1 Korintos 12:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaana jira shuqullo kala cayn ah, laakiin waa isku Ilaah, kan dhammaan wax walba kaga dhex shaqeeya.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Kor 15:28 : 28 Markii wax walba la hoos geliyo isaga, markaas ayaa Wiilka qudhiisana la hoos gelin doonaa kan wax walba hoos geliyey isaga, inuu Ilaah wax walba u ahaado dhammaan.
  • Kol 3:11 : 11 Halkaas ma jiri karaan Gariig ama Yuhuudi, mid gudan ama mid buuryoqab ah, reer Barbari, ama reer Iskutees, addoon ama xor; laakiinse Masiixu waa wax walba, oo wax walba wuu ku jiraa.
  • Cib 13:21 : 21 kaamil ha idinkaga dhigo wax kasta oo wanaagsan si aad u samaysaan doonistiisa, oo waxa isaga ka farxiya ha inooga dhex shaqeeyo Ciise Masiix, kan ammaanta leh weligiis iyo weligiis. Aamiin.
  • Ef 1:19-23 : 19 iyo waxa ay tahay weynaanta xooggiisa aan la koobi karin oo uu u hayo kuweenna rumaysan, sida uu u shaqeeyo xoogga itaalkiisa 20 ee uu kaga shaqeeyey Masiixii, goortuu kuwii dhintay ka soo sara kiciyey, oo uu fadhiisiyey meelaha jannada xagga midigtiisa. 21 Oo wuxuu isaga ka sarreeysiiyey madax kasta, iyo amar kasta, iyo xoog kasta, iyo sayidnimo kasta, iyo magac kasta oo la magacaabay, mana aha wakhtigan oo keliya, laakiinse xataa kan imanaya. 22 Wax kastana wuxuu ka hoosaysiiyey cagihiisa, oo wuxuu isaga madax wax kasta ka sarreeyaa uga dhigay kiniisadda, 23 taas oo ah jidhkiisa oo ah buuxidda kan wax kasta meel walba ku buuxiya.
  • Ef 4:6 : 6 iyo Ilaah keliya oo kulli Aabbe u ah, oo wax walba ka sarreeya, oo wax walba ka dhex shaqeeya, oo wax walba ku jira.
  • Fil 2:13 : 13 waayo, waa Ilaah kan idinkaga dhex shaqeeya xagga doonista iyo xagga shuqulkaba farxaddiisa wanaagsan aawadeed.
  • Kol 1:29 : 29 Taas ayaan u hawshoodaa anigoo aad u dadaalaya sida uu yahay shuqulkiisa si xoog leh igaga dhex shaqeeyaa.
  • Ayuub 33:29 : 29 Bal eeg, waxyaalahan oo dhan Ilaah baa binu-aadmiga ku sameeya, Laba ama saddex jeer,
  • Yoox 5:17 : 17 Laakiin Ciise wuxuu ugu jawaabay, Aabbahay tan iyo imminka ayuu shaqeeyaa, aniguna waa shaqeeyaa.
  • 1 Kor 3:7 : 7 Taa aawadeed waxba ma aha kan beeraa, ama kan waraabiyaa, laakiin waa Ilaah kan koriyaa.
  • 1 Kor 12:11 : 11 Isku Ruuxa oo keliya ayaa ka shaqeeya waxyaalahaas oo dhan, isagoo siduu doonayo mid mid wax ugu qaybinaya.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1 Kor 12:4-5
    2 aayado
    85%

    4¶ Waxaa jira hadiyado kala cayn ah, laakiin waa isku Ruux.

    5Waxaana jira adeegid kala cayn ah, waana isku Rabbi.

  • 80%

    7Laakiin mid kasta waxaa muujinta Ruuxa loo siiyaa waxtar.

    8Mid waxaa laga siiyaa xagga Ruuxa hadal xigmad ah, mid kalena hadal aqoon ah siduu isku Ruuxu doonayo.

    9Mid kale Ruuxu rumaysad buu siiyaa, mid kalena hadiyado wax lagu bogsiiyo ayuu isku Ruuxu siiya.

    10Mid kalena shuqullo cajaa'ib leh, mid kalena wax sii sheegidda, mid kalena kalasoocidda ruuxyada, mid kalena afaf kala cayn ah, mid kalena afafka fasiriddooda.

