1 Korintos 13:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo wax kastaan leeyahay haddaan bixiyo oo masaakiinta ku quudiyo, iyo haddaan jidhkayga bixiyo in la gubo, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxba ii tari maayo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yac 2:14-17 : 14 ¶ Maxay tartaa, walaalahayow, haddii nin yidhaahdo, Rumaysad baan leeyahay, laakiin aanu shuqullo lahayn? Rumaysadku ma badbaadin karaa isaga? 15 Walaal wiil ah ama walaal gabadh ah hadday arradan yihiin oo cuntadii maalinta u baahan yihiin, 16 oo midkiin ku yidhaahdo iyaga, Nabad gala, diirsada oo dherga, oo weliba aydnaan siin waxa jidhku u baahan yahay, maxay tartaa? 17 Haddaba sidaas oo kale rumaysadku haddaanu shuqullo lahayn keli ahaantiisu waa meyd.
  • Cib 13:9 : 9 Waxbaridda kala duwan oo qalaadu yay idinla tegin, waayo, waa wanaagsan tahay in qalbigu nimco ku taagnaado ee uusan ku taagnaan cunto, tan kuwa ku macaamilooday aanay ku faa'iidin.
  • Yer 7:8 : 8 Bal eega, idinku waxaad isku hallaysaan erayo been ah oo aan waxba idin tari karin.
  • Daan 3:16-28 : 16 Markaasaa Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo u jawaabeen boqorkii, oo waxay ku yidhaahdeen, Nebukadnesarow, annagu uma baahnin inaannu kaaga jawaabno xaalkan. 17 Haddaba hadday saas tahay, Ilaahayaga aannu u adeegnaa waa awoodaa inuu naga samatabbixiyo foornada dabka ah oo ololaysa; oo isagu waa naga samatabbixin doonaa gacantaada, Boqorow. 18 Laakiinse haddaanay ahayn, Boqorow, haddaba ogow, inaannan u adeegayn ilaahyadaada, ama aannan u sujuudayn ekaanta dahabka ah oo aad qotomisay. 19 Markaasaa Nebukadnesar aad ugu cadhooday Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, wejigiisiina waa beddelmay; kolkaasuu hadlay oo wuxuu ku amray in foornada laga sii kululeeyo toddoba jeer intii hore loo kululayn jiray. 20 Oo wuxuu ku amray niman xoog badan oo ciidankiisa ku jiray inay xidhxidhaan Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, oo ay ku dhex tuuraan foornada dabka ah oo ololaysa. 21 Markaasaa nimankii la xidhxidhay iyagoo qaba sirwaalladoodii, iyo khamiisyadoodii, iyo go'yaashoodii, iyo dharkoodii kaleba, oo waxaa lagu dhex tuuray foornadii dabka ahayd oo ololaysay. 22 Boqorka amarkiisu wuxuu ahaa degdeg, foornaduna aad iyo aad bay u kululayd, sidaas daraaddeed ololkii dabku wuxuu dilay nimankii waday Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo. 23 Saddexdii nin ee ahaa Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoona waxay iyagoo xidhxidhan ku dhex dheceen foornadii dabka ahayd oo ololaysay. 