Maahmaahyadii 11:24

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaa jira mid wax firdhiya, oo haddana sii korodhsada; Oo waxaa jira mid ceshada wax ka sii badan in ku habboon, oo haddana sii caydhooba.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 19:17 : 17 Kii miskiinka u naxaa Rabbiguu wax amaahiyaa, Oo wanaaggii uu sameeyeyna wuu u celin doonaa.
  • Sab 112:9 : 9 Wax buu kala qaybshay, oo wuxuu wax siiyey kuwii baahnaa, Xaqnimadiisuna way sii waartaa weligeedba, Geeskiisana waxaa lagu sarraysiin doonaa sharaf.
  • Luuk 6:38 : 38 Siiya oo waa laydin siin doonaa; qiyaas wanaagsan oo hoos u riixriixan oo ruxan oo buuxdhaafaya ayaa laydinku siin doonaa faraqiinna, waayo, qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydiinku qiyaasi doonaa.
  • 2 Kor 9:5-9 : 5 Taas aawadeed waxaan u maleeyey inay dhaanto inaan walaalaha ka baryo inay hortay idiin yimaadaan, inay hore diyaar uga sii dhigaan deeqda aad ballanqaaddeen, inay taasi diyaar u ahaato deeq ahaan, mana aha qasab ahaan. 6 ¶ Laakiin tan ogaada, Kii wax yar beeraa, wax yar buu goostaa, kii wax badan beeraana, wax badan buu goostaa. 7 Qof kastaa wax ha u bixiyo siduu qalbiga ka goostay, oo yaanu ku bixin caloolxumo ama qasab, waayo, Ilaah wuxuu jecel yahay kan farxad wax ku bixiya. 8 Ilaah wuxuu karaa inuu nimco oo dhan idiin badiyo inaad mar walba wax kasta oo idinku filan haysataan inaad shuqul kasta oo wanaagsan ku badisaan; 9 sida qoran, Isagu wuu kala firdhiyey, masaakiintana wax buu siiyey, Xaqnimadiisuna way sii jirtaa weligeedba. 10 Kii beerreyga siiya abuur uu abuuro iyo kibis uu cuno, wuu siin doonaa wuuna badin doonaa abuurkiinna aad abuuraysaan, wuuna kordhin doonaa midhaha xaqnimadiinna. 11 Wax kasta idinka waa laydinku hodansiin doonaa xagga deeqsinimada inaga dhex shaqaysa oo dhan ee aawadeed Ilaah loogu mahadnaqo.
  • Sharc 15:10 : 10 Hubaal waa inaad isaga wax siisaa, oo markaad wax siisona qalbigaagu yuusan xumaan, maxaa yeelay, taas daraaddeed ayaa Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu barakayn doonaa shuqulkaaga oo dhan iyo wax alla wixii aad gacanta ku qabatoba.
  • Fal 11:29-30 : 29 Markaasaa mid kasta oo xertii ka mid ihiba, sidii tabartiisu ahayd, wuxuu goostay inuu caawimaad u diro walaalihii Yahuudiya jooga, 30 oo sidaasay yeeleen, oo waxay waayeelladii ugu sii dhiibeen gacanta Barnabas iyo Sawlos.
  • Maah 11:18 : 18 Kan sharka lahu wuxuu shaqaystaa mushahaaro khiyaano miidhan ah, Laakiinse kii xaqnimada beeraa wuxuu heli doonaa abaalgud la hubo.
  • Xag 1:6 : 6 Wax badan baad beerateen, laakiinse in yar baad soo gurateen, wax baad cuntaan, laakiinse innaba kama dheregtaan, wax baad cabtaan, laakiinse innaba kama wabaxdaan, dhar baad xidhataan, laakiinse innaba ma diirsataan, oo kii mushahaaro soo qaataana wuxuu mushahaarada u soo qaata inuu kiish daloolan ku rito.
  • Xag 1:9-9 : 9 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Waxaad filanayseen wax badan, laakiinse waxay noqdeen in yar, oo markaad intaas gurigii keenteenna anigu waan afuufay. Waa maxay sababtu? Maxaa yeelay, gurigaygii baa dunsan oo idinkana midkiin kastaaba wuxuu u ordaa gurigiisa. 10 Haddaba idinka daraaddiin ayaa samadii u diidday sayaxeedii oo dhulkiina wuu diiday midhihiisii. 11 Oo anigu abaar baan u yeedhay, oo waxaan ku soo dejiyey dhulka, iyo buuraha, iyo hadhuudhka, iyo khamriga, iyo saliidda, iyo waxaa dhulka ka soo baxa, iyo dadka, iyo duunyada, iyo hawsha gacmaha oo dhan.
  • Xag 2:16-19 : 16 iyo tan iyo wakhtigaas oo dhan markii la doonto tulmo ah labaatan, waxaa laga helay toban keliya, oo markii loo yimaado in macsarada khamriga laga soo dhaansado konton weel, waxaa ku jiray labaatan weel oo keliya. 17 Anigu shuqulka gacmihiinna oo dhan waxaan ku dhuftay beera-engeeg iyo cariyaysi iyo roobdhagaxyaale, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay. 18 Haddaba waan idin baryayaaye maanta intii ka bilaabata iyo wixii ka dambeeyaba ka fiirsada, oo bishii sagaalaad maalinteedii afar iyo labaatanaad oo ahayd maalintii la dhigay aasaaska macbudka Rabbiga, aad uga fiirsada. 19 Maqsinka iniino ma ku jiraan? Hubaal canabka iyo berdaha iyo rummaanka iyo saytuunka midkoodna midho ma dhalin, laakiinse maanta inta ka bilaabata waan idin barakayn doonaa.
  • Maah 28:8 : 8 Kii korsaar iyo ribo maalkiisa ku korodhsadaa, Wuxuu u ururin doonaa mid masaakiinta u naxariista.
  • Wacd 11:1-2 : 1 ¶ Kibistaada biyaha korkooda ku tuur, waayo, maalmo badan dabadood waad heli doontaa. 2 Oo toddoba qaybood u kala qaybi iyo weliba siddeed, waayo, masiibada dhulka iman doonta garan maysid.
  • Wacd 11:6 : 6 Iniinahaaga aroorta beero, oo fiidkana gacantaada ha ceshan, waayo, innaba garan maysid mid liibaani doona, kan ama kaas, iyo inay labadooduba isku si u wanaagsanaan doonaan iyo in kale.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 81%

