Cibraaniyiintii 13:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaynu leennahay meel allabari, oo kuwa taambuugga ka adeega aanay amar u lahayn inay wax ka cunaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Kor 9:13 : 13 Miyeydnaan ogayn kuwa waxyaalaha quduuska ah ka shaqeeyaa inay macbudka wax ka cunaan, kuwa meesha allabariga ka adeegaana inay meesha allabariga qayb ku leeyihiin?
  • 1 Kor 10:17-18 : 17 Innagu in kastoo aynu badan nahay, waxaynu nahay jidh qudha, maxaa yeelay, waxaa jira kibis qudha, waayo, dhammaanteen waxaynu wada qaybsannaa kibista qudha. 18 Eega reer binu Israa'iil xagga jidhka; kuwa allabaryada cunaa miyaanay la wadaagin meesha allabariga?
  • 1 Kor 10:20 : 20 Laakiin waxyaalaha ay dadka aan Yuhuudda ahayn sadqeeyaan, waxay u sadqeeyaan jinniyo, ee Ilaah uma sadqeeyaan. Dooni maayo inaad jinniyada wax la wadaagtaan.
  • Tir 3:7-8 : 7 Oo iyagu waa inay amarkiisa iyo amarka shirka oo dhan ku yeelaan teendhada shirka horteeda si ay hawsha taambuugga u sameeyaan. 8 Oo waa inay dhawraan alaabta teendhada shirka oo dhan, iyo amarka reer binu Israa'iil, si ay hawsha taambuugga u sameeyaan.
  • Tir 7:5 : 5 Ka qaad iyaga inay u ahaadaan wax hawsha teendhada shirka lagu sameeyo, oo waxaad siisaa reer Laawi, nin walba sidii hawshiisu tahay.
  • 1 Kor 5:7-8 : 7 Khamiirkii hore iska safeeya inaad noqotaan cajiin cusub sidii idinkoo aan khamiirsanayn. Waayo, Masiixa ah Kormariddeenna waa la sadqeeyey. 8 Haddaba yeynan ku iidin khamiirkii hore ama khamiirka xumaanta iyo sharka, laakiin aan ku iidno kibista khamiirka la' ee daacadda iyo runta ah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 13Miyeydnaan ogayn kuwa waxyaalaha quduuska ah ka shaqeeyaa inay macbudka wax ka cunaan, kuwa meesha allabariga ka adeegaana inay meesha allabariga qayb ku leeyihiin?

  • 18Eega reer binu Israa'iil xagga jidhka; kuwa allabaryada cunaa miyaanay la wadaagin meesha allabariga?

  • 11Waayo, neefafka dhiiggooda wadaadka sare keeno meesha quduuska ah dembiga aawadiis jidhadhkooda waxaa lagu gubaa xerada dibaddeeda.

  • 9Waxbaridda kala duwan oo qalaadu yay idinla tegin, waayo, waa wanaagsan tahay in qalbigu nimco ku taagnaado ee uusan ku taagnaan cunto, tan kuwa ku macaamilooday aanay ku faa'iidin.

  • Cib 8:2-3
    2 aayado
    76%

    2kan u adeega waxyaalaha quduuska ah iyo taambuugga runta ah ee Rabbigu dhisay oo aan dad dhisin.

    3Waayo, wadaad kasta oo sare waxaa loo doortay inuu hadiyado iyo allabaryo bixiyo, sidaas daraaddeed waa lagamamaarmaan in wadaadkan sarena haysto wax uu bixiyo.

  • 30Oo qurbaankii dembiga oo dhiiggiisa la soo geliyo teendhada shirka si meesha quduuska ah kafaaraggud loogu sameeyo innaba waa inaan la cunin, waase in dab lagu gubaa.

  • 33Oo waa inay cunaan waxyaalahaas lagu kafaaro guday, inay daahir iyo quduus ku noqdaan; laakiinse qof qalaadu yaanu waxba ka cunin, waayo, iyagu waa quduus.

  • 10Oo qof qalaadu waa inuusan waxba ka cunin waxa quduuska ah, oo qofkii wadaadka la deggan, amase shaqaalihii la soo kiraystay waa inuusan waxba ka cunin waxa quduuska ah.

  • 13Waayo, kii waxyaalahan laga sheegay waa qolo kale oo aan nin meeshii allabariga ka shaqeeyey ka iman.

  • 73%

    17War maxaad qurbaanka dembiga ugu cuni weydeen meesha quduuska ah gudaheeda, maxaa yeelay, kaasu waa kan ugu wada quduusan, oo isagu wuxuu kaas idiin siiyey inaad qaaddaan xumaantii ururka oo aad iyaga Rabbiga hortiisa kafaaraggud ugu samaysaan?

