Falimaha Rasuullada 15:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo markii Bawlos iyo Barnabas wax aan yarayn kula murmeen oo ku su'aaleen iyaga, ayaa walaalihii waxay doorteen Bawlos iyo Barnabas iyo kuwo kale oo iyaga ka mid ah inay Yeruusaalem aadaan oo ay u tagaan rasuulladii iyo waayeelladii inay su'aashan kala hadlaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 15:22-23 : 22 ¶ Kolkaasay la wanaagsanaatay rasuulladii iyo waayeelladii iyo kiniisaddii oo dhan inay iska dhex doortaan niman ay Antiyokh ula diraan Bawlos iyo Barnabas, kuwaas oo ahaa Yuudas oo la odhan jiray Barsabaas iyo Silas oo ahaa niman madax ah walaalaha dhexdooda. 23 Markaasay qoreen oo iyagii la direen warqad leh, Annagoo ah rasuullada iyo walaalaha waayeellada ah waxaannu soo salaamaynaa walaalaha ka mid ah dadka aan Yuhuudda ahayn oo jooga Antiyokh iyo Suuriya iyo Kilikiya.
  • Fal 15:4 : 4 Oo markay Yeruusaalem yimaadeen, ayaa kiniisaddii iyo rasuulladii iyo waayeelladiiba soo dhoweeyeen, markaasay waxay uga warrameen waxyaalihii Ilaah iyaga la sameeyey oo dhan.
  • Fal 15:6-7 : 6 ¶ Haddaba rasuulladii iyo waayeelladii baa ururay inay xaajadan ka tashadaan. 7 Oo kolkay wax badan su'aaleenna, Butros baa istaagay oo ku yidhi iyagii, Walaalayaalow, waad og tihiin in maalmo hore Ilaah dhexdiinna ka doortay in dadka aan Yuhuudda ahayn ay afkayga ereygii injiilka ka maqlaan oo ay rumaystaan.
  • Fal 11:30 : 30 oo sidaasay yeeleen, oo waxay waayeelladii ugu sii dhiibeen gacanta Barnabas iyo Sawlos.
  • Gal 2:1-2 : 1 ¶ Afar iyo toban sannadood dabadeed ayaan mar kale Yeruusaalem aaday, Barnabasna wuu ila jiray, oo Tiitosna waan kaxaystay. 2 Sidii la iigu muujiyey ayaan u tegey, oo waxaan iyaga hor dhigay injiilka aan dadka aan Yuhuudda ahayn ku wacdiyo, laakiinse waxaan gooni ahaan u tusay kuwii sharafta lahaa, si aanan u ahaan mid waxtarla'aan iska ordaya ama hore u orday.
  • Gal 2:5 : 5 In runta injiilku idinla sii jirto, taas daraaddeed ayaannan saacad qudha u hoos gelin iyaga.
  • Flm 1:8-9 : 8 ¶ Sidaas daraaddeed, in kastoo aan Masiixa ku leeyahay dhiirranaan badan inaan kugu amro waxa kuu eg, 9 haddana waxaan ka jeclaan lahaa inaan ku baryo jacaylka aawadiis, anigoo ah duqii Bawlos, maxbuusna Ciise Masiix u ah.
  • Yuud 1:3 : 3 ¶ Gacaliyayaalow, intaan aad u dadaalayay inaan idiin soo qoro wax ku saabsan badbaadada inaga dhexaysa, waxaa dirqi igu noqday inaan idiin soo qoro oo aan idinku waaniyo inaad aad ugu dadaashaan iimaankii mar la wada siiyey quduusiinta oo dhan.
  • Bax 18:23 : 23 Oo haddaad waxan samaysid, oo haddii Ilaah sidan kugu amro, de markaas waad adkaysan kari doontaa, oo dadkan oo dhammuna meeshooda ayay nabad ku tegi doonaan.
  • 1 Sam 8:7 : 7 Oo Rabbiguna wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Bal dhegayso codka dadka iyo kulli waxa ay ku leeyihiin oo dhan, waayo, adiga kuma ay diidin, laakiinse anay i diideen, inaanan iyaga u ahaan boqor.