    25Qofkii deeqsi ah baa la barwaaqaysiin doonaa, Oo kii wax waraabiyana, isna waa la waraabin doonaa.

    26Kii hadhuudh ceshada, dadka ayaa habaari doona, Laakiinse kii iibiya, duco ayaa ku dhici doonta.

  • 7Waxaa jira nin hodan iska dhiga laakiinse aan waxba haysan, Oo waxaa jira mid miskiin iska dhiga laakiinse maal badan leh.

  • 77%

    22Ninkii wanaagsanu dhaxal buu uga tagaa carruurta carruurtiisa, Oo maalka dembilahana waxaa loo kaydiyaa kuwa xaqa ah.

    23Beerta masaakiinta waxaa ku taal cunto badan, Laakiinse gardarro aawadeed in baa loo baabbi'iyaa.

  • 26Waxaa jira kuwo maalinta oo dhan si hunguri weyn wax u damca, Laakiinse kii xaq ahu wax buu bixiyaa oo ma ceshado.

  • 16Kii miskiinka u dulma inuu maal korodhsado, Iyo kii taajirka wax siiyaaba hubaal way baahnaan doonaan.

  • 11Maalkii degdeg lagu helaa wuu dhinmi doonaa, Laakiinse kan hawl wax ku soo urursadaa waa sii korodhsan doonaa.

  • 6¶ Laakiin tan ogaada, Kii wax yar beeraa, wax yar buu goostaa, kii wax badan beeraana, wax badan buu goostaa.

  • 4Kii gacan caajis ah lahu wuu caydhoobaa, Laakiinse kuwa dadaala gacantoodu hodan bay ka dhigtaa.

  • 8Kii korsaar iyo ribo maalkiisa ku korodhsadaa, Wuxuu u ururin doonaa mid masaakiinta u naxariista.

  • 27Kii miskiinka wax siiyaa ma baahan doono, Laakiinse kii indhaha ka qarsada aad baa loo habaari doonaa.

  • 74%

    19Kii dhulkiisa beertaa, cunto badan buu ka dhergi doonaa, Laakiinse kii waxmatarayaal raacaa wuxuu ka dhergi doonaa caydhnimo.

    20Ninkii aamin ahu aad buu u barakoobi doonaa, Laakiinse kii taajirnimo ku degdegaa ma taqsiir la'aan doono.

  • 12Waayo, ku alla kii wax haysta waa la siin doonaa, waana loo badin doonaa, kii aan waxba haysanse, waa laga qaadi doonaa wuxuu haysto.

  • 9Kii il deeqsiya lahu wuu barakoobi doonaa, Waayo, isagu wuxuu cuntadiisa wax ka siiyaa masaakiinta.

  • 25Kii wax haysta waa la siin doonaa. Kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa wuxuu haysto.

  • 29Waayo, mid walba oo wax haysta waa la siin doonaa, waana loo badin doonaa, kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa xataa wuxuu haysto.

  • 22Rabbiga barakadiisu hodan bay kaa dhigtaa, Oo isna caloolxumo kuma daro.

  • 22Kii taajirnimo ku degdegaa waa qumay, Mana oga inuu caydhoobi doono.

  • 11Markii maalku bato kuwa cunaana way sii bataan. Maalku bal muxuu kan leh u taraa inuu indhihiisa ku fiiriyo mooyaane?

  • 23Hawl kasta faa'iidaa ku jirta, Laakiinse hadalka bushimuhu wuxuu keenaa caydhnimo keliya.

