1 Timoteyos 4:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

waayo, jidhka waxbariddiisu wax yar bay tartaa, laakiinse cibaadaysigu si walba waxtar buu u leeyahay isagoo ballan u leh nolosha haatan joogta iyo tan imanaysaba.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 6:33 : 33 Laakiin horta doondoona boqortooyadii Ilaah iyo xaqnimadiisa, oo waxaas oo dhan waa laydinku dari doonaa.
  • 1 Tim 6:6 : 6 ¶ Laakiin cibaadadu waa faa'iido weyn markii waxa la haysto raalli lagu yahay;
  • Muj 3:21 : 21 Kii guulaysta, waxaan siin doonaa amar uu carshigayga igula fadhiisto, sida aan aniguba u guulaystay, oo aan Aabbahay ugula fadhiistay carshigiisa.
  • Mark 10:30 : 30 oo aan haatan oo la joogo helayn boqol laab guryo ah, iyo walaalo, iyo hooyooyin, iyo carruur, iyo beero, wuxuuna la heli doonaa silec, wakhtiga imanayana nolosha weligeed ah.
  • Sab 84:11 : 11 Waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waxa weeye qorrax iyo gaashaan, Rabbigu wax wanaagsan kalama hadhi doono kuwa si qumman u socda. Wuxuuna siin doonaa naxariis iyo sharaf.
  • Ayuub 5:19-26 : 19 Wuxuu kaa samatabbixin doonaa lix dhibaato, Oo marka toddobaadna belaayo kuma taaban doonto innaba. 20 Wakhtiga abaarta ah dhimashuu kaa furan doonaa, Wakhtiga dagaalkana xoogga seefta. 21 Waad ka qarsoonaan doontaa karbaashidda carrabka; Oo baabbi'iddu markay timaadana kama aad cabsan doontid innaba. 22 Waad ku qosli doontaa baabbi'idda iyo abaarta, Oo dugaagga dhulkana kama aad baqi doontid. 23 Waayo, axdi baad la yeelan doontaa dhagaxyada berrinka, Oo dugaagga duurkana heshiis baad la ahaan doontaa. 24 Oo waxaad ogaan doontaa in teendhadaadu nabdoon tahay, Oo xeradaada waad soo booqon doontaa, oo waxba kama waayi doontid innaba. 25 Oo weliba waxaad ogaan doontaa in farcankaagu badnaan doono, Oo dhashaaduna sida cawska dhulka bay ahaan doontaa. 26 Oo cimri dheer baad qabrigaaga ku geli doontaa, Sida xidhmo hadhuudh ah xilliga loo soo xidho.
  • Sab 37:3-4 : 3 Rabbiga isku hallee oo wanaag samee, Oo sidaasaad dalka ku degganaan doontaa, oo ammaan baad ku daaqi doontaa. 4 Haddaba Rabbiga ku farax, Oo wuxuu ku siin doonaa waxa qalbigaagu doonayo.
  • Sab 37:9 : 9 Waayo, xumaanfalayaashu way go'i doonaan, Laakiinse kuwa Rabbiga sugaa dalkay dhaxli doonaan.
  • Sab 145:19 : 19 Kuwa isaga ka cabsada waxay doonayaanba wuu siin doonaa, Oo weliba qayladoodana wuu maqli doonaa, wuuna badbaadin doonaa iyaga.
  • Maah 3:16-18 : 16 Gacanteeda midig waxaa ku jira cimri dheeri; Gacanteeda bidixna waxaa ku jira hodonnimo iyo sharaf. 17 Jidadkeedu waa jidad farxadeed, Oo waddooyinkeeda oo dhammuna waa nabad. 18 Kuwii iyada qabsada waxay u tahay geed nololeed; Oo waxaa barakaysan ku alla kii iyada xajista.
  • Maah 19:23 : 23 Kii Rabbiga ka cabsada waxaa loo kaxeeyaa xagga nolosha, Wuuna sii dheregsanaan doonaa, Oo sharna loo keeni maayo.
  • Maah 22:4 : 4 Is-hoosaysiinta iyo Rabbiga ka cabsashadiisa abaalgudkoodu Waxaa weeyaan hodantinimo iyo sharaf iyo nolol.
  • Wacd 8:12 : 12 In kastoo dembile boqol jeer shar sameeyo, oo cimrigiisuna aad u sii raago, haddana hubaal waxaan ogahay in kuwa Ilaah ka cabsada oo hortiisa ka baqaa ay nabdoonaan doonaan.