  • Fal 10:23 : 23 Sidaas aawadeed ayuu gudaha ugu yeedhay oo marti geliyey. Maalintii dambe ayuu kacay oo iyagii la baxay, walaalihii Yaafaa joogana qaarkood ayaa raacay isagii.
  • Fal 11:12 : 12 Ruuxuna wuxuu ii sheegay inaan raaco iyaga, anoo aan shaki lahayn. Oo lixdatan walaalaha ihina way i raaceen; waxaannan galnay ninkii gurigiisii;
  • Fal 15:25 : 25 sidaas daraaddeed waxaa nala wanaagsanaatay, annagoo isku qalbi noqonnay, inaannu soo dooranno niman aannu idiinla soo dirno gacaliyayaashayadii Barnabas iyo Bawlos,
  • Fal 15:27 : 27 Sidaas aawadeed waxaannu soo dirnay Yuudas iyo Silas kuwaasoo iyaguna afka idiinka sheegi doona waxyaalahaas oo kale.
  • Fal 16:4 : 4 Oo intay magaalooyinka dhex marayeen, waxay u dhiibeen amarradii rasuulladii iyo waayeelladii Yeruusaalem joogay soo amreen, inay dhawraan.
  • Fal 21:18 : 18 ¶ Maalintii ku xigtayna Bawlos oo nala socda ayaannu waxaannu u tagnay Yacquub; waayeelladii oo dhammuna way joogeen.
  • 1 Kor 1:1 : 1 ¶ Bawlos oo loogu yeedhay inuu doonistii Ilaah ku ahaado rasuulkii Ciise Masiix, iyo walaalkeen Soostenees,
  • 1 Kor 9:19-23 : 19 ¶ Waayo, in kastoo aan xor ka ahaa dad oo dhan, dhammaan ayaan addoon isaga dhigay, si aan qaar kaloo badan u soo kordhiyo. 20 Yuhuudda waxaan u noqday sida Yuhuudi oo kale, si aan Yuhuud kale u soo kordhiyo. Kuwa sharciga ka hooseeyana, sida mid sharciga ka hooseeya ayaan u noqday, aniga oo aan sharciga ka hoosayn, si aan kuwa sharciga ka hooseeya u soo kordhiyo. 21 Xagga kuwa aan sharciga lahayn, sida mid aan sharci lahayn ayaan u noqday anigoo aan ahayn mid sharci la' xagga Ilaah, laakiin sharci leh xagga Masiix, si aan u soo kordhiyo kuwa aan sharciga lahayn. 22 Xagga kuwa itaalka daran waxaan u noqday mid itaaldaran, si aan kuwa itaalka daran u soo kordhiyo. Dadka oo dhan ayaan wax kasta u noqday inaan si kastaba qaar ku badbaadiyo. 23 Wax kasta waxaan u sameeyaa injiilka aawadiis, si aan u noqdo mid injiilka la qaybsada iyaga.
  • 2 Kor 11:5 : 5 Waxaan u malaynayaa inaanan sina uga liidan rasuulladaas ugu waaweyn.
  • Gal 1:6-9 : 6 ¶ Waxaan la yaabsanahay dhaqsiiyaha aad uga dhaqaaqaysaan kii nimcada Masiixa idiinku yeedhay, oo aad u leexanaysaan injiil kale, 7 oo aan ahayn mid kale, laakiin waxaa jira kuwo idin dhibaya, oo doonaya inay injiilka Masiixa qalloociyaan. 8 Laakiinse annaga ha noqoto ama malaa'ig samada ka timid ha noqotee, kii idinku wacdiya injiil aan ahayn kaannu idinku wacdinnay, ha inkaarnaado. 9 Sidii aannu markii hore nidhi, waxaan haatanna leeyahay, Haddii nin idinku wacdiyo injiil kale oo aan ahayn kii aad aqbasheen, ha inkaarnaado. 10 Ma waxaan haatan is-oggolaysiinayaa dadka mise Ilaah? Mise waxaan doondoonayaa inaan dadka ka farxiyo? Haddaan weli dadka ka sii farxinayo, ma aanan ahaadeen addoonkii Masiixa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 15:3-7
    5 aayado
    80%

