1 Korintos 12:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Mid waxaa laga siiyaa xagga Ruuxa hadal xigmad ah, mid kalena hadal aqoon ah siduu isku Ruuxu doonayo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Kor 8:7 : 7 Laakiin sidaad wax kasta badnaan uga haysaan xagga rumaysadka, iyo hadalka, iyo aqoonta, iyo dadaalka oo dhan, iyo jacaylka aad noo qabtaan, waa inaad nimcadanna badnaan uga haysaan.
  • 1 Kor 1:5 : 5 Maxaa yeelay, wax walba hodan buu idinkaga dhigay, ha ahaato hadal walba iyo aqoon walbaba,
  • 1 Kor 2:6-9 : 6 ¶ Waxaannu xigmadda kula hadallaa kuwa garashadu ku dhan tahay, taasoo aan ahayn xigmadda wakhtigan, oo aan ahayn xigmadda madaxda wakhtigan oo ah kuwa la baabbi'in doono; 7 laakiin qarsoonaan ayaannu ugu hadallaa xigmadda Ilaah oo la qariyey, oo Ilaah dunida horteed ka dhigay ammaanteenna aawadeed, 8 tan madaxda wakhtigan midkoodna aanu garanaynin, waayo, hadday garan lahaayeen, iskutallaabta kuma ay qodbeen Rabbiga ammaanta, 9 laakiin sida qoran, Waxyaalo aanay ishu arkin, oo aanay dhegtu maqlin, Oo aan qalbiga dadka gelin, Wax kastoo ay yihiinba, Ilaah baa u diyaariyey kuwa isaga jecel. 10 Innagase Ilaah baa inoogu muujiyey Ruuxa, waayo, Ruuxu wuxuu baadhaa wax kasta, xataa waxyaalaha hoos u dhaadheer oo Ilaah.
  • 1 Kor 1:30 : 30 Laakiin xaggiisa waxaad ku jirtaan Ciise Masiix kan inoo noqday xigmadda xagga Ilaah, iyo xaqnimada, iyo quduusnaanta, iyo madaxfurashada,
  • Ef 1:17-18 : 17 in Ilaaha Rabbigeenna Ciise Masiix oo ah Aabbaha ammaanta uu ruuxa xigmadda iyo muujinta idinku siiyo aqoonta aad isaga taqaaniin. 18 Oo waxaan Ilaah baryayaa in indhaha qalbigiinna la nuuriyo, si aad u ogaataan waxa ay tahay rajada yeedhistiisu, iyo waxa ay tahay hodantinimada ammaanta dhaxalkiisa ee ku jirta quduusiinta,
  • 1 Kor 13:2 : 2 Oo haddaan leeyahay hadiyadda wax sii sheegidda, oo aan garanayo waxyaalaha qarsoon oo dhan iyo aqoonta oo dhan, iyo haddaan leeyahay rumaysadka oo dhan oo aan buuraha ku dhaqaajiyo, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxba ma ihi.
  • 1 Kor 13:8 : 8 ¶ Jacaylku weligii ma idlaado. Hadday wax sii sheegiddii jirto, way baabbi'i doontaa, hadday afaf jiraan way dhammaan doonaan, hadday aqooni jirto way baabbi'i doontaa.
  • Bil 41:38-39 : 38 Markaasaa Fircoon wuxuu addoommadiisii ku yidhi, Miyaynu heli karaynaa mid la mid ah kan, oo ah nin Ruuxa Ilaah ku jiro? 39 Markaasuu Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Mar haddii Ilaah ku tusay waxyaalahan oo dhan, ma jiro mid sidaadoo kale caqli iyo xigmad u leh.
  • Bax 31:3 : 3 oo waxaan isaga ka buuxiyey Ruuxa Ilaah, xagga xigmadda, iyo waxgarashada, iyo aqoonta, iyo sancada cayn kasta ah,
  • 1 Boq 3:5-9 : 5 Oo Gibecoon buu Rabbigu Sulaymaan habeennimo riyo ugu muuqday, markaasaa Ilaah ku yidhi, I weyddiiso wax aan ku siiyo. 6 Markaasaa Sulaymaan wuxuu yidhi, Addoonkaagii Daa'uud oo aabbahay ahaa aad baad ugu roonaatay, sidii uu hortaada ugu socday daacadnimo iyo xaqnimo, iyo qalbi kula qumman; oo roonaantan weyn ayaad u sii dhawrtay, waayo, waxaad isagii siisay wiil carshigiisii ku fadhiista, sida ay maanta tahay. 7 Haddaba Rabbigayow, Ilaahow, anoo addoonkaaga ah, boqor baad iiga dhigtay meeshii aabbahay Daa'uud; laakiinse waxaan ahay wiil yar, oo garan maayo si loo baxo iyo si loo soo galo toona. 8 Oo anoo addoonkaaga ahuna waxaan dhex joogaa dadkaagii aad dooratay, oo ah dad badan oo aan la tirin karin, lana xisaabi karin faro badnaantooda. 