Markos 14:29

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiin Butros ayaa ku yidhi, In kastoo kulligood kaa xumaadaan, aniguse kaa xumaan maayo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 26:33-35 : 33 Laakiin Butros ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Hadday kulli kaa xumaadaan, anigu weligay kaa xumaan maayo. 34 Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii waxaan kugu leeyahay, Caawa qudheeda intaan diiqu ciyin, saddex kol ayaad i dafiri doontaa. 35 Butros wuxuu ku yidhi, In kastoo aan leeyahay inaan kula dhinto, kolleyba ku dafiri maayo. Xertii oo dhammuna sidaasay wada yidhaahdeen.
  • Luuk 22:33-34 : 33 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Sayidow, diyaar baan u ahay inaan kuu raaco xabsiga iyo dhimashadaba. 34 Isaguse wuxuu ku yidhi, Waxaan kuu sheegayaa, Butrosow, maanta diiqu ciyi maayo ilaa aad saddex kol dafirtid inaad i taqaan.
  • Yoox 13:36-38 : 36 ¶ Simoon Butros ayaa ku yidhi, Sayidow, xaggee baad tegaysaa? Ciise wuxuu ugu jawaabay, Meeshaan tegayo hadda ii raaci kari maysid, laakiin mar dambe waad i soo raaci doontaa. 37 Butros ayaa ku yidhi, Sayidow, maxaan hadda kuu raaci kari waayay? Naftaydaan aawadaa u bixin doonaaye. 38 Ciise ayaa ugu jawaabay, Miyaad naftaada u bixin doontaa aawaday? Runtii, runtii, waxaan kugu leeyahay, Diiqu ciyi maayo ilaa aad saddex kol i dafirtid.
  • Yoox 21:15 : 15 ¶ Haddaba markay quraacdeen dabadeed Ciise wuxuu Simoon Butros ku yidhi, Simoon ina Yoonisow, kuwan ma iga jeceshahay? Wuxuu ku yidhi, Haah, Sayidow, waad og tahay inaan ku jeclahay. Markaasuu ku yidhi, Baraarkayga daaji.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 26:31-35
    5 aayado
    91%

    31¶ Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Caawa kulligiin waa iga xumaan doontaan, waayo, waxaa qoran, Adhijirkaan dili doonaa oo idaha foofka ahu waa kala firdhi doonaan.

    32Laakiin markii kuwii dhintay layga sara kiciyo, dabadeed ayaan Galili hortiin tegi doonaa.

    33Laakiin Butros ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Hadday kulli kaa xumaadaan, anigu weligay kaa xumaan maayo.

    34Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii waxaan kugu leeyahay, Caawa qudheeda intaan diiqu ciyin, saddex kol ayaad i dafiri doontaa.

    35Butros wuxuu ku yidhi, In kastoo aan leeyahay inaan kula dhinto, kolleyba ku dafiri maayo. Xertii oo dhammuna sidaasay wada yidhaahdeen.

  • 83%

    30Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii waxaan kugu leeyahay, Maalintan, xataa caawa, intaan diiqu laba goor ciyin, saddex kol ayaad i dafiri doontaa.

    31Laakiin aad buu ugu celceliyey, Haddaan leeyahay inaan kula dhinto, kolleyba ku dafiri maayo. Kulligoodba sidaas oo kale ayay yidhaahdeen.

  • 81%

    32laakiin waan kuu baryootamay si aanu rumaysadkaagu u baabbi'in, adiguna goortaad hadaysantid walaalaha adkee.

    33Markaasuu wuxuu ku yidhi, Sayidow, diyaar baan u ahay inaan kuu raaco xabsiga iyo dhimashadaba.

    34Isaguse wuxuu ku yidhi, Waxaan kuu sheegayaa, Butrosow, maanta diiqu ciyi maayo ilaa aad saddex kol dafirtid inaad i taqaan.

  • 81%

    27¶ Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Kulligiin waad iga xumaan doontaan, waayo, waxaa qoran, Adhijirkaan dili doonaa, idahuna waa kala firdhi doonaan.

    28Laakiin markii kuwii dhintay layga sara kiciyo dabadeed ayaan Galili hortiin tegi doonaa.

  • 80%

    36¶ Simoon Butros ayaa ku yidhi, Sayidow, xaggee baad tegaysaa? Ciise wuxuu ugu jawaabay, Meeshaan tegayo hadda ii raaci kari maysid, laakiin mar dambe waad i soo raaci doontaa.

    37Butros ayaa ku yidhi, Sayidow, maxaan hadda kuu raaci kari waayay? Naftaydaan aawadaa u bixin doonaaye.

    38Ciise ayaa ugu jawaabay, Miyaad naftaada u bixin doontaa aawaday? Runtii, runtii, waxaan kugu leeyahay, Diiqu ciyi maayo ilaa aad saddex kol i dafirtid.

  • 77%

    57Isaguse waa dafiray oo ku yidhi, Naag yahay, anigu garanba maayo isagii.

    58Waxoogaa yar dabadeed qof kale ayaa arkay oo yidhi, Adiguna midkood baad tahay. Butros baase yidhi, Nin yahow, anigu ma ihi.

    59Goortii saacad dhaaftay mid kale ayaa adkeeyey isagoo leh, Run weeye, kanuna waa la jiray, waayo, waa reer Galili.

    60Laakiin Butros wuxuu ku yidhi, Nin yahow, anigu garan maayo waxaad leedahay. Kolkiiba intuu weli hadlayay, diiqii baa ciyey.

    61Markaasaa Rabbigu soo jeestay oo Butros eegay; Butrosna wuxuu xusuustay ereygii Rabbiga siduu ku yidhi, Maanta intaanu diiqu ciyin, saddex kol ayaad i dafiri doontaa.