  • Ish 1:11-16 : 11 Rabbigu wuxuu leeyahay, Allabaryadiinna tirada badanu bal maxay ii yihiin? Waan ka dhergay qurbaanno guban oo wanan ah iyo xoolo buurbuuran baruurtood, kuma farxo dhiigga dibida, iyo ka baraarka iyo ka orgida toona. 12 Markaad u timaadaan inaad i hor istaagtaan, bal yaa weyddiista inaad barxadahayga ku joogjoogsataan? 13 Mar dambe ha ii keenina qurbaanno aan waxtar lahayn, fooxu waa ii karaahiyo, bilaha cusub, iyo maalmaha sabtida, iyo isuyeedhidda shirarkaba uma aan adkaysan karo, oo xataa shirka weyn waa dembi. 14 Bilihiinna cusub iyo ciidihiinnaba naftaydu way neceb tahay, waa ii culays, inaan u adkaysto waan ka daalay. 15 Oo markaad gacmihiinna ii soo hoorsataanna indhahayga waan idinka qarinayaa, oo markaad tukasho ku noqnoqataanna idin maqli maayo, waayo, gacmihiinnu waa dhiig miidhan. 16 Maydha, oo isnadiifiya, oo falimihiinna sharkooda, indhahayga hortooda ka fogeeya, oo sharka aad samaysaan daaya.
  • Ish 3:10 : 10 Waxaad sheegtaan inuu kan xaqa ah barwaaqaysnaan doono, waayo, iyagu waxay cuni doonaan midhihii falimahooda.
  • Ish 32:17-18 : 17 Oo xaqnimada shuqulkeeduna wuxuu ahaan doonaa nabad, xaqnimaduna weligeed waxay keeni doontaa xasilloonaan iyo kalsooni. 18 Oo dadkayguna waxay joogi doonaan rug nabaadiino, iyo hoyaal ammaan ah, iyo meelo xasilloon oo lagu nasto.
  • Ish 33:16 : 16 kaasu wuxuu fadhiyi doonaa meel sare, oo gabbaadkiisuna wuxuu noqon doonaa dhufays dhagaxyo ah, oo cuntadiisa baa la siin doonaa, oo biyihiisuna waxay ahaan doonaan kuwa la hubo.
  • Ish 58:3-5 : 3 Waxay leeyihiin, Bal maxaannu u soonnay oo aad u arki weyday? Bal maxaannu naftayada u dhibnay oo aad u daymoon weyday? Bal eega, maalintii aad soontaan waad iska raaxaysataan, oo shaqaalihiinna oo dhanna waad dulantaan. 4 Bal eega, idinku waxaad u soontaan dirir iyo dood keliya, iyo inaad feedhkii sharnimada wax ku dhufataan. Maanta uma soontaan si codkiinna xagga sare looga maqlo. 5 Soonkii aan doortay ma waxaas oo kalaa? Ma maalin nin naftiisa dhibo baa? Ma inuu madaxiisa sida cawsduur u foororsho, oo uu hoostiisa dhar joonyad ah iyo dambas ku goglo baa? Waxaa ma waxaad tidhaahdaan, Waa soon iyo maalin Rabbigu aqbali karo?
  • Ish 65:13-14 : 13 ¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, addoommadaydu wax bay cuni doonaan, idinkuse waad gaajaysnaan doontaan, addoommadaydu wax bay cabbi doonaan, idinkuse waad harraadsanaan doontaan, addoommadaydu way rayrayn doonaan, idinkuse waad ceeboobi doontaan, 14 addoommadaydu farxadda qalbigooda ayay la gabyi doonaan, idinkuse murugta qalbigiinna ayaad la ooyi doontaan, oo dhibta ruuxiinna ayaad la barooran doontaan.
  • Yer 6:20 : 20 Fooxa Shebaa ka yimid iyo qasabka macaan ee dal fog laga keenay maxay ii taraan? Qurbaannadiinna la gubo aqbali maayo, oo allabaryadiinnuna iga farxin maayaan.
  • Aam 5:21-24 : 21 Iidihiinna waan nebcahay, waanna quudhsadaa, oo shirarkiinnana kuma farxo. 22 In kastoo aad ii bixisaan qurbaannadiinna aad gubtaan iyo qurbaannadiinna hadhuudhka ah anigu aqbali maayo, oo qurbaannadiinna nabaadiino oo xoolihiinna buurbuuranna dan ka yeelan maayo. 23 Iga fogeeya qaylada gabayadiinna, waayo, anigu dhegaysan maayo luuqda shareeradihiinna. 24 Laakiinse caddaaladdu sida biyo ha u qulqusho, oo xaqnimaduna sida webi fatahaya ha u yaacdo.