24 Markaasaa Boqor Nebukadnesar yaabay, oo haddiiba kacay; oo intuu hadlay ayuu ku yidhi waaniyayaashiisii, Miyaynan saddex nin oo xidhxidhan dabka ku dhex ridin? Markaasay u jawaabeen oo waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Taasu waa run, Boqorow. 25 Kolkaasuu jawaabay oo yidhi, Bal eega, waxaan arkaa afar nin oo furan, oo dabka ku dhex socda, ee aan waxyeello gaadhin; oo midka afraad soojeedkiisu wuxuu u eg yahay mid ka mid ah wiilasha ilaahyada. 26 Markaasaa Nebukadnesar wuxuu ag yimid foornadii dabka ahayd oo ololaysay afkeedii, oo intuu hadlay buu yidhi, Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoow, Ilaaha ugu Sarreeya addoommadiisow, soo baxa, oo halkan kaalaya. Markaasaa Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo dabkii ka soo dhex bexeen. 27 Markaasaa amiirradii, iyo taliyayaashii, iyo saraakiishii, iyo boqorka waaniyayaashiisii, iyagoo isku urursan, waxay arkeen inaanu dabku ka adkaan nimankaas jidhkooda, ama aanu timahoodiina halow marin, ama aan sirwaalladoodii beddelmin, ama aan dadka urtiisii gaadhin. 28 Markaasaa Nebukadnesar hadlay oo wuxuu yidhi, Mahad waxaa leh Ilaaha Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, oo u soo diray malaa'igtiisa, oo badbaadiyey addoommadiisa isaga isku halleeyey, oo beddelay hadalkii boqorka, oo jidhkooda bixiyey, inayan u adeegin, ama u sujuudin ilaah kale Ilaahooda mooyaane.
  • Mat 6:1-4 : 1 ¶ Iska jira inaydnaan xaqnimadiinna dadka ku hor samayn inay idin arkaan, haddii kale abaal kuma lihidin Aabbihiinna jannada ku jira. 2 ¶ Haddaba markaad sadaqad bixinayso, buun ha ugu dhufan hortaada sida labawejiilayaashu sunagogyada iyo jidadka ku sameeyaan si dadku u ammaanaan. Runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalgudkoodii way heleen. 3 Laakiin adigu goortaad sadaqad bixinayso, bidixdaadu yaanay ogaan waxa midigtaadu samaynayso, 4 si ay sadaqaddaadu u qarsoonaato, oo Aabbahaaga waxa qarsoon arka ayaa kuu abaalgudi doona.
  • Mat 7:22-23 : 22 Maalintaas qaar badan baa igu odhan doona, Rabbow, Rabbow, miyaannan magacaaga wax ku sii sheegin, oo miyaannan magacaaga jinniyo ku saarin, oo miyaannan magacaaga wax badan oo xoog leh ku samayn? 23 Markaasaan ku odhan doonaa, Weligay idinma aqoon, iga taga, dembifalayaalow.
  • Mat 23:5 : 5 Laakiin shuqulkooda oo dhan waxay u sameeyaan in dadku arko, waayo, xirsiyadooda way ballaadhiyaan, oo faraqa dharkoodana way weyneeyaan;
  • Luuk 18:22 : 22 Ciise goortuu waxaas maqlay ayuu ku yidhi, Weli wax keliya ayaa kuu dhiman. Waxaad haysatid oo dhan iibi, oo masaakiinta u qaybi, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal, ee kaalay oo i soo raac.
  • Luuk 18:28 : 28 Butros ayaa ku yidhi, Bal eeg, waxayagii ayaannu ka tagnay, waana ku raacnay.
