Efesos 4:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sababtuna waa kaamilidda quduusiinta xagga shuqulka adeegidda, iyo xagga dhisidda jidhka Masiixa,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Kor 12:27 : 27 ¶ Idinku waxaad tihiin jidhka Masiix iyo xubno ka mid ah.
  • Ef 4:16 : 16 kaas oo jidhka oo dhammu si wanaagsan isugu haysto oo isugu wada xidhan yahay caawimaadda xubin kastaaba keento sida xubin kastaaba u shaqayso qiyaasteeda oo ugu kordhiso jidhka inuu jacayl ku dhismo.
  • 1 Tes 5:11-14 : 11 Sidaas daraaddeed midkiinba midka kale ha dhiirrigeliyo oo ha dhiso sidaad yeelaysaan oo kale. 12 ¶ Laakiinse waxaannu idinka baryaynaa, walaalayaalow, inaad maamuustaan kuwa idinku dhex hawshooda, oo xagga Rabbiga idinkaga sarreeya oo idinla taliya; 13 oo aad iyaga aad iyo aad jacayl ugu derejaysaan shuqulkooda aawadiis. Nabad ku wada jooga. 14 Oo waannu idin waaninaynaa, walaalayaalow, Kuwa si aan hagaagsanayn u socda la taliya, oo kuwa qalbi jabay dhiirigeliya, oo kuwa itaalka yar garab siiya, oo dadka oo dhanna u dulqaata.
  • 1 Tim 1:12 : 12 ¶ Waxaan ku mahadnaqayaa kan xoogga i siiyey oo ah Rabbigeenna Ciise Masiix, waayo, wuxuu igu tiriyey mid aamin ah intuu hawshiisa ii doortay,
  • Room 14:19 : 19 Sidaas daraaddeed haddaba aynu raacno waxyaalaha nabadda iyo waxyaalaha midkeenba midka kale xoog ugu yeelo.
  • 1 Kor 14:26 : 26 ¶ Maxaa jira haddaba, walaalayaalow? Markaad isu timaadaan, mid kasta hees sabuur ah buu leeyahay, midna waxbarid buu leeyahay, midna muujin buu leeyahay, midna af buu leeyahay, midna fasiraad buu leeyahay. Wax walba ha loo sameeyo dhisniin.
  • 2 Kor 5:18 : 18 Laakiin wax waliba waa xagga Ilaah kan inagula heshiiyey Masiix, oo na siiyey adeegidda heshiisnimada,
  • 2 Kor 6:3 : 3 Annagu ninna wax uu ku turunturoodo uma dhigno, si aan adeegiddayada waxba looga sheegin.
  • 1 Kor 14:4-5 : 4 Kii af uusan aqoon ku hadlaa wuu isdhisaa, laakiin kii wax sii sheegaa wuxuu dhisaa kiniisadda. 5 ¶ Waxaan jeclaan lahaa inaad dhammaantiin afaf ku wada hadashaan, laakiin waxaan ka sii jeclaan lahaa inaad wax sii sheegtaan. Kii afaf ku hadlaa hadduusan fasirin, waxaa ka sii weyn kii wax sii sheega, si ay kiniisaddu u hesho wax ay ku dhisanto.
  • 1 Kor 14:12 : 12 Sidaasoo kale idinkuna, idinkoo ku kulul hadiyadaha ruuxa, aad u dadaala inaad hadiyado badan u lahaataan kiniisadda dhisniinteeda.
  • Room 15:14 : 14 ¶ Oo aniga qudhayduna waxaan idiin hubaa, walaalahayow, inuu wanaag idinka buuxo, oo laydinka buuxiyey aqoon oo dhan, oo aad kartaan inaad iswaanisaan.
  • Ef 1:23 : 23 taas oo ah jidhkiisa oo ah buuxidda kan wax kasta meel walba ku buuxiya.
  • Cib 6:1 : 1 ¶ Taas daraaddeed aynu iska dayno ka hadlidda waxyaalihii ugu horreeyey ee Masiix, oo hore aynu ugu soconno kaamilnimada, oo yeynan mar kale dhigin aasaaska ka-toobadkeenidda shuqulladii dhintay, iyo iimaanka xagga Ilaah,
  • Cib 13:17 : 17 ¶ Hoggaamiyayaashiinna addeeca oo ka dambeeya, waayo, iyagu waxay ilaaliyaan naftiinna sidii iyagoo jawaab ka bixin doona. Taas farxad ha ku sameeyeen, oo yaanay qulubsanaan, waayo, taasu waxba idiin tari mayso.