  • Mat 5:3-9 : 3 ¶ Waxaa barakaysan kuwa xagga ruuxa ka masaakiin ah, waayo, boqortooyada jannada iyagaa leh. 4 Waxaa barakaysan kuwa baroorta, waayo, waa la qalbiqabowjin doonaa. 5 Waxaa barakaysan kuwa camal qabow, waayo, dhulkay dhaxli doonaan. 6 Waxaa barakaysan kuwa xaqnimada u gaajaysan oo u harraadsan, waayo, way dhergi doonaan. 7 Waxaa barakaysan kuwa naxariista leh, waayo, waa loo naxariisan doonaa. 8 Waxaa barakaysan kuwa qalbiga ka daahirsan, waayo, Ilaah bay arki doonaan. 9 Waxaa barakaysan kuwa nabadda ka shaqeeyaa, waayo, waxaa loogu yeedhi doonaa wiilashii Ilaah. 10 Waxaa barakaysan kuwa xaqnimada aawadeed loo silciyo, waayo, boqortooyada jannada iyagaa leh. 11 Waad barakaysan tihiin goortii laydin caayo, oo laydin silciyo, oo wax walba oo xun oo been ah laydinka sheego aawaday. 12 Farxa oo reyreeya, waayo, jannada abaalgudkiinnu waa ku weyn yahay, waayo, sidaasay u silcin jireen nebiyadii idinka horreeyey.
  • Sab 37:11 : 11 Laakiinse kuwa camalka qabow dalkay dhaxli doonaan, Oo waxay ku farxi doonaan nabad badan.
  • Sab 37:16-19 : 16 Inta yar oo mid xaq ahu haystaa Way ka sii wanaagsan tahay kuwa sharka leh maalkooda badan. 17 Waayo, kuwa sharka leh gacmahoodu way jebi doonaan, Laakiinse Rabbigu kuwa xaqa ah wuu tiiriyaa. 18 Rabbigu wuu yaqaan kuwa kaamilka ah cimrigooda, Oo dhaxalkooduna weligiisba wuu waarayaa. 19 Iyagu ma ceeboobi doonaan wakhtiga shar jiro, Oo wakhtiga abaaru dhacdona way dhergi doonaan.
  • Sab 37:29 : 29 Kuwa xaqa ahu dalkay dhaxli doonaan, Oo weligoodna way dhex degganaan doonaan.
  • Sab 50:7-9 : 7 Dadkaygiiyow, i maqla, oo anna waan hadli doonaa, Israa'iilow, i maqal oo anna waan kuu markhaati furi doonaa, Anigu waxaan ahay Ilaah, oo ah Ilaahaaga. 8 Anigu kugu canaanan maayo allabaryadaada, Oo qurbaannadaada gubanu had iyo goorba hortayday yaalliin. 9 Reerkaaga dibi ka qaadan maayo, Xerooyinkaagana orgi kala bixi maayo. 10 Waayo, xayawaanka duudda jooga oo dhan anigaa iska leh, Iyo xataa xoolaha kunka buurood jooga oo dhan. 11 Waan wada aqaan haadda buuraha joogta oo dhan, Oo dugaagga duurka jooga oo dhanna anigaa iska leh. 12 Haddaan gaajaysnahay, kuuma aan sheegeen, Waayo, dunida iyo waxa ka buuxaba anigaa iska leh. 13 Miyaan cuni doonaa hilibka dibida, Miyaanse cabbi doonaa dhiigga riyaha? 14 Ilaah u bixi allabariga mahadnaqiddaa, Oo Ilaaha ugu sarreeyana nidarradaadii u oofi, 15 Oo i bari maalinta dhibi jirto, Oo anna waan ku samatabbixin doonaa, kolkaasaad i ammaani doontaa.
  • Ayuub 22:2 : 2 Ma nin baa Ilaah wax u tari kara? Hubaal kii xigmad lahu isagaa wax isu tara.
  • Sharc 28:1-9 : 1 ¶ Oo haddaad aad u dhegaysataan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, oo intaad xajisaan aad yeeshaan amarradiisa aan maanta idinku amrayo oo dhan, Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idinka wada sare marin doonaa quruumaha dunida oo dhan. 2 Oo barakooyinkan oo dhammuna way idinku soo degi doonaan, wayna idin soo gaadhi doonaan, haddaad codka Rabbiga Ilaahiinna ah dhegaysataan. 3 Waxaad ku barakaysnaan doontaan magaalada, oo waxaad ku barakaysnaan doontaan duurka. 4 Oo waxaa barakaysnaan doona midhaha jidhkiinna, iyo midhaha dhulkiinna, iyo midhaha xoolihiinna oo ah dhasha lo'diinna iyo tan idihiinna. 5 Waxaa barakaysnaan doona dambiishiinna iyo weelkiinna aad wax ku cajiintaan. 6 Oo waad barakaysnaan doontaan markaad gudaha soo gashaan, oo waad barakaysnaan doontaan markaad dibadda u baxdaan. 7 Oo cadaawayaashiinna idinku kaca Rabbigu wuxuu ka dhigi doonaa in hortiinna lagu laayo. Jid qudha ayay idinkaga iman doonaan, oo hortiinna ayay toddoba jid ku kala carari doonaan. 