay, meel bay kulligood wada joogeen.

  • 14¶ Goortii saacaddii timid ayuu fadhiistay, isaga iyo rasuulladiiba.

  • 28Markaasay wakhti aan yarayn xertii la joogeen.

  • 16¶ Markuu badda Galili ag marayay, wuxuu arkay Simoon iyo walaalkiis Andaros, iyagoo shabag badda ku tuuraya, waayo, waxay ahaayeen kuwa kalluun jillaabta.

  • 23Markaasay laba iska soo saareen, kuwaas oo ahaa Yuusuf oo la odhan jiray Barsabaas ee naanaystiisu ahayd Yuustos, iyo Matiyas.

  • 6waxaana joogay Annas oo ahaa wadaadkii sare, iyo Kayafas, iyo Yooxanaa, iyo Aleksanderos, iyo in alla intii wadaadka sare xigaalo la ahayd.

  • 12¶ Waxaas dabadeed wuxuu tegey Kafarna'um, waxaana la socday hooyadiis iyo walaalihiis iyo xertiisii, oo maalmo aan badnayn ayay meeshaas joogeen.

  • 56oo waxaa ku dhex jirtay Maryantii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub iyo Yoosee hooyadood, iyo wiilashii Sebedi hooyadood.

  • 71%

    14Meeshuu galo waxaad ninkii guriga lahaa ku tidhaahdaan, Macallinkii wuxuu leeyahay, Meeday qolladdaydii martidu oo aan xertayda kula cuni doono cashada Iidda Kormaridda?

    15Wuxuu idin tusayaa qollad weyn oo sare oo goglan oo diyaar ah; halkaa inoogu diyaargareeya.

    16Xertiisii ayaa baxday oo magaalada gashay, wayna heleen siduu u sheegay, oo cashada Iidda Kormaridda ayay diyaargareeyeen.

    17¶ Goortii makhribkii la gaadhay ayuu laba-iyo-tobankii la yimid.

  • 12Kolkuu waxaas ka fikiray, wuxuu yimid gurigii Maryan, oo ahayd hooyadii Yooxanaa oo Markos la odhan jiray; meeshaasoo dad badan ku urursanaayeen oo ku tukanayeen.

  • 37Ninnana uma oggolaanin inuu raaco, Butros, iyo Yacquub, iyo Yooxanaa oo ahaa Yacquub walaalkiis, maahee.

  • 28¶ Abbaaraha siddeed maalmood hadalladan dabadood waxaa dhacay inuu waday Butros, iyo Yooxanaa, iyo Yacquub, oo buurtuu fuulay inuu ku tukado,

  • 19Laakiin rasuulladii kale midna kama arag, Yacquub oo ah Sayidka walaalkiis mooyaane.

  • 1¶ Lix maalmood dabadeed Ciise wuxuu waday Butros iyo Yacquub iyo walaalkiis Yooxanaa, oo wuxuu keligood geeyey buur dheer.

  • 14Laba iyo toban ayuu soo saaray inay isaga la joogaan, iyo inuu u diro inay wax wacdiyaan,

  • 11Markay doonniyahoodii dhulkii geeyeen, ayay wax walba ka tageen, markaasay raaceen isaga.

  • 15¶ Waxaa Ciise daba socday Simoon Butros iyo mid kale oo xer ah. Ninkaas xerta ahaa wadaadka sare waa garanayay, wuuna la galay Ciise barxadda wadaadkii sare.

  • 1¶ Markii dambe waxaa dhacay inuu magaalooyinka iyo tuulooyinka dhex marayay isagoo dadka ku wacdiyaya oo u sheegaya injiilka boqortooyadii Ilaah; waxaana la jiray laba-iyo-tobankii,