Cibraaniyiintii 8:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

kan u adeega waxyaalaha quduuska ah iyo taambuugga runta ah ee Rabbigu dhisay oo aan dad dhisin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 28:1 : 1 ¶ Oo soo kaxayso walaalkaa Haaruun iyo wiilashiisa, oo kala soo dhex bax reer binu Israa'iil, inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada, kuwaasu waxa weeyaan Haaruun qudhiisa iyo Naadaab, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar oo wada ah wiilashii Haaruun.
  • Bax 28:35 : 35 Oo Haaruun waa inuu gashado inuu ku adeego; oo sanqadhiisana waa la maqli doonaa markuu tago Rabbiga hortiisa oo uu galo meesha quduuska ah, iyo markii uu ka soo baxaba, inuusan dhiman aawadeed.
  • Bax 33:7 : 7 ¶ Haddaba Muuse wuxuu qaadi jiray taambuugga oo uu ka dhisi jiray xerada dibaddeeda, meel xerada ka durugsan; oo wuxuu u bixiyey Taambuuggii shirka. Oo mid kasta oo Rabbiga doonay, wuxuu u baxay taambuuggii shirka oo xerada dibaddeeda ahaa.
  • Luuk 24:44 : 44 ¶ Wuxuu ku yidhi, Kuwani waa hadalladaydii aan idinkula hadlay intii aan weli idinla jiray. Waa inay noqdaan wax walba oo sharciga Muuse iyo nebiyadii iyo sabuurrada laygaga qoray oo igu saabsanaa.
  • Room 15:8 : 8 Waayo, waxaan idinku leeyahay, Masiixu wuxuu noqday kuwa gudan midiidinkooda, runta Ilaah aawadeed, inuu u xaqiijiyo ballamadii awowayaashii hore la siiyey,
  • 2 Kor 5:1 : 1 ¶ Waayo, waxaynu og nahay, haddii gurigeenna dhulka ee taambuug ahu uu dumo, inaynu Ilaah xaggiisa ku leennahay dhismo, mana aha guri gacmo lagu sameeyey, waase mid jannooyinka weligii ku jira.
  • Kol 2:11 : 11 Oo isaga xaggiisaa laydinkaga guday gudniin aan gacmo lagu samayn markii aad gudniinta Masiixa ku xoorteen jidhka aadmiga.
  • Cib 9:8-9 : 8 Ruuxa Quduuska ahu wuxuu tilmaamaa inaan jidkii Quduuskii Quduusyada weli la muujin, inta taambuugga hore weli taagan yahay. 9 Tani wakhtiga la joogo waa masaal, sida loo bixiyo hadiyado iyo allabaryo, kuwaas oo aan kaamil ka dhigi karin caabudaha niyadiisa, 10 iyagoo ku saabsan cuntooyin iyo cabbitin iyo maydhmaydhid kala duwan oo ah amarrada jidhka oo keliya oo la dejiyey ilaa wakhtiga hagaajinta. 11 ¶ Masiixu wuxuu yimid, isagoo ah wadaadka sare ee waxyaalaha wanaagsan oo iman doona. Taambuuggii wadaadnimadiisu wuxuu ahaa ku ka weyn oo ka kaamilsan, oo aan gacmo lagu samayn, kaasu waxaa weeyaan mid aan abuuristan ka iman. 12 Mar buu wada galay meeshii quduuska ahayd, isagoo aan orgiyo iyo weylal dhiiggoodii wadin, laakiin wuxuu waday dhiiggiisa, sidaasuu furasho weligeed ah inoogu helay.
  • Cib 9:23-24 : 23 ¶ Haddaba lagamamaarmaan bay ahayd in u-ekaanta waxyaalaha jannooyinka ku jira kuwan lagu nadiifiyo; laakiin waxyaalaha jannada qudhooda waa in lagu nadiifiyo allabaryo kuwan ka wanaagsan. 24 Masiixu ma uu gelin meel quduus ah oo gacmo lagu sameeyey, oo u eg tan runta ah, laakiin wuxuu galay jannada qudheeda inuu hadda Ilaah hortiisa inooga muuqdo.
  • Cib 10:21 : 21 Oo waxaynu haysannaa wadaad weyn oo ka sarreeya guriga Ilaah.
  • Cib 11:10 : 10 Waayo, wuxuu filanayay magaalo aasaas leh oo kan dhisay oo sameeyey uu Ilaah yahay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1¶ Waxyaalihii la yidhi wixii ugu muhimsanaa waa kan, Waxaynu leennahay wadaad sare oo caynkaas ah, kan fadhiistay midigta carshiga Weynaha jannooyinka ku jira,

  • 11¶ Masiixu wuxuu yimid, isagoo ah wadaadka sare ee waxyaalaha wanaagsan oo iman doona. Taambuuggii wadaadnimadiisu wuxuu ahaa ku ka weyn oo ka kaamilsan, oo aan gacmo lagu samayn, kaasu waxaa weeyaan mid aan abuuristan ka iman.

