Markos 10:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Qaynuunnada waad taqaan. Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad waxba xadin, Waa inaanad marag been ah furin, Waa inaanad waxba dulmin, Aabbahaa iyo hooyadaana maamuus.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 20:12-17 : 12 ¶ Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus, in cimrigaagu ku dheeraado dhulka Rabbiga Ilaahaaga ahu ku siiyo. 13 ¶ Waa inaanad qudh gooyn. 14 ¶ Waa inaanad sinaysan. 15 ¶ Waa inaanad waxba xadin. 16 ¶ Waa inaanad deriskaaga marag been ah ku furin. 17 ¶ Waa inaanad damcin guriga deriskaaga, waa inaanad damcin naagta deriskaaga, ama addoonkiisa, ama addoontiisa, ama dibigiisa, ama dameerkiisa, ama waxa deriskaagu leeyahay oo dhan.
  • Room 13:9 : 9 Waayo, amarradan la yidhi, Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad waxba xadin, Waa inaanad wax damcin, oo haddii amar kale jirana, waxaa lagu soo koobay hadalkan, Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada.
  • Luuk 18:20 : 20 Qaynuunnada waad taqaan, Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad wax xadin, Waa inaanad marag been ah furin, Aabbahaa iyo hooyadaana maamuus.
  • Room 3:20 : 20 Maxaa yeelay, shuqullada sharciga ninna xaq ku noqon maayo Ilaah hortiis, waayo, sharciga ayaa lagu gartaa dembiga.
  • 1 Kor 6:7-9 : 7 Haddaba waa idiin wada daran tahay in midkiinba midka kale dacweeyo. Maad iska daysaan, ha laydin xumeeyee? Maad iska daysaan, ha laydin dulmee? 8 Laakiin idinka qudhiinnu wax baad xumaysaan oo dulantaan, oo xataa walaalihiin. 9 Ama miyeydnaan ogayn in kuwa xaqa darani ayan dhaxlayn boqortooyadii Ilaah? Yaan laydin khiyaanayn. Ama dhillayaasha, ama kuwa sanamka caabuda, ama kuwa sinaysta, ama khaanisiinta,
  • Gal 4:21 : 21 ¶ Kuwiinna doonaya inay sharciga ka hooseeyaanow, ii sheega. Sharciga miyeydnaan maqlin?
  • Gal 5:14 : 14 Waayo, sharciga oo dhammu hadal keliya buu ku dhammaaday, waana kan, Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sidaad naftaada u jeceshahay.
  • 1 Tes 4:6 : 6 inaan ninna xadgudbin oo walaalkiis xaalkan ku xumayn, maxaa yeelay, Rabbigu waa mid ka aarguda waxyaalahan oo dhan sidaannu mar hore idiinku dignay oo idiinku sii sheegnay.
  • Yac 2:11 : 11 Waayo, kii yidhi, Ha sinaysan; wuxuu kaloo yidhi, Cidna ha dilin. Haddaanad sinaysanin laakiin aad dad disho, waxaad noqotay ku sharciga ku xadgudbay.
  • Sharc 5:16-24 : 16 ¶ Aabbahaa iyo hooyadaa u maamuus sidii Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu amray, in cimrigaagu dheeraado, oo aad ku nabdoonaatid dalka Rabbiga Ilaahaaga ahu ku siiyo. 17 ¶ Waa inaadan qudh gooyn. 18 ¶ Oo waa inaadan sinaysan. 19 ¶ Oo waa inaadan waxba xadin. 20 ¶ Oo waa inaadan deriskaaga marag been ah ku furin. 21 ¶ Oo waa inaadan damcin naagta deriskaaga, oo waa inaanad damcin guriga deriskaaga, ama beertiisa, ama addoonkiisa, ama addoontiisa, ama dibigiisa, ama dameerkiisa, ama waxa deriskaagu leeyahay oo dhan. 22 ¶ Erayadaas wuxuu Rabbigu, isagoo buurta jooga, dab iyo daruur iyo gudcur qaro weyn dhexdooda shirkiinna oo dhan kagala hadlay cod weyn, wax kalena kuma uu darin. Oo wuxuu ku qoray laba loox oo dhagax ah, markaasuu i siiyey. 23 Markaad codka ka dhex maqasheen gudcurka, iyadoo buurta dab ka qaxmayo, ayaad ii soo dhowaateen idinkoo ah madaxdii qabiilooyinkiinna iyo duqowdiinnii oo dhanba, 24 oo waxaad tidhaahdeen, Bal eega, Rabbiga Ilaaheenna ahu wuxuu ina tusay ammaantiisa iyo weynaantiisa, codkiisiina waynu ka maqalnay dabka dhexdiisa, oo maanta waxaan ogaannay in Rabbigu dadka la hadlo oo uu isagu nool yahay.
