2 Korintos 9:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Laakiin tan ogaada, Kii wax yar beeraa, wax yar buu goostaa, kii wax badan beeraana, wax badan buu goostaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 22:9 : 9 Kii il deeqsiya lahu wuu barakoobi doonaa, Waayo, isagu wuxuu cuntadiisa wax ka siiyaa masaakiinta.
  • Maah 11:24-25 : 24 Waxaa jira mid wax firdhiya, oo haddana sii korodhsada; Oo waxaa jira mid ceshada wax ka sii badan in ku habboon, oo haddana sii caydhooba. 25 Qofkii deeqsi ah baa la barwaaqaysiin doonaa, Oo kii wax waraabiyana, isna waa la waraabin doonaa.
  • Luuk 6:38 : 38 Siiya oo waa laydin siin doonaa; qiyaas wanaagsan oo hoos u riixriixan oo ruxan oo buuxdhaafaya ayaa laydinku siin doonaa faraqiinna, waayo, qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydiinku qiyaasi doonaa.
  • Maah 11:18 : 18 Kan sharka lahu wuxuu shaqaystaa mushahaaro khiyaano miidhan ah, Laakiinse kii xaqnimada beeraa wuxuu heli doonaa abaalgud la hubo.
  • Gal 6:7-9 : 7 Yaan laydin khiyaanayn; Ilaah laguma majaajiloodo, waayo, nin kastaa wax alla wuxuu beerto ayuu goosan doonaa. 8 Waayo, kii jidhkiisa wax ku beertaa wuxuu jidhka ka goosan doonaa qudhun, laakiin kii Ruuxa wax ku beertaa, wuxuu Ruuxa ka goosan doonaa nolol weligeed ah. 9 Oo wanaagfalidda yeynan ka daalin, waayo, wakhtigeeda ayaynu wax ka goosan doonnaa haddaynan ka qalbi jabin.
  • Cib 6:10 : 10 Waayo, Ilaah ma xaqdarra, mana illoobo shuqulkiinna iyo jacaylka aad magiciisa u qabtaan, maxaa yeelay, quduusiinta ayaad u adeegteen oo weli waad u adeegtaan.
  • Wacd 11:1 : 1 ¶ Kibistaada biyaha korkooda ku tuur, waayo, maalmo badan dabadood waad heli doontaa.
  • Wacd 11:6 : 6 Iniinahaaga aroorta beero, oo fiidkana gacantaada ha ceshan, waayo, innaba garan maysid mid liibaani doona, kan ama kaas, iyo inay labadooduba isku si u wanaagsanaan doonaan iyo in kale.
  • 2 Kor 9:10 : 10 Kii beerreyga siiya abuur uu abuuro iyo kibis uu cuno, wuu siin doonaa wuuna badin doonaa abuurkiinna aad abuuraysaan, wuuna kordhin doonaa midhaha xaqnimadiinna.
  • Gal 3:17 : 17 Waxaan leeyahay, Ilaah baa axdi hore u dhigay, oo sharcigii afar boqol iyo soddon sannadood dabadeed yimid ma buriyo axdigaas oo ballanka ma baabbi'iyo.
  • Sab 41:1-3 : 1 Waxaa barakaysan kii ka fikira miskiinka, Maalinta shar jiro Rabbigu waa samatabbixin doonaa isaga. 2 Rabbigu wuu dhawri doonaa, wuuna sii noolayn doonaa, oo isaguna dhulkuu ku barakaysnaan doonaa. Rabbow, isaga ha u gacangelin sida cadaawayaashiisu rabaan. 3 Rabbigu wuxuu isaga ku gargaari doonaa sariirta taagdarradiisa. Oo markuu bukana sariirtiisa oo dhan waad u hagaajisaa.