  • Cib 8:3-7
    5 aayado
    82%

    3Waayo, wadaad kasta oo sare waxaa loo doortay inuu hadiyado iyo allabaryo bixiyo, sidaas daraaddeed waa lagamamaarmaan in wadaadkan sarena haysto wax uu bixiyo.

    4Haddaba hadduu dhulka joogi lahaa, wadaad ma uu ahaadeen, maxaa yeelay, waxaa jira kuwa hadiyado u bixiya sida sharcigu leeyahay;

    5kuwa u adeega waxa ah u-ekaanta iyo hooska waxyaalaha jannada, sidii Muuse loogu digay kolkuu ku dhowaa inuu taambuugga sameeyo. Waayo, wuxuu yidhi, Aad ugu fiirso inaad wax walba u samayso siduu ahaa u-ekaanshihii buurta lagugu tusay.

    6Laakiin haatan wuxuu helay shuqul aad uga wanaagsan siduu u yahay dhexdhexaadiyaha axdiga ka wanaagsan ee lagu dhisay ballamo ka wanaagsan.

    7Waayo, haddii axdigii hore uusan eed lahayn, mid labaad meella looma dooneen.

  • Cib 9:1-9
    9 aayado
    79%

    1¶ Xataa axdigii hore wuxuu lahaa qaynuunno ku saabsan caabudid, iyo meel quduus ah ee dunidatan.

    2Waayo, waxaa la dhisay taambuug; intii hore waxaa ku jiray laambadaha isku yiil, iyo miiska, iyo kibista tusniinta, oo waxaa la odhan jiray Meeshii Quduuska ahayd.

    3Daaha labaad shishediisa waxaa ku jiray taambuuggii la odhan jiray, Quduuskii Quduusyada,

    4isagoo leh girgire dahab ah oo foox lagu shido, iyo sanduuqii axdiga oo kulligiis dahab lagu dahaadhay, dhexdiisana waxaa ku jiray weel dahab ah oo maannadii ku jirto, iyo ushii Haaruun oo magooshay, iyo looxyadii axdiga;

    5dushiisana Keruubiimtii ammaanta oo hadhaynaya daboolka kafaaraggudka, waxyaalahaas oo aannan hadda gooni gooni uga hadli karin.

    6Haddaba waxyaalahan oo sidaas loo diyaariyey, wadaaddadu waxay had iyo goor galaan taambuugga kowaad iyagoo shuqulka dhammaynaya.

    7Laakiin kan labaad waxaa sannaddiiba mar gala wadaadka sare oo keliya, isagoo aan dhiigla'aan gelaynin. Oo dhiiggaas wuxuu u bixiyaa naftiisa iyo dembiyada dadku aqoonla'aanta ku sameeyo.

    8Ruuxa Quduuska ahu wuxuu tilmaamaa inaan jidkii Quduuskii Quduusyada weli la muujin, inta taambuugga hore weli taagan yahay.

    9Tani wakhtiga la joogo waa masaal, sida loo bixiyo hadiyado iyo allabaryo, kuwaas oo aan kaamil ka dhigi karin caabudaha niyadiisa,

  • 1¶ Wadaad sare oo kasta, oo dadka laga dhex bixiyo, waxaa dadka loogu doortaa waxyaalaha Ilaah ku saabsan, inuu hadiyado iyo allabaryoba u bixiyo dembiyada aawadood.

  • Cib 10:20-21
    2 aayado
    76%

    20oo ah waddo cusub oo nool oo uu inooga banneeyey daaha, kaas oo ah jidhkiisa.

    21Oo waxaynu haysannaa wadaad weyn oo ka sarreeya guriga Ilaah.

  • 26¶ Waayo, wadaad sare oo caynkan ahu waa inagu habboonaa, mid quduus ah oo aan khiyaano iyo wasakh toona lahayn, oo dembilayaasha ka soocan, oo samooyinka laga sarraysiiyey,

  • Cib 13:10-11
    2 aayado
    76%

    10Waxaynu leennahay meel allabari, oo kuwa taambuugga ka adeega aanay amar u lahayn inay wax ka cunaan.

    11Waayo, neefafka dhiiggooda wadaadka sare keeno meesha quduuska ah dembiga aawadiis jidhadhkooda waxaa lagu gubaa xerada dibaddeeda.

  • Cib 9:23-25
    3 aayado
    76%

    23¶ Haddaba lagamamaarmaan bay ahayd in u-ekaanta waxyaalaha jannooyinka ku jira kuwan lagu nadiifiyo; laakiin waxyaalaha jannada qudhooda waa in lagu nadiifiyo allabaryo kuwan ka wanaagsan.

    24Masiixu ma uu gelin meel quduus ah oo gacmo lagu sameeyey, oo u eg tan runta ah, laakiin wuxuu galay jannada qudheeda inuu hadda Ilaah hortiisa inooga muuqdo.

    25Weliba uma uu gelin inuu marar badan isbixiyo, sida wadaadka sare meesha quduuska ah sannad walba ula galo dhiig uusan lahayn.

