Ishacyaah 3:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

haddaba sidaas daraaddeed gabdhaha Siyoon madaxooda dhaladiisa Sayidku wuxuu u yeeli doonaa canbaar, oo wuxuu muujin doonaa cawradooda.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yer 13:22 : 22 Oo haddaad qalbigaaga iska tidhaahdid, Bal maxaa waxyaalahanu iigu dheceen? Xumaantaada badatay aawadeed ayaa darfaha dharkaaga loo xayday oo cedhbahaagiina loo qaawiyey.
  • Yex 16:36-37 : 36 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Nijaastaadii way shubantay, oo cawradaadiina daahaa lagaga qaaday dhillanimadaadii aad kuwii ku caashaqay ka dhillaysanaysay, iyo sanamyada waxyaalahaaga karaahiyada ah oo dhan, iyo dhiiggii carruurtaada oo aad iyaga siisay. 37 Haddaba sidaas daraaddeed waxaan soo wada ururin doonaa kuwii ku caashaqay oo aad la raaxaysatay oo dhan, iyo kuwa aad jeclaatay oo dhan, iyo kuwa aad necbaatay oo dhan. Kulligood dhinac kastaan kaaga soo ururin doonaa, oo cawradaadana iyagaan daaha uga qaadi doonaa, si ay cawradaada oo dhan u arkaan.
  • Yex 23:25-29 : 25 Oo waxaan kugu soo dayn doonaa xanaaqayga masayrka ah, oo iyaguna cadho bay kugula macaamiloon doonaan. Waxay kaa gooyn doonaan sanka iyo dhegaha, oo intii kaa hadhaana seef bay ku dhici doontaa. Waxayna kaxaysan doonaan wiilashaada iyo gabdhahaagaba, oo intii kaa hadhana dab baa baabbi'in doona. 26 Oo weliba dharkaaga way kaa wada muruxsan doonaan, oo jowharadahaaga qurxoonna way kaa furan doonaan. 27 Oo sidaasaan kaaga joojin doonaa sharkaagii iyo dhillanimadaadii aad dalka Masar ka keentay, si aadan indhahaaga kor ugu taagin, oo aadan Masar kol dambe soo xusuusan. 28 Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, waxaan kugu ridi doonaa gacantii kuwa aad neceb tahay, iyo gacantii kuwii ay nafsaddaadu ka go'day. 29 Iyagu si nacayb badan ayay kugula macaamiloon doonaan, oo wixii aad ku hawshootay oo dhanna way kaa qaadan doonaan, oo waxay kaa tegi doonaan adigoo qaawan oo aan dednayn. Oo cawradii dhillanimadaadana daahaa laga qaadi doonaa, xataa sharkaaga iyo dhillanimadaadaba.
  • Miik 1:11 : 11 Kaaga Shaafiir degganow, bax adoo qaawan oo ceebaysan. Kan Sa'anaan degganu soo ma bixin. Baroorta Beytesel waxay idinka qaadan doontaa meesha aad ku tiirsato.
  • Nax 3:5 : 5 Rabbigii ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, col baan kula ahay, oo gogaradahaagana waan kaa feydi doonaa oo wejigaan kuu saari doonaa, oo waxaan quruumaha tusi doonaa cawradaada, boqortooyooyinkana ceebtaada.
  • Muj 16:2 : 2 ¶ Markaasaa waxaa tagtay middii kowaad, oo waxay fijaankeedii ku shubtay dhulka, oo wuxuu dadkii sumaddii bahalka lahaa oo caabuday sanamkiisii u noqday boog xun oo halis ah.
  • Laaw 13:29-30 : 29 ¶ Haddii nin ama naagu ay cudur ku yeeshaan madaxa amase gadhka, 30 markaas wadaadku waa inuu cudurka fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cudurka muuqashadiisu ay dubka sare hoos u sii dhaafsiisan tahay, oo meeshaasna ay ku yaalliin timo casuur ah oo khafiif ah, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, taasu waa cambaar oo waa baraskii madaxa iyo gadhka.
  • Laaw 13:43-44 : 43 Markaas wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, cudurka bararkiisu hadduu yahay mid guduudan oo caddaan ku jiro, oo ku yaal madaxiisa bidaarta leh, ama fooddiisa bidaarta leh, sidii ay tahay muuqashada baraska oo dubka jidhkiisa ku taal, 44 isagu waa nin baras qaba, oo waa nijaasaysan yahay, oo sida xaqiiqada ah wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay; oo cudur buu madaxa ka qabaa.
  • Sharc 28:27 : 27 Oo Rabbigu wuxuu idinku ridi doonaa boogtii Masar, iyo kasoobaxyo, iyo cadho, iyo xajiin aydaan ka bogsan karin.
  • Ish 20:4 : 4 ayaa boqorka Ashuur kaxaysan doonaa maxaabiista Masar iyo masaafurisyada Itoobiya, yar iyo weynba, iyagoo qaaqaawan oo wada cagacad, oo badhidoodu muuqato, si uu Masriyiinta u ceebeeyo aawadeed.
  • Ish 47:2-3 : 2 Dhagaxshiidyada qaad oo wax shiid, masarka madaxa ka qaad, oo lugaha qaawi, tan iyo bowdada tafaxaydo, oo webiyaasha ka gudub. 3 Cawradaada waa la qaawin doonaa, ceebtaadana waa la arki doonaa. Waan aarsan doonaa, oo ninna uma tudhi doono.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 3:15-16
    2 aayado
    85%

