Matayos 22:35

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo midkood oo sharciga yaqaan ayaa wax weyddiiyey, isagoo jirrabaya, oo wuxuu ku yidhi,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Luuk 7:30 : 30 Laakiin Farrisiintii iyo kuwii sharciga yiqiin ayaa waanadii Ilaah naftooda darteed u diiday iyagoo aan Yooxanaa baabtiisin.
  • Luuk 11:52 : 52 Waa idiin hoog, sharciga sheegayaal yahow, waayo, furihii garashada ayaad qaaddeen. Idinka qudhiinnu ma gelin, oo kuwii gelayayna ayaad ka hor joogsateen.
  • Luuk 14:3 : 3 Markaasaa Ciise u jawaabay oo kuwii sharciga yiqiin iyo Farrisiintii ku yidhi, isagoo leh, Ma xalaal baa in sabtida wax la bogsiiyo, mise maya?
  • Titus 3:13 : 13 Ku dadaal inaad Seenaas kan sharciga yaqaan iyo Abolloos soo ambabbixisid si ayan waxba ugu baahan.
  • Luuk 11:45-46 : 45 ¶ Kuwa sharciga yaqaan midkood ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, markaad waxaas leedahay, annagana waad na caayaysaa. 46 Markaasuu ku yidhi, Idinkana waa idiin hoog, sharciga sheegayaal yahow, waayo, waxaad nimanka ku rartaan wax culus oo qaadiddoodu dhib leedahay; idinkuse farihiinna middood kuma taabataan culaabta.
  • Mat 22:18 : 18 Laakiin Ciise ayaa sharkoodii gartay, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad ii jirrabaysaan, labawejiilayaal yahow?
  • Mark 10:2 : 2 Markaasaa Farrisiintu u timid oo weyddiisay, Ma xalaal baa in nin naagtiisa furo? Wayna jirrabayeen.
  • Luuk 10:25-37 : 25 ¶ Mid sharciga yaqaan ayaa istaagay oo jirrabay, isagoo leh, Macallimow, maxaan sameeyaa si aan ku dhaxlo nolosha weligeed ah? 26 Wuxuu ku yidhi, Maxaa sharciga ku qoran? Sidee baad u akhridaa? 27 Isagaa u jawaabay oo ku yidhi, Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan, iyo naftaada oo dhan, iyo xooggaaga oo dhan, iyo caqligaaga oo dhan, deriskaagana waa inaad u jeclaataa sida naftaada. 28 Wuxuu ku yidhi, Si hagaagsan ayaad u jawaabtay. Sidaas yeel oo waad noolaan doontaa. 29 ¶ Laakiin isagoo doonaya inuu iscaddeeyo inuu xaq yahay, ayuu Ciise ku yidhi, Yaa deriskayga ah? 30 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Nin baa Yeruusaalem ka soo degayay oo Yerixoo ku socday; wuxuuna ku dhex dhacay tuugag, oo intay dharka ka furteen oo garaaceen ayay ka tageen oo daayeen isagoo bestiis ah. 31 Waxay noqotay in wadaad jidkaas ku soo degayay, oo markuu arkay ayuu dhinaca kale maray. 32 Sidaas oo kalena nin reer Laawi ah goortuu meeshaas yimid oo arkay, ayuu dhinaca kale maray. 33 Laakiin nin reer Samaariya ah intuu socday ayuu meeshiisa yimid, oo markuu arkay ayuu u naxariistay. 34 Wuuna u dhowaaday, oo nabrihiisii ka duudduubay, oo saliid iyo khamri ku shubay, markaasuu saaray neefkiisii, oo hudheel geeyey, waana u dadaalay. 35 Maalintii dambe wuxuu soo bixiyey laba dinaar, oo siiyey ninkii hudheelkii lahaa, oo ku yidhi, U dadaal, oo wixii dambe oo kaaga baxa, soo noqodkayga ayaan kuu celin doonaa. 36 Saddexdaas kee bay kula tahay inuu deris u ahaa kii tuugagga ku dhex dhacay? 37 Wuxuu ku yidhi, Kii u naxariistay. Markaasaa Ciise ku yidhi, Tag oo sidaas oo kale yeel.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 86%

    25¶ Mid sharciga yaqaan ayaa istaagay oo jirrabay, isagoo leh, Macallimow, maxaan sameeyaa si aan ku dhaxlo nolosha weligeed ah?

