Luukos 5:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markay doonniyahoodii dhulkii geeyeen, ayay wax walba ka tageen, markaasay raaceen isaga.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 19:27 : 27 ¶ Markaas Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Annagu wax walba waannu ka soo wada tagnay, waana ku raacnay. Maxaannu haddaba heli doonnaa?
  • Mat 4:20 : 20 Markiiba intay shabagyadii ka tageen, ayay raaceen isagii.
  • Luuk 5:28 : 28 Markaasuu wax walba ka tegey, wuuna kacay oo raacay.
  • Luuk 18:28-30 : 28 Butros ayaa ku yidhi, Bal eeg, waxayagii ayaannu ka tagnay, waana ku raacnay. 29 Wuxuuna ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay. Ma jiro nin boqortooyada Ilaah aawadeed uga tegey guri, ama afo, ama walaalo, ama waalid, ama carruur, 30 oo aan haatan helayn labanlaab badan, wakhtiga imanayana nolosha weligeed ah.
  • Fil 3:7-8 : 7 Habase yeeshee waxyaalihii faa'iidada ii ahaa kuwaas Masiixa aawadiis ayaan khasaare ku tiriyey. 8 Runtii anigu wax kasta ayaan khasaare ku tirinayaa wanaagga aqoonta aan aqaan Rabbigayga Ciise Masiix aawadiis, kaas oo aan aawadiis wax kasta ugu khasaaray, oo haatan waxaan ku tirinayaa inay yihiin qushaash inaan Masiix faa'iido ahaan u helo
  • Mat 10:37 : 37 Kan aabbihiis iyo hooyadiis iga jecel, ima istaahilo, oo kan wiilkiisa iyo gabadhdiisa iga jecel, ima istaahilo.
  • Mark 1:18-25 : 18 Markiiba shabagyadoodii way ka tageen, wayna raaceen. 19 Markuu cabbaar socday, wuxuu arkay Yacquub ina Sebedi iyo walaalkiis Yooxanaa, iyagoo doonnida dhexdeeda shabagyadoodii ku hagaajinaya. 20 Markiiba wuu u yeedhay. Kolkaasay aabbahood Sebedi iyo shaqaalayaasha kaga soo tageen doonnida, oo isagay raaceen. 21 ¶ Markaasay Kafarna'um galeen, oo markiiba sabtida wuxuu galay sunagogga oo dadka wax baray. 22 Waxayna la yaabeen wax bariddiisa, waayo, wuxuu wax u barayay sida mid amar leh, oo uma uu baraynin sida culimmada. 23 Markaasaa waxaa sunagoggoodii ku jiray nin jinni wasakh leh qaba, wuuna qayliyey, oo wuxuu yidhi, 24 Maxaa inoo dhexaya, Ciise reer Naasaredow? Ma waxaad u timid inaad na baabbi'iso? Anigu waa ku garanayaa kii aad tahay Kan Quduuska ah ee Ilaah. 25 Ciise baa canaantay oo ku yidhi, Aamus oo ka soo bax.
  • Mark 10:21 : 21 Markaasaa Ciise intuu eegay jeclaaday oo ku yidhi, Wax keliya ayaa kuu dhiman. Tag oo iibi waxaad haysatid oo dhan, oo masaakiintana sii, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal; ee kaalay oo i soo raac.
  • Mark 10:29-30 : 29 Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Ma jiro nin aawaday iyo injiilka aawadiis uga tegey guri, ama walaalo, ama hooyo, ama aabbe, ama carruur, ama beero, 30 oo aan haatan oo la joogo helayn boqol laab guryo ah, iyo walaalo, iyo hooyooyin, iyo carruur, iyo beero, wuxuuna la heli doonaa silec, wakhtiga imanayana nolosha weligeed ah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mark 1:16-20
    5 aayado
    87%

    16¶ Markuu badda Galili ag marayay, wuxuu arkay Simoon iyo walaalkiis Andaros, iyagoo shabag badda ku tuuraya, waayo, waxay ahaayeen kuwa kalluun jillaabta.

    17Ciise wuxuu ku yidhi, I soo raaca. Waxaan idinka dhigayaa kuwa dadka jillaabta.

    18Markiiba shabagyadoodii way ka tageen, wayna raaceen.