8 Oo Rabbigu wuxuu ku amri doonaa inay barakadu idinku soo degto idinka, iyo maqsinnadiinna, iyo wax alla wixii aad gacanta ku qabataanba, oo wuxuu idinku barakayn doonaa dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo. 9 Rabbigu wuxuu idinka dhigan doonaa dad isaga qudhiisa quduus u ah, siduu idiinku dhaartay, haddaad amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah xajisaan oo aad jidadkiisana ku socotaan. 10 Oo dadka dunida oo dhammu waxay arki doonaan in laydiinku yeedhay magicii Rabbiga, wayna idinka cabsan doonaan. 11 Oo Rabbigu wanaag buu idiinku badin doonaa midhaha jidhkiinna, iyo midhaha xoolihiinna, iyo midhaha dhulkiinna idinkoo jooga dalka Rabbigu awowayaashiin ugu dhaartay inuu idin siinayo. 12 Oo Rabbigu wuxuu idiin furi doonaa khasnaddiisa wanaagsan ee samada inuu dalkiinna roob siiyo xilligiisa, iyo inuu wada barakeeyo shuqulka aad gacanta ku qabataan oo dhan, oo idinku quruumo badan baad wax deymin doontaan, waxbase ma amaahan doontaan. 13 Oo Rabbigu wuxuu idinka dhigayaa madaxa, idinkana dhigi maayo dabada, oo weligiin waxaad ahaanaysaan kuwa sarreeya, oo noqon maysaan kuwa hooseeya, haddaad dhegaysataan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah oo aan maanta idinku amrayo, oo intaad xajisaan aad yeeshaan, 14 oo aydaan erayada aan maanta idinku amrayo gees uga leexan xagga midigta iyo xagga bidixda toona, inaad ilaahyo kale daba gashaan oo aad u adeegtaan.
  • 1 Sam 15:22 : 22 Markaasaa Samuu'eel yidhi, Rabbigu miyuu aad ugu farxaa qurbaanno la gubo iyo allabaryo, siduu ugu farxo in codka Rabbiga la addeeco? Bal eeg, addeeciddu waa ka wanaagsan tahay allabariga, maqlidduna waa ka wanaagsan tahay baruurta wananka.
  • Sab 91:10-16 : 10 Shar kuguma dhici doono, Belaayona teendhadaada uma soo dhowaan doonto. 11 Waayo, isagu wuxuu malaa'igihiisa ku amri doonaa Inay jidadkaaga oo dhan kugu ilaaliyaan. 12 Oo iyaguna gacmahooday sare kuugu qaban doonaan Inaanay cagtaadu dhagax ku dhicin. 13 Libaaxa iyo jilbiska ayaad ku joogsan doontaa, Oo waxaad ku tuman doontaa aaran libaax iyo abeesada. 14 Rabbigu wuxuu yidhi, Isagu aad buu ii jeclaaday, oo sidaas daraaddeed ayaan u samatabbixin doonaa, Meel sare ayaan ku fadhiisin doonaa, maxaa yeelay, magacayguu yiqiin. 15 Wuu i baryi doonaa, oo waan u jawaabi doonaa, Oo markuu dhibaataysan yahay, waan la jiri doonaa, Oo waan samatabbixin doonaa, waanan murwayn doonaa. 16 Cimri dheer ayaan ka dhergin doonaa, Oo waxaan tusi doonaa badbaadintayda.
  • Sab 112:1-3 : 1 Rabbiga ammaana. Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga ka cabsada, Oo aad ugu farxa amarradiisa. 2 Farcankiisu wuxuu ku xoog badnaan doonaa dhulka, Kuwa qumman farcankooduna wuu barakoobi doonaa. 3 Gurigiisa waxaa ku jira maal iyo taajirnimo, Xaqnimadiisuna weligeedba way sii waartaa.
  • Sab 128:1-6 : 1 Waxaa barakaysan mid kasta oo Rabbiga ka cabsada, Oo jidadkiisa ku socda. 2 Waayo, waad cuni doontaa waxa gacmahaagu ku hawshoodeen, Waadna farxi doontaa, oo waad barwaaqoobi doontaa. 3 Naagtaadu waxay gurigaaga ku dhex ahaan doontaa sida geed canab ah oo midho badan dhala. Carruurtaaduna waxay noqon doonaan sida geedo saytuun ah oo miiskaaga ku wareegsan. 4 Bal eeg, sidaasuu u barakoobi doonaa Ninka Rabbiga ka cabsadaa. 5 Rabbigu Siyoon buu kaa barakayn doonaa, Oo cimrigaaga oo dhan waxaad arki doontaa wanaagga Yeruusaalem. 6 Haah, oo waxaad arki doontaa carruurtaada carruurtooda. Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.