    26Wuxuu ku yidhi, Maxaa sharciga ku qoran? Sidee baad u akhridaa?

    27Isagaa u jawaabay oo ku yidhi, Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan, iyo naftaada oo dhan, iyo xooggaaga oo dhan, iyo caqligaaga oo dhan, deriskaagana waa inaad u jeclaataa sida naftaada.

    28Wuxuu ku yidhi, Si hagaagsan ayaad u jawaabtay. Sidaas yeel oo waad noolaan doontaa.

    29¶ Laakiin isagoo doonaya inuu iscaddeeyo inuu xaq yahay, ayuu Ciise ku yidhi, Yaa deriskayga ah?

    30Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Nin baa Yeruusaalem ka soo degayay oo Yerixoo ku socday; wuxuuna ku dhex dhacay tuugag, oo intay dharka ka furteen oo garaaceen ayay ka tageen oo daayeen isagoo bestiis ah.

  • Mat 22:36-37
    2 aayado
    86%

    36Macallimow, qaynuunkee baa sharciga uga weyn?

    37Kolkaasuu ku yidhi isaga, Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan iyo naftaada oo dhan iyo caqligaaga oo dhan.

  • 41¶ Kolkii Farrisiintii isu yimaadeen ayaa Ciise wax weyddiiyey,

  • 78%

    45¶ Kuwa sharciga yaqaan midkood ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, markaad waxaas leedahay, annagana waad na caayaysaa.

    46Markaasuu ku yidhi, Idinkana waa idiin hoog, sharciga sheegayaal yahow, waayo, waxaad nimanka ku rartaan wax culus oo qaadiddoodu dhib leedahay; idinkuse farihiinna middood kuma taabataan culaabta.

  • Mark 10:2-3
    2 aayado
    77%

    2Markaasaa Farrisiintu u timid oo weyddiisay, Ma xalaal baa in nin naagtiisa furo? Wayna jirrabayeen.

    3Kolkaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Muuse muxuu idinku amray?

  • 3Markaasaa Ciise u jawaabay oo kuwii sharciga yiqiin iyo Farrisiintii ku yidhi, isagoo leh, Ma xalaal baa in sabtida wax la bogsiiyo, mise maya?

  • 28¶ Kolkaasaa culimmada midkood u yimid, oo markuu maqlay iyagoo wada hadlaya, oo markuu gartay inuu si wanaagsan u jawaabay, ayuu wax weyddiiyey oo ku yidhi, Qaynuunkee baa ka horreeya kuwa kale oo dhan?

  • 75%

    21Markaasay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, waxaannu og nahay inaad si hagaagsan wax u tidhaahdo oo wax u bartid, oo aanad ninna u eexan, laakiin aad jidka Ilaah run ku bartid.

    22Ma xalaal baa inaannu cashuur Kaysar siinno ama inaannan siin?

    23Laakiin khiyaanadooda wuu gartay, oo wuxuu ku yidhi,

  • Mat 22:15-18
    4 aayado
    75%

    15¶ Markaasaa Farrisiintii baxeen, oo waxay ka wada hadleen si ay hadalkiisa ugu qabtaan.

    16Waxay xertoodii ula soo direen Herodosiinta, oo waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, waannu og nahay inaad run tahay, oo aad dadka jidka Ilaah run ku bartid, oo aanad ninna u eexan, waayo, dadka wejigooda ma eegtid.

    17Haddaba noo sheeg waxay kula tahay, Ma xalaal baa in cashuur Kaysar la siiyo ama inaan la siin?

    18Laakiin Ciise ayaa sharkoodii gartay, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad ii jirrabaysaan, labawejiilayaal yahow?

  • 34¶ Laakiin Farrisiintii goortay maqleen inuu Sadukiintii aamusiiyey ayay isu yimaadeen.