    19Markuu cabbaar socday, wuxuu arkay Yacquub ina Sebedi iyo walaalkiis Yooxanaa, iyagoo doonnida dhexdeeda shabagyadoodii ku hagaajinaya.

    20Markiiba wuu u yeedhay. Kolkaasay aabbahood Sebedi iyo shaqaalayaasha kaga soo tageen doonnida, oo isagay raaceen.

  • Mat 4:18-22
    5 aayado
    87%

    18¶ Markuu badda Galili ag marayay wuxuu arkay laba walaalo ah, Simoon kii Butros la odhan jiray iyo Andaros oo ahaa walaalkiis, iyagoo shabag badda ku tuuraya, waayo, waxay ahaayeen kalluumaystayaal.

    19Oo wuxuu ku yidhi, I soo raaca, waxaan idinka dhigayaa kuwa dadka jillaabta.

    20Markiiba intay shabagyadii ka tageen, ayay raaceen isagii.

    21Markuu meeshaas hore uga socday wuxuu arkay laba kale oo walaalo ah, Yacquub ina Sebedi iyo walaalkiis Yooxanaa, iyagoo aabbahood doonnida kula jira oo shabagyadoodii hagaajinaya, wuuna u yeedhay.

    22Markiiba doonnidii iyo aabbahood way ka soo tageen oo way raaceen.

  • Luuk 5:27-28
    2 aayado
    85%

    27¶ Waxyaalahaas dabadood ayuu baxay, oo wuxuu arkay cashuurqaade Laawi la odhan jiray oo fadhiya meeshii cashuurta lagu qaado, oo wuxuu ku yidhi, I soo raac.

    28Markaasuu wax walba ka tegey, wuuna kacay oo raacay.

  • 28Kolkaasaa Butros bilaabay inuu ku yidhaahdo, Annagu wax walba waannu ka wada tagnay, waana ku raacnay.

  • 28Butros ayaa ku yidhi, Bal eeg, waxayagii ayaannu ka tagnay, waana ku raacnay.

  • Luuk 5:2-10
    9 aayado
    80%

    2oo wuxuu arkay laba doonniyood oo badda ag taal; laakiin kalluumaystayaashii waa ka degeen, oo shabagyadoodii ayay maydhayeen.

    3Markaasuu fuulay doonniyihii middood oo Simoon lahaa, wuxuuna ka baryay inuu in yar dhulka ka durkiyo. Markaasuu fadhiistay oo dadkii wax ka dhex baray doonnidii.

    4Goortuu hadalkii dhammeeyey ayuu Simoon ku yidhi, Meesha biyaha u dheer gee, oo shabagyadiinna ku dejiya si aad kalluun u heshaan.

    5Simoon baa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, xalay oo dhan ayaannu hawshoonnay, waxbana ma aannu qaban, laakiin hadalkaaga dartii shabagyada waan dejinayaa.

    6Goortay waxaas yeeleen waxay ku qabteen kalluun tiro badan, shabagyadooduna way kala dillaaci gaadheen.

    7Markaasay u gacan haadiyeen wehelladoodii doonnida kale ku jiray inay yimaadaan oo caawiyaan. Wayna yimaadeen, oo waxay buuxiyeen labadii doonniyood, sidaa darteed ayay u dhowaadeen inay degaan.

    8Laakiin Simoon Butros goortuu waxaas arkay, ayuu Ciise jilbihiisa isku tuuray, oo wuxuu ku yidhi, Sayidow, waxaan ahay nin dembi leh, ee iga tag.

    9Maxaa yeelay, isaga iyo kuwii la jirayba, waxay la yaabeen kalluunkii badnaa oo ay qabteen.

    10Sidoo kalena waxaa la yaabay Yacquub iyo Yooxanaa oo wiilashii Sebedi ahaa, kuwii wehello Simoon la ahaa. Ciisena wuxuu Simoon ku yidhi, Ha baqin, hadda iyo hadhowba dad baad jillaabi doontaa.

  • 36Markaasaa Simoon iyo kuwii la jiray ka daba tageen.

  • 23¶ Goortuu doonnida fuulay, xertiisii ayaa raacday.

  • 27¶ Markaas Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Annagu wax walba waannu ka soo wada tagnay, waana ku raacnay. Maxaannu haddaba heli doonnaa?

  • Mark 2:13-14
    2 aayado
    76%

    13¶ Haddana wuu u baxay badda xeebteeda, oo dadkii oo dhan baa u yimid, wuuna wax baray.