  • Ish 8:20 : 20 Sharciga iyo markhaatifurka ka fiirsada, oo eraygan hadal waafaqsan haddaanay ku hadlinna hubaal iyaga waaberi uma jiri doono.
  • Mat 5:17-20 : 17 ¶ Ha u malaynina inaan u imid inaan sharciga ama qorniintii nebiyada baabbi'iyo; uma aan iman inaan baabbi'iyo, laakiin waxaan u imid inaan wada oofiyo 18 Runtii waxaan idinku leeyahay, Intaan cirka iyo dhulku idlaan, xaraf ama dhibic keliya ka idlaan mayso sharciga ilaa ay wada noqdaan. 19 Sidaa darteed kii jebiya qaynuunnadan kuwa ugu yar midkood, oo sidaas dadka u bara, waxaa loogu yeedhi doonaa kan uga yar boqortooyadii jannada, laakiin kii yeela oo bara, waxaa loogu yeedhi doonaa kan weyn boqortooyadii jannada. 20 Waayo, waxaan idinku leeyahay, Xaqnimadiinnu haddaanay ka badnaan tan culimmada iyo Farrisiinta, geliba maysaan boqortooyadii jannada.
  • Mat 19:17-19 : 17 Wuxuu ku yidhi, Maxaad wax iiga weyddiinaysaa wanaagga? Waxaa jira mid wanaagsan. Haddaad doonaysid inaad nolosha gashid, qaynuunnada dhawr. 18 Wuxuu ku yidhi, Kuwee? Ciise ayaa ku yidhi, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad sinaysan, Wan inaanad wax xadin, Waa inaanad marag been ah furin. 19 Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus, oo Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sidaad naftaada u jeceshahay.
  • Mark 12:28-34 : 28 ¶ Kolkaasaa culimmada midkood u yimid, oo markuu maqlay iyagoo wada hadlaya, oo markuu gartay inuu si wanaagsan u jawaabay, ayuu wax weyddiiyey oo ku yidhi, Qaynuunkee baa ka horreeya kuwa kale oo dhan? 29 Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Kan ugu horreeyaa waxaa weeye, Maqal, Israa'iilow, Rabbiga Ilaaheenna ah waa Rabbi keliya. 30 Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan, iyo naftaada oo dhan, iyo caqligaaga oo dhan, iyo xooggaaga oo dhan. 31 Ku labaad waa kan, Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada. Qaynuun kale oo kuwan ka weyn ma jiro. 32 Waxaa culimmada mid ka mid ahu ku yidhi, Sida runta ah, Macallimow, si wanaagsan baad u hadashay markaad tidhi, Isagu waa mid keliya, oo mid kalena ma jiro isaga ma ahaane. 33 In laga jeclaado qalbiga oo dhan, iyo caqliga oo dhan, iyo nafta oo dhan, iyo xoogga oo dhan, iyo in deriska loo jeclaado sida nafta, taasaa ka sii wanaagsan allabaryo la wada gubo iyo allabaryo kale oo dhanba. 34 Markii Ciise arkay inuu miyir ku jawaabay, wuxuu ku yidhi, Boqortooyada Ilaah kama aad fogid. Markaas dabadeed ninna kuma dhicin inuu wax weyddiiyo.
  • Luuk 10:26-28 : 26 Wuxuu ku yidhi, Maxaa sharciga ku qoran? Sidee baad u akhridaa? 27 Isagaa u jawaabay oo ku yidhi, Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan, iyo naftaada oo dhan, iyo xooggaaga oo dhan, iyo caqligaaga oo dhan, deriskaagana waa inaad u jeclaataa sida naftaada. 28 Wuxuu ku yidhi, Si hagaagsan ayaad u jawaabtay. Sidaas yeel oo waad noolaan doontaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 96%