    18Bal eega, orgiga dhiiggiisii lama soo gelin meesha quduuska ah gudaheeda. Sida xaqiiqada ah waxaa idiin ekayd inaad meesha quduuska ah gudaheeda ku cuntaan, sidaan idinku amray.

  • 26Oo wadaadka dembiga aawadiis u bixiyaa waa inuu cunaa, waana in lagu cunaa meel quduus ah oo ah barxadda teendhada shirka.

  • 10Oo sida waxyaalaha aad u quduuska ah waa inaad u cuntaa, oo mid kasta oo lab ahu wax ha ka cuno. Taasu waa inay quduus kuu ahaataa.

  • 6Haddaba waxyaalahan oo sidaas loo diyaariyey, wadaaddadu waxay had iyo goor galaan taambuugga kowaad iyagoo shuqulka dhammaynaya.

  • 11¶ Masiixu wuxuu yimid, isagoo ah wadaadka sare ee waxyaalaha wanaagsan oo iman doona. Taambuuggii wadaadnimadiisu wuxuu ahaa ku ka weyn oo ka kaamilsan, oo aan gacmo lagu samayn, kaasu waxaa weeyaan mid aan abuuristan ka iman.

  • 5kuwa u adeega waxa ah u-ekaanta iyo hooska waxyaalaha jannada, sidii Muuse loogu digay kolkuu ku dhowaa inuu taambuugga sameeyo. Waayo, wuxuu yidhi, Aad ugu fiirso inaad wax walba u samayso siduu ahaa u-ekaanshihii buurta lagugu tusay.

  • 23iyo haddii aan meel allabari u dhisannay inaannu Rabbiga kaga leexanno, ama haddii aannu u dhisnay in lagu dul bixiyo qurbaan la gubo, ama qurbaan hadhuudh ah, ama in lagu dul bixiyo allabari ah qurbaanno nabaadiino, sidaas hadday tahay, Rabbiga qudhiisu ha na weyddiiyo;

  • 29Ilaah ha naga fogeeyo inaannu Rabbiga ku caasiyowno, oo aannu ka leexanno lasocodkii Rabbiga, oo aannu meel allabari u dhisno qurbaan la gubo, iyo qurbaan hadhuudh ah, ama allabari, taasoo aan ahayn meeshii allabariga Rabbiga Ilaaheen ah ee ku hor taal taambuuggiisa.

  • 71%

    22Isagu waa inuu cunaa cuntada Ilaahiisa, tan quduuska ah iyo tan ugu wada quduusanba.

    23Laakiinse waa inuusan meesha daaha leh gelin, ama uusan meesha allabariga u dhowaan, si uusan u nijaasayn meelahayga quduuska ah, maxaa yeelay, isagu iin buu leeyahay, oo aniga ayaa ah Rabbiga iyaga quduus ka dhiga.

  • 6Oo wadaaddada intooda laboodka ah oo dhammu waa inay wax ka cunaan, oo waa in lagu cunaa meel quduus ah, waayo, kaasu waa kan ugu wada quduusan.

  • Cib 9:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Xataa axdigii hore wuxuu lahaa qaynuunno ku saabsan caabudid, iyo meel quduus ah ee dunidatan.

    2Waayo, waxaa la dhisay taambuug; intii hore waxaa ku jiray laambadaha isku yiil, iyo miiska, iyo kibista tusniinta, oo waxaa la odhan jiray Meeshii Quduuska ahayd.

  • Cib 10:10-11
    2 aayado
    71%

    10Sida doonistaasu tahay, waxaa quduus laynagaga dhigay bixinta jidhka Ciise Masiix oo mar keliya la bixiyey.

    11¶ Wadaad waluba maalin kastuu istaagaa isagoo adeegaya oo marar badan bixinaya allabaryo isku mid ah, kuwa aan marnaba dembiyo qaadi karin,

  • 71%

    15Oo iyagu waa inayan nijaasayn waxyaalaha quduuska ah ee reer binu Israa'iil oo ay Rabbiga u bixiyaan,

    16si ayan uga dhigin inay iyagu qaataan xumaanta eedda keenta, markay cunaan waxyaalahooda quduuska ah, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga iyaga quduus ka dhiga.

  • Cib 10:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Waayo, sharcigu wuxuu leeyahay hooska waxyaalaha wanaagsan oo iman doona, laakiin ma leh suuradda waxyaalahaas qudheeda. Oo caabudayaasha marnaba kaamil kagama uu dhigi karo allabaryo sannad walba had iyo goor la bixiyo.

