Matayos 19:16

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo mid baa intuu yimid ku yidhi, Macallin wanaagsanow, maxaa wanaagsan oo aan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah helo?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 25:46 : 46 Kuwanuna waxay geli doonaan taqsiirta weligeed ah, kuwa xaqa ahuse waxay geli doonaan nolosha weligeed ah.
  • Yoox 3:15 : 15 in mid kastoo isaga rumaystaa uu lahaado nolosha weligeed ah.
  • Mark 10:17-30 : 17 ¶ Goortuu jidka u soo baxay, mid baa ku soo orday oo intuu u jilba joogsaday ayuu weyddiiyey oo ku yidhi, Macallin wanaagsanow, maxaan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah dhaxlo? 18 Ciise wuxuu ku yidhi, Maxaad iigu yeedhaysaa, Wanaagsanow? Mid wanaagsan ma jiro mid maahee, kaasuna waa Ilaah. 19 Qaynuunnada waad taqaan. Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad waxba xadin, Waa inaanad marag been ah furin, Waa inaanad waxba dulmin, Aabbahaa iyo hooyadaana maamuus. 20 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, kuwaas oo dhan tan iyo yaraantaydii ayaan dhawrayay. 21 Markaasaa Ciise intuu eegay jeclaaday oo ku yidhi, Wax keliya ayaa kuu dhiman. Tag oo iibi waxaad haysatid oo dhan, oo masaakiintana sii, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal; ee kaalay oo i soo raac. 22 Hadalkaas ayuu ka qulbay, wuuna baxay isagoo calool xun, waayo, wuxuu ahaa mid waxyaalo badan leh. 23 ¶ Ciise ishuu wada mariyey oo xertiisuu ku yidhi, Kuwa hodanka ah waa ku adag tahay inay boqortooyada Ilaah galaan! 24 Xertiisii hadalladiisii bay ka yaabeen. Laakiin Ciise mar kaluu u jawaabay oo ku yidhi, Ilma yahow, siday ugu adag tahay kuwa maalka isku halleeya inay boqortooyada Ilaah galaan! 25 Nin hodan ah inuu boqortooyada Ilaah galo waxaa ka hawl yar in awr irbad daloolkeed ka duso. 26 Aad bay u yaabeen, waxayna isku lahaayeen, Haddaba yaa badbaadi kara? 27 Markaasaa Ciise eegay oo ku yidhi, Waxanu uma suurtoobaan dadka, waxbase uma aha Ilaah, waayo, wax waluba waa u suurtoobaan Ilaah. 28 Kolkaasaa Butros bilaabay inuu ku yidhaahdo, Annagu wax walba waannu ka wada tagnay, waana ku raacnay. 29 Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Ma jiro nin aawaday iyo injiilka aawadiis uga tegey guri, ama walaalo, ama hooyo, ama aabbe, ama carruur, ama beero, 30 oo aan haatan oo la joogo helayn boqol laab guryo ah, iyo walaalo, iyo hooyooyin, iyo carruur, iyo beero, wuxuuna la heli doonaa silec, wakhtiga imanayana nolosha weligeed ah.
  • 1 Yoox 1:2 : 2 Nolosha waa la muujiyey, oo waannu aragnay, waanan u marag furaynaa, oo waxaannu idiinka warramaynaa nolosha weligeed ah, ta Aabbaha la jirtay oo lanoo muujiyey.
  • Yuud 1:21 : 21 nafsaddiinna ku haya jacaylka Ilaah, idinkoo sugaya naxariista Rabbigeenna Ciise Masiix oo idin geeynaysa nolosha weligeed ah.
  • 1 Yoox 2:25 : 25 Oo kanu waa ballankii uu inoogu ballanqaaday oo ah nolosha weligeed ah.
  • 1 Yoox 5:11-13 : 11 Maragguna waa kan, kaas oo ah in Ilaah ina siiyey nolosha weligeed ah, oo ay noloshanu Wiilkiisa ku jirto. 12 Kan Wiilka haystaa, noloshuu leeyahay. Kii aan Wiilka Ilaah haysanna nolosha ma leh. 13 ¶ Waxyaalahan waxaan idiinku soo qoray, idinka oo rumaystay magaca Wiilka Ilaah, si aad u ogaataan inaad nolosha weligeed ah leedihiin.