  • Luuk 19:8 : 8 Sakhayos waa istaagay oo Rabbiga ku yidhi, Bal eeg, Sayidow, maalkayga badhkiisa ayaan masaakiinta siinayaa, oo haddii aan nin wax ka dulmay, waxaan u celinayaa afar laab.
  • Luuk 21:3-4 : 3 Markaasuu yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Carmalkan miskiinta ah waxay ku ridday wax ka badan wixii ay dhammaan ku rideen. 4 Waayo, kuwaas oo dhan waxoodii badnaa ayay wax kaga rideen hadiyadaha, iyaduse miskiinnimadeeda waxay kaga ridday wixii ay ku noolaan lahayd oo dhan.
  • Yoox 6:63 : 63 Waa ruuxa kan wax nooleeyaa, jidhkuse waxba ma taro. Erayadii aan idinkula hadlayna waxay yihiin ruux iyo nololba.
  • Yoox 12:43 : 43 waayo, waxay ammaanta Ilaah ka jeclaayeen ammaanta dadka.
  • Yoox 13:37 : 37 Butros ayaa ku yidhi, Sayidow, maxaan hadda kuu raaci kari waayay? Naftaydaan aawadaa u bixin doonaaye.
  • Yoox 15:13 : 13 Ninna ma leh jacayl kan ka weyn inuu nin naftiisa u bixiyo saaxiibbadiis.
  • Fal 21:13 : 13 Markaasaa Bawlos u jawaabay oo ku yidhi, Maxaad samaynaysaan oo aad u ooyaysaan oo ii qalbi jebinaysaan? Maxaa yeelay, diyaar uma ihi inaan xidhnaado oo keliya, laakiinse waxaan u diyaarahay inaan Yeruusaalem ku dhinto magaca Rabbi Ciise aawadiis.
  • Gal 5:26 : 26 Yeynan iskibrin, oo iska xanaajin, oo isxaasidin.
  • Fil 1:15-18 : 15 Runtii waxaa jira qaar Masiixa ku naadiya xaasidnimo iyo dirir, qaarna waxay ku naadiyaan niyo wanaagsan. 16 Qaarko waxay ku naadiyaan jacayl, iyagoo og in la ii doortay injiilka daaficiddiisa, 17 laakiinse kuwa kale waxay Masiixa u naadiyaan si ay dadka u kala qaybqaybiyaan, iyagoo aan daacad ahayn oo ku fikiraya inay dhib igu kiciyaan anigoo xidhan. 18 Haddaba waa sidee? Hadday iska yeelyeel tahay iyo hadday dhab tahayba, Masiixa si kastaba waa loo naadiyaa, oo anigu taas waan ku farxay oo weliba waan ku farxi doonaa.
  • Fil 1:20-21 : 20 sida aan aad iyo aad u filanayo oo u rajaynayo, inaanan waxba ku ceeboobin, laakiinse siday weligeed ahaan jirtay in haddeerna dhiirranaan oo dhan Masiixa lagu ammaano jidhkayga, hadday tahay nolol iyo hadday tahay dhimashoba. 21 ¶ Waayo, aniga waxaa nolosha ii ah Masiixa, oo dhimashaduna waa ii faa'iido.
  • Fil 2:3 : 3 Idinku waxba ha ku samaynina iskala-qaybqaybin iyo faan bilaash ah, laakiinse wax walba ku sameeya is-hoosaysiin, idinkoo midkiinba midka kale ku tirinayo inuu ka kale isaga ka wanaagsan yahay.
  • 1 Tim 4:8 : 8 waayo, jidhka waxbariddiisu wax yar bay tartaa, laakiinse cibaadaysigu si walba waxtar buu u leeyahay isagoo ballan u leh nolosha haatan joogta iyo tan imanaysaba.
  • Ish 57:12 : 12 Waxaan sheegi doonaa xaqnimadaada iyo shuqulladaada, iyaguse waxba kuuma tari doonaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1 Kor 13:1-2
    2 aayado
    87%