    18¶ Taliye ayaa weyddiiyey isagoo leh, Macallin wanaagsanow, maxaan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah dhaxlo?

    19Markaasaa Ciise ku yidhi, Maxaad iigu yeedhaysaa wanaagsanow? Mid wanaagsan ma jiro mid maahee, kaasuna waa Ilaah.

    20Qaynuunnada waad taqaan, Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad wax xadin, Waa inaanad marag been ah furin, Aabbahaa iyo hooyadaana maamuus.

    21Markaasuu yidhi, Kuwaas oo dhan tan iyo yaraantaydii waan dhawray.

  • Mat 19:16-20
    5 aayado
    90%

    16¶ Oo mid baa intuu yimid ku yidhi, Macallin wanaagsanow, maxaa wanaagsan oo aan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah helo?

    17Wuxuu ku yidhi, Maxaad wax iiga weyddiinaysaa wanaagga? Waxaa jira mid wanaagsan. Haddaad doonaysid inaad nolosha gashid, qaynuunnada dhawr.

    18Wuxuu ku yidhi, Kuwee? Ciise ayaa ku yidhi, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad sinaysan, Wan inaanad wax xadin, Waa inaanad marag been ah furin.

    19Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus, oo Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sidaad naftaada u jeceshahay.

    20Ninkii dhallinyarada ahaa ayaa ku yidhi, Kuwaas oo dhan ayaan dhawray. Maxaa weli ii dhiman?

  • 82%

    20Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, kuwaas oo dhan tan iyo yaraantaydii ayaan dhawrayay.

    21Markaasaa Ciise intuu eegay jeclaaday oo ku yidhi, Wax keliya ayaa kuu dhiman. Tag oo iibi waxaad haysatid oo dhan, oo masaakiintana sii, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal; ee kaalay oo i soo raac.

  • 9Waayo, amarradan la yidhi, Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad waxba xadin, Waa inaanad wax damcin, oo haddii amar kale jirana, waxaa lagu soo koobay hadalkan, Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada.

  • Bax 20:12-17
    6 aayado
    77%

    12¶ Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus, in cimrigaagu ku dheeraado dhulka Rabbiga Ilaahaaga ahu ku siiyo.

    13¶ Waa inaanad qudh gooyn.

    14¶ Waa inaanad sinaysan.

    15¶ Waa inaanad waxba xadin.

    16¶ Waa inaanad deriskaaga marag been ah ku furin.

    17¶ Waa inaanad damcin guriga deriskaaga, waa inaanad damcin naagta deriskaaga, ama addoonkiisa, ama addoontiisa, ama dibigiisa, ama dameerkiisa, ama waxa deriskaagu leeyahay oo dhan.

  • 75%

    16¶ Aabbahaa iyo hooyadaa u maamuus sidii Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu amray, in cimrigaagu dheeraado, oo aad ku nabdoonaatid dalka Rabbiga Ilaahaaga ahu ku siiyo.

    17¶ Waa inaadan qudh gooyn.

    18¶ Oo waa inaadan sinaysan.

    19¶ Oo waa inaadan waxba xadin.

    20¶ Oo waa inaadan deriskaaga marag been ah ku furin.

  • Mat 15:3-6
    4 aayado
    75%

    3Wuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinkuba maxaad amarkii Ilaah uga gudubtaan xeerkiinna aawadiis?