  • Maah 19:17 : 17 Kii miskiinka u naxaa Rabbiguu wax amaahiyaa, Oo wanaaggii uu sameeyeyna wuu u celin doonaa.
  • Luuk 19:16-26 : 16 Kii hore ayaa u yimid oo ku yidhi, Sayidow, minahaagii ayaa toban kale laga faa'iiday. 17 Markaasuu ku yidhi, Si wanaagsan baad yeeshay, addoon yahow wanaagsan. Wax yar ayaad aamin ku ahayd, ee toban magaalo u sarree. 18 Markaasaa kii labaad yimid isagoo leh, Sayidow, minahaagii waxaa laga faa'iiday shan mina. 19 Kaasna wuxuu ku yidhi, Adna shan magaalo u sarree. 20 Kii kalena waa yimid isagoo leh, Sayidow, waa kaa minahaagii aan maro yar ku guntay oo meel dhigay. 21 Waayo, waan kaa baqay, maxaa yeelay, nin ba'an baad tahay; waxaad qaadataa waxaanad dhigan, oo waxaad gurataa waxaanad beeran. 22 Wuxuu ku yidhi, Waxaa afkaaga ka soo baxay ayaan kugu xukumayaa, addoon yahow sharka leh. Waad ogayd inaan ahay nin ba'an oo qaato wixii aanan dhigan oo gurto wixii aanan beeran. 23 Maxaad haddaba lacagtaydii baangiga u dhigi weyday, si, markaan imaado, aan u soo qaato lacagtaydii iyo faa'iidadeediiba? 24 Markaasuu ku yidhi kuwii ag taagnaa, Minaha ka qaada oo u dhiiba kan tobanka mina haya. 25 Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, toban mina ayuu hayaa. 26 Waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo wax haysta waa la siin doonaa, kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa xataa wuxuu haysto.
  • Gal 5:16 : 16 ¶ Laakiin waxaan leeyahay, Ruuxa ku socda, kolkaas aydnaan damaca jidhka yeelayne.
  • 1 Kor 15:20 : 20 ¶ Laakiinse haatan Masiixa ayaa kuwii dhintay laga sara kiciyey, isagoo ah midhaha ugu horreeya ee kuwa dhintay.
  • Ef 4:17 : 17 ¶ Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga waan idiinkugu markhaati furayaa, oo waxaan idinku leeyahay, Mar dambe ha ugu soconina sida dad aan Ilaah aaminin ugu socdaan xumaanta maankooda.
  • Kol 2:4 : 4 ¶ Taas waxaan u leeyahay inaan ninna idinku khiyaanayn hadal sasabasho ah.
  • 1 Kor 1:12 : 12 Tan waxaan ula jeedaa midkiin inuu leeyahay, Waxaan ka mid ahay kuwa Bawlos; mid kalena, Kuwa Abolloos; mid kalena, Kuwa Keeyfas; mid kalena, Kuwa Masiix.
  • 1 Kor 7:29 : 29 Laakiin waxaan leeyahay, walaalayaalow, wakhtiga waa la soo gaabiyey, hadda kaddib kuwa naagaha qabaa ha ahaadeen sidii iyagoo aan qabin;

