1 Korintos 10:29

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaan leeyahay, niyada kan kale, ee ma aha taada. Waayo, xoriyaddayda maxaa loogu xukumaa mid kale niyadiis?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Kor 9:19 : 19 ¶ Waayo, in kastoo aan xor ka ahaa dad oo dhan, dhammaan ayaan addoon isaga dhigay, si aan qaar kaloo badan u soo kordhiyo.
  • 1 Kor 10:32 : 32 Wax lagu turunturoodo ha u noqonina Yuhuudda ama Gariigta ama kiniisadda Ilaah,
  • 2 Kor 8:21 : 21 waayo, waxaannu ka tashannaa waxyaalaha wanaagsan, mana aha Rabbiga hortiisa oo keliya, laakiin dadka hortiisana.
  • 1 Tes 5:22 : 22 Wax kasta oo shar u egna ka fogaada.
  • Room 14:15-21 : 15 Waayo, haddii walaalkaa cuntadaada ka calool xumaado, jacaylka kuma sii socotid. Cuntadaada ha ku baabbi'in kii Masiixu u dhintay. 16 Haddaba wanaaggiinna yaan la caayin. 17 Waayo, boqortooyada Ilaah ma aha cunid iyo cabbid, laakiinse waa xaqnimada iyo nabadda iyo farxadda ku jira Ruuxa Quduuskaa. 18 Kii waxaas Masiixa ugu adeega, Ilaah buu ka farxiyaa, xagga dadkana waa mid loo bogay. 19 Sidaas daraaddeed haddaba aynu raacno waxyaalaha nabadda iyo waxyaalaha midkeenba midka kale xoog ugu yeelo. 20 Shuqulka Ilaah ha u dumin cunto aawadeed. Hubaal wax waluba waa nadiif, laakiin waa u xun tahay kii cuna isagoo mid kale xumaynayo. 21 Waa wanaagsan tahay inaadan hilib cunin ama khamri cabbin ama samayn wax kaleto oo walaalkaa ku turunturoodo.
  • 1 Kor 8:9-9 : 9 Laakiin iska dhawra si aan ikhtiyaarkiinnu wax lagu turunturoodo ugu noqon kuwa itaalka daran. 10 Haddii qof ku arko adigoo aqoonta leh oo cunto ugu fadhiya meeshii sanamyada, hadduu qalbiga ka itaal daranyahay, qalbigiisu miyaanu ku adkaanaynin inuu cuno waxa sanamyada loo sadqeeyo? 11 Waayo, waxaa aqoontaada aawadeed lumaya ka itaalka daran oo ah walaalkaagii uu Masiixu aawadiis u dhintay. 12 Markaad walaalaha sidaas ugu dembaabtaan oo aad qalbigooda itaalka daran u xumaysaan, waxaad ku dembaabtaan Masiix. 13 Taa aawadeed haddii cunto walaalkay xumayso, hilib weligay ma cuni doono si aanan walaalkay u xumayn.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 81%

    23¶ Wax waliba waa xalaal, laakiin wax waliba ma roona. Wax waliba waa xalaal, laakiin wax waliba wax ma dhisaan.

    24Ninna yuusan doonin waxa isaga qudhiisa u roon, laakiin mid kasta ha doono waxa kan kale u roon.

    25Wax kasta oo suuqa lagu iibiyo cuna, idinkoo aan waxba weyddiinaynin niyada aawadeed.

    26Waayo, Rabbigaa leh dhulka iyo waxa ku jira oo dhanba.

    27Mid ka mid ah kuwa aan rumaysnayn hadduu diyaafad idiinku yeedho oo aad doonaysaan inaad tagtaan, wax kasto oo laydin hor dhigoba cuna, idinkoo aan waxba weyddiinaynin niyada aawadeed.

    28Laakiin haddii laydinku yidhaahdo, Tanu waa wax sanam loo sadqeeyey, ha cunina, kan idiin sheegay aawadiis iyo niyada aawadeed.

  • 1 Kor 8:7-10
    4 aayado
    76%

    7¶ Laakiin dad oo dhammu aqoontaas ma wada laha, laakiin qaar sanamka tan iyo hadda u bartay, waxay u qabaan waxay cunaan sidii wax sanam loo sadqeeyo, qalbigooda itaalka daranina wuu nijaasoobay.