  • 1 Yoox 5:20 : 20 Waxaynu og nahay in Wiilka Ilaah yimid, oo wuxuu ina siiyey garasho si aynu ugu garanno kan runta ah; innaguna waa ku jirnaa kan runta ah, oo ah Wiilkiisa ee Ciise Masiix ah. Kanu waa Ilaaha runta ah iyo nolosha weligeed ah.
  • Luuk 10:25-28 : 25 ¶ Mid sharciga yaqaan ayaa istaagay oo jirrabay, isagoo leh, Macallimow, maxaan sameeyaa si aan ku dhaxlo nolosha weligeed ah? 26 Wuxuu ku yidhi, Maxaa sharciga ku qoran? Sidee baad u akhridaa? 27 Isagaa u jawaabay oo ku yidhi, Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan, iyo naftaada oo dhan, iyo xooggaaga oo dhan, iyo caqligaaga oo dhan, deriskaagana waa inaad u jeclaataa sida naftaada. 28 Wuxuu ku yidhi, Si hagaagsan ayaad u jawaabtay. Sidaas yeel oo waad noolaan doontaa.
  • Luuk 18:18-30 : 18 ¶ Taliye ayaa weyddiiyey isagoo leh, Macallin wanaagsanow, maxaan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah dhaxlo? 19 Markaasaa Ciise ku yidhi, Maxaad iigu yeedhaysaa wanaagsanow? Mid wanaagsan ma jiro mid maahee, kaasuna waa Ilaah. 20 Qaynuunnada waad taqaan, Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad wax xadin, Waa inaanad marag been ah furin, Aabbahaa iyo hooyadaana maamuus. 21 Markaasuu yidhi, Kuwaas oo dhan tan iyo yaraantaydii waan dhawray. 22 Ciise goortuu waxaas maqlay ayuu ku yidhi, Weli wax keliya ayaa kuu dhiman. Waxaad haysatid oo dhan iibi, oo masaakiinta u qaybi, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal, ee kaalay oo i soo raac. 23 Laakiin goortuu waxaas maqlay ayuu aad uga caloolxumaaday, waayo, aad buu hodan u ahaa. 24 Ciise goortuu arkay, wuxuu yidhi, Kuwa hodanka ah waa ku adag tahay inay boqortooyada Ilaah galaan, 25 waayo, nin hodan ah inuu boqortooyada Ilaah galo waxaa ka hawl yar in awr irbad daloolkeeda ka duso. 26 Markaasaa kuwa maqlay waxay ku yidhaahdeen, Haddaba yaa badbaadi kara? 27 Wuxuuse ku yidhi, Waxa aan dadka u suurtoobin, Ilaah waa u suurtoobaan. 28 Butros ayaa ku yidhi, Bal eeg, waxayagii ayaannu ka tagnay, waana ku raacnay. 29 Wuxuuna ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay. Ma jiro nin boqortooyada Ilaah aawadeed uga tegey guri, ama afo, ama walaalo, ama waalid, ama carruur, 30 oo aan haatan helayn labanlaab badan, wakhtiga imanayana nolosha weligeed ah.
  • Daan 12:2 : 2 Oo qaar badan oo ku hurda ciidda dhulka ayaa soo toosi doona, qaarkood waxay u soo toosi doonaan nolol weligeed ah, qaarkoodna waxay u soo toosi doonaan ceeb iyo quudhsasho weligeed ah.
  • Mat 19:26 : 26 Ciise intuu eegay ayuu ku yidhi, Waxanu uma suurtoobaan dadka, laakiin wax waluba waa u suurtoobaan Ilaah.
  • Mat 19:29 : 29 Oo mid walba oo ka tegey guryo, ama walaalo, ama aabbe, ama hooyo, ama carruur, ama beero, magacayga aawadiis, wuxuu heli doonaa boqol laab, oo wuxuu dhaxli doonaa nolosha weligeed ah.
  • Yoox 4:14 : 14 laakiin ku alla kii ka cabba biyahaan siin doono, weligiis ma harraadi doono, laakiin biyahaan siin doono waxay gudihiisa ku noqon doonaan il biyo ka duulayaan tan iyo nolosha weligeed ah.
  • Yoox 5:39 : 39 Qorniinka ayaad baadhaan, waayo, waxaad u malaynaysaan inaad nolosha weligeed ah ka helaysaan, waana iyaga kuwa ii marag furayaa.