  • Ef 4:4 : 4 Haddaba waxaa jira jidh keliya iyo Ruux keliya, xataa sida idinka laydiinkugu yeedhay rajo keliya xagga yeedhistiinnii.
  • Room 15:29 : 29 Oo waxaan ogahay markaan idiin imaado inaan ku iman doono buuxnaanta barakada Masiixa.
  • 1 Kor 4:1-2 : 1 ¶ Ha lanagu tiriyo inaannu nahay midiidinyada Masiixa iyo wakiillada waxyaalaha qarsoon ee Ilaah. 2 Haddaba waxaa laga doonayaa wakiillada in aamin laga helo.
  • 1 Kor 12:7 : 7 Laakiin mid kasta waxaa muujinta Ruuxa loo siiyaa waxtar.
  • 1 Kor 14:14 : 14 Waayo, haddaan Ilaah af aanan oqoon ku baryo, ruuxayga ayaa barya, laakiin garashadaydu faa'iido ma leh.
  • Luuk 22:32 : 32 laakiin waan kuu baryootamay si aanu rumaysadkaagu u baabbi'in, adiguna goortaad hadaysantid walaalaha adkee.
  • Yoox 21:15-17 : 15 ¶ Haddaba markay quraacdeen dabadeed Ciise wuxuu Simoon Butros ku yidhi, Simoon ina Yoonisow, kuwan ma iga jeceshahay? Wuxuu ku yidhi, Haah, Sayidow, waad og tahay inaan ku jeclahay. Markaasuu ku yidhi, Baraarkayga daaji. 16 Haddana wuxuu mar labaad ku yidhi isaga, Simoon ina Yoonisow, ma i jeceshahay? Wuxuu ku yidhi, Haah, Sayidow, waad og tahay inaan ku jeclahay. Markaasuu ku yidhi, Idahayga ilaali. 17 Markii saddexaad ayuu ku yidhi, Simoon ina Yoonisow, Ma i jeceshahay? Butros ayaa ka calool xumaaday, waayo, wuxuu markii saddexaad ku yidhi, Ma i jeceshahay? Markaasuu ku yidhi, Sayidow, wax walba waad og tahay, waadna garanaysaa inaan ku jeclahay. Ciise ayaa ku yidhi, Idahayga daaji.
  • Fal 1:17 : 17 Maxaa yeelay, isaga waa laynagu tirshay, oo shuqulkan ayuu qaybtiisii helay.
  • Fal 1:25 : 25 inuu galo meeshii shuqulkan iyo rasuulnimadan oo Yuudas ka dhacay inuu meeshiisa tago.
  • Fal 9:31 : 31 ¶ Sidaas darteed kiniisaddii ku tiil Yahuudiya iyo Galili iyo Samaariya oo dhan nabad bay lahayd, waana dhisantay oo badatay iyadoo ku socota cabsida Rabbiga iyo gargaarka Ruuxa Quduuska ah.
  • Fal 11:23 : 23 kaasoo farxay markuu yimid oo arkay nimcada Ilaah; wuxuuna kulligood ku waaniyey inay Rabbiga ku xajistaan niyad qalbiga ka timid,
  • Fal 14:22-23 : 22 iyagoo nafihii xerta ku xoogaynaya, kuna waaninaya inay iimaanka ku sii wadaan, iyagoo ku leh, Waa inaynu dhibaatooyin badan ku galnaa boqortooyada Ilaah. 23 Oo markay iyagii kiniisad walba waayeello uga dooreen oo ay soon ku tukadeen, waxay iyagii ku ammaana geliyeen Rabbiga ay rumaysteen.
  • Fal 20:24 : 24 Laakiin naftayda uma xisaabo sidii mid qiimo ila leh, si aan u dhammeeyo tartankayga iyo shuqulkii aan Rabbi Ciise ka helay inaan u markhaati furo injiilkii nimcadii Ilaah.
  • Fal 20:28 : 28 Qudhiinnu isjira, idahana jira, kuwaasoo Ruuxa Quduuska ahu idiinka dhigay beldaajiyayaal inaad daajisaan kiniisadda Ilaah oo uu dhiiggiisa ku iibsaday.
  • Room 12:7 : 7 Ama hadday tahay adeegid, aan aad u adeegno; kii wax baraana, si fiican wax ha u baro;
  • 2 Kor 7:1 : 1 ¶ Haddaba, gacaliyayaalow, innagoo ballamadan haysanna, aan iska safayno nijaas kasta oo jidhka iyo ruuxa ku jirta, innagoo quduusnimada kaamilayna oo Ilaah ka cabsanayna.