    3Sidaas daraaddeed iyagoo kiniisaddu soo sagootiday, waxay sii dhex mareen Foynike iyo Samaariya, iyagoo ka warramaya sidii dadkii aan Yuhuudda ahayn u soo jeesteen; waxayna aad uga farxiyeen walaalihii oo dhan.

    4Oo markay Yeruusaalem yimaadeen, ayaa kiniisaddii iyo rasuulladii iyo waayeelladiiba soo dhoweeyeen, markaasay waxay uga warrameen waxyaalihii Ilaah iyaga la sameeyey oo dhan.

    5Laakiin waxaa kacay kuwo dariiqadii Farrisiinta ahaa oo rumaysnaa, kuwaasoo leh, Waa in la gudo iyaga, oo lagu amro inay sharciga Muuse xajiyaan.

    6¶ Haddaba rasuulladii iyo waayeelladii baa ururay inay xaajadan ka tashadaan.

    7Oo kolkay wax badan su'aaleenna, Butros baa istaagay oo ku yidhi iyagii, Walaalayaalow, waad og tihiin in maalmo hore Ilaah dhexdiinna ka doortay in dadka aan Yuhuudda ahayn ay afkayga ereygii injiilka ka maqlaan oo ay rumaystaan.

  • 1¶ Niman Yahuudiya ka yimid ayaa walaalihii wax baray iyagoo leh, Haddaan caadada Muuse laydinku gudin, badbaadi kari maysaan.

  • 2Oo markii Butros Yeruusaalem yimid, kuwii ka mid ahaa kuwii gudnaa ayaa la murmay isagii,

  • Fal 15:22-25
    4 aayado
    75%

    22¶ Kolkaasay la wanaagsanaatay rasuulladii iyo waayeelladii iyo kiniisaddii oo dhan inay iska dhex doortaan niman ay Antiyokh ula diraan Bawlos iyo Barnabas, kuwaas oo ahaa Yuudas oo la odhan jiray Barsabaas iyo Silas oo ahaa niman madax ah walaalaha dhexdooda.

    23Markaasay qoreen oo iyagii la direen warqad leh, Annagoo ah rasuullada iyo walaalaha waayeellada ah waxaannu soo salaamaynaa walaalaha ka mid ah dadka aan Yuhuudda ahayn oo jooga Antiyokh iyo Suuriya iyo Kilikiya.

    24Waxaannu maqallay in kuwo annaga naga tegey hadallo idinku dhibeen, nafihiinnana rogayeen, kuwaasoo aannan u amrin;

    25sidaas daraaddeed waxaa nala wanaagsanaatay, annagoo isku qalbi noqonnay, inaannu soo dooranno niman aannu idiinla soo dirno gacaliyayaashayadii Barnabas iyo Bawlos,

  • Fal 16:3-4
    2 aayado
    73%

    3Bawlos wuxuu doonayay inuu isagu raaco; markaasuu waday oo guday, Yuhuudda meelahaas joogtay darteed; maxaa yeelay, kulligood way wada ogaayeen in aabbihiis uu Gariig ahaa.

    4Oo intay magaalooyinka dhex marayeen, waxay u dhiibeen amarradii rasuulladii iyo waayeelladii Yeruusaalem joogay soo amreen, inay dhawraan.

  • Fal 15:35-40
    6 aayado
    72%

    35Laakiin Bawlos iyo Barnabas ayaa Antiyokh sii joogay, oo waxay kuwo badan oo kale la barayeen oo kula wacdiyeyeen ereyga Rabbiga.

    36¶ Maalmo dabadeed Bawlos ayaa wuxuu Barnabas ku yidhi, Hadda aynu ku noqonno oo booqanno walaalaha jooga magaalo kasta oo aynu ereyga Rabbiga ku wacdinnay inaan soo aragno siday yihiin.