    14Goortuu ag marayay, wuxuu arkay Laawi ina Alfayos, isagoo fadhiya meesha cashuurta lagu qaado, oo uu ku yidhi isaga, I soo raac. Wuuna kacay oo raacay.

  • 29¶ Oo markiiba kolkay sunagoggii ka soo baxeen, waxay galeen guriga Simoon iyo Andaros, iyaga iyo Yacquub iyo Yooxanaaba.

  • 9¶ Ciise kolkuu meeshaas ka tegey intuu socday ayuu wuxuu arkay nin la odhan jiray Matayos oo fadhiya meeshii cashuurta lagu qaado, oo wuxuu ku yidhi, I soo raac. Markaasuu kacay oo raacay.

  • Mark 6:53-54
    2 aayado
    76%

    53¶ Oo markay gudbeen waxay yimaadeen dalka Gennesared, oo doonnidiina xeebtay ku xidheen.

    54Goortay doonnida ka soo degeen, kolkiiba dadku way garteen isaga.

  • 6Markaasuu ku yidhi, Shabagga ku tuura dhinaca midigta ee doonnida, waadna heli doontaane. Haddaba way tuureen, oo ma ayna karin inay soo jiidaan, kalluunka faro badnaantiisa aawadeed.

  • 36Goortay dadkii badnaa direen, isagay wadeen intuu doonnidii ku jiray, oo doonniyo yaryar oo kalena way la jireen.

  • 37Labadii xerta ahaydna way maqleen isagoo hadlaya, wayna raaceen Ciise.

  • Yoox 6:21-22
    2 aayado
    75%

    21Sidaa aawadeed waxay doonayeen inay doonnida ku qaadaan, oo markiiba doonnidu waxay joogtay dhulkay u socdeen.

    22¶ Maalintii labaad dadkii badnaa oo badda dhankeeda kale taagnaa, waxay arkeen inaan doonni kale joogin mid maahee, oo aan Ciisena taas la fuulin xertiisii, laakiin in xertiisii keligood baxeen.

  • 57¶ Oo intay jidka ku socdeen nin baa ku yidhi isaga, Waan ku raacayaa meel alla meeshaad tagtidba.

  • 43¶ Maalintii labaad wuxuu doonayay inuu Galili tago, oo wuxuu helay Filibos. Ciisena wuxuu ku yidhi, I soo raac.

  • 3Simoon Butros wuxuu iyaga ku yidhi, Waa soo kalluumaysanayaa. Markaasay ku yidhaahdeen, Annana waa ku raacaynaa. Markaasay tageen oo doonnida fuuleen; laakiin habeenkaas waxba ma ay qaban.

  • 10Markaasaa Ciise ku yidhi iyagii, Keena qaar kalluunkaad hadda soo qabateen.

  • 22¶ Maalmahaas middood waxaa dhacay inuu doonni fuulay isaga iyo xertiisiiba, wuxuuna iyaga ku yidhi, Dhanka kale oo badda aan u gudubno, goortaasay dhaqaaqeen.

  • 34¶ Oo markay gudbeen waxay yimaadeen dalka Gennesared.

  • 29Wuxuu ku yidhi, Kaalay. Oo Butros markuu doonnida ka degay ayuu biyaha ku dul socday inuu Ciise u tago.

  • 40Markaasay barroosinnadii badda ku xooreen oo badda ku sii daayeen, oo isla markaasba waxay fureen xadhkihii shukaanaha ku xidhnaa, oo intay shiraaqii dabaysha u sii daayeen, ayay xeebta ku hagaageen.

  • 37Ninnana uma oggolaanin inuu raaco, Butros, iyo Yacquub, iyo Yooxanaa oo ahaa Yacquub walaalkiis, maahee.

  • 16¶ Markii makhribkii la gaadhay ayaa xertiisii badda u baxday.

  • 19Kolkaasaa culimmada midkood u yimid oo ku yidhi, Macallimow, waan ku raacayaa meeshaad tagtidba.

  • 8Laakiin xertii kale waxay ku yimaadeen sixiimadda yar (waayo, kama ay fogayn dhulka, laakiin waxay u jireen qiyaastii laba boqol oo dhudhun), waxayna jiidayeen shabaggii kalluunka.

  • 50Markaasay xertii ka wada tageen oo carareen.