  • 2 Kor 12:19 : 19 ¶ Haatan waxaad u malaynaysaan inaannu iska kiin daafacayno. Ilaah hortiisa waxaannu u hadlaynaa sida kuwo Masiix, oo gacaliyayaalow, wax kastaba waxaannu u samaynaa si aad u dhisantaan.
  • 2 Kor 13:9 : 9 Waayo, waannu ku faraxnaa markaannu itaal yar nahay, idinkuna aad itaal weyn tihiin. Wax kalena Ilaah baannu ka baryayna oo waa kaamilnimadiinna.
  • 2 Kor 3:8 : 8 sidaanay u ahayn adeegidda ruuxa inay la ahaan doonto ammaan?
  • 2 Kor 4:1 : 1 ¶ Sidaas daraaddeed sida lanoogu naxariistay, annagoo haysanna adeegiddan, qalbi jabi mayno;
  • Room 15:2 : 2 Midkeen kastaaba deriskiisa ha ka farxiyo inuu ku wanaagsanaado oo ku dhismo.
  • 2 Tim 4:5 : 5 Laakiinse adigu mar kasta digtoonow, oo dhibta u adkayso, oo shuqulka wacdiyaha qabo, oo adeegiddaada dhammee.
  • 2 Tim 4:11 : 11 Haatan Luukos oo keliya ayaa ila jooga. Markos soo kaxee oo ha ku soo raaco; waayo, waxtar buu igu leeyahay xagga adeegidda.
  • Ef 4:29 : 29 Hadal qudhun ahu yuusan afkiinna ka soo bixin, laakiinse ku hadla waxa u wanaagsan dhisidda loo baahan yahay inay nimceeyaan kuwa maqla.
  • Fil 1:25-26 : 25 Waan aaminsanahay oo waan ogahay inaan sii joogi doono, oo aan kulligiin idinla sii joogi doono horumarkiinna iyo farxadda rumaysadkiinna aawadood, 26 in faankiinnu Ciise Masiix ku bato xaggayga, joogistayda aan mar kale idinla joogo aawadeed.
  • Fil 3:12-18 : 12 Mana aha inaan hore u helay amase hore la ii kaamilay, laakiinse waan ku sii dadaalayaa inaan qabsado wixii Ciise Masiix ii qabtay. 13 Walaalahayow, anigu ku tirin maayo inaan aniga qudhaydu weli qabsaday, laakiinse wax keliya ayaan samaynayaa, waxyaalihii iga dambeeyey intaan illoobo ayaan waxaan laacayaa waxyaalaha iga horreeya. 14 Anigu waxaan dadaal ugu roorayaa xagga goolka iyo ilaa abaalgudka yeedhista sare oo Ilaah oo ah xagga Ciise Masiix. 15 Sidaas daraaddeed in alla inteennii kaamil ahu aan sidaas ku fikirno, oo haddii aad si kala duwan wax kaga fikirtaan, xataa waxaas Ilaah baa idiin muujin doona. 16 Laakiin wixii aynu hore u gaadhnay, isla waxaas aynu ku soconno. 17 ¶ Walaalayaalow, idinku kulligiin igu wada dayda, oo u fiirsada kuwa sidaas u socda xataa sidaad annaga masaal noogu haysataan. 18 ¶ Waayo, waxaa jira kuwa badan oo socda oo aan marar badan wax idiinka sheegay, oo aan haddana anigoo ooyaya idiin sheegayo inay yihiin cadaawayaasha iskutallaabta Masiixa,
  • Kol 1:24 : 24 ¶ Haatan waxaan ku farxaa xanuunsigayga aan idiin xanuunsado, oo waxaan dhammaystiraa dhibaatooyinka Masiixa oo jidhkayga ku dhiman jidhkiisa aawadiis kaasoo ah kiniisadda.
  • Kol 1:28 : 28 Isaga waannu naadinnaa, annagoo nin kasta waaninayna oo nin kasta wax ku barayna xigmad oo dhan, inaannu nin walba hor keenno isagoo Masiixa kaamil ku ah.
  • Kol 4:17 : 17 Oo Arkhibbos waxaad ku tidhaahdaan, Adeegiddii xagga Rabbiga oo aad heshay, ku dadaal inaad dhammaysid.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ef 4:10-11
    2 aayado
    84%