  • Luuk 12:31-32 : 31 Laakiin doondoona boqortooyadiisa, oo waxaas oo dhan waa laydiinku dari doonaa. 32 Ha baqina, idoyahow yari, waayo, Aabbihiin waxaa ka farxiya inuu boqortooyada idin siiyo.
  • Mat 19:29 : 29 Oo mid walba oo ka tegey guryo, ama walaalo, ama aabbe, ama hooyo, ama carruur, ama beero, magacayga aawadiis, wuxuu heli doonaa boqol laab, oo wuxuu dhaxli doonaa nolosha weligeed ah.
  • Mark 10:19-20 : 19 Qaynuunnada waad taqaan. Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad waxba xadin, Waa inaanad marag been ah furin, Waa inaanad waxba dulmin, Aabbahaa iyo hooyadaana maamuus. 20 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, kuwaas oo dhan tan iyo yaraantaydii ayaan dhawrayay.
  • 1 Kor 3:22 : 22 ha ahaadeen ama Bawlos, ama Abolloos, ama Keeyfas, ama dunida, ama nolosha, ama dhimashada, ama waxyaalaha haatan jooga, ama waxyaalaha iman doona, dhammaan idinkaa leh.
  • 1 Kor 8:8 : 8 Cuntadu ina hor joojin mayso Ilaah. Haddaynan cunin waxba inagama dhacaan, haddaynu cunnona waxba inooma kordhaan.
  • Kol 2:21-23 : 21 kuwaas oo leh, Ha qaban, Ha dhadhamin, Ha taaban? 22 Waxyaalahaas oo dhan ayaa isticmaal ku wada baabba'aya. Qaynuunnadu waxay ka yimaadeen amarrada iyo cilmiga dadka. 23 Waxyaalahaasu sida haqiiqada ah waxay leeyihiin muuqasho xigmad ah xagga caabudidda qof naftiisa ku qasbo iyo is-hoosaysiinta iyo saxariirinta jidhka, laakiinse iyagu faa'iido ma leh ay ku hor joogsadaan dherjinta jidhka.
  • Titus 3:8 : 8 Hadalkanu waa run, oo xagga waxyaalahan waxaan doonayaa inaad ku adkaysatid in kuwa Ilaah rumaysanu ay digtoonaadaan inay shuqullo wanaagsan ku dadaalaan. Waxyaalahanu way wanaagsan yihiin, dadkana wax bay u taraan.
  • Cib 9:9-9 : 9 Tani wakhtiga la joogo waa masaal, sida loo bixiyo hadiyado iyo allabaryo, kuwaas oo aan kaamil ka dhigi karin caabudaha niyadiisa, 10 iyagoo ku saabsan cuntooyin iyo cabbitin iyo maydhmaydhid kala duwan oo ah amarrada jidhka oo keliya oo la dejiyey ilaa wakhtiga hagaajinta.
  • Cib 13:9 : 9 Waxbaridda kala duwan oo qalaadu yay idinla tegin, waayo, waa wanaagsan tahay in qalbigu nimco ku taagnaado ee uusan ku taagnaan cunto, tan kuwa ku macaamilooday aanay ku faa'iidin.
  • 2 But 1:3-4 : 3 ¶ Maxaa yeelay, Ilaah xooggiisu wuxuu ina siiyey wax kasta oo ku saabsan nolosha iyo cibaadadaba, oo wuxuu inagu siiyey aqoonta kan inoogu yeedhay ammaantiisa iyo wanaaggiisa. 4 Wuxuu kuwaas inagu siiyey ballamadiisa qaaliga ah oo aad iyo aad u waaweyn, inaad kuwaas ku noqotaan kuwo ka qayb qaata dabiicadda Ilaah, idinkoo ka baxsaday kharribaadda dunida ku jirta ee ku timid damaca jidhka.
  • 1 Yoox 2:25 : 25 Oo kanu waa ballankii uu inoogu ballanqaaday oo ah nolosha weligeed ah.
  • Muj 3:12 : 12 Kii guulaysta waxaan ka dhigi doonaa tiir ku jira macbudka Ilaahayga, halkaasna mar dambe kama bixi doono, oo waxaan dushiisa ku qori doonaa magaca Ilaahayga, iyo magaca magaalada Ilaahayga, taas oo ah Yeruusaalemta cusub, oo samada iyo xagga Ilaahayga ka soo degaysa, iyo xataa magacayga cusub.
  • Room 8:28 : 28 Oo waxaynu og nahay in wax waliba wanaag ugu wada shaqeeyaan kuwa Ilaah jecel, xataa kuwa qasdigiisa loogu yeedhay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1 Tim 4:5-7
    3 aayado
    83%