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 2 Kor 9:7-11
    5 aayado
    85%

    7Qof kastaa wax ha u bixiyo siduu qalbiga ka goostay, oo yaanu ku bixin caloolxumo ama qasab, waayo, Ilaah wuxuu jecel yahay kan farxad wax ku bixiya.

    8Ilaah wuxuu karaa inuu nimco oo dhan idiin badiyo inaad mar walba wax kasta oo idinku filan haysataan inaad shuqul kasta oo wanaagsan ku badisaan;

    9sida qoran, Isagu wuu kala firdhiyey, masaakiintana wax buu siiyey, Xaqnimadiisuna way sii jirtaa weligeedba.

    10Kii beerreyga siiya abuur uu abuuro iyo kibis uu cuno, wuu siin doonaa wuuna badin doonaa abuurkiinna aad abuuraysaan, wuuna kordhin doonaa midhaha xaqnimadiinna.

    11Wax kasta idinka waa laydinku hodansiin doonaa xagga deeqsinimada inaga dhex shaqaysa oo dhan ee aawadeed Ilaah loogu mahadnaqo.

  • Gal 6:6-10
    5 aayado
    81%

    6¶ Kan hadalka la baraa wax walba oo wanaagsan qayb ha ka siiyo kan wax bara.

    7Yaan laydin khiyaanayn; Ilaah laguma majaajiloodo, waayo, nin kastaa wax alla wuxuu beerto ayuu goosan doonaa.

    8Waayo, kii jidhkiisa wax ku beertaa wuxuu jidhka ka goosan doonaa qudhun, laakiin kii Ruuxa wax ku beertaa, wuxuu Ruuxa ka goosan doonaa nolol weligeed ah.

    9Oo wanaagfalidda yeynan ka daalin, waayo, wakhtigeeda ayaynu wax ka goosan doonnaa haddaynan ka qalbi jabin.

    10Sidaas daraaddeed markaynu wakhtiga haysanno, kulli aan wanaag u samayno, khusuusan dadka rumaysadka leh.

  • 5Taas aawadeed waxaan u maleeyey inay dhaanto inaan walaalaha ka baryo inay hortay idiin yimaadaan, inay hore diyaar uga sii dhigaan deeqda aad ballanqaaddeen, inay taasi diyaar u ahaato deeq ahaan, mana aha qasab ahaan.

  • Maah 22:8-9
    2 aayado
    78%

    8Kii xumaan beeraa wuxuu goosan doonaa belaayo, Oo usha cadhadiisuna way dhammaan doontaa.

    9Kii il deeqsiya lahu wuu barakoobi doonaa, Waayo, isagu wuxuu cuntadiisa wax ka siiyaa masaakiinta.

  • Yoox 4:36-37
    2 aayado
    78%

    36Kii gooyaa mushahaaruu helaa, wuxuuna midho u ururiyaa nolosha weligeed ah, inay kii beera iyo kii gooyaaba isla farxaan.

    37Hadalku waa ku run kan, Mid baa beera, mid kalena waa gooyaa.

  • 77%

    10mise innagoo dhan buu inoola jeeda? Hubaal, aawadeen baa loo qoray, waayo, kan beerta qodaa waa inuu rajo ku qodo, kan tumaana waa inuu tumo isagoo rajaynaya inuu wax qayb u helo.

    11Haddaannu idinku beernay waxyaalaha ruuxa, ma wax weyn baa haddaannu waxyaalaha jidhka idinka urursaano?

  • 38Siiya oo waa laydin siin doonaa; qiyaas wanaagsan oo hoos u riixriixan oo ruxan oo buuxdhaafaya ayaa laydinku siin doonaa faraqiinna, waayo, qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydiinku qiyaasi doonaa.

  • 75%

    24Waxaa jira mid wax firdhiya, oo haddana sii korodhsada; Oo waxaa jira mid ceshada wax ka sii badan in ku habboon, oo haddana sii caydhooba.

    25Qofkii deeqsi ah baa la barwaaqaysiin doonaa, Oo kii wax waraabiyana, isna waa la waraabin doonaa.

    26Kii hadhuudh ceshada, dadka ayaa habaari doona, Laakiinse kii iibiya, duco ayaa ku dhici doonta.

  • 74%

    12Waayo, haddii diyaar la yahay, sida loo haysto ayaa loo aqbalaa ee ma aha sidaan loo haysan.

    13Waayo, tan u odhan maayo in kuwa kale la daayo oo idinka laydin dhibo,

    14laakiin sida ay sinnaantu tahay, wax ka siiya waxa badan ee aad wakhtigan la joogo haysataan, waayo, way baahan yihiin, inay waxooda badan wax idinka siiyaan markaad baahataan, si ay sinnaani u dhacdo,

    15sida qoran, Kii wax badan soo gurtay, waxba uma hadhin, kii wax yar soo gurtayna, waxba kama dhinmin.

  • 6kan nin kasta u siin doona sida shuqulkiisu ahaa,

  • 16Markaasuu masaal kula hadlay oo ku yidhi, Nin hodan ah dhulkiisa ayaa wax badan bixiyey.

  • 6Iniinahaaga aroorta beero, oo fiidkana gacantaada ha ceshan, waayo, innaba garan maysid mid liibaani doona, kan ama kaas, iyo inay labadooduba isku si u wanaagsanaan doonaan iyo in kale.