    1¶ Haddaan ku hadlo afafka dadka iyo malaa'igaha, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxaan noqday naxaas dhawaaqaysa ama saxan bir ah oo sanqadhaya oo kale.

    2Oo haddaan leeyahay hadiyadda wax sii sheegidda, oo aan garanayo waxyaalaha qarsoon oo dhan iyo aqoonta oo dhan, iyo haddaan leeyahay rumaysadka oo dhan oo aan buuraha ku dhaqaajiyo, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxba ma ihi.

  • 1 Kor 13:4-5
    2 aayado
    78%

    4¶ Jacaylku waa samir badan yahay, waana raxiim, jacaylku ninna ma xasdo, jacaylku ma faano, mana kibro,

    5wax aan u ekayn ma falo, nafsaddiisana wax uma doondoono, mana xanaaqo, sharna kuma fikiro,

  • 13Haddabase waxa waaraa waa saddexdan, rumaysad iyo rajo iyo jacayl; laakiin kuwan waxaa ugu wada weyn jacayl.

  • 72%

    16Taasaynu jacaylka ku garanaynaa, waayo, isagu naftiisuu u bixiyey aawadeen; oo innaguna waa inaynu nafteenna u bixinno walaalaheen.

    17Laakiin kan leh xoolaha dunidan, oo arka walaalkiis oo baahan, oo qalbigiisa ka xidha, sidee baa jacaylka Ilaah ugu jiraa isaga?

    18Carruurtaydiiyey, yeynan ku jeclaanin hadalka iyo afka toona, laakiin camalka iyo runta aan ku jeclaanno.

  • 1 Kor 13:7-8
    2 aayado
    72%

    7Wax walba wuu u dulqaataa, wax walba wuu rumaystaa, wax walba wuu rajeeyaa, wax walba wuu u adkaystaa.

    8¶ Jacaylku weligii ma idlaado. Hadday wax sii sheegiddii jirto, way baabbi'i doontaa, hadday afaf jiraan way dhammaan doonaan, hadday aqooni jirto way baabbi'i doontaa.

  • Yac 2:14-17
    4 aayado
    72%

    14¶ Maxay tartaa, walaalahayow, haddii nin yidhaahdo, Rumaysad baan leeyahay, laakiin aanu shuqullo lahayn? Rumaysadku ma badbaadin karaa isaga?

    15Walaal wiil ah ama walaal gabadh ah hadday arradan yihiin oo cuntadii maalinta u baahan yihiin,

    16oo midkiin ku yidhaahdo iyaga, Nabad gala, diirsada oo dherga, oo weliba aydnaan siin waxa jidhku u baahan yahay, maxay tartaa?

    17Haddaba sidaas oo kale rumaysadku haddaanu shuqullo lahayn keli ahaantiisu waa meyd.

  • 14Wax kastoo aad samaysaanba, jacayl ku sameeya.

  • 1¶ Jacaylka raaca, oo weliba hadiyadaha Ruuxa ka yimaada aad u doona, oo siiba doona inaad wax sii sheegtaan.

  • 31Laakiin aad u doona hadiyadaha u waaweyn. Oo weliba waxaan idin tusayaa jid kan ka sii wanaagsan.

  • 15Anna si farxad leh ayaan isu bixin, naftiinnaanan isu bixin. Haddii aan aad idiin jeclahay, ma si ka yar baa lay jecel yahay?

  • 7cibaadadiinnana kalgacayl walaalnimo, kalgacaylkiinna walaalnimona jacayl.

  • 1¶ Xagga waxyaalaha sanamyada loo sadqeeyo, waxaynu garanaynaa inaynu dhammaan aqoon u wada leennahay. Aqoontu way kibrisaa, jacaylkuse wax buu dhisaa.

  • 13Taa aawadeed haddii cunto walaalkay xumayso, hilib weligay ma cuni doono si aanan walaalkay u xumayn.

  • 14oo waxyaalahaas oo dhan waxaad ka dul huwataan jacayl, kaas oo ah xidhiidhka kaamilnimada.

  • 33sidaan aniguba dadka oo dhan uga farxiyo wax kastaba, anigoo aan doonaynin waxa ii roon, laakiin waxa kuwa badan u roon, si ay u badbaadaan.

  • 68%

    15Laakiin waxyaalahaas midkoodna kuma aan isticmaalin. Haddana waxyaalahan u qori maayo in sidaas la ii yeelo, waayo, waxaa ii roon inaan dhinto intii nin uun faankayga ka dhigi lahaa wax aan wax ka jirin.

    16Waayo, haddaan dadka injiilka ku wacdiyo, wax aan ku faano ma aha, waayo, wax baa i qasbaya, maxaa yeelay, waa ii hoog haddaanan dadka injiilka ku wacdiyin.

    17Waayo, haddaan waxaas ku sameeyo doonistayda aawadeed, abaalgud baan helayaa, laakiin haddaanan doonistayda ku samayn, weli wakiilnimo baa laygu aaminay.