    62Markaasuu dibadda u baxay oo aad u ooyay.

  • 76%

    68Laakiin wuu dafiray oo wuxuu ku yidhi, Anigu ma aqaan, garanba maayo waxaad leedahay. Markaasuu albaabka agtiisa tegey, diiqiina waa ciyey.

    69Gabadhii baa aragtay oo bilowday haddana inay kuwii ag taagnaa ku tidhaahdo, Kanu waa midkood.

    70Laakiin mar kale ayuu dafiray. Waxoogaa yar dabadeed kuwii ag taagnaa ayaa mar kale Butros ku yidhi, Run weeye, adiguna midkood baad tahay, waayo, waxaad tahay reer Galili, afkaaguna waa la mid afkooda.

    71Laakiin wuxuu bilaabay inuu habaaro oo dhaarto isagoo leh, Anigu garan maayo ninkaas aad ka hadlaysaan.

    72Kolkii labaad ayaa diiqii ciyey; oo Butros wuxuu xusuustay hadalkii Ciise ku hadlay, Diiqu intaanu laba goor ciyin, saddex kol ayaad i dafiri doontaa, oo intuu ka fikirayay ayuu ooyay.

  • 70Laakiin dhammaantood ayuu ku hor dafiray oo wuxuu ku yidhi, Anigu garan maayo waxaad leedahay.

  • 27Haddaba Butros mar kale ayuu inkiray, oo markiiba diiqii baa ciyey.

  • Mat 16:22-23
    2 aayado
    75%

    22Markaasaa Butros gees u waday oo bilaabay inuu canaanto, oo wuxuu ku yidhi, Ilaah ha kaa hayo, Sayidow, taasu weligaa kuuma noqon doonto.

    23Laakiin Butros ayuu u soo jeestay oo ku yidhi, Gadaal iga mar, Shayddaan yahow. Waad i xumaynaysaaye, waayo, waxyaalaha Ilaah kama fikirtid, waxaadse ka fikirtaa waxyaalaha dadka.

  • 25¶ Simoon Butros ayaa taagnaa oo dabka kulaalayay. Haddaba waxay ku yidhaahdeen, Adiguna ma waxaad tahay xertiisii midkood? Markaasuu inkiray oo yidhi, Ma ihi.

  • Mat 26:72-75
    4 aayado
    74%

    72Haddana dhaar ayuu ku dafiray oo yidhi, Anigu garan maayo ninka.

    73Waxoogaa yar dabadeed kuwii ag taagnaa ayaa u yimid oo Butros ku yidhi, Run weeye, adiguna midkood baad tahay, waayo, hadalkaaga ayaa ku muujinaya.

    74Markaasuu bilaabay inuu caytamo oo ku dhaarto inaanu ninka garanayn. Kolkiiba diiqii baa ciyey.

    75Markaasaa Butros wuxuu xusuustay hadalkii Ciise ku hadlay, Diiqu intaanu ciyin saddex goor ayaad i dafiri doontaa. Markaasuu baxay oo aad u ooyay.

  • 17Gabadhii albaabka ilaalinaysay waxay Butros ku tidhi, Adiguna ma waxaad tahay mid ka mid ah ninkan xertiisa? Wuxuu ku yidhi, Ma ihi.

  • 1¶ Waxaan waxyaalahaas idiinkula hadlay inaydnaan ka xumaanin.

  • 7Laakiin taga, oo waxaad ku tidhaahdaan xertiisii iyo Butros, Wuu idin hor marayaa ilaa Galili. Halkaasna waad ku arki doontaan, siduu idinku yidhi.

  • 28Kolkaasaa Butros bilaabay inuu ku yidhaahdo, Annagu wax walba waannu ka wada tagnay, waana ku raacnay.

  • 29Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Dooni maayo, laakiin kolkaas dabadeed ayuu isqoomameeyey oo aaday.

  • 33Laakiin ku alla kii igu diida dadka hortiisa, anna waan ku diidi doonaa Aabbahayga jannada ku jira hortiisa.

  • 50Markaasay xertii ka wada tageen oo carareen.

  • 27¶ Markaas Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Annagu wax walba waannu ka soo wada tagnay, waana ku raacnay. Maxaannu haddaba heli doonnaa?

  • Mat 14:28-29
    2 aayado
    71%

    28Markaasaa Butros u jawaabay oo ku yidhi, Sayidow, haddaad tahay adiga, igu amar inaan biyaha kuugu dul imaado.

    29Wuxuu ku yidhi, Kaalay. Oo Butros markuu doonnida ka degay ayuu biyaha ku dul socday inuu Ciise u tago.

  • 33Laakiin Ciise markuu soo jeestay oo xertiisii eegay, ayuu Butros canaantay, oo wuxuu ku yidhi, Gadaal iga mar, Shayddaan yahow, waayo, waxyaalaha Ilaah kama fikirtid, waxaadse ka fikirtaa waxyaalaha dadka.

  • 14Laakiin Butros wuxuu yidhi, Saas yaanay noqon, Rabbiyow, maxaa yeelay, weligay ma aan cunin wax xaaraan ah oo aan nadiif ahayn.

  • 28Butros ayaa ku yidhi, Bal eeg, waxayagii ayaannu ka tagnay, waana ku raacnay.

  • 29Markaasuu weyddiiyey, oo wuxuu ku yidhi, Idinkuse yaad igu sheegtaan? Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Waxaad tahay Masiixa.

  • 15Markaasaa Butros u jawaabay oo ku yidhi, Masaalkaa noo caddee.