1 Korintos 11:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Dabiicadda qudheedu miyaanay idin barin in ninku hadduu timo dheer leeyahay ay maamuusdarro u yihiin isaga,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Sam 14:26 : 26 Haddaba timihiisu way ku cuslaayeen, oo sannad kasta dhammaadkeeda ayuu iska jari jiray, oo markuu timaha madaxiisa jaro wuu miisaami jiray oo miisaankoodu wuxuu ahaa laba boqol oo sheqel ee ah miisaanka boqorka.
  • 1 Kor 14:35 : 35 Hadday doonayaan inay wax bartaan, nimankooda ha ku weyddiiyeen guriga, maxaa yeelay, waa ku ceeb naag inay kiniisadda dhexdeeda ku hadasho.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 86%

    15laakiin naagtu hadday timo dheer leedahay, waa u sharaf iyada. Waayo, timaha waxaa iyada loo siiyey hagoog.

    16Laakiin haddii nin u eg yahay mid ilaaq jecel, caadadaas oo kale annagu ma lihin, kiniisadaha Ilaahna ma laha.

  • 1 Kor 11:3-13
    11 aayado
    81%

    3Laakiin waxaan jeclaan lahaa inaad ogaataan inuu Masiixu yahay madaxa nin kasta, ninkuna inuu yahay madaxa naagta, Ilaahna inuu yahay madaxa Masiixa.

    4Nin kasta oo tukada ama wax sii sheega isagoo madaxa wax u saaran yihiin, madaxiisuu ceebeeyaa.

    5Oo naag kasta oo tukata ama wax sii sheegta iyadoo aan gambaysnayn, madaxeeday ceebaysaa. Waayo, waxay la mid tahay sidii iyadoo madax xiiran.

    6Naag haddaanay gambaysnayn, timaha ha loo jaro, laakiin hadday ceeb ku tahay naag in loo jaro ama in loo xiiro, ha gambaysato.

    7Nin waa inuusan madaxa dedan, waayo, ninku wuxuu yahay u-ekaanta iyo ammaanta Ilaah; naagtuna waxay tahay ammaanta ninka.

    8Waayo, ninku xagga naagta kama uu iman, laakiin naagtuse xagga ninka ayay ka timid.

    9Maxaa yeelay, ninka looma abuurin naagta aawadeed, laakiin naagtase ninka aawadiis ayaa loo abuuray.

    10Taas aawadeed naagtu waxay leedahay inay madaxeeda ku lahaato astaanta amarka, malaa'igaha aawadood.

    11Hase ahaatee, xagga Rabbiga naagtu waxba ma aha ninka la'aantiis, ninkuna waxba ma aha naagta la'aanteed.

    12Waayo, sida naagtu ninka uga timid ayaa ninkuna naagta uga dhashay, wax kastana xagga Ilaah bay ka yimaadeen.

    13Idinkuba ka fiirsada. Ma u eg tahay naagta inay Ilaah barido iyadoo aan gambaysnayn?

  • 71%

    34¶ Dumarku markay kiniisadaha joogaan ha aamuseen, waayo, looma fasixin inay hadlaan; laakiin ha dambeeyeen, sida uu sharcigu leeyahay.

    35Hadday doonayaan inay wax bartaan, nimankooda ha ku weyddiiyeen guriga, maxaa yeelay, waa ku ceeb naag inay kiniisadda dhexdeeda ku hadasho.

    36Maxaa jira! Ma idinkay ahaayeen kuwii uu ereyga Ilaah ka soo baxay, mise keligiin buu idiin yimid?

  • 5Maalmaha uu nidarka isa-soociddiisa qabo oo dhan waa inaan mandiil madaxiisa la marin. Ilamaa uu dhammaystiro maalmihii uu Rabbiga goonida isugu soocay waa inuu quduus ahaadaa oo timaha madaxiisana waa inuu daystaa.

  • 3Isqurxintiinnu yaanay ahaan tan dibadda ah, oo ah timo tidcan, iyo dahab layska lulo, amase dhar la xidho,

  • 67%

    40¶ Oo haddii nin madaxiisa ay timahu ka dhammaadaan, isagu wuxuu leeyahay bidaar, hase ahaatee waa daahir.

    41Oo haddii timihiisu ay foodda hore ka dhammaadaanna, isagu foodda horuu bidaar ku leeyahay, hase ahaatee waa daahir.

  • 9Sidaas oo kalena naaguhu waa inay, iyagoo xishoonaya oo digtoon, isku sharraxaan dhar qof xishood leh ku habboon, oo ayan isku sharraxin timo tidcan, iyo dahab ama luul ama dhar qaali ah.

  • 27Waa inaydaan timaha madaxa ka jaran dhinacyada, gadhkiinnana waa inaydaan jarin.

  • 5¶ Naagu waa inayan xidhan waxa nin leeyahay, oo ninna waa inuusan guntan dhar naageed, waayo, ku alla kii waxaa sameeyaa waa u karaahiyo Rabbiga Ilaahaaga ah.

  • 20Oo waa inayan madaxooda xiirin ama ayan timahoodu inay dheeraadaan u oggolaan, waase inay timahooda jaraan.

  • 18Oo weliba iyagu waxay guntan doonaan dhar joonyad ah, oo naxdin baa liqi doonta, oo wejiyada oo dhammuna way ceeboobi doonaan, oo madaxyada oo dhammuna way xiirnaan doonaan.

