1 Korintos 10:23
¶ Wax waliba waa xalaal, laakiin wax waliba ma roona. Wax waliba waa xalaal, laakiin wax waliba wax ma dhisaan.
¶ Wax waliba waa xalaal, laakiin wax waliba ma roona. Wax waliba waa xalaal, laakiin wax waliba wax ma dhisaan.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
12¶ Wax waliba waa ii xalaal, laakiin wax waliba iima roona. Wax waliba waa ii xalaal, laakiin waxba ima addoonsan doonaan.
13Cuntada waxaa loo sameeyey caloosha, calooshana cuntada, laakiin Ilaah baa baabbi'in doona tan iyo taaba. Jidhka looma samayn sinada ee waxaa loo sameeyey Rabbiga, Rabbiguna jidhkuu xannaaneeyaa.
24Ninna yuusan doonin waxa isaga qudhiisa u roon, laakiin mid kasta ha doono waxa kan kale u roon.
25Wax kasta oo suuqa lagu iibiyo cuna, idinkoo aan waxba weyddiinaynin niyada aawadeed.
26Waayo, Rabbigaa leh dhulka iyo waxa ku jira oo dhanba.
22Miyaynu Rabbiga ka hinaasinnaa? Miyaynu isaga ka xoog badan nahay?
8Cuntadu ina hor joojin mayso Ilaah. Haddaynan cunin waxba inagama dhacaan, haddaynu cunnona waxba inooma kordhaan.
9Laakiin iska dhawra si aan ikhtiyaarkiinnu wax lagu turunturoodo ugu noqon kuwa itaalka daran.
10Haddii qof ku arko adigoo aqoonta leh oo cunto ugu fadhiya meeshii sanamyada, hadduu qalbiga ka itaal daranyahay, qalbigiisu miyaanu ku adkaanaynin inuu cuno waxa sanamyada loo sadqeeyo?
31Haddaba haddaad wax cuntaan, ama wax cabtaan, ama wax kastaad samaysaan, dhammaan u wada sameeya Ilaah ammaantiisa.
32Wax lagu turunturoodo ha u noqonina Yuhuudda ama Gariigta ama kiniisadda Ilaah,
33sidaan aniguba dadka oo dhan uga farxiyo wax kastaba, anigoo aan doonaynin waxa ii roon, laakiin waxa kuwa badan u roon, si ay u badbaadaan.
19Sidaas daraaddeed haddaba aynu raacno waxyaalaha nabadda iyo waxyaalaha midkeenba midka kale xoog ugu yeelo.
20Shuqulka Ilaah ha u dumin cunto aawadeed. Hubaal wax waluba waa nadiif, laakiin waa u xun tahay kii cuna isagoo mid kale xumaynayo.
21Waa wanaagsan tahay inaadan hilib cunin ama khamri cabbin ama samayn wax kaleto oo walaalkaa ku turunturoodo.
29Waxaan leeyahay, niyada kan kale, ee ma aha taada. Waayo, xoriyaddayda maxaa loogu xukumaa mid kale niyadiis?
21Xagga kuwa aan sharciga lahayn, sida mid aan sharci lahayn ayaan u noqday anigoo aan ahayn mid sharci la' xagga Ilaah, laakiin sharci leh xagga Masiix, si aan u soo kordhiyo kuwa aan sharciga lahayn.
22Xagga kuwa itaalka daran waxaan u noqday mid itaaldaran, si aan kuwa itaalka daran u soo kordhiyo. Dadka oo dhan ayaan wax kasta u noqday inaan si kastaba qaar ku badbaadiyo.
23Wax kasta waxaan u sameeyaa injiilka aawadiis, si aan u noqdo mid injiilka la qaybsada iyaga.
40laakiin wax walba ha loo sameeyo si habboon oo hagaagsan.
6Laakiin taas fasax ahaan ayaan u leeyahay ee amrise maayo.
13Wax walba waan ku samayn karaa gargaarkiisa kan i xoogeeya.
13Taa aawadeed haddii cunto walaalkay xumayso, hilib weligay ma cuni doono si aanan walaalkay u xumayn.
10Sababtan aawadeed ayaan waxyaalahan u qoray intaan maqnaa, si aanan markaan joogo si adag idiinkula macaamiloon sida amarkii Rabbigu ii siiyey inaan idinku dhiso oo aanan idinku dumin.
14Wax kastoo aad samaysaanba, jacayl ku sameeya.