  • 15Waayo, haddii walaalkaa cuntadaada ka calool xumaado, jacaylka kuma sii socotid. Cuntadaada ha ku baabbi'in kii Masiixu u dhintay.

  • 6Laakiin hadda, walaalayaalow, haddaan idiin imaado, anigoo afaf ku hadlaya, maxaan idiin tari doonaa, haddaanan idinkula hadlin muujin ama aqoon ama wax sii sheegid ama waxbarid?

  • 14Laakiinse ma aanan doonayn inaan sameeyo wax aadan ila ogayn, inaan wanaaggaagu noqon dirqi laakiinse uu noqdo ikhtiyaar.

  • 8Wax walba hortood idinku aad isu jeclaada, maxaa yeelay, jacaylku wuxuu qariyaa dembiyo faro badan.

  • 67%

    23¶ Wax waliba waa xalaal, laakiin wax waliba ma roona. Wax waliba waa xalaal, laakiin wax waliba wax ma dhisaan.

    24Ninna yuusan doonin waxa isaga qudhiisa u roon, laakiin mid kasta ha doono waxa kan kale u roon.

  • 10sida kuwo la calool xumeeyey, laakiin weli had iyo goorba farxa, sida masaakiin, laakiin dad badan hodansiiya, sida kuwo aan waxba haysanin laakiin wax walba leh.

  • 12Sidaasoo kale idinkuna, idinkoo ku kulul hadiyadaha ruuxa, aad u dadaala inaad hadiyado badan u lahaataan kiniisadda dhisniinteeda.

  • 35Sidaasay dadka oo dhammi idinku garan doonaan inaad xertaydii tihiin, haddaad jacayl isu qabtaan.

  • 10Jacaylku xumaan kuma sameeyo deriskiisa; jacaylku haddaba waa oofinta sharciga.

  • 66%

    12Waayo, haddii diyaar la yahay, sida loo haysto ayaa loo aqbalaa ee ma aha sidaan loo haysan.

    13Waayo, tan u odhan maayo in kuwa kale la daayo oo idinka laydin dhibo,

  • 33Iibiya waxaad leedihiin oo sadaqo bixiya. Samaysta kiishash aan duugoobaynin, oo maal aan dhammaanaynin ku urursada jannada, meesha aan tuug ku soo dhowaan oo aan aboor ku baabbi'in.

  • 1¶ Walaalayaalow, dooni maayo inaad jaahil ka ahaataan waxa ku saabsan hadiyadaha Ruuxa ka yimaada.

  • 6Iyagu jacaylkaagay kiniisadda horteeda kaga markhaati fureen. Wanaag baad samayn lahayd haddii aad iyaga u ambabbixisid sida Ilaah istaahilo;

  • 13oo ku caawiya waxa quduusiintu u baahan yihiin, oo shisheeyaha martiggeliya.

  • 31Haddaba haddaad wax cuntaan, ama wax cabtaan, ama wax kastaad samaysaan, dhammaan u wada sameeya Ilaah ammaantiisa.

  • 27Laakiin jidhkaygaan dhibaa oo addoon ka dhigaa si markaan qaar kale injiilka ku wacdiyo aan qudhayda lay diidin.

  • 1¶ Jacaylka walaalnimadu ha sii jiro.

  • 8¶ U hadli maayo amar ahaan, laakiin inaan dadaalka kuwa kale ku caddeeyo lillaahinimada jacaylkiinna.

  • 3Laakiin qof uuni hadduu Ilaah jecel yahay, Ilaah baa garanaya isaga.

  • 12¶ Wax waliba waa ii xalaal, laakiin wax waliba iima roona. Wax waliba waa ii xalaal, laakiin waxba ima addoonsan doonaan.

  • 6¶ Laakiin tan ogaada, Kii wax yar beeraa, wax yar buu goostaa, kii wax badan beeraana, wax badan buu goostaa.

  • 8Cuntadu ina hor joojin mayso Ilaah. Haddaynan cunin waxba inagama dhacaan, haddaynu cunnona waxba inooma kordhaan.