    4Waayo, Ilaah wuxuu amray, Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus, oo Kan aabbihii ama hooyadii caayaa, dhimasho ha ku dhammaado.

    5Laakiin waxaad leedihiin, Kan aabbihii ama hooyadii ku yidhaahda, Wixii aan idiin tari lahaa, hadiyad baan Ilaah ugu bixiyey,

    6aabbihii ama hooyadii maamuusi maayo. Xeerkiinna ayaad erayga Ilaah ku buriseen.

  • 22Kaaga yidhaahda, Yaan la sinaysan, miyaad adigu sinaysataa? Kaaga sanamyada nebcaada, miyaad macbudyo dhacdaa?

  • 74%

    17¶ Goortuu jidka u soo baxay, mid baa ku soo orday oo intuu u jilba joogsaday ayuu weyddiiyey oo ku yidhi, Macallin wanaagsanow, maxaan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah dhaxlo?

    18Ciise wuxuu ku yidhi, Maxaad iigu yeedhaysaa, Wanaagsanow? Mid wanaagsan ma jiro mid maahee, kaasuna waa Ilaah.

  • Mat 22:36-39
    4 aayado
    74%

    36Macallimow, qaynuunkee baa sharciga uga weyn?

    37Kolkaasuu ku yidhi isaga, Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan iyo naftaada oo dhan iyo caqligaaga oo dhan.

    38Kanu waa qaynuunka ugu weyn oo ugu horreeya.

    39Ku labaad oo u ekina waa kan. Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada.

  • 74%

    26Wuxuu ku yidhi, Maxaa sharciga ku qoran? Sidee baad u akhridaa?

    27Isagaa u jawaabay oo ku yidhi, Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan, iyo naftaada oo dhan, iyo xooggaaga oo dhan, iyo caqligaaga oo dhan, deriskaagana waa inaad u jeclaataa sida naftaada.

    28Wuxuu ku yidhi, Si hagaagsan ayaad u jawaabtay. Sidaas yeel oo waad noolaan doontaa.

  • 10Waayo, Muuse wuxuu yidhi, Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus; oo kan aabbihii iyo hooyadii caayaa, dhimasho ha ku dhammaado.

  • 11Waayo, kii yidhi, Ha sinaysan; wuxuu kaloo yidhi, Cidna ha dilin. Haddaanad sinaysanin laakiin aad dad disho, waxaad noqotay ku sharciga ku xadgudbay.

  • 27¶ Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaanad sinaysan.

  • 72%

    28¶ Kolkaasaa culimmada midkood u yimid, oo markuu maqlay iyagoo wada hadlaya, oo markuu gartay inuu si wanaagsan u jawaabay, ayuu wax weyddiiyey oo ku yidhi, Qaynuunkee baa ka horreeya kuwa kale oo dhan?

    29Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Kan ugu horreeyaa waxaa weeye, Maqal, Israa'iilow, Rabbiga Ilaaheenna ah waa Rabbi keliya.

    30Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan, iyo naftaada oo dhan, iyo caqligaaga oo dhan, iyo xooggaaga oo dhan.

    31Ku labaad waa kan, Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada. Qaynuun kale oo kuwan ka weyn ma jiro.

  • 3Kolkaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Muuse muxuu idinku amray?

  • 11Waa inaydaan waxba xadin, oo aydaan daacadla'aan ku isticmaalin, waana inaan midkiinna midka kale been u sheegin.

  • 12idinku uma daysaan mar dambe inuu aabbihii iyo hooyadii wax u sameeyo.

  • 33¶ Weliba waad maqasheen in kuwii hore lagu yidhi, Waa inaanad nidarradaada jebin, laakiin waa inaad Rabbiga u yeeshaa nidarradaada.

  • 22Ma xalaal baa inaannu cashuur Kaysar siinno ama inaannan siin?

  • 21¶ Waad maqasheen in kuwii hore lagu yidhi, Waa inaanad dhiig qabin; kii dhiig qabaa wuxuu galabsadaa xukunka.