1¶ Xagga waxyaalaha sanamyada loo sadqeeyo, waxaynu garanaynaa inaynu dhammaan aqoon u wada leennahay. Aqoontu way kibrisaa, jacaylkuse wax buu dhisaa.
15Laakiin waxyaalahaas midkoodna kuma aan isticmaalin. Haddana waxyaalahan u qori maayo in sidaas la ii yeelo, waayo, waxaa ii roon inaan dhinto intii nin uun faankayga ka dhigi lahaa wax aan wax ka jirin.
27Laakiin jidhkaygaan dhibaa oo addoon ka dhigaa si markaan qaar kale injiilka ku wacdiyo aan qudhayda lay diidin.
10Tijaabiya waxa Rabbigu aad ugu farxo,
19Haddaba maxaan leeyahay? Wax sanam loo sadqeeyo waa wax? Ama, sanam baa wax ah?
3Laakiin waa ila yar tahay inaad idinku i xukuntaan ama in dad kale i xukumo; xataa aniga qudhaydu isma xukumo.
4Waayo, waxba iskuma ogi, laakiinse ma aha taas aawadeed in xaq layga dhigay, waayo, waa Rabbiga kan i xukumaa.
16Laakiin haddaan sameeyo waxa aanan doonayn, de markaas waxaan gartay in sharcigu wanaagsan yahay.
8Waxyaalahaas ma sida dad baan u leeyahay? Oo sharcigu miyuusan waxyaalahaas oo kale lahayn?
8Waayo, in kastoo aan si badan ugu faanayo amarkayaga uu Rabbigu noo siiyey inaannu idinku dhisno ee aanu noo siin inaannu idinku duminno, weliba layma ceebayn doono.
23qabownimo, iscelin; waxa caynkaas ah sharci ka gees ahu ma jiro.
21Taa aawadeed ninna yaanu dadka ku faanin. Waayo, wax walba idinkaa leh,
15Waxaan idiinla hadlayaa sida dad caqli leh loola hadlo oo kale. Idinku qiyaasa waxaan leeyahay.
23Laakiin waxaan xubnahayga ka arkaa qaynuun kale, isagoo la dagaallamaya qaynuunka maankayga oo maxbuus iiga dhigaya qaynuunka dembiga oo xubnahayga ku jira.
8waayo, jidhka waxbariddiisu wax yar bay tartaa, laakiinse cibaadaysigu si walba waxtar buu u leeyahay isagoo ballan u leh nolosha haatan joogta iyo tan imanaysaba.
8Waxaynu og nahay in sharcigu wanaagsan yahay haddii loo isticmaalo si sharciga ku qumman.
13¶ Sidaas daraaddeed mar dambe yeynan isxukumin, laakiinse tan ka fikira inaan ninna walaalkiis u dhigin dhagax uu ku turunturoodo ama wax kaleeto oo hor joogsada.
3Oo wax kastaan leeyahay haddaan bixiyo oo masaakiinta ku quudiyo, iyo haddaan jidhkayga bixiyo in la gubo, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxba ii tari maayo.
8¶ Sidaas daraaddeed, in kastoo aan Masiixa ku leeyahay dhiirranaan badan inaan kugu amro waxa kuu eg,
2Mid baa rumaysan inuu wax walba cuno, kii itaal yarse wuxuu cunaa khodaarta.
16Haddaba wanaaggiinna yaan la caayin.
10¶ Sida dhise xigmad leh waxaan aasaaskii ku dhigay nimcadii Ilaah i siiyey, oo mid kalena wuu ka dul dhisayaa. Laakiin mid kastaa ha ka fiirsado siduu uga dul dhisayo.
14¶ Waayo, waxaynu og nahay in sharcigu ku saabsan yahay ruuxa, laakiinse anigu waxaan ahay mid jidhka raaca oo lagu iibiyey dembiga hoostiisa.
19¶ Waayo, in kastoo aan xor ka ahaa dad oo dhan, dhammaan ayaan addoon isaga dhigay, si aan qaar kaloo badan u soo kordhiyo.
7¶ Haddaba maxaynu nidhaahnaa? Sharcigu ma dembi baa? Ma suurtowdo! Hase ahaatee, dembi ma aanan garteen, sharcigaan ku gartay mooyaane, damaca xun ma aanan garteen haddaan sharcigu i odhan, Waa inaadan wax damcin.