Luukos 18:28

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Butros ayaa ku yidhi, Bal eeg, waxayagii ayaannu ka tagnay, waana ku raacnay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mark 10:28 : 28 Kolkaasaa Butros bilaabay inuu ku yidhaahdo, Annagu wax walba waannu ka wada tagnay, waana ku raacnay.
  • Luuk 5:11 : 11 Markay doonniyahoodii dhulkii geeyeen, ayay wax walba ka tageen, markaasay raaceen isaga.
  • Fil 3:7 : 7 Habase yeeshee waxyaalihii faa'iidada ii ahaa kuwaas Masiixa aawadiis ayaan khasaare ku tiriyey.
  • Mat 4:19-22 : 19 Oo wuxuu ku yidhi, I soo raaca, waxaan idinka dhigayaa kuwa dadka jillaabta. 20 Markiiba intay shabagyadii ka tageen, ayay raaceen isagii. 21 Markuu meeshaas hore uga socday wuxuu arkay laba kale oo walaalo ah, Yacquub ina Sebedi iyo walaalkiis Yooxanaa, iyagoo aabbahood doonnida kula jira oo shabagyadoodii hagaajinaya, wuuna u yeedhay. 22 Markiiba doonnidii iyo aabbahood way ka soo tageen oo way raaceen.
  • Mat 9:9 : 9 ¶ Ciise kolkuu meeshaas ka tegey intuu socday ayuu wuxuu arkay nin la odhan jiray Matayos oo fadhiya meeshii cashuurta lagu qaado, oo wuxuu ku yidhi, I soo raac. Markaasuu kacay oo raacay.
  • Mat 19:27 : 27 ¶ Markaas Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Annagu wax walba waannu ka soo wada tagnay, waana ku raacnay. Maxaannu haddaba heli doonnaa?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 96%

    27Markaasaa Ciise eegay oo ku yidhi, Waxanu uma suurtoobaan dadka, waxbase uma aha Ilaah, waayo, wax waluba waa u suurtoobaan Ilaah.

    28Kolkaasaa Butros bilaabay inuu ku yidhaahdo, Annagu wax walba waannu ka wada tagnay, waana ku raacnay.

    29Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Ma jiro nin aawaday iyo injiilka aawadiis uga tegey guri, ama walaalo, ama hooyo, ama aabbe, ama carruur, ama beero,

  • Mat 19:26-27
    2 aayado
    90%

    26Ciise intuu eegay ayuu ku yidhi, Waxanu uma suurtoobaan dadka, laakiin wax waluba waa u suurtoobaan Ilaah.

    27¶ Markaas Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Annagu wax walba waannu ka soo wada tagnay, waana ku raacnay. Maxaannu haddaba heli doonnaa?

  • 29Wuxuuna ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay. Ma jiro nin boqortooyada Ilaah aawadeed uga tegey guri, ama afo, ama walaalo, ama waalid, ama carruur,

  • 28Markaasuu wax walba ka tegey, wuuna kacay oo raacay.

  • 11Markay doonniyahoodii dhulkii geeyeen, ayay wax walba ka tageen, markaasay raaceen isaga.

  • Mark 1:17-18
    2 aayado
    78%

    17Ciise wuxuu ku yidhi, I soo raaca. Waxaan idinka dhigayaa kuwa dadka jillaabta.

    18Markiiba shabagyadoodii way ka tageen, wayna raaceen.

  • Mat 4:18-20
    3 aayado
    77%

    18¶ Markuu badda Galili ag marayay wuxuu arkay laba walaalo ah, Simoon kii Butros la odhan jiray iyo Andaros oo ahaa walaalkiis, iyagoo shabag badda ku tuuraya, waayo, waxay ahaayeen kalluumaystayaal.

    19Oo wuxuu ku yidhi, I soo raaca, waxaan idinka dhigayaa kuwa dadka jillaabta.

    20Markiiba intay shabagyadii ka tageen, ayay raaceen isagii.

  • 22Markiiba doonnidii iyo aabbahood way ka soo tageen oo way raaceen.

  • 27Wuxuuse ku yidhi, Waxa aan dadka u suurtoobin, Ilaah waa u suurtoobaan.

  • Yoox 6:67-68
    2 aayado
    75%

    67¶ Haddaba Ciise wuxuu laba-iyo-tobankii ku yidhi, Idinkuna ma doonaysaan inaad tagtaan?

    68Markaasaa Simoon Butros wuxuu ugu jawaabay, Sayidow, yaannu u tagnaa? Adigaa haya erayadii nolosha weligeed ahe.

  • 57¶ Oo intay jidka ku socdeen nin baa ku yidhi isaga, Waan ku raacayaa meel alla meeshaad tagtidba.

  • 73%

    36¶ Simoon Butros ayaa ku yidhi, Sayidow, xaggee baad tegaysaa? Ciise wuxuu ugu jawaabay, Meeshaan tegayo hadda ii raaci kari maysid, laakiin mar dambe waad i soo raaci doontaa.

    37Butros ayaa ku yidhi, Sayidow, maxaan hadda kuu raaci kari waayay? Naftaydaan aawadaa u bixin doonaaye.