  • Yoox 6:27-29 : 27 Ha u shaqaynina cuntada hallaabaysa, laakiin u shaqeeya cuntada sii jiraysa ilaa nolosha weligeed ah ee Wiilka Aadanahu idin siin doono, waayo, isaga Aabbaha Ilaaha ah ayaa caddeeyey. 28 Sidaas aawadeed waxay ku yidhaahdeen, Maxaannu yeelnaa si aannu shuqullada Ilaah u samayno? 29 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Kanu waa shuqulkii Ilaah inaad rumaysataan kii uu soo diray.
  • Yoox 6:47 : 47 ¶ Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii i rumaystaa, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah.
  • Yoox 6:68 : 68 Markaasaa Simoon Butros wuxuu ugu jawaabay, Sayidow, yaannu u tagnaa? Adigaa haya erayadii nolosha weligeed ahe.
  • Yoox 10:28 : 28 Oo waxaan iyaga siiyaa nolosha weligeed ah, weligoodna ma lumi doonaan, oo ninna kama dhufsan doono gacantayda.
  • Yoox 12:25 : 25 Kan naftiisa jecel, waa lumiyaa, kan dunidan naftiisa ku nebcaadaase, wuu hayn doonaa tan iyo nolosha weligeed ah.
  • Yoox 17:2-3 : 2 sidaad amar ugu siisay dadka oo dhan inuu nolosha weligeed ah siiyo kuwaad isaga siisay oo dhan. 3 Tanu waa nolosha weligeed ah inay ku gartaan, adoo ah Ilaaha runta ah oo keliya, iyo inay gartaan Ciise Masiix, kii aad soo dirtay.
  • Fal 16:30 : 30 markaasuu dibadda u soo saaray, oo ku yidhi, Sayidyadow, maxaa igu waajib ah inaan yeelo inaan ku badbaado?
  • Room 2:7 : 7 kuwa dulqaadashada shuqulka wanaagsan ku doondoonaa ammaan iyo ciso iyo dhimashola'aan, wuxuu siin doonaa nolosha weligeed ah;
  • Room 5:21 : 21 in, sida dembigu dhimashada ugu taliyey, sidaas oo kalena ay nimcadu ugu taliso xaqnimo ilaa nolosha weligeed ah ee xagga Rabbigeenna Ciise Masiix.
  • Room 6:22-23 : 22 Laakiin haatan idinkoo dembi laydinka xoreeyey oo aad addoommadii Ilaah noqoteen, waxaad midho ku haysataan quduusnaanta, oo ugu dambaysteeduna waa nolosha weligeed ah. 23 Waayo, mushahaarada dembigu waa dhimashada, laakiinse hadiyadda Ilaah waa nolosha weligeed ah ee laga helo Rabbigeenna Ciise Masiix.
  • 1 Tim 1:16 : 16 Laakiin sababtaas daraaddeed waa la ii naxariistay in, anigoo ah kan ugu daran, Ciise Masiix iga muujiyo dulqaadashadiisa oo dhan, inaan masaal u noqdo kuwa hadda dabadeed isaga rumaysan doona inay nolol weligeed ah helaan.
  • 1 Tim 6:12 : 12 Dagaalka wanaagsan oo iimaanka dagaallan, oo qabso nolosha weligeed ah, oo laguugu yeedhay, oo aad qirashada wanaagsan ku hor qiratay markhaatiyaal badan.
  • 1 Tim 6:19 : 19 iyagoo wakhtiga imanaya u dhiganaya aasaas wanaagsan, inay nolosha runta ah qabsadaan.
  • Titus 1:2 : 2 iyagoo rajaynaya nolosha weligeed ah oo Ilaaha aan beenta sheeginu u ballanqaaday waayadii hore hortood,
  • Titus 3:7 : 7 inaynu, innagoo quduus laynagaga dhigay nimcadiisa, rajada ku noqonno kuwo nolol weligeed ah dhaxla.
  • Mat 19:17-18 : 17 Wuxuu ku yidhi, Maxaad wax iiga weyddiinaysaa wanaagga? Waxaa jira mid wanaagsan. Haddaad doonaysid inaad nolosha gashid, qaynuunnada dhawr. 18 Wuxuu ku yidhi, Kuwee? Ciise ayaa ku yidhi, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad sinaysan, Wan inaanad wax xadin, Waa inaanad marag been ah furin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 89%