    5waayo, waxaa quduus lagaga dhigaa ereyga Ilaah iyo ducada.

    6¶ Haddaad walaalaha waxyaalahan xusuusisid waxaad ahaan doontaa Ciise Masiix midiidinkiisa wanaagsan, adigoo hadallada iimaanka iyo cilmiga wanaagsan oo aad raacday ku xoogaysanaya.

    7Laakiin ka fogow sheekooyinka habraha oo nijaasta ah, oo nafsaddaada bar cibaadaysiga,

  • 1 Tim 4:9-13
    5 aayado
    79%

    9Hadalku waa run, waana mid istaahila in la wada aqbalo.

    10Sababtan daraaddeed waannu u hawshoonnaa oo u dadaalnaa, maxaa yeelay, waxaannu rajo ku leennahay Ilaaha nool oo Badbaadiyaha u ah dadka oo dhan, khusuusan kuwa rumaysan.

    11Waxyaalahan dadka ku amar oo bar.

    12Ninna yuusan quudhsan dhallinyaronimadaada, laakiinse kuwa rumaystay masaal ugu noqo xagga hadalka, iyo xagga dabiicadda, iyo xagga jacaylka, iyo xagga rumaysadka, iyo xagga daahirsanaantaba.

    13Ilaa aan imaado, akhriska iyo waaninta iyo waxbaridda u digtoonow.

  • 1 Tim 6:5-6
    2 aayado
    75%

    5iyo murannada dadka maankoodu kharribmay oo runta waayey, iyagoo u malaynaya in cibaadadu tahay wax faa'iido laga helo.