  • Wacd 5:13-14
    2 aayado
    72%

    13¶ Waxaa jira wax shar ah oo aad u xun oo aan qorraxda hoosteeda ku arkay, waana maal badan oo uu kan lahu sii haysto oo uu waxyeello uun isu keeno.

    14Oo maalkaasu wax xun buu ku baabba'aa, oo kii lahaana wiil buu dhalay, laakiinse gacantiisa waxba kuma jiraan.

  • 15sida qoran, Kii wax badan soo gurtay, waxba uma hadhin, kii wax yar soo gurtayna, waxba kama dhinmin.

  • 5Kuwa dadaala fikirradoodu waxay u geeyaan barwaaqo. Laakiinse ku alla kii degdeg badanu wuxuu u degdegaa inuu wax u baahdo oo keliya.

  • 72%

    28Kii maalkiisa isku halleeyaa wuu dhici doonaa, Laakiinse kii xaq ahu wuxuu u barwaaqoobi doonaa sida caleen cagaar ah.

    29Kii gurigiisa dhibaa dabayshu dhaxli doonaa, Oo nacaskuna wuxuu midiidin u ahaan doonaa kan qalbigiisu caqliga leeyahay.

  • 17Kii miskiinka u naxaa Rabbiguu wax amaahiyaa, Oo wanaaggii uu sameeyeyna wuu u celin doonaa.

  • 2 Kor 9:9-10
    2 aayado
    71%

    9sida qoran, Isagu wuu kala firdhiyey, masaakiintana wax buu siiyey, Xaqnimadiisuna way sii jirtaa weligeedba.

    10Kii beerreyga siiya abuur uu abuuro iyo kibis uu cuno, wuu siin doonaa wuuna badin doonaa abuurkiinna aad abuuraysaan, wuuna kordhin doonaa midhaha xaqnimadiinna.

  • 15Ninkii hodan ah maalkiisu waa u magaalo xoog leh, Laakiinse masaakiinta caydhnimadoodu waa u baabba'.

  • 3Miskiin masaakiinta dulmaa Waa sida roob dhulka xaadha oo aan cunto ka tegin.

  • 16Inta yar oo mid xaq ahu haystaa Way ka sii wanaagsan tahay kuwa sharka leh maalkooda badan.

  • Wacd 11:1-2
    2 aayado
    70%

    1¶ Kibistaada biyaha korkooda ku tuur, waayo, maalmo badan dabadood waad heli doontaa.

    2Oo toddoba qaybood u kala qaybi iyo weliba siddeed, waayo, masiibada dhulka iman doonta garan maysid.

  • 21Sidaas oo kale weeye kan maal urursada oo aan Ilaah u hodan ahayn.

  • 37Oo ay beeraha u abuurtaan, oo ay beero canab ah u beertaan, Oo ay u helaan midho tiro badan.

  • 21Kii shar lahu wax buu amaahdaa, mana bixiyo mar dambe, Laakiinse kan xaqa ahu wuu naxariistaa, waxna wuu bixiyaa.

  • 26Waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo wax haysta waa la siin doonaa, kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa xataa wuxuu haysto.

  • 16Markaasuu masaal kula hadlay oo ku yidhi, Nin hodan ah dhulkiisa ayaa wax badan bixiyey.

  • 23Kuwa xaqa ah waxay doonayaan wanaag keliya, Laakiinse kuwa sharka ah filashadoodu waa cadho.

  • 6Wax badan baad beerateen, laakiinse in yar baad soo gurateen, wax baad cuntaan, laakiinse innaba kama dheregtaan, wax baad cabtaan, laakiinse innaba kama wabaxdaan, dhar baad xidhataan, laakiinse innaba ma diirsataan, oo kii mushahaaro soo qaataana wuxuu mushahaarada u soo qaata inuu kiish daloolan ku rito.

  • 6Iniinahaaga aroorta beero, oo fiidkana gacantaada ha ceshan, waayo, innaba garan maysid mid liibaani doona, kan ama kaas, iyo inay labadooduba isku si u wanaagsanaan doonaan iyo in kale.

  • 20Khasnad qaali ah iyo saliid baa ku jira kan caqliga leh gurigiisa, Laakiinse nacasku wixiisa wuu wada liqaa.

  • 6Kan xaqa ah gurigiisa khasnad weyn baa taal, Laakiinse waxa kan sharka leh u kordhaa waa dhib.

  • 11Kii dhulkiisa beertaa cunto badan buu ka dhergi doonaa, Laakiinse kii waxmatarayaal raacaa waa garaad daranyahay.

  • 4Maalku wuxuu badiyaa saaxiibbo, Laakiinse miskiinku saaxiibkiisa buu ka soocmaa.

  • 6Kii jidad qalloocan ku socda, in kastoo uu taajir yahay, Waxaa ka roon miskiinka daacadnimadiisa ku socda.

  • 8Wax yar oo xaqnimo la jirto Ayaa ka wanaagsan wax badan oo kordha oo xaqdarro la jirto.