  • 20meeshii Ciise sida horseed inoo galay isagoo noqday wadaad sare oo weligiis ah sidii derejadii Malkisadaq.

  • 28Waayo, sharcigu niman itaaldaran ayuu wadaaddo sare ka dhigaa, laakiin hadalka dhaarta oo sharciga ka dambeeyey wuxuu ka dhigaa Wiil weligiis kaamil ah.

  • 3Aabbe ma lahayn, hooyona ma lahayn, abtirsiinyona ma lahayn, oo isagoo aan lahayn bilowga maalmaha ama dhammaadka nolosha laakiin loo ekaysiiyey Wiilka Ilaah, ayuu weligiis wadaad sii ahaanayaa.

  • Cib 7:20-21
    2 aayado
    74%

    20Oo isagu dhaarla'aan wadaad kuma uu noqon.

    21Iyagu dhaarla'aan bay wadaaddo ku noqdeen, laakiin isagu wuxuu ku noqday dhaarta kan ku yidhi, Rabbigu waa dhaartay, kana soo noqon maayo, Adigu weligaaba wadaad baad tahay.

  • Cib 3:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Haddaba walaalaha quduuska ah oo ka qayb gala yeedhniinta jannadow, u fiirsada Ciise oo ah Rasuulka iyo Wadaadka sare ee iimaanka aynu qiranno.

    2Aamin buu u ahaa kan doortay, sidii Muuseba gurigiisii oo dhan aaminka ugu ahaa.

  • 14¶ Haddaba innagoo leh wadaad sare oo weyn, kan samooyinka sii dhex maray, kaas oo ah Ciisoo Wiilka Ilaah ah, aynu qirashadeenna xajinno.

  • Cib 7:11-13
    3 aayado
    73%

    11¶ Haddaba haddii kaamilnimo ku jirtay wadaadnimadii Laawi, waayo, iyada ayuu dadku sharciga ka hoos helaye, maxaa weli loogu baahnaa in wadaad kale ka kaco derejadii Malkisadaq oo aan lagu magacaabin derejadii Haaruun?

    12Waayo, wadaadnimada markii la beddelo waa lagamamaarmaan in sharcigana la beddelo.

    13Waayo, kii waxyaalahan laga sheegay waa qolo kale oo aan nin meeshii allabariga ka shaqeeyey ka iman.

  • Cib 7:15-17
    3 aayado
    73%

    15Oo weliba aad bay u sii cad dahay, haddii wadaad kale oo Malkisadaq u egi kaco,

    16kii aan wadaad lagaga dhigin sharciga abtirsiinyada xagga jidhka, laakiin xagga xoogga nolosha aan dhammaadka lahayn.

    17Waayo, isaga waxaa loogu markhaati furay, Adigu weligaaba wadaad baad tahay Sidii derejadii Malkisadaq.

  • 11¶ Wadaad waluba maalin kastuu istaagaa isagoo adeegaya oo marar badan bixinaya allabaryo isku mid ah, kuwa aan marnaba dembiyo qaadi karin,

  • 5Idinkuna sida dhagaxyo noolnool ayaa waxaa laydinka dhisayaa guri ruux ah inaad ahaataan wadaaddo quduus ah si aad xagga ruuxa uga bixisaan allabariyo uu Ilaah ku aqbalo Ciise Masiix.

  • 44¶ Awowayaasheen waxay cidlada ku hayeen taambuuggii maragga, sidii kii Muuse la hadlay ugu amray isaga inuu u sameeyo sidii qaabkii uu arkay.

  • 21Sidaas oo kalena taambuugga iyo weelasha lagu adeego oo dhan ayuu ku rusheeyey dhiiggii.

  • 8Oo meel quduus ah ha ii sameeyeen aan iyaga dhex joogee.

  • 30Oo taambuugga waa inaad u taagtaa sidii hannaankii aan buurta kugu tusay.

  • 10Oo Ilaah baa isaga wuxuu ku magacaabay wadaad sare sidii derejadii Malkisadaq.

  • 6Meel kalena wuxuu ka yidhi. Adigu weligaaba wadaad baad tahay Sidii derejadii Malkisadaq.

  • 1¶ Waayo, waxaynu og nahay, haddii gurigeenna dhulka ee taambuug ahu uu dumo, inaynu Ilaah xaggiisa ku leennahay dhismo, mana aha guri gacmo lagu sameeyey, waase mid jannooyinka weligii ku jira.

  • 50laakiinse reer Laawi waxaad u doorataa inay u taliyaan taambuugga maragga, iyo alaabtiisa oo dhan, iyo waxa uu isagu leeyahay oo dhan. Iyagu waa inay taambuugga iyo alaabtiisa oo dhan sidaan, oo ay u adeegaan, oo ay taambuugga hareerihiisa degaan.

  • 7kuwaasoo ah taambuugga shirka, iyo sanduuqa maragga, iyo daboolka dul saaran, iyo alaabta Taambuugga oo dhan,