    2Haddii kale miyaan la joojiyeen in allabaryo la bixiyo? Maxaa yeelay, caabudayaashu, iyagoo mar la nadiifiyey, mar dambe dembiyo iskama ay garteen.

  • 19Habase yeeshee, haddii dalkii hantidiinna ahaa aanu nadiif ahayn, de markaas u soo gudba dalka Rabbiga hantidiisa ah, oo uu taambuuggii Rabbigu ku dhex jiro, oo nala qayb qaata; laakiinse Rabbiga ha ku caasiyoobina, oo annagana ha nagu caasiyoobina, oo ha dhisina meel allabari oo aan ahayn tii Rabbiga Ilaaheenna ah.

  • Laaw 17:8-9
    2 aayado
    71%

    8¶ Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Nin kasta oo ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan, oo bixiya qurbaan la gubo ama allabari,

    9isagoo aan keenin iridda teendhada shirka inuu Rabbiga u bixiyo daraaddeed, ninkaas waa in dadkiisa laga gooyaa.

  • Cib 9:8-9
    2 aayado
    71%

    8Ruuxa Quduuska ahu wuxuu tilmaamaa inaan jidkii Quduuskii Quduusyada weli la muujin, inta taambuugga hore weli taagan yahay.

    9Tani wakhtiga la joogo waa masaal, sida loo bixiyo hadiyado iyo allabaryo, kuwaas oo aan kaamil ka dhigi karin caabudaha niyadiisa,

  • 4Waayo, ma suurtowdo in dibiyo iyo orgiyo dhiiggoodu dembiyo qaado.

  • 26Oo sidaas daraaddeed waxaannu isnidhi, Haddaba aynu isu diyaarinno inaynu dhisanno meel allabari, oo aan lagu bixin qurbaan la gubo ama allabari,

  • Tir 18:31-32
    2 aayado
    70%

    31Oo meel kastaad ku cuni doontaan idinka iyo reerihiinnuba, waayo, iyadu waa abaalgudkiinna aad ka heshaan hawsha aad ka qabataan teendhada shirka.

    32Oo idinku taas aawadeed dembi u qaadi maysaan, markaad sare uga qaaddaan inteeda ugu wanaagsan; oo waa inaydaan nijaasayn waxyaalaha quduuska ah oo reer binu Israa'iil.

  • 21Oo waxaynu haysannaa wadaad weyn oo ka sarreeya guriga Ilaah.

  • 20Haddaba kan meesha allabariga ku dhaartaa, wuxuu ku dhaartaa iyada iyo wixii dul saaran oo dhanba.

  • 7Idinku cunto nijaasooday ayaad meeshayda allabariga ku dul bixisaan, oo weliba waxaad leedihiin, War sidee baannu kuu nijaasaynay? Taas waxaad ku tidhaahdaan, Miiska Rabbigu waa mid la quudhsado.

  • 8Cuntadu ina hor joojin mayso Ilaah. Haddaynan cunin waxba inagama dhacaan, haddaynu cunnona waxba inooma kordhaan.

  • 7Oo kuwa sanamka caabuda ha ahaanina siday qaarkood u ahaayeen. Sida qoran, Dadku waxay u fadhiisteen inay wax cunaan oo wax cabbaan, oo waxay u kaceen inay cayaaraan.

  • 19¶ Taas daraaddeed, walaalayaalow, waxaynu haysannaa dhiirranaan inaynu meesha quduuska ah ku galno dhiigga Ciise,

  • 12Idinkuse waad nijaasaysaan markaad tidhaahdaan, Miiskii Rabbigu waa nijaasaysan yahay, oo cuntadiisuna waa wax la quudhsado.

  • 9Oo waa inaydnaan dusheeda ku bixin foox qalaad, ama qurbaan la gubo, ama qurbaan hadhuudh ah, oo dusheedana ha ku daadinina qurbaan cabniin ah.

  • 9Habase yeeshee wadaaddadii meelaha sarsare ma ay iman meeshii allabariga oo Rabbiga ee Yeruusaalem ku tiil, laakiinse walaalahood way ku dhex cuni jireen kibis aan khamiir lahayn.

  • 10Laakiinse Rabbigu waa Ilaahayaga, oo kama aannu tegin, oo waxaannu haysannaa wadaaddo Rabbiga u adeega, kuwaasoo ah ilma Haaruun, iyo kuwii reer Laawi oo shuqulkoodii ku jira.

  • 13Oo waa inaad ku cuntaan meel quduus ah, maxaa yeelay, waa intii adiga iyo wiilashaadaba looga amray qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo, waayo, aniga sidaasaa laygu amray.