    15Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, War maxaad ula jeeddaan dadkayga aad burburinaysaan iyo masaakiinta aad wejigooda duqaynaysaan?

    16¶ Oo weliba Rabbigu wuxuu yidhi, Gabdhaha Siyoon waa kibirsan yihiin, oo waxay socdaan iyagoo madax taagan oo indhaha ku baaqaya, oo qaadaya tallaabooyin yaryar oo degdeg ah, dugaagadaha cagahana way ka shanqadhiyaan,

  • Ish 3:18-20
    3 aayado
    80%

    18Oo maalintaas Sayidku wuxuu iyaga ka qaadi doonaa quruxda dugaagadaha cagahooda, iyo shabagyada timaha, iyo bilaha,

    19iyo waxa dhegaha la sudho, iyo sindiyada, iyo indhashareeryada,

    20iyo waxa madaxa lagu sharraxo, iyo silsiladaha lugaha, iyo waxa madaxa lagu xidho, iyo weelasha cadarka, iyo qardhaasaha,

  • 26Sidaas daraaddeed darfaha dharkaagaan xaydi doonaa ilaa wejigaaga si ay ceebtaadu u muuqato aawadeed.

  • 5Rabbigii ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, col baan kula ahay, oo gogaradahaagana waan kaa feydi doonaa oo wejigaan kuu saari doonaa, oo waxaan quruumaha tusi doonaa cawradaada, boqortooyooyinkana ceebtaada.

  • Ish 3:24-25
    2 aayado
    76%

    24Oo waxay noqon doontaa in meeshii ay ka carfi jireen ay ka qudhmuunaan doonaan, oo meeshii ay dhex-xidh ka xidhan jireenna xadhig bay dhexda ku xidhan doonaan, oo meeshii ay timo wanaagsan ka lahaayeenna waa looga xiiri doonaa, oo meeshii ay maro wanaagsan ka guntan jireenna, joonyad bay ka guntan doonaan, oo meeshii ay quruxda ka lahaayeenna waa laga sunti doonaa.

    25Raggaagu wuxuu ku le'an doonaa seefta, oo kuwaaga xoogga badanuna waxay ku le'an doonaan dagaalka.

  • 18Oo weliba iyagu waxay guntan doonaan dhar joonyad ah, oo naxdin baa liqi doonta, oo wejiyada oo dhammuna way ceeboobi doonaan, oo madaxyada oo dhammuna way xiirnaan doonaan.

  • Ish 47:2-3
    2 aayado
    74%

    2Dhagaxshiidyada qaad oo wax shiid, masarka madaxa ka qaad, oo lugaha qaawi, tan iyo bowdada tafaxaydo, oo webiyaasha ka gudub.

    3Cawradaada waa la qaawin doonaa, ceebtaadana waa la arki doonaa. Waan aarsan doonaa, oo ninna uma tudhi doono.

  • 12Haddaba sidaas daraaddeed idinka aawadiin Siyoon waxaa loo jeexi doonaa sida beer oo kale, oo Yeruusaalemna waxay noqon doontaa taallooyin burbur ah, oo buurta guriguna waxay noqon doontaa sida meelaha sare ee kaynta ku yaal oo kale.

  • 39Oo weliba waxaan kugu ridi doonaa gacantooda, oo iyaguna qudbaddaada way dumin doonaan, oo meelahaaga sarsarena way burburin doonaan, oo weliba dharkay kaa furan doonaan, oo jowharadahaaga qurxoonna way kaa qaadan doonaan, oo waxay kaa tegi doonaan adigoo qaawan oo aan dednayn.

  • 22taas aawadeed Rabbigu wuxuu ku hadlay eraygan isaga ku saabsan, Gabadha bikradda ah oo Siyoon ahu Way ku fududaysatay, oo intay kugu qososhay ayay ku quudhsatay, Yeruusaalem madaxay kaa ruxatay.