    18¶ Taliye ayaa weyddiiyey isagoo leh, Macallin wanaagsanow, maxaan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah dhaxlo?

    19Markaasaa Ciise ku yidhi, Maxaad iigu yeedhaysaa wanaagsanow? Mid wanaagsan ma jiro mid maahee, kaasuna waa Ilaah.

    20Qaynuunnada waad taqaan, Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad wax xadin, Waa inaanad marag been ah furin, Aabbahaa iyo hooyadaana maamuus.

    21Markaasuu yidhi, Kuwaas oo dhan tan iyo yaraantaydii waan dhawray.

    22Ciise goortuu waxaas maqlay ayuu ku yidhi, Weli wax keliya ayaa kuu dhiman. Waxaad haysatid oo dhan iibi, oo masaakiinta u qaybi, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal, ee kaalay oo i soo raac.

    23Laakiin goortuu waxaas maqlay ayuu aad uga caloolxumaaday, waayo, aad buu hodan u ahaa.

    24Ciise goortuu arkay, wuxuu yidhi, Kuwa hodanka ah waa ku adag tahay inay boqortooyada Ilaah galaan,

  • 87%

    17¶ Goortuu jidka u soo baxay, mid baa ku soo orday oo intuu u jilba joogsaday ayuu weyddiiyey oo ku yidhi, Macallin wanaagsanow, maxaan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah dhaxlo?

    18Ciise wuxuu ku yidhi, Maxaad iigu yeedhaysaa, Wanaagsanow? Mid wanaagsan ma jiro mid maahee, kaasuna waa Ilaah.

    19Qaynuunnada waad taqaan. Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad waxba xadin, Waa inaanad marag been ah furin, Waa inaanad waxba dulmin, Aabbahaa iyo hooyadaana maamuus.

    20Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, kuwaas oo dhan tan iyo yaraantaydii ayaan dhawrayay.

    21Markaasaa Ciise intuu eegay jeclaaday oo ku yidhi, Wax keliya ayaa kuu dhiman. Tag oo iibi waxaad haysatid oo dhan, oo masaakiintana sii, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal; ee kaalay oo i soo raac.

    22Hadalkaas ayuu ka qulbay, wuuna baxay isagoo calool xun, waayo, wuxuu ahaa mid waxyaalo badan leh.

  • Mat 19:17-23
    7 aayado
    87%

    17Wuxuu ku yidhi, Maxaad wax iiga weyddiinaysaa wanaagga? Waxaa jira mid wanaagsan. Haddaad doonaysid inaad nolosha gashid, qaynuunnada dhawr.

    18Wuxuu ku yidhi, Kuwee? Ciise ayaa ku yidhi, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad sinaysan, Wan inaanad wax xadin, Waa inaanad marag been ah furin.

    19Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus, oo Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sidaad naftaada u jeceshahay.

    20Ninkii dhallinyarada ahaa ayaa ku yidhi, Kuwaas oo dhan ayaan dhawray. Maxaa weli ii dhiman?

    21Ciise ayaa ku yidhi, Haddaad doonaysid inaad samaatid, tag oo iibi waxaad haysatid, oo masaakiinta sii, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal; ee kaalay oo i soo raac.

    22Ninkii dhallinyarada ahaa goortuu hadalkaas maqlay ayuu baxay isagoo calool xun, waayo, wuxuu ahaa mid waxyaalo badan leh.

    23¶ Markaasaa Ciise wuxuu xertiisii ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Nin hodan ah inuu boqortooyada jannada galo waa ku adag tahay.

  • 78%

    25¶ Mid sharciga yaqaan ayaa istaagay oo jirrabay, isagoo leh, Macallimow, maxaan sameeyaa si aan ku dhaxlo nolosha weligeed ah?

    26Wuxuu ku yidhi, Maxaa sharciga ku qoran? Sidee baad u akhridaa?