    11Isku Ruuxa oo keliya ayaa ka shaqeeya waxyaalahaas oo dhan, isagoo siduu doonayo mid mid wax ugu qaybinaya.

    12¶ Haddaba sida jidhku mid keliya u yahay, oo uu xubno badan u leeyahay, oo xubnaha oo dhan ee jidhka ay jidh keliya u yihiin, in kastoo ay badan yihiin, Masiixuna waa sidaas oo kale.

    13Waayo, Ruux qudha ayaa dhammaanteen jidh qudha inagu baabtiisay, haddaynu nahay Yuhuud ama Gariig, ama addoommo ama kuwa xor ah, oo waxaa laynaga waraabiyey Ruux qudha.

    14¶ Waayo, jidhku xubin qudha ma aha ee waa xubno badan.

  • Room 12:4-6
    3 aayado
    76%

    4Waayo, sida aynu xubno badan ugu leennahay jidhkeenna, oo aan xubnaha oo dhammuna isku shuqul u ahayn,

    5sidaas oo kalaan, innagoo badan, Masiixa isku jidh ku nahay, oo midba midka kale waa xubnihiisii.

    6Innagoo haysanna hadiyado ku kala duwan nimcadii layna siiyey, hadday tahay wax sii sheegid, aan wax ku sii sheegno sida qaybta rumaysadkeenna.

  • 75%

    6iyo Ilaah keliya oo kulli Aabbe u ah, oo wax walba ka sarreeya, oo wax walba ka dhex shaqeeya, oo wax walba ku jira.

  • 73%

    25inaan jidhku qaybsanaan, laakiin in xubiniba xubinta kale u welwesho.

    26Haddii xubin qudha xanuunsato, xubnaha oo dhammu way la xanuunsadaan. Haddii xubin la maamuuso, xubnaha oo dhammu way la farxaan.

    27¶ Idinku waxaad tihiin jidhka Masiix iyo xubno ka mid ah.

    28Ilaah markii hore kiniisadda qaar wuxuu uga dhigay rasuullo, markii labaadna qaar kale nebiyo, markii saddexaadna qaar kale macallimiin, dabadeedna qaar cajaa'ibyo sameeya, qaarna kuwo leh hadiyado wax lagu bogsiiyo, qaarna kaalmeeyayaal, qaarna taliyayaal, iyo qaar afaf kala cayn ah ku hadla.

    29Dhammaan ma wada rasuullo baa? Dhammaan ma wada nebiyo baa? Dhammaan ma wada macallimiin baa? Dhammaan ma wada cajaa'ibyo sameeyayaal baa?

    30Dhammaan ma wada leeyihiin hadiyado wax lagu bogsiiyo? Dhammaan ma ku hadlaan afaf kala cayn ah? Dhammaan wax ma fasiraan?

  • 1 Kor 8:5-6
    2 aayado
    73%

    5Waayo, in kastoo ay samada iyo dhulkaba jiraan wax ilaahyo lagu sheego, sidii iyadoo ilaahyo badan iyo sayidyo badni jiraan,

    6laakiin innagu waxaynu leennahay Ilaah keliya oo Aabbaha ah, kan wax waluba ka yimaadaan oo innagana isagaa ina leh, iyo Sayid keliya oo Ciise Masiix ah, kan wax waluba ku ahaadeen oo innaguna isagaynu ku ahaannay.

  • 72%

    18Haatanse Ilaah baa siduu doonayay xubnaha middood kastaba jidhka ugu hagaajiyey.

    19Hadday dhammaan ahaan lahaayeen xubin qudha, meeh jidhkii?

    20Haatanse waa xubno badan laakiin waa jidh qudha.

  • 12Waayo, sida naagtu ninka uga timid ayaa ninkuna naagta uga dhashay, wax kastana xagga Ilaah bay ka yimaadeen.

  • 26¶ Maxaa jira haddaba, walaalayaalow? Markaad isu timaadaan, mid kasta hees sabuur ah buu leeyahay, midna waxbarid buu leeyahay, midna muujin buu leeyahay, midna af buu leeyahay, midna fasiraad buu leeyahay. Wax walba ha loo sameeyo dhisniin.