    8Cuntadu ina hor joojin mayso Ilaah. Haddaynan cunin waxba inagama dhacaan, haddaynu cunnona waxba inooma kordhaan.

    9Laakiin iska dhawra si aan ikhtiyaarkiinnu wax lagu turunturoodo ugu noqon kuwa itaalka daran.

    10Haddii qof ku arko adigoo aqoonta leh oo cunto ugu fadhiya meeshii sanamyada, hadduu qalbiga ka itaal daranyahay, qalbigiisu miyaanu ku adkaanaynin inuu cuno waxa sanamyada loo sadqeeyo?

  • 76%

    30Haddaan mahad kaga qayb galo, maxaa la iigu caayaa wixii aan ku mahadnaqo?

    31Haddaba haddaad wax cuntaan, ama wax cabtaan, ama wax kastaad samaysaan, dhammaan u wada sameeya Ilaah ammaantiisa.

    32Wax lagu turunturoodo ha u noqonina Yuhuudda ama Gariigta ama kiniisadda Ilaah,

  • 73%

    12Markaad walaalaha sidaas ugu dembaabtaan oo aad qalbigooda itaalka daran u xumaysaan, waxaad ku dembaabtaan Masiix.

    13Taa aawadeed haddii cunto walaalkay xumayso, hilib weligay ma cuni doono si aanan walaalkay u xumayn.

  • 1¶ Runtaan ku sheegayaa Masiixa, oo been sheegi maayo, qalbigayguna marag buu iigu furayaa Ruuxa Quduuskaa

  • 72%

    12Sidaasaa midkeen kastaba Ilaah ula xisaabtami doonaa.

    13¶ Sidaas daraaddeed mar dambe yeynan isxukumin, laakiinse tan ka fikira inaan ninna walaalkiis u dhigin dhagax uu ku turunturoodo ama wax kaleeto oo hor joogsada.

  • 1 Kor 4:3-4
    2 aayado
    72%

    3Laakiin waa ila yar tahay inaad idinku i xukuntaan ama in dad kale i xukumo; xataa aniga qudhaydu isma xukumo.

    4Waayo, waxba iskuma ogi, laakiinse ma aha taas aawadeed in xaq layga dhigay, waayo, waa Rabbiga kan i xukumaa.

  • 10Adigu maxaad walaalkaa u xukuntaa? amase adigu maxaad walaalkaa u quudhsataa? Waayo, kulligeen waxaynu hor istaagi doonnaa kursiga xukumaadda Ilaah.

  • Room 14:3-5
    3 aayado
    71%

    3Kii cunaa yuusan quudhsanin kii aan cunin, kii aan cuninna yuusan xukumin kii cuna, waayo, Ilaah baa aqbalay isaga.

    4Yaad tahay kaaga xukuma midiidinka mid kaleto? Waayo, sayidkiisuu u taagan yahay ama u dhacaa. Waana la taagi doonaa, waayo, Rabbigu waa awoodaa inuu taago.

    5Nin bay la tahay in maalinu maalinta kale ka fiican tahay, mid kalena waxay la tahay in maalmaha oo dhammu isku mid yihiin. Mid kastaaba maankiisa aad ha ugu hubsado.

  • 71%

    15Waayo, haddii walaalkaa cuntadaada ka calool xumaado, jacaylka kuma sii socotid. Cuntadaada ha ku baabbi'in kii Masiixu u dhintay.

    16Haddaba wanaaggiinna yaan la caayin.

  • 19Haddaba maxaan leeyahay? Wax sanam loo sadqeeyo waa wax? Ama, sanam baa wax ah?

  • 15Waxay muujiyaan shuqulka sharciga oo qalbiyadooda ku qoran, iyagoo garashadoodu u markhaati furayso, oo fikirradoodu midba midka kale ashtakaynayo ama marmarsiinyo samaysanayo,

  • 71%

    20Shuqulka Ilaah ha u dumin cunto aawadeed. Hubaal wax waluba waa nadiif, laakiin waa u xun tahay kii cuna isagoo mid kale xumaynayo.