  • 5Oo waa inaan ninkoodna madaxa xiiran, oo waa inayan gadhkooda xiirin, ama ayan jidhkooda gooyn.

  • 29¶ Haddii nin ama naagu ay cudur ku yeeshaan madaxa amase gadhka,

  • Room 1:26-27
    2 aayado
    64%

    26¶ Saas daraaddeed Ilaah wuxuu u daayay damacyo ceeb ah; waayo, dumarkoodu isticmaalkii loo abuuray waxay ku beddeleen mid ka gees ah kii loo abuuray.

    27Sidaas oo kalena raggii intay iska daayeen isticmaalkii dumarka ayay iyagoo damacoodu gubayo isu kacsadeen; rag waxay rag kale ku sameeyeen ceeb, oo waxay dhexdooda ka heleen abaalgudkii qaladkooda waajibka ku ahaa.

  • 14Haddii nin addeeci waayo waxaannu warqaddan ku qornay, ninkaas iska jira oo ha raacina si uu isugu yaxyaxo.

  • 5Waxaan taas u leeyahay inaan idin ceebeeyo. Ma sidaas baa inaan dhexdiinna laga helaynin mid xigmad leh oo karaya inuu u gar qaybiyo walaalihiis,

  • 9Oo haddii nin agtiisa kedis ugu dhinto oo uu isagu nijaaseeyo madaxiisii uu gooni u soocay, markaas waa inuu madaxiisa xiiraa maalinta daahirintiisa; maalinta toddobaad waa inuu xiiraa.

  • 27Oo kan jinsigiisu buuryoqab yahay, hadduu sharciga dhammeeyo, miyuusan ku xukumi doonin kaaga sharciga gudba, in kastoo aad haysatid qorniinka iyo gudniinta?

  • 31Madaxa cirro lahu waa taaj sharfeed Haddii laga helo jidka xaqnimada.

  • 12¶ Oo dharka aad guntato afartiisa darafba waa inaad faraq u yeeshaa.

  • 14Ninka nafta raacaa ma aqbalo waxyaalaha Ruuxa Ilaah, waayo, nacasnimo bay u yihiin, mana garan karo, maxaa yeelay, ruuxa ayaa lagu imtixaamaa.

  • 10¶ Oo kii wadaadka sare walaalihiis ka dhex ah, oo madaxiisa lagu shubay saliiddii subkidda, oo ah kan loo daahiriyey inuu xidho dharka quduuska ah waa inaanay timaha madaxiisu arbushnaan ama uusan dharkiisa dildillaacin.

  • 33markaas isagu waa inuu xiirto, laakiinse meesha cambaarta leh yuusan xiirin, oo wadaadku waa inuu qofkaas karantiilaa toddoba maalmood oo kale.

  • 1¶ Wiilka Aadamow, seef af badan soo qaado, oo sida mandiisha rayiislaha ugu isticmaal, oo waxaad ku xiirataa madaxa iyo gadhka, oo markaas kafado soo qaado si aad timaha ugu miisaantid, oo kala qaybi.

  • 63%

    11Naagtu aamusnaan wax ha ku barato iyadoo isdambaysiinaysa.

    12Laakiin naagna u fasixi maayo inay nin wax barto ama ay ka xukun sarrayso, inay aamusnaato mooyaane.

  • 1¶ Idinku waxaad tihiin Rabbiga Ilaahiinna ah carruurtiisii, haddaba qof dhintay aawadiis jidhkiinna ha u goynina, oo indhihiinna dhexdoodana ha u xiirina.

  • 15Miyaanaydin garanaynin jidhadhkiinnu inay yihiin xubnaha Masiixa? Haddaba miyaan qaadaa xubnaha Masiixa oo dhillo xubnaheed ka dhigaa? Yaanay noqon.

  • 9Oo maalinta toddobaad waa inuu timaha ka wada xiiraa madaxa iyo gadhka iyo suunniyadaba. Xataa timihiisa oo dhan waa inuu iska wada xiiraa, oo waa inuu dharkiisana maydhaa, jidhkiisana biyo ku maydhaa, kolkaasuu daahir noqon doonaaye.

  • 17haddaba sidaas daraaddeed gabdhaha Siyoon madaxooda dhaladiisa Sayidku wuxuu u yeeli doonaa canbaar, oo wuxuu muujin doonaa cawradooda.

  • 31Laakiin haddaynu innagu dhexdeenna iska xukumi lahayn, laynama xukumeen.

  • 62%

    23oo kuwa jidhka oo aynu u malayno inay u maamuus yar yihiin, kuwaas ayaynu ka sii maamuusnaa kuwa kale, oo xubnaheenna cawrada ah baa ka xurmo badan kuwa kale.

    24Xubnaheenna aan cawrada ahaynse waxba uma baahna. Laakiin Ilaah baa jidhka isku hagaajiyey isagoo tan ugu daran maamuus badan siinaya,

  • 4Oo wakhtigaas nebiyada midkood kastaaba wuu ku ceeboobi doonaa riyadiisii markuu wax sii sheegayo, mana ay xidhan doonaan dhar dhogor badan oo ay wax ku khiyaanaan.

  • 12Oo Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu maalintaas dadka ugu yeedhay oohin, iyo madax-xiirnaan, iyo dhar joonyad ah guntashadiisa.