    6¶ Laakiin cibaadadu waa faa'iido weyn markii waxa la haysto raalli lagu yahay;

  • 15Waxyaalahan ku dadaal, oo nafsaddaada oo dhan u go' in horumarkaagu dadka oo dhan u muuqdo.

  • Titus 3:8-9
    2 aayado
    73%

    8Hadalkanu waa run, oo xagga waxyaalahan waxaan doonayaa inaad ku adkaysatid in kuwa Ilaah rumaysanu ay digtoonaadaan inay shuqullo wanaagsan ku dadaalaan. Waxyaalahanu way wanaagsan yihiin, dadkana wax bay u taraan.

    9Laakiin ka fogow su'aalaha nacasnimada ah, iyo abtirsiinyada, iyo murannada, iyo ilaaqda sharciga ku saabsan, waayo, waxtar iyo micne toona ma leh.

  • 72%

    11¶ Laakiinse adigu, nin yahow Ilaah, waxyaalahan ka carar; oo raac xaqnimada, iyo cibaadada, iyo iimaanka, iyo jacaylka, iyo dulqaadashada, iyo qabownimada.

    12Dagaalka wanaagsan oo iimaanka dagaallan, oo qabso nolosha weligeed ah, oo laguugu yeedhay, oo aad qirashada wanaagsan ku hor qiratay markhaatiyaal badan.

  • 23Waxyaalahaasu sida haqiiqada ah waxay leeyihiin muuqasho xigmad ah xagga caabudidda qof naftiisa ku qasbo iyo is-hoosaysiinta iyo saxariirinta jidhka, laakiinse iyagu faa'iido ma leh ay ku hor joogsadaan dherjinta jidhka.

  • 71%

    24¶ Miyaanad ogayn in kuwa tartan ku ordaa ay wada ordaan, laakiin mid uun baa dheefta hela? Sidaas u orda inaad heshaan.

    25Kii cayaarta aad ugu dadaalaa, wax walba ayuu iska dhawraa. Kuwaasu haddaba waxay sidaas u yeelaan inay taaj dhammaanaya helaan, innaguse waxaynu helaynaa mid aan dhammaanaynin.

    26Haddaba anigu uma ordo qasdila'aan, uma feedhtamo sida mid dabaysha ku dhufanaya.

    27Laakiin jidhkaygaan dhibaa oo addoon ka dhigaa si markaan qaar kale injiilka ku wacdiyo aan qudhayda lay diidin.

  • 2 But 1:6-8
    3 aayado
    70%

    6aqoontiinnana iscelin, iscelintiinnana dulqaadasho, dulqaadashadiinnana cibaado,

    7cibaadadiinnana kalgacayl walaalnimo, kalgacaylkiinna walaalnimona jacayl.

    8Haddii aad waxyaalahaas leedihiin oo ay idinku badan yihiin, iyagu waxay idinka dhigayaan kuwo aan cajisiin ama midhalaawayaal ahayn xagga aqoonta Rabbigeenna Ciise Masiix.

  • 70%

    19iyagoo wakhtiga imanaya u dhiganaya aasaas wanaagsan, inay nolosha runta ah qabsadaan.

    20¶ Timoteyosow, wixii laguu dhiibay ilaali, oo ka leexo hadalka aan micnaha lahayn oo nijaasta ah iyo muranka aqoonta beenta ah,

  • 70%

    16Qorniin kastaa wuxuu ku ahaaday Ruuxa Ilaah oo waxtar buu u leeyahay waxbaridda, iyo canaanashada, iyo hagaajinta, iyo edbinta xagga xaqnimada;

    17in ninka Ilaah u ahaado mid dhan oo aad loogu diyaariyey shuqul kasta oo wanaagsan.

  • 12oo ina baraysa inaynu cibaadola'aanta iyo damacyada dunida diidno, oo aynu wakhtigan haatan la joogo digtoonaan iyo xaqnimo iyo cibaado ku noolaanno,

  • 5Iyagu waxay haystaan u-ekaanta cibaadaysiga, laakiinse xooggiisay diidaan; kuwaas ka leexo.