    10Waa isla kii hoos u degtay kan haddana kor u baxay oo samooyinka oo dhan ka sara maray si uu isaga buuxiyo wax kastaba.

    11Oo qaar wuxuu ka dhigay inay ahaadaan rasuullo, qaarna nebiyo, qaarna wacdiyayaal, qaarna kuwo kiniisadda dhaqaaleeya, iyo macallimiin.

  • 13ilaa aynu wada gaadhno midnimada rumaysadka iyo aqoonta Wiilka Ilaah oo aynu noqonno dad waaweyn xagga qiyaasta koridda ee buuxnaanta Masiixa.

  • Room 12:4-7
    4 aayado
    78%

    4Waayo, sida aynu xubno badan ugu leennahay jidhkeenna, oo aan xubnaha oo dhammuna isku shuqul u ahayn,

    5sidaas oo kalaan, innagoo badan, Masiixa isku jidh ku nahay, oo midba midka kale waa xubnihiisii.

    6Innagoo haysanna hadiyado ku kala duwan nimcadii layna siiyey, hadday tahay wax sii sheegid, aan wax ku sii sheegno sida qaybta rumaysadkeenna.

    7Ama hadday tahay adeegid, aan aad u adeegno; kii wax baraana, si fiican wax ha u baro;

  • Ef 4:15-16
    2 aayado
    77%

    15Laakiinse innagoo si jacayl ah runta ugu hadlayna aynu wax walba ku korno xaggiisa, kan madaxa ah oo ah Masiixa,

    16kaas oo jidhka oo dhammu si wanaagsan isugu haysto oo isugu wada xidhan yahay caawimaadda xubin kastaaba keento sida xubin kastaaba u shaqayso qiyaasteeda oo ugu kordhiso jidhka inuu jacayl ku dhismo.

  • 17in ninka Ilaah u ahaado mid dhan oo aad loogu diyaariyey shuqul kasta oo wanaagsan.

  • 75%

    27¶ Idinku waxaad tihiin jidhka Masiix iyo xubno ka mid ah.

    28Ilaah markii hore kiniisadda qaar wuxuu uga dhigay rasuullo, markii labaadna qaar kale nebiyo, markii saddexaadna qaar kale macallimiin, dabadeedna qaar cajaa'ibyo sameeya, qaarna kuwo leh hadiyado wax lagu bogsiiyo, qaarna kaalmeeyayaal, qaarna taliyayaal, iyo qaar afaf kala cayn ah ku hadla.