    21Waa wanaagsan tahay inaadan hilib cunin ama khamri cabbin ama samayn wax kaleto oo walaalkaa ku turunturoodo.

    22Rumaysadka aad leedahay, Ilaah hortiis u hayso. Waxaa faraxsan kii aan isku xukumin wixii la qumman isaga.

  • 13Waayo, tan u odhan maayo in kuwa kale la daayo oo idinka laydin dhibo,

  • 15Waxaan idiinla hadlayaa sida dad caqli leh loola hadlo oo kale. Idinku qiyaasa waxaan leeyahay.

  • 16Tan ayaan ku dadaalayaa inaan had iyo goorba qabo qalbi aan xumaan u keenin xagga Ilaah iyo xagga dadba.

  • 1¶ Sidaas daraaddeed, nin yahow, marmarsiinyo ma lihid ku kastoo aad tahayba kaaga wax xukuma; maxaa yeelay, meeshii aad ku kale ku xukuntid, waad isku xukumaysaa, waayo, kaaga wax xukumaa, waxaad samaysaa isla wixii.

  • 16idinkoo xor ah oo aan xorriyaddiinna ugu isticmaalayn sidii jubbad aad xumaanta ku qarisaan, laakiinse sidii idinkoo ah addoommo Ilaah.

  • 7Runta Ilaah hadday beentayda ugu badatay ammaantiisa, de maxaa aniga haddana weli la iigu xukumaa sida mid dembi leh?

  • 13¶ Waayo, walaalayaalow, waxaa laydiinku yeedhay xorriyad, laakiin xorriyaddiinna jidhka marmarsiinyo ha uga dhigina, laakiin midkiinba midka kale kalgacayl ha ugu adeego.

  • 16si aannu injiilka ugu wacdinno meelaha idinka shisheeya oo aanan ku faanin waxa laga diyaariyey qof kale soohdintiisa.

  • 19Waayo, tanu waa wax loo bogo haddii nin niyada xagga Ilaah uga adkaysto dhibaatooyinka, isagoo xaqdarro ku xanuunsanaya.

  • 10Xagga Rabbiga waan idin hubaa inaydnaan wax kale ka fikirayn, laakiin kii idin dhibaa, xukunkiisuu qaadan doonaa mid kastuu yahayba.

  • 12¶ Wax waliba waa ii xalaal, laakiin wax waliba iima roona. Wax waliba waa ii xalaal, laakiin waxba ima addoonsan doonaan.

  • 12Waayo, maxaa iigu jira inaan xukumo kuwa dibadda ah? Idinku miyeydnaan xukumin kuwa gudaha ku jira?

  • 12¶ Waxaannu ku faanaynaa, qalbigayaguna marag furayaa, inaannu dunida ugu soconnay quduusnimo iyo daacadnimo xagga Ilaah, ee uguma aan socon xigmadda jidhka laakiinse nimcada Ilaah, oo khusuusan xaggiinna.

  • 6Laakiin taas fasax ahaan ayaan u leeyahay ee amrise maayo.

  • 10Ma waxaan haatan is-oggolaysiinayaa dadka mise Ilaah? Mise waxaan doondoonayaa inaan dadka ka farxiyo? Haddaan weli dadka ka sii farxinayo, ma aanan ahaadeen addoonkii Masiixa.

  • 31Laakiin haddaynu innagu dhexdeenna iska xukumi lahayn, laynama xukumeen.

  • 1¶ Xorriyad ayuu Masiixu inagu xoreeyey. Haddaba adkaada, oo mar dambe yaan laydinku qaban harqoodka addoonnimada.

  • 8Waxyaalahaas ma sida dad baan u leeyahay? Oo sharcigu miyuusan waxyaalahaas oo kale lahayn?

  • 12Qaar kale hadday waxaas jid idiinku leeyihiin, miyaannan annagu si ka badan idiinku lahayn? Hase ahaatee, waxan noo jidka ah kuma aannu isticmaalin, laakiin wax walba waannu u dulqaadannaa inaannan sina u joojin injiilka Masiix.