    37Barnabas wuxuu doonayay inay kaxaystaan Yooxanaa oo la odhan jiray Markos.

    38Laakiin Bawlos waxaa la wanaagsanaatay inayan kaxaysan isaga kaasoo iyaga kaga tegey Bamfuliya oo aan shuqulkii iyaga u raacin.

    39Waxaa dhacay khilaaf weyn; sidaas daraaddeed way kala tageen, markaasaa Barnabas kaxaystay Markos, oo wuxuu u dhoofay Qubrus;

    40laakiin Bawlos wuxuu doortay Silas, markaasuu baxay isagoo ay walaalihii ku ammaana gelinayaan nimcadii Ilaah.

  • 15Laakiin intay amreen inay shirka dibadda uga baxaan, ayay wada hadleen iyagoo leh,

  • 29¶ Oo markuu waxyaalahaas ku yidhi ayaa Yuhuuddii iska tageen, iyagoo isla murmaya.

  • 22¶ Oo warkii iyaga ku saabsanaa baa wuxuu soo gaadhay kiniisaddii Yeruusaalem ku tiil; markaasay Barnabas tan iyo Antiyokh u direen;

  • 30oo sidaasay yeeleen, oo waxay waayeelladii ugu sii dhiibeen gacanta Barnabas iyo Sawlos.

  • 30¶ Sidaas daraaddeed, kolkii la diray ayay waxay yimaadeen Antiyokh; oo markay dadkii badnaa isu ururiyeen dabadeed waxay u dhiibeen warqaddii.

  • 9oo kolkay ogaadeen nimcada lay siiyey, Yacquub iyo Keeyfas iyo Yooxanaa, iyagoo loo sharfay sida tiirar, waxay aniga iyo Barnabas na siiyeen gacanta midigta oo wehelnimada, inaannu annagu u tagno dadka aan Yuhuudda ahayn, iyaguna ay u tagaan kuwa gudan.

  • Fal 15:27-28
    2 aayado
    70%

    27Sidaas aawadeed waxaannu soo dirnay Yuudas iyo Silas kuwaasoo iyaguna afka idiinka sheegi doona waxyaalahaas oo kale.

    28Waxaa la wanaagsanaatay Ruuxa Quduuska ah iyo annagaba inaannan idin saarin culaab ka weyn waxyaalahan waajibka ah.

  • 33Oo markay muddo joogeen dabadeed ayaa walaalihii nabad ugu direen kuwii iyagii u soo diray.

  • 50Laakiin Yuhuuddu waxay soo kiciyeen dumarkii cibaadada iyo sharafta lahaa iyo raggii madaxda magaalada ahaa, silec bayna Bawlos iyo Barnabas ku kiciyeen, oo soohdintoodii bay ka eryeen iyagii.

  • Gal 2:1-2
    2 aayado
    70%

    1¶ Afar iyo toban sannadood dabadeed ayaan mar kale Yeruusaalem aaday, Barnabasna wuu ila jiray, oo Tiitosna waan kaxaystay.

    2Sidii la iigu muujiyey ayaan u tegey, oo waxaan iyaga hor dhigay injiilka aan dadka aan Yuhuudda ahayn ku wacdiyo, laakiinse waxaan gooni ahaan u tusay kuwii sharafta lahaa, si aanan u ahaan mid waxtarla'aan iska ordaya ama hore u orday.

  • Gal 2:12-14
    3 aayado
    69%

    12Maxaa yeelay, intaan qaar Yacquub ka iman, Keeyfas wuxuu wax la cuni jiray dad aan Yuhuud ahayn, laakiinse markay yimaadeen, wuu ka soo noqday oo ka soocmay, isagoo kuwa gudan ka cabsanaya.

    13Yuhuudda inteedii kalena sidaas oo kalay labawejiilayaal la ahaayeen isaga, sidaas daraaddeed labawejiilenimadoodii waxay la tagtay xataa Barnabas.