  • 17Nin waluba waa inuu bixiyo wixii uu awoodo sida ay tahay barakada Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siiyey.

  • 6Ninka beerta leh ee hawshoodaa waa inuu ahaadaa kan ugu horreeya oo midhaha ka qayb qaata.

  • 10Hubaal waa inaad isaga wax siisaa, oo markaad wax siisona qalbigaagu yuusan xumaan, maxaa yeelay, taas daraaddeed ayaa Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu barakayn doonaa shuqulkaaga oo dhan iyo wax alla wixii aad gacanta ku qabatoba.

  • 8Kan beeraa iyo kan waraabiyaa waa isku mid, laakiin mid kastaa wuxuu heli doonaa abaalkiis siday hawshiisu ahayd.

  • Sab 126:5-6
    2 aayado
    74%

    5Kuwa ilmada wax ku abuurtaa, farxad bay ku goosan doonaan.

    6Kii iska taga isagoo ooyaya oo abuurkiisa sita, Wuxuu soo noqon doonaa isagoo faraxsan oo xidhmooyinkiisa sita.

  • 9¶ Oo markaad goosataan waxa dhulkiinna ka soo baxa waa inaydaan midhaha ka wada goosan rukummada beertiinna, oo weliba waa inaydaan soo urursan xaaxaabka beergoosadkiinna.

  • 18Oo waani inay wax san sameeyaan, oo ay shuqullo wanaagsan hodan ku ahaadaan, oo ay deeqsi ahaadaan, oo ay dadka kale wax siiyaan,

  • 37Oo ay beeraha u abuurtaan, oo ay beero canab ah u beertaan, Oo ay u helaan midho tiro badan.

  • 7Waayo, dhulka cabbay roobka marar badan ku dul da'a, oo u soo saara geedo u wanaagsan kuwii beeray, wuxuu Ilaah ka helaa barako,

  • 25Kii wax haysta waa la siin doonaa. Kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa wuxuu haysto.

  • 37Oo waxaad beertidba ma beertid jidhka noqonaya, laakiin iniintoo qudha, ha ahaato iniin sarreen ah, ama iniin cayn kale ah.

  • 8Sidaan anigu arkay, weligoodba kuwii xumaan tacbadaa, Oo belaayo beertaa, isla waxaasay goostaan.

  • 12Waayo, ku alla kii wax haysta waa la siin doonaa, waana loo badin doonaa, kii aan waxba haysanse, waa laga qaadi doonaa wuxuu haysto.

  • 29Waayo, mid walba oo wax haysta waa la siin doonaa, waana loo badin doonaa, kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa xataa wuxuu haysto.

  • 17Kii miskiinka u naxaa Rabbiguu wax amaahiyaa, Oo wanaaggii uu sameeyeyna wuu u celin doonaa.

  • 72%

    8idinkoo garanaya wax kasta oo wanaagsan oo mid kasta sameeyo inuu Rabbiga isla waxaas ka helayo hadduu yahay addoon iyo hadduu yahay xorba.

  • 7Askarigee baa qarashkiisa weligiis iska bixiya? Yaa beer canab ah beera oo aan midhaheeda cunin? Ama yaa adhi daajiya oo aan caanaha adhiga dhamin?

  • 27Kii miskiinka wax siiyaa ma baahan doono, Laakiinse kii indhaha ka qarsada aad baa loo habaari doonaa.

  • 7Oo aan beergooyuhu gacantiisa ka buuxin, Kan xidhmooyinka xidhaana aanu laabtiisa ka buuxin.

  • 18Kan sharka lahu wuxuu shaqaystaa mushahaaro khiyaano miidhan ah, Laakiinse kii xaqnimada beeraa wuxuu heli doonaa abaalgud la hubo.

  • 18Markaasuu yidhi, Sidan ayaan samayn doonaa. Maqsinnadaydii ayaan dumin doonaa oo kuwa ka waaweyn ayaan dhisan doonaa; halkaasna ayaan ku urursan doonaa sarreenkayga iyo alaabtayda oo dhan,