  • 19Kolkaasaa culimmada midkood u yimid oo ku yidhi, Macallimow, waan ku raacayaa meeshaad tagtidba.

  • Mat 22:35-37
    3 aayado
    75%

    35Oo midkood oo sharciga yaqaan ayaa wax weyddiiyey, isagoo jirrabaya, oo wuxuu ku yidhi,

    36Macallimow, qaynuunkee baa sharciga uga weyn?

    37Kolkaasuu ku yidhi isaga, Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan iyo naftaada oo dhan iyo caqligaaga oo dhan.

  • 74%

    28Wuxuu ku yidhi, Si hagaagsan ayaad u jawaabtay. Sidaas yeel oo waad noolaan doontaa.

    29¶ Laakiin isagoo doonaya inuu iscaddeeyo inuu xaq yahay, ayuu Ciise ku yidhi, Yaa deriskayga ah?

  • 73%

    40Markaasaa Ciise joogsaday oo wuxuu ku amray in loo keeno, oo goortuu u soo dhowaaday ayuu weyddiiyey, oo ku yidhi,

    41Maxaad doonaysaa inaan kuu sameeyo? Wuxuu ku yidhi, Sayidow, inaan wax arko.

  • 36Wuxuu ku yidhi, Maxaad doonaysaan inaan idiin sameeyo?

  • 28¶ Kolkaasaa culimmada midkood u yimid, oo markuu maqlay iyagoo wada hadlaya, oo markuu gartay inuu si wanaagsan u jawaabay, ayuu wax weyddiiyey oo ku yidhi, Qaynuunkee baa ka horreeya kuwa kale oo dhan?

  • 57¶ Oo intay jidka ku socdeen nin baa ku yidhi isaga, Waan ku raacayaa meel alla meeshaad tagtidba.

  • 12Markaasaa waxaa u yimid cashuurqaadayaal in la baabtiiso, waxayna ku yidhaahdeen, Macallimow, annaguna maxaannu samaynaa?

  • 39Culimmada qaarkood ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, si wanaagsan ayaad u hadashay.

  • 36Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Yuu yahay, Sayidow, aan rumaystee?

  • 34Markii Ciise arkay inuu miyir ku jawaabay, wuxuu ku yidhi, Boqortooyada Ilaah kama aad fogid. Markaas dabadeed ninna kuma dhicin inuu wax weyddiiyo.

  • 32Markaasaa Ciise joogsaday, oo intuu u yeedhay ayuu ku yidhi, Maxaad doonaysaan inaan idiin sameeyo?

  • 46¶ Maxaad iigu yeedhaan, Rabbow, Rabbow, oo aad u yeeli weydaan wixii aan leeyahay?

  • 13¶ Oo mid dadka ka mid ah ayaa ku yidhi, Macallimow, walaalkay u sheeg inuu dhaxalka ila qaybsado.

  • 26Markaasaa kuwa maqlay waxay ku yidhaahdeen, Haddaba yaa badbaadi kara?

  • 51Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Maxaad doonaysaa inaan kuu sameeyo? Indhoolihii baa ku yidhi, Sayidow, inaan wax arko.

  • 40Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Simoonow, hal baan ku leeyahay. Wuxuu yidhi, Dheh, Macallimow.

  • 14¶ Goortay dadkii badnaa u yimaadeen, ayaa nin u yimid isaga, oo intuu u jilba joogsaday ayuu ku yidhi,

  • 10Markaasaa dadkii badnaa weyddiiyeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Haddaba maxaannu samaynaa?

  • 25Xertii goortay maqleen aad bay u yaabeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Haddaba yaa badbaadi kara?

  • 23Mid baa wuxuu ku yidhi, Sayidow, ma yar yihiin kuwa badbaadayaa?

  • 16Kolkaasuu weyddiiyey, Maxaad isweyddiinaysaan?

  • 28Sidaas aawadeed waxay ku yidhaahdeen, Maxaannu yeelnaa si aannu shuqullada Ilaah u samayno?

  • 9¶ Ciise kolkuu meeshaas ka tegey intuu socday ayuu wuxuu arkay nin la odhan jiray Matayos oo fadhiya meeshii cashuurta lagu qaado, oo wuxuu ku yidhi, I soo raac. Markaasuu kacay oo raacay.