    29Dhammaan ma wada rasuullo baa? Dhammaan ma wada nebiyo baa? Dhammaan ma wada macallimiin baa? Dhammaan ma wada cajaa'ibyo sameeyayaal baa?

  • 12¶ Haddaba sida jidhku mid keliya u yahay, oo uu xubno badan u leeyahay, oo xubnaha oo dhan ee jidhka ay jidh keliya u yihiin, in kastoo ay badan yihiin, Masiixuna waa sidaas oo kale.

  • 12Sidaasoo kale idinkuna, idinkoo ku kulul hadiyadaha ruuxa, aad u dadaala inaad hadiyado badan u lahaataan kiniisadda dhisniinteeda.

  • Kol 1:24-25
    2 aayado
    72%

    24¶ Haatan waxaan ku farxaa xanuunsigayga aan idiin xanuunsado, oo waxaan dhammaystiraa dhibaatooyinka Masiixa oo jidhkayga ku dhiman jidhkiisa aawadiis kaasoo ah kiniisadda.

    25Taas waxaa la iiga dhigay midiidin xagga wakiilnimada Ilaah oo aniga aawadiin la ii siiyey inaan dhammaan erayga Ilaah ku wada wacdiyo.

  • Ef 2:20-22
    3 aayado
    72%

    20oo waxaa laydinka dul dhisay aasaaskii rasuullada iyo nebiyada, oo waxaa dhagaxii geeska ee ugu weynaa idiin ah Ciise Masiix qudhiisa.

    21Oo dhismaha oo dhammu isaguu si wanaagsan isugu haystaa oo weynaadaa, oo wuxuu Rabbiga u noqdaa macbud quduus ah.

    22Idinkana isagaa laydinku wada dhisay inaad ahaataan rugtii Ilaah xagga Ruuxa.

  • 28Isaga waannu naadinnaa, annagoo nin kasta waaninayna oo nin kasta wax ku barayna xigmad oo dhan, inaannu nin walba hor keenno isagoo Masiixa kaamil ku ah.

  • 21kaamil ha idinkaga dhigo wax kasta oo wanaagsan si aad u samaysaan doonistiisa, oo waxa isaga ka farxiya ha inooga dhex shaqeeyo Ciise Masiix, kan ammaanta leh weligiis iyo weligiis. Aamiin.

  • Ef 4:3-4
    2 aayado
    71%

    3Ku dadaala inaad midownimada xagga Ruuxa ku xajisaan xidhiidhka nabadda.

    4Haddaba waxaa jira jidh keliya iyo Ruux keliya, xataa sida idinka laydiinkugu yeedhay rajo keliya xagga yeedhistiinnii.

  • 12Waxaa kaloo idin soo salaamaya Ebafras, oo idinka mid ah, oo ah addoonkii Ciise Masiix. Kol kastaba baryadiisa ayuu idiinku dadaalaa inaad istaagtaan, idinkoo kaamil ah oo aad u huba doonista Ilaah oo dhan.

  • 14¶ Waayo, jidhku xubin qudha ma aha ee waa xubno badan.

  • 1 Kor 3:9-10
    2 aayado
    71%

    9Waxaannu nahay kuwa Ilaah la shaqeeya, idinkuna waxaad tihiin beerta Ilaah iyo Ilaah dhismihiisa.

    10¶ Sida dhise xigmad leh waxaan aasaaskii ku dhigay nimcadii Ilaah i siiyey, oo mid kalena wuu ka dul dhisayaa. Laakiin mid kastaa ha ka fiirsado siduu uga dul dhisayo.

  • Ef 4:7-8
    2 aayado
    70%

    7Laakiinse midkeen kastaba nimcada waxaa laynoo siiyey sida ay tahay qiyaasta hadiyadda Masiixa.