  • 69%

    12¶ Wax waliba waa ii xalaal, laakiin wax waliba iima roona. Wax waliba waa ii xalaal, laakiin waxba ima addoonsan doonaan.

    13Cuntada waxaa loo sameeyey caloosha, calooshana cuntada, laakiin Ilaah baa baabbi'in doona tan iyo taaba. Jidhka looma samayn sinada ee waxaa loo sameeyey Rabbiga, Rabbiguna jidhkuu xannaaneeyaa.

  • 69%

    17Waayo, dhibtayada fudud ee wakhtiga yar ah ayaa aad iyo aad noogu sii yeesha culayska ammaanta ee weligiis ah.

    18Ma fiirsanno waxyaalaha la arko, laakiin waxyaalaha aan la arkin, waayo, waxyaalaha la arko in dhawr ah ayay sii joogaan, laakiin waxyaalaha aan la arkini weligood bay sii joogaan.

  • 4ama ayan dhegaysanin sheekooyin iyo abtirsiinyada aan dhammaadka lahayn oo keena su'aalo intay hor marin lahaayeen talada Ilaah oo rumaysadka ku jirta.

  • 3¶ Maxaa yeelay, Ilaah xooggiisu wuxuu ina siiyey wax kasta oo ku saabsan nolosha iyo cibaadadaba, oo wuxuu inagu siiyey aqoonta kan inoogu yeedhay ammaantiisa iyo wanaaggiisa.

  • 2si wakhtiga idiin hadhay oo aad jidhka ku nooshihiin aydnaan damacyada dadka mar dambe ugu noolaan, laakiinse aad ugu noolaataan doonista Ilaah.

  • 2 Tim 2:4-5
    2 aayado
    68%

    4Nin askari ahi, si uu uga farxiyo kii isaga askari ahaanta u qortay, iskuma murgiyo axwaasha noloshan,

    5weliba haddii nin galo cayaaraha loo loollamo, taaj looma saaro hadduusan sida qaynuunka ah u loollamin.

  • 68%

    15Ku dadaal inaad nafsaddaada loo bogay Ilaah siisid, adigoo ah shaqeeye aan dadka ka xishoonin, oo hadalka runta ah si hagaagsan u wada.

    16Laakiinse ka fogow hadalka aan micnaha lahayn, oo nijaasta ah, waayo, kuwaas waxay hore u sii wadi doonaan cibaadola'aanta,

  • 10Laakiinse ha isku sharraxeen shuqullo wanaagsan oo u eg dumarka cibaadada qira.

  • 8Waayo, kii jidhkiisa wax ku beertaa wuxuu jidhka ka goosan doonaa qudhun, laakiin kii Ruuxa wax ku beertaa, wuxuu Ruuxa ka goosan doonaa nolol weligeed ah.

  • 22Waayo, iyagu waa u nolol kuwa hela, Oo jidhkooda oo dhanna waa u caafimaad.

  • 8Cuntadu ina hor joojin mayso Ilaah. Haddaynan cunin waxba inagama dhacaan, haddaynu cunnona waxba inooma kordhaan.

  • 8Laakiinse haddaynu haysanno dhar iyo dhuuni, way inagu filnaan doonaan.

  • 7¶ Haddaba wax walba dhammaadkoodu wuu dhow yahay, sidaas daraaddeed digtoonaada, oo tukashada u feeyignaada.

  • 3Taasu way wanaagsan tahay, waana mid Ilaaha Badbaadiyeheenna ahu aqbali karo.

  • 10oo ayan wax ka xadin, laakiin waa inay aaminnimo wanaagsan oo dhan muujiyaan, inay si kasta cilmiga Ilaaha Badbaadiyeheenna ah ammaan ugu soo jiidaan.

  • 5Waayo, kuwa sida jidhka u socdaa, waxay ka fikiraan waxyaalaha jidhka, laakiinse kuwa sida Ruuxa u socdaa, waxay ka fikiraan waxyaalaha Ruuxa.

  • 23¶ Ilaaha nabadda qudhiisu quduus ha idinka wada dhigo, oo ruuxiinna iyo naftiinna iyo jidhkiinna dhammaan ha la wada ilaaliyo, iyagoo ceeb la' markii Rabbigeenna Ciise Masiix yimaado.