  • 17Siyoon gacmahay hoorsataa, mase jiro mid u qalbi qaboojiya. Rabbigu wuxuu amray in kuwa dadka Yacquub ku wareegsan ay cadaawayaashooda noqdaan. Yeruusaalemna waxay dhexdooda ku tahay sida wax wasakh ah.

  • 35Oo Rabbigu lowyaha iyo lugaha tan iyo tin iyo cedhib wuxuu idinka gelin doonaa boogo aydaan ka bogsan karin.

  • 22Oo haddaad qalbigaaga iska tidhaahdid, Bal maxaa waxyaalahanu iigu dheceen? Xumaantaada badatay aawadeed ayaa darfaha dharkaaga loo xayday oo cedhbahaagiina loo qaawiyey.

  • 10Odayaashii magaalada Siyoon iyagoo aamusan ayay dhulka fadhiyaan, Boodh bay madaxa ku shubteen, oo waxay guntadeen joonyado. Bikradihii Yeruusaalem madaxay dhulka ku foororiyeen.

  • 57intaan xumaantaada daaha laga qaadin, sidii markii gabdhaha Suuriya iyo inta hareerahooda ku wareegsan oo dhan, iyo xataa gabdhaha reer Falastiin ay ku caayeen iyagoo dhan kastaba kaa quudhsada.

  • 21Oo kanu waa erayguu Rabbigu isaga kaga hadlay: Gabadha bikradda ah oo Siyoon Way ku fududaysatay, oo intay kugu qososhay ayay ku quudhsatay; Gabadhii Yeruusaalem madaxay kaa ruxatay.

  • 11¶ Wakhtigaas uma aad ceeboobi doontid falimahaaga oo dhan, kuwaas oo aad igaga xadgudubtay, waayo, markaas waxaan dhexdaada ka bixin doonaa kuwaaga kibray oo isfaaninaya, oo adna mar dambe ku madax weynaan maysid buurtayda quduuska ah.

  • 2Magaalada Siyoon oo u eg naag suurad wacan oo jilicsan ayaan baabbi'in doonaa.

  • 3Sidaas daraaddeed tiixyadii waa la joojiyey, oo roobkii dambena waa la waayay, weliba waxaad yeelatay dhillo jaaheed, oo inaad xishootana waad diidday.

  • 10Oo haatan waxaan soo bandhigi doonaa ceebteeda iyadoo ay u jeedaan kuwa iyada caashaqi jiray, oo ninna iyada kama samatabbixin doono gacantayda.

  • 22Magaalada Siyoonay, ciqaabtii xumaantaadu way dhammaatay. Isagu innaba mar dambe maxaabiis ahaan kuu kaxaysan maayo. Reer Edomow, xumaantaada wuu soo ciqaabi doonaa, Oo dembiyadaadana daahuu ka qaadi doonaa.

  • 15Waxa ag mara oo dhammu way kugu sacbiyaan, Wayna ku foodhyaan oo ay madaxa ku lulaan magaalada Yeruusaalem, oo waxay isku yidhaahdaan, Tanu ma magaaladii la odhan jiray Kaamilnimada quruxda iyo farxadda dunida oo dhan baa?

  • 11Oo hadda waxaa kaa shiray quruumo badan, oo waxay yidhaahdaan, Ha nijaasowdo, oo indhahayagu Siyoon ha fiiriyeen.

  • Bar 1:8-9
    2 aayado
    71%

    8Yeruusaalem aad iyo aad bay u dembaabtay, oo sidaas daraaddeed sida wax wasakh ah ayaa loo xooray. Intii sharfi jirtay oo dhammu way quudhsadaan, maxaa yeelay, waxay arkeen cawradeedii. Hubaal way taahdaa, wayna sii jeesataa.

    9Nijaasteedii waxay ku tiil googaradaheeda, kamana ay fiirsan ugudambaysteeda, Haddaba sidaas daraaddeed si aad loola yaabay ayay u dhacday, oo mid u qalbi qaboojiyana ma ay lahayn. Rabbiyow, bal dhibkayga fiiri, waayo, cadowgii wuu isweyneeyey.

  • 26Oo weliba dharkaaga way kaa wada muruxsan doonaan, oo jowharadahaaga qurxoonna way kaa furan doonaan.

  • 7Aad bay u damacsan yihiin inay arkaan boodhka dhulka ee kor saaran madaxa masaakiinta, wayna qalloociyaan jidka kuwa camalka qabow. Oo nin iyo aabbihiisba waxay u wada galaan isku gabadh, oo sidaasay magacayga quduuska ah ku nijaaseeyaan.