    14Kolkaan arkay inayan si hagaagsan ugu soconayn runta injiilka, ayaan kulli hortooda Keeyfas ku idhi, Adigoo Yuhuudi ah haddaad u dhaqanto sida dadka aan Yuhuudda ahayn, oo aadan ahaan sida Yuhuudda, sidee baad ugu qasbaysaa dadka aan Yuhuudda ahayn inay u dhaqmaan sida Yuhuudda?

  • 19¶ Sidaas daraaddeed taladaydu waxay tahay inaynaan dhibin kuwa ka mid ah dadka aan Yuhuudda ahayn oo Ilaah u jeestay;

  • 15¶ Maalmahaas dabadeedna, alaabtayadii baannu diyaarsannay, oo waxaannu tagnay Yeruusaalem.

  • 12Annaga iyo kuwii meeshaas joogayba, markaannu waxyaalahaas maqalnay, waxaannu isagii ka barinnay inuusan Yeruusaalem tegin.

  • Fal 14:20-21
    2 aayado
    69%

    20Laakiin intii xertii hareerihiisii taagnaayeen, ayuu kacay, markaasuu magaaladii galay; maalintii dambena wuu ka baxay oo Barnabas u raacay Derbe.

    21¶ Oo markay magaaladaas injiilkii ku wacdiyeen oo kuwo badan xer ka dhigeen, ayay ku noqdeen Lustara iyo Ikoniyon iyo Antiyokh,

  • 4Oo markaannu xertii ka helnay, ayaannu meeshaas joognay toddoba maalmood; oo kuwaasu waxay Ruuxa ugu sheegeen Bawlos inaanu Yeruusaalem cag saarin.

  • 2Laakiin Yuhuuddii caasiyiinta ahayd ayaa waxay dadkii aan Yuhuudda ahayn ku kiciyeen oo si xun ugu direen walaalihii.

  • Fal 14:4-5
    2 aayado
    68%

    4Markaasaa dadkii badnaa oo magaaladu kala qaybsameen, oo qaar waxay raaceen Yuhuudda, qaarna rasuulladii.

    5Markii dadkii aan Yuhuudda ahayn iyo Yuhuuddaba, iyaga iyo taliyayaashoodii, ay ku yaaceen inay caayaan oo dhagxiyaan,

  • 9Laakiin waxaa kacay oo Istefanos la murmay kuwii sunagogga la odhan jiray sunagogga Libertiinta, iyo kan reer Kuranaya, iyo reer Iskanderiya, iyo kuwa Kilikiya iyo Aasiya.

  • 15kaasoo waagii aan Yeruusaalem joogay ay wadaaddadii sare iyo waayeelladii Yuhuuddu igu soo dacweeyeen iyagoo doonaya in la xukumo isagii.

  • 30Kolkii walaalihii garteen, waxay keeneen Kaysariya, oo waxay u sii direen Tarsos.

  • 13¶ Haddaba Bawlos iyo kuwii la socday ayaa ka dhoofay Bafos, oo waxay yimaadeen Berga oo Bamfuliya ku jirta; markaasaa Yooxanaa ka tegey iyagii oo Yeruusaalem ku noqday.

  • 2Oo markay Rabbiga caabudayeen oo soomanaayeen ayaa Ruuxa Quduuska ahu wuxuu ku yidhi, Barnabas iyo Sawlos iigu sooca shuqulkii aan ugu yeedhay.

  • 46Haddaba Bawlos iyo Barnabas ayaa geesinimo ku hadlay iyagoo leh, Waxay ahayd lagama maarmaan in ereyga Ilaah markii hore idinka laydinkula hadlo. Laakiin idinku waad diiddeen, oo waxaad isku xukunteen sidii kuwo aan istaahilin nolosha weligeed ah, oo bal eega, sidaas aawadeed waxaannu u jeesanaynaa dadka aan Yuhuudda ahayn.

  • 12¶ Dadkii badnaa oo dhammu way wada aamuseen; wayna dhegaysteen Barnabas iyo Bawlos markay uga warramayeen intay ahaayeen calaamooyinkii iyo yaababkii Ilaah gacantooda ku sameeyey dadka aan Yuhuudda ahayn dhexdooda.