  • 1 Kor 3:5-9
    5 aayado
    69%

    5Haddaba muxuu yahay Abolloos? Bawlosna muxuu yahay? Waxay yihiin midiidinyadii aad xaggooda ku rumaysateen, oo mid kasta sida Rabbigu u siiyey isaga.

    6Anigu waan beeray, Abolloosna wuu waraabiyey, laakiin Ilaah baa koriyey.

    7Taa aawadeed waxba ma aha kan beeraa, ama kan waraabiyaa, laakiin waa Ilaah kan koriyaa.

    8Kan beeraa iyo kan waraabiyaa waa isku mid, laakiin mid kastaa wuxuu heli doonaa abaalkiis siday hawshiisu ahayd.

    9Waxaannu nahay kuwa Ilaah la shaqeeya, idinkuna waxaad tihiin beerta Ilaah iyo Ilaah dhismihiisa.

  • 18Taas waxaa yidhi Rabbiga waxyaalahaas muujiyey tan iyo bilowgii dunida.

  • 12Sababtuna waa kaamilidda quduusiinta xagga shuqulka adeegidda, iyo xagga dhisidda jidhka Masiixa,

  • 8Ilaah wuxuu karaa inuu nimco oo dhan idiin badiyo inaad mar walba wax kasta oo idinku filan haysataan inaad shuqul kasta oo wanaagsan ku badisaan;

  • 68%

    10Sida mid waluba u helay hadiyad, idinku isu adeega, sida wakiillo wanaagsan oo helay nimcada Ilaah ee badan ee kala cayncaynka ah.

    11Haddii nin hadlo, ha u hadlo sidii isagoo ku hadlaya ereyga Ilaah; haddii nin adeegona, ha u adeego siduu Ilaah xoogga u siiyo, in wax walbaba Ilaah ku ammaanmo Ciise Masiix, kaasoo weligiis iyo weligiisba leh ammaanta iyo dowladnimadaba. Aamiin.

  • 10¶ Walaalayaalow, waxaan magaca Rabbigeenna Ciise Masiix idinkaga baryayaa inaad dhammaantiin isku wax ku wada hadashaan, iyo inaydnaan kala qaybsamin, laakiin inaad ku dhammaataan isku maan iyo isku talo.

  • 7De waxaan jeclaan lahaa in nimanka oo dhammu ay sidayda oo kale yihiin. Laakiin nin kastaaba hadiyad gooni ah ayuu Ilaah ka helaa, midkan sidan, kaasna sidaas.

  • 68%

    9iyo inaan dadka oo dhan garansiiyo waxay tahay talogelidda qarsoodigii weligiis ku qarsoonaa Ilaaha ah kan wax walba abuuray.

  • 16kaas oo jidhka oo dhammu si wanaagsan isugu haysto oo isugu wada xidhan yahay caawimaadda xubin kastaaba keento sida xubin kastaaba u shaqayso qiyaasteeda oo ugu kordhiso jidhka inuu jacayl ku dhismo.

  • 18Laakiin wax waliba waa xagga Ilaah kan inagula heshiiyey Masiix, oo na siiyey adeegidda heshiisnimada,

  • 4Ilaahna wuxuu ugu marag furay calaamooyin iyo yaababba, iyo xoogag kala duduwan, iyo hadiyado Ruuxa Quduuska ahu u qaybiyey siduu doonayay.

  • 5Maxaa yeelay, kan waxakan inoo sameeyey waa Ilaah, kan carbuunta Ruuxa ina siiyey.

  • 6inaad isku qalbi iyo isku af ku ammaantaan Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix.

  • 13waayo, waa Ilaah kan idinkaga dhex shaqeeya xagga doonista iyo xagga shuqulkaba farxaddiisa wanaagsan aawadeed.

  • 29Taas ayaan u hawshoodaa anigoo aad u dadaalaya sida uu yahay shuqulkiisa si xoog leh igaga dhex shaqeeyaa.

  • 15Waa isaga kan qalbiyadooda oo dhan sameeya, Oo shuqulladooda oo dhan u wada fiirsada.

  • 36Waayo, wax waluba isagay ka yimaadeen oo ku yimaadeen oo u yimaadeen aawadiis. Ammaanta isagaa leh weligiis. Aamiin.

  • 11Wax kasta idinka waa laydinku hodansiin doonaa xagga deeqsinimada inaga dhex shaqaysa oo dhan ee aawadeed Ilaah loogu mahadnaqo.