  • 14¶ Magaalada Siyoonay, gabay, reer binu Israa'iilow, qayliya, Magaalada Yeruusaalemay, farax oo qalbiga oo dhan ku reyree.

  • 9Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaas oo kale ayaan u bi'in doonaa kibirka dadka Yahuudah, iyo kibirka weyn oo Yeruusaalemba.

  • 1Sayidku sidee buu xanaaqiisii magaalada Siyoon daruur ugu daboolay! Quruxdii dadka Israa'iilna samaduu ka soo tuuray oo dhulkuu ku soo xooray, Oo maalintii cadhadiisa meeshuu cagaha dhigan jiray sooma uu xusuusan.

  • 43Adigu wakhtigii yaraantaada sooma aadan xusuusan, laakiinse waxyaalahaas oo dhan waad igaga xanaajisay, oo sidaas daraaddeed ayaan jidkaaga madaxaaga kaga abaalmarin doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay, oo sharkaas waxyaalahaaga karaahiyada ah oo dhan kuma aad sii dari doontid.

  • 12Oo Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu maalintaas dadka ugu yeedhay oohin, iyo madax-xiirnaan, iyo dhar joonyad ah guntashadiisa.

  • 10Dhexdaada ayay cawradii aabbahood ku soo bannaan dhigaan, oo dhexdaada ayay tan xaylka qabta ku ceebeeyaan.

  • 37Haddaba sidaas daraaddeed waxaan soo wada ururin doonaa kuwii ku caashaqay oo aad la raaxaysatay oo dhan, iyo kuwa aad jeclaatay oo dhan, iyo kuwa aad necbaatay oo dhan. Kulligood dhinac kastaan kaaga soo ururin doonaa, oo cawradaadana iyagaan daaha uga qaadi doonaa, si ay cawradaada oo dhan u arkaan.

  • 4markii Sayidku maydho wasakhda dadka Siyoon, oo uu Yeruusaalem dhiiggeeda dhexdeeda kaga nadiifiyo ruuxa caddaaladda, iyo ruuxa wax guba.

  • 29¶ Timahaaga iska xiir oo iska xoor, oo waxaad ku baroorataa meelaha dhaadheer, waayo, Rabbigu waa nacay oo waa ka tegey qarniga cadhadiisu ku dhacday.

  • 20Dumarow, bal erayga Rabbiga maqla, oo dhegihiinnuna erayga afkiisa ha aqbaleen, oo gabdhihiinnana baroorashada bara, oo middiin kastaaba teeda kale ha barto.

  • 20¶ Oo isla maalintaas ayaa Rabbigu madaxa iyo xataa lugahaba ku xiiri doona mandiil laga soo kiraystay webiga shishadiisa, taasoo ah boqorka Ashuur, waxayna baabba' ka dhigi doontaa gadhka.

  • 35¶ Haddaba dhillo yahay, bal erayga Rabbiga maqal:

  • 27Oo Rabbigu wuxuu idinku ridi doonaa boogtii Masar, iyo kasoobaxyo, iyo cadho, iyo xajiin aydaan ka bogsan karin.

  • 8Waayo, Yeruusaalem waa duntay, oo dadka Yahuudahna waa dheceen, maxaa yeelay, hadalkooda iyo falimahooduba waxay col ku yihiin Rabbiga, oo indhihiisa ammaanta leh ayay ka cadhaysiiyaan.

  • 7sidaas daraaddeed bal ogow waxaan kugu soo kicin doonaa shisheeyayaal oo ah kuwa cabsida leh ee quruumaha, oo iyaguna waxay seeftooda ula soo bixi doonaan inay quruxda xigmaddaada ku kharribaan, oo dhalaalkaagana way nijaasayn doonaan.

  • 13Magaalada Siyoonay, sara joogso, oo wax tun, waayo, geeskaaga waxaan ka dhigi doonaa bir, oo qoobabkaagana waxaan ka dhigi doonaa naxaas, oo adna dadyow badan baad burburin doontaa oo faa'iidadooda waxaad gooni u sooci doontaa Rabbiga, oo maalkoodana waxaad gooni u sooci doontaa Sayidka adduunka oo dhan.

  • 5Oo wakhtigaas Rabbiga ciidammadu wuxuu kuwa dadkiisa ka hadhay u ahaan doonaa taaj sharaf ah, iyo cigaal quruxsan,

  • 7Dalkiinnii waa cidla, magaalooyinkiinniina waa la gubay, oo waddankiinniina shisheeyayaal baa hortiinna ku cunay, waana cidla, sidii wax ay shisheeyayaal afgembiyeen.