Luukos 18:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasuu yidhi, Kuwaas oo dhan tan iyo yaraantaydii waan dhawray.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fil 3:6 : 6 xagga qiiradana waxaan ahaa mid silcin jiray kiniisadda, xagga xaqnimada sharciga ku jirtana waxaan ahaa eedlaawe.
  • Mat 19:20-21 : 20 Ninkii dhallinyarada ahaa ayaa ku yidhi, Kuwaas oo dhan ayaan dhawray. Maxaa weli ii dhiman? 21 Ciise ayaa ku yidhi, Haddaad doonaysid inaad samaatid, tag oo iibi waxaad haysatid, oo masaakiinta sii, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal; ee kaalay oo i soo raac.
  • Mark 10:20-21 : 20 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, kuwaas oo dhan tan iyo yaraantaydii ayaan dhawrayay. 21 Markaasaa Ciise intuu eegay jeclaaday oo ku yidhi, Wax keliya ayaa kuu dhiman. Tag oo iibi waxaad haysatid oo dhan, oo masaakiintana sii, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal; ee kaalay oo i soo raac.
  • Luuk 15:7 : 7 Waxaan idinku leeyahay, Sidaas oo kale, farxad ayaa jannada kaga jiri doonta dembile toobadkeena in ka badan sagaal iyo sagaashan xaq ah oo aan toobadkeen u baahnayn.
  • Luuk 15:29 : 29 Laakiin wuu u jawaabay, oo wuxuu aabbihiis ku yidhi, Bal eeg, intaas oo sannadood ayaan kuu shaqaynayay, oo weligay amarkaaga kama aan xadgudbin, oo weligaa waxar iima aad siin inaan saaxiibbadayda la farxo,
  • Luuk 18:11-12 : 11 Farrisigii intuu istaagay ayuu waxyaalahan isugu tukaday, Ilaahow, waxaan kuugu mahadnaqayaa inaanan ahayn sida nimanka kale oo wax dulma, iyo kuwa xaqa daran, iyo dhillayaasha, ama xataa sida cashuurqaadahan. 12 Toddobaadkiiba laba kol ayaan soomaa, waxaan haysta oo dhanna toban meelood ayaan meel ka bixiyaa.
  • Room 10:2-3 : 2 Waayo, waxaan markhaati u furayaa inay iyagu Ilaah qiiro weyn u qabaan, laakiinse xagga aqoonta ma aha. 3 Waayo, iyagoo aan ogayn xaqnimada Ilaah oo doonaya inay taagaan tooda, ayayan hoos gelin Ilaah xaqnimadiisa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 92%

    17¶ Goortuu jidka u soo baxay, mid baa ku soo orday oo intuu u jilba joogsaday ayuu weyddiiyey oo ku yidhi, Macallin wanaagsanow, maxaan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah dhaxlo?

    18Ciise wuxuu ku yidhi, Maxaad iigu yeedhaysaa, Wanaagsanow? Mid wanaagsan ma jiro mid maahee, kaasuna waa Ilaah.

    19Qaynuunnada waad taqaan. Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad waxba xadin, Waa inaanad marag been ah furin, Waa inaanad waxba dulmin, Aabbahaa iyo hooyadaana maamuus.

    20Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, kuwaas oo dhan tan iyo yaraantaydii ayaan dhawrayay.

    21Markaasaa Ciise intuu eegay jeclaaday oo ku yidhi, Wax keliya ayaa kuu dhiman. Tag oo iibi waxaad haysatid oo dhan, oo masaakiintana sii, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal; ee kaalay oo i soo raac.

    22Hadalkaas ayuu ka qulbay, wuuna baxay isagoo calool xun, waayo, wuxuu ahaa mid waxyaalo badan leh.

  • Mat 19:16-22
    7 aayado
    89%

    16¶ Oo mid baa intuu yimid ku yidhi, Macallin wanaagsanow, maxaa wanaagsan oo aan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah helo?

    17Wuxuu ku yidhi, Maxaad wax iiga weyddiinaysaa wanaagga? Waxaa jira mid wanaagsan. Haddaad doonaysid inaad nolosha gashid, qaynuunnada dhawr.

    18Wuxuu ku yidhi, Kuwee? Ciise ayaa ku yidhi, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad sinaysan, Wan inaanad wax xadin, Waa inaanad marag been ah furin.

    19Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus, oo Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sidaad naftaada u jeceshahay.

    20Ninkii dhallinyarada ahaa ayaa ku yidhi, Kuwaas oo dhan ayaan dhawray. Maxaa weli ii dhiman?

    21Ciise ayaa ku yidhi, Haddaad doonaysid inaad samaatid, tag oo iibi waxaad haysatid, oo masaakiinta sii, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal; ee kaalay oo i soo raac.

    22Ninkii dhallinyarada ahaa goortuu hadalkaas maqlay ayuu baxay isagoo calool xun, waayo, wuxuu ahaa mid waxyaalo badan leh.

  • 83%

    18¶ Taliye ayaa weyddiiyey isagoo leh, Macallin wanaagsanow, maxaan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah dhaxlo?

    19Markaasaa Ciise ku yidhi, Maxaad iigu yeedhaysaa wanaagsanow? Mid wanaagsan ma jiro mid maahee, kaasuna waa Ilaah.

    20Qaynuunnada waad taqaan, Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad wax xadin, Waa inaanad marag been ah furin, Aabbahaa iyo hooyadaana maamuus.