  • 3¶ Markaasaa Farrisiintii u timid, iyagoo jirrabaya, oo waxay ku yidhaahdeen, Ma xalaal baa in nin sabab kasta naagtiisa ku furo?

  • 16Kolkaasuu weyddiiyey, Maxaad isweyddiinaysaan?

  • 18¶ Markaasaa waxaa u yimid Sadukiin kuwii odhan jiray, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto. Oo waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen,

  • 34Markii Ciise arkay inuu miyir ku jawaabay, wuxuu ku yidhi, Boqortooyada Ilaah kama aad fogid. Markaas dabadeed ninna kuma dhicin inuu wax weyddiiyo.

  • 23¶ Maalintaas waxaa u yimid Sadukiin kuwii odhan jiray, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto. Oo waxay weyddiiyeen,

  • 1¶ Markaas waxaa Yeruusaalem Ciise uga yimid niman Farrisiin iyo culimmo ah, oo waxay ku yidhaahdeen,

  • 53¶ Oo kolkuu meeshaas ka baxay, culimmada iyo Farrisiintu waxay bilaabeen inay aad ugu dhirfaan iyo inay wax badan kaga hadlisiiyaan,

  • Luuk 20:1-3
    3 aayado
    72%

    1¶ Maalmahaa middood intuu Ciise dadka macbudkii wax ku barayay oo injiilka kaga dhex wacdiyeyey, waxaa dhacay in wadaaddada sare iyo culimmada ula yimaadeen waayeellada

    2oo la hadleen oo ku yidhaahdeen, Noo sheeg, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Oo yuu yahay kan amarkan ku siiyey?

    3Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Aniguna hal baan idin weyddiinayaa, iina sheega.

  • 27¶ Waxaa u yimid qaar Sadukiin ah, kuwii odhan jiray, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto.

  • 13¶ Waxay u soo direen Farrisiinta iyo Herodosiinta qaarkood si ay hadalkiisa ugu qabtaan.

  • 1¶ Waxaa u yimid Farrisiintii iyo Sadukiintii iyagoo jirrabaya, oo waxay ka baryeen inuu calaamo cirka ka tuso.

  • 16¶ Oo mid baa intuu yimid ku yidhi, Macallin wanaagsanow, maxaa wanaagsan oo aan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah helo?

  • 5Hadda Muuse wuxuu sharciga nagu amray in la dhagxiyo tan oo kale, adiguse maxaad ka leedahay iyada?

  • 39Ku labaad oo u ekina waa kan. Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada.

  • 71%

    39Culimmada qaarkood ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, si wanaagsan ayaad u hadashay.

    40Kol dambe kuma ay dhicin inay wax weyddiiyaan.

  • 18Wuxuu ku yidhi, Kuwee? Ciise ayaa ku yidhi, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad sinaysan, Wan inaanad wax xadin, Waa inaanad marag been ah furin.

  • 36Saddexdaas kee bay kula tahay inuu deris u ahaa kii tuugagga ku dhex dhacay?

  • 18¶ Taliye ayaa weyddiiyey isagoo leh, Macallin wanaagsanow, maxaan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah dhaxlo?

  • 24Markaasaa Farrisiintii waxay isaga ku yidhaahdeen, Bal eeg, maxay sabtida u samaynayaan wixii aan xalaal ahayn?

  • 11¶ Markaasaa Farrisiintu u soo baxday, oo waxay bilaabeen inay wax weyddiiyaan, oo waxay ka doonayeen inuu calaamo cirka ka tuso, si ay u jirrabaan.

  • 70%

    19Qaynuunnada waad taqaan. Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad waxba xadin, Waa inaanad marag been ah furin, Waa inaanad waxba dulmin, Aabbahaa iyo hooyadaana maamuus.

    20Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, kuwaas oo dhan tan iyo yaraantaydii ayaan dhawrayay.

  • 46Ninna hadal uguma jawaabi karin, oo maalintaas dabadeed ninna kuma dhicin inuu mar dambe wax weyddiiyo.

  • 20Qaynuunnada waad taqaan, Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad wax xadin, Waa inaanad marag been ah furin, Aabbahaa iyo hooyadaana maamuus.