    8Sidaas daraaddeed wuxuu yidhi, Markuu kor u baxay ayuu wuxuu qabtay oo kaxeeyey kuwii maxaabiista ahaan jiray, Wuxuuna dadka siiyey hadiyado.

  • 4¶ Waxaa jira hadiyado kala cayn ah, laakiin waa isku Ruux.

  • 10oo ugu talaggalay dhammaadka wakhtiga inuu Masiixa ku ururiyo wax kasta, waxa samooyinka ku jira iyo waxa dhulka joogaba.

  • 23taas oo ah jidhkiisa oo ah buuxidda kan wax kasta meel walba ku buuxiya.

  • 5Laakiinse adigu mar kasta digtoonow, oo dhibta u adkayso, oo shuqulka wacdiyaha qabo, oo adeegiddaada dhammee.

  • Ef 3:10-11
    2 aayado
    70%

    10Sababtuna waxaa weeyaan in haatan madaxda iyo kuwa amarka leh oo ku jira meelaha jannada, kiniisadda lagu ogeysiiyo xigmadda Ilaah oo badan oo kala cayncaynka ah,

    11sida uu yahay qasdiga weligiis ah oo isagu ku qasdiyey Rabbigeenna Ciise Masiix,

  • 1 Kor 14:3-4
    2 aayado
    69%

    3Laakiin kii wax sii sheegaa wuxuu dadka kula hadlaa hadallo wax dhisa oo gargaar iyo qalbiqaboojis leh.

    4Kii af uusan aqoon ku hadlaa wuu isdhisaa, laakiin kii wax sii sheegaa wuxuu dhisaa kiniisadda.

  • 10Sida mid waluba u helay hadiyad, idinku isu adeega, sida wakiillo wanaagsan oo helay nimcada Ilaah ee badan ee kala cayncaynka ah.

  • 69%

    24Xubnaheenna aan cawrada ahaynse waxba uma baahna. Laakiin Ilaah baa jidhka isku hagaajiyey isagoo tan ugu daran maamuus badan siinaya,

    25inaan jidhku qaybsanaan, laakiin in xubiniba xubinta kale u welwesho.

  • 12Waayo, samaynta shuqulkani ma dhammaystirto waxa dhiman ee ay quduusiintu u baahan yihiin oo qudha, laakiin waxaa kale oo ay kordhisaa in Ilaah aad loogu mahadnaqo.

  • 10Waayo, innagu waxaynu nahay wixii uu sameeyey, oo waxaa laynoogu uumay Ciise Masiix shuqullada wanaagsan aawadood oo Ilaah hore ugu diyaariyey inaynu ku soconno.

  • 40waayo, Ilaah wuxuu hore u arkay wax ka wanaagsan oo inagu saabsan, inaan la'aanteen iyaga kaamil laga dhigin.

  • 26¶ Maxaa jira haddaba, walaalayaalow? Markaad isu timaadaan, mid kasta hees sabuur ah buu leeyahay, midna waxbarid buu leeyahay, midna muujin buu leeyahay, midna af buu leeyahay, midna fasiraad buu leeyahay. Wax walba ha loo sameeyo dhisniin.

  • 6Waxaana jira shuqullo kala cayn ah, laakiin waa isku Ilaah, kan dhammaan wax walba kaga dhex shaqeeya.

  • 10Sababtan aawadeed ayaan waxyaalahan u qoray intaan maqnaa, si aanan markaan joogo si adag idiinkula macaamiloon sida amarkii Rabbigu ii siiyey inaan idinku dhiso oo aanan idinku dumin.

  • 18Haatanse Ilaah baa siduu doonayay xubnaha middood kastaba jidhka ugu hagaajiyey.

  • 12Sidaa daraaddeed annaga dhimashadu way naga dhex shaqaysaa, laakiin noloshu idinkay idinka dhex shaqaysaa.

  • 13Ilaa aan imaado, akhriska iyo waaninta iyo waxbaridda u digtoonow.