  • 29Oo mid walba oo ka tegey guryo, ama walaalo, ama aabbe, ama hooyo, ama carruur, ama beero, magacayga aawadiis, wuxuu heli doonaa boqol laab, oo wuxuu dhaxli doonaa nolosha weligeed ah.

  • 20Markiiba wuu u yeedhay. Kolkaasay aabbahood Sebedi iyo shaqaalayaasha kaga soo tageen doonnida, oo isagay raaceen.

  • 36Markaasaa Simoon iyo kuwii la jiray ka daba tageen.

  • 72%

    21Markaasuu yidhi, Kuwaas oo dhan tan iyo yaraantaydii waan dhawray.

    22Ciise goortuu waxaas maqlay ayuu ku yidhi, Weli wax keliya ayaa kuu dhiman. Waxaad haysatid oo dhan iibi, oo masaakiinta u qaybi, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal, ee kaalay oo i soo raac.

  • 33Sidaa darteed midkiin walba oo aan ka tegin wuxuu leeyahay oo dhan, xer iima ahaan karo.

  • 15Markaasaa Butros u jawaabay oo ku yidhi, Masaalkaa noo caddee.

  • 25¶ Waxaa isaga la socday dad badan. Markaasuu u jeestay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 33Markaasuu wuxuu ku yidhi, Sayidow, diyaar baan u ahay inaan kuu raaco xabsiga iyo dhimashadaba.

  • 37Labadii xerta ahaydna way maqleen isagoo hadlaya, wayna raaceen Ciise.

  • 19Kolkaasaa culimmada midkood u yimid oo ku yidhi, Macallimow, waan ku raacayaa meeshaad tagtidba.

  • 29Laakiin Butros ayaa ku yidhi, In kastoo kulligood kaa xumaadaan, aniguse kaa xumaan maayo.

  • Mat 14:28-29
    2 aayado
    71%

    28Markaasaa Butros u jawaabay oo ku yidhi, Sayidow, haddaad tahay adiga, igu amar inaan biyaha kuugu dul imaado.

    29Wuxuu ku yidhi, Kaalay. Oo Butros markuu doonnida ka degay ayuu biyaha ku dul socday inuu Ciise u tago.

  • 28Idinku waxaad tihiin kuwa ila sii joogay markii lay jirrabayay.

  • 37Ninnana uma oggolaanin inuu raaco, Butros, iyo Yacquub, iyo Yooxanaa oo ahaa Yacquub walaalkiis, maahee.

  • 24¶ Markaasaa Ciise wuxuu xertiisii ku yidhi, Mid uun hadduu doonayo inuu iga daba yimaado, ha dayriyo doonistiisa, iskutallaabtiisana ha soo qaato oo ha i soo raaco.

  • 8Laakiin Simoon Butros goortuu waxaas arkay, ayuu Ciise jilbihiisa isku tuuray, oo wuxuu ku yidhi, Sayidow, waxaan ahay nin dembi leh, ee iga tag.

  • 33Laakiin Ciise markuu soo jeestay oo xertiisii eegay, ayuu Butros canaantay, oo wuxuu ku yidhi, Gadaal iga mar, Shayddaan yahow, waayo, waxyaalaha Ilaah kama fikirtid, waxaadse ka fikirtaa waxyaalaha dadka.

  • 50Markaasay xertii ka wada tageen oo carareen.

  • 21Haddaba Butros markuu arkay, wuxuu Ciise ku yidhi, Sayidow, kanna ka warran?

  • 19Wuxuu waxaas u yidhi inuu tuso dhimashaduu Ilaah ku ammaani doono. Markuu waxaas yidhi dabadeed, wuxuu ku yidhi, I soo raac.

  • 58Laakiin Butros baa meel fog ka soo daba socday ilaa barxadda wadaadkii sare, wuuna galay oo askartii la fadhiistay inuu ugudambaysta arko.

  • Luuk 5:4-5
    2 aayado
    70%

    4Goortuu hadalkii dhammeeyey ayuu Simoon ku yidhi, Meesha biyaha u dheer gee, oo shabagyadiinna ku dejiya si aad kalluun u heshaan.

    5Simoon baa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, xalay oo dhan ayaannu hawshoonnay, waxbana ma aannu qaban, laakiin hadalkaaga dartii shabagyada waan dejinayaa.

  • 21Ciise ayaa ku yidhi, Haddaad doonaysid inaad samaatid, tag oo iibi waxaad haysatid, oo masaakiinta sii, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal; ee kaalay oo i soo raac.

  • 29Markaasuu weyddiiyey, oo wuxuu ku yidhi, Idinkuse yaad igu sheegtaan? Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Waxaad tahay Masiixa.

  • 29¶ Kolkay Yerixoo ka tegayeen waxaa raacay dad aad u badan.

  • Luuk 9:61-62
    2 aayado
    70%

    61Mid kale ayaa yidhi, Sayidow, waan ku raacayaa, laakiin horta ii oggolow inaan kuwa gurigayga jooga ku soo idhaahdo, Nabadgelyo.

    62Ciise ayaa ku yidhi, Ma jiro nin gacantiisa mixaraatka saara oo dib u eega, oo u qalma boqortooyada Ilaah.