  • 81%

    22Ciise goortuu waxaas maqlay ayuu ku yidhi, Weli wax keliya ayaa kuu dhiman. Waxaad haysatid oo dhan iibi, oo masaakiinta u qaybi, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal, ee kaalay oo i soo raac.

    23Laakiin goortuu waxaas maqlay ayuu aad uga caloolxumaaday, waayo, aad buu hodan u ahaa.

    24Ciise goortuu arkay, wuxuu yidhi, Kuwa hodanka ah waa ku adag tahay inay boqortooyada Ilaah galaan,

  • Mat 22:36-38
    3 aayado
    73%

    36Macallimow, qaynuunkee baa sharciga uga weyn?

    37Kolkaasuu ku yidhi isaga, Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan iyo naftaada oo dhan iyo caqligaaga oo dhan.

    38Kanu waa qaynuunka ugu weyn oo ugu horreeya.

  • 73%

    25¶ Mid sharciga yaqaan ayaa istaagay oo jirrabay, isagoo leh, Macallimow, maxaan sameeyaa si aan ku dhaxlo nolosha weligeed ah?

    26Wuxuu ku yidhi, Maxaa sharciga ku qoran? Sidee baad u akhridaa?

    27Isagaa u jawaabay oo ku yidhi, Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan, iyo naftaada oo dhan, iyo xooggaaga oo dhan, iyo caqligaaga oo dhan, deriskaagana waa inaad u jeclaataa sida naftaada.

    28Wuxuu ku yidhi, Si hagaagsan ayaad u jawaabtay. Sidaas yeel oo waad noolaan doontaa.

  • Sab 18:21-23
    3 aayado
    72%

    21Waayo, anigu waan xajiyey jidadkii Rabbiga, Oo Ilaahayna si caasinimo ah ugama tegin.

    22Waayo, xukummadiisii oo dhammu hortayday yiilleen, Oo qaynuunnadiisiina anigu iskama tuurin.

    23Oo weliba xaggiisana waan ku qummanaa, Oo waan iska dhawray xumaantaydii.

  • 28Kolkaasaa Butros bilaabay inuu ku yidhaahdo, Annagu wax walba waannu ka wada tagnay, waana ku raacnay.

  • 28Butros ayaa ku yidhi, Bal eeg, waxayagii ayaannu ka tagnay, waana ku raacnay.

  • 28Markaasuu wax walba ka tegey, wuuna kacay oo raacay.

  • 51¶ Waxyaalahan oo dhan ma garateen? Waxay ku yidhaahdeen, Haah.

  • 12Toddobaadkiiba laba kol ayaan soomaa, waxaan haysta oo dhanna toban meelood ayaan meel ka bixiyaa.

  • 70%

    28¶ Kolkaasaa culimmada midkood u yimid, oo markuu maqlay iyagoo wada hadlaya, oo markuu gartay inuu si wanaagsan u jawaabay, ayuu wax weyddiiyey oo ku yidhi, Qaynuunkee baa ka horreeya kuwa kale oo dhan?

    29Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Kan ugu horreeyaa waxaa weeye, Maqal, Israa'iilow, Rabbiga Ilaaheenna ah waa Rabbi keliya.

    30Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan, iyo naftaada oo dhan, iyo caqligaaga oo dhan, iyo xooggaaga oo dhan.

  • 33Sidaa darteed midkiin walba oo aan ka tegin wuxuu leeyahay oo dhan, xer iima ahaan karo.

  • 30Markaasuu wuxuu u yimid kii labaad, oo sidii oo kale ku yidhi. Isaguna wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Waa yahay, waan tegayaa, sayidow, laakiin ma uu tegin.

  • 22Waayo, anigu waan xajiyey jidadkii Rabbiga, Oo Ilaahayna sii caasinimo ah ugama tegin.

  • 27¶ Markaas Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Annagu wax walba waannu ka soo wada tagnay, waana ku raacnay. Maxaannu haddaba heli doonnaa?

  • 21Sidaas oo kale weeye kan maal urursada oo aan Ilaah u hodan ahayn.

  • 19Kolkaasaa culimmada midkood u yimid oo ku yidhi, Macallimow, waan ku raacayaa meeshaad tagtidba.

  • 31Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad xajisaan oo yeeshaan amarradayda, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 69%

    18Runtii, runtii, waxaan kugu leeyahay, Markaad yarayd adigu waad guntan jirtay, oo waxaad mari jirtay meeshaad doonaysay, laakiin markaad gabowdid, gacmahaad kala bixin doontaa, oo mid kalaa kuu guntin doona, oo wuxuu kuu qaadi doonaa meel aadan doonayn.

    19Wuxuu waxaas u yidhi inuu tuso dhimashaduu Ilaah ku ammaani doono. Markuu waxaas yidhi dabadeed, wuxuu ku yidhi, I soo raac.

  • 9Waayo, amarradan la yidhi, Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad waxba xadin, Waa inaanad wax damcin, oo haddii amar kale jirana, waxaa lagu soo koobay hadalkan, Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada.

  • 24Oo weliba xaggiisana waan ku qummanaa, Oo waan iska dhawray xumaantaydii.

  • 31Markaasuu ku yidhi, Wiilkaygiiyow, weligaa waad ila joogtaa, oo waxayga oo dhan adigaa leh,

  • 18Markaasuu yidhi, Sidan ayaan samayn doonaa. Maqsinnadaydii ayaan dumin doonaa oo kuwa ka waaweyn ayaan dhisan doonaa; halkaasna ayaan ku urursan doonaa sarreenkayga iyo alaabtayda oo dhan,