9 Sidaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah i sii qalbi wax garanaya oo aan dadkaaga ku xukumo, si aan ku kala garto xumaanta iyo samaanta, waayo, bal yaa kara inuu dadkaagan badan xukumo? 10 Oo hadalkaasuna Sayidka wuu ka farxiyey markii Sulaymaan waxaas weyddiistay. 11 Markaasaa Ilaah wuxuu ku yidhi, Weyddiisashada aad waxaas i weyddiisatay aawadeed, oo aadan cimri dheer i weyddiisan, oo aadan maal i weyddiisan, ama xataa aadan i weyddiisan nolosha cadaawayaashaada, laakiinse aad i weyddiisatay waxgarasho aad ku garatid xukunka, 12 ayaan kuugu yeelay wixii aad i weyddiisatay, oo bal eeg, waxaan ku siiyey qalbi caqli iyo waxgarasho leh, sidaas daraaddeed mid kula mid ahu hortaa ma jirin, dabadaana mid kula mid ahu ma jiri doono.
  • Nex 9:20 : 20 Oo weliba waxaad siisay ruuxaagii wanaagsanaa inuu iyagii wax baro, oo afkoodana kama aadan joojin maannadaadii, biyo ay ka oon baxaanna waad siisay.
  • Ayuub 32:8 : 8 Laakiinse binu-aadmiga ruux baa ku jira, Oo Ilaaha Qaadirka ah neeftiisa ayaa iyaga waxgarasho siisa.
  • Sab 143:10 : 10 I bar si aan doonistaada u sameeyo, waayo, waxaad tahay Ilaahayga, Ruuxaaga wanaagsanu ha igu dhex hoggaamiyo dalka qummanaanta.
  • Maah 2:6 : 6 Waayo, Rabbigu isagaa bixiya xigmadda, Oo afkiisa waxaa ka soo baxa aqoonta iyo waxgarashada.
  • Ish 11:2-3 : 2 oo waxaa ku dul joogi doona Ruuxa Rabbiga oo ah ruuxa xigmadda iyo waxgarashada, iyo ruuxa talada iyo xoogga, iyo ruuxa aqoonta iyo ka cabsashada Rabbiga. 3 Wuxuuna ku farxi doonaa Rabbiga ka cabsashadiisa, oo isagu wax uma xukumi doono siduu wax u arko, oo siduu wax u maqlana innaba uma gar gooyn doono,
  • Ish 50:4 : 4 ¶ Sayidka Rabbiga ah ayaa afka kuwa wax bartay i siiyey inaan ogaado si aan hadal ugu taageero kan daallan. Subax kastuu i toosiyaa, subax walbana dhegtayduu u toosiyaa inaan wax u maqlo sida kuwa wax bartay.
  • Ish 59:21 : 21 Rabbigu wuxuu leeyahay, Kanu waa axdigayga aan iyaga la dhigan doono. Ruuxayga ku kor jooga iyo erayadaydii aan afkaaga ku riday innaba afkaaga, iyo afka farcankaaga, iyo afka farcankaaga farcankiisa toona hadda ka dib iyo tan iyo weligeedba kama tegi doonaan, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Daan 2:21 : 21 oo wakhtiyada iyo xilliyadana isagaa kala bedbeddela; isagaa boqorro dejiya oo boqorro saara. Xigmad buu siiyaa kuwa xigmadda leh, aqoonna wuu siiyaa kuwa wax garta.
  • Mat 13:11 : 11 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyada jannada garataan, kuwaase lama siiyo.
  • Fal 6:3 : 3 Haddaba, walaalayaalow, waxaad dhexdiinna ka xushaan toddoba nin oo sharaf leh, oo ay ka buuxaan Ruuxa iyo xigmaddu, oo aynu u dooranno shuqulkan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 83%

    9Mid kale Ruuxu rumaysad buu siiyaa, mid kalena hadiyado wax lagu bogsiiyo ayuu isku Ruuxu siiya.

    10Mid kalena shuqullo cajaa'ib leh, mid kalena wax sii sheegidda, mid kalena kalasoocidda ruuxyada, mid kalena afaf kala cayn ah, mid kalena afafka fasiriddooda.

    11Isku Ruuxa oo keliya ayaa ka shaqeeya waxyaalahaas oo dhan, isagoo siduu doonayo mid mid wax ugu qaybinaya.

    12¶ Haddaba sida jidhku mid keliya u yahay, oo uu xubno badan u leeyahay, oo xubnaha oo dhan ee jidhka ay jidh keliya u yihiin, in kastoo ay badan yihiin, Masiixuna waa sidaas oo kale.

    13Waayo, Ruux qudha ayaa dhammaanteen jidh qudha inagu baabtiisay, haddaynu nahay Yuhuud ama Gariig, ama addoommo ama kuwa xor ah, oo waxaa laynaga waraabiyey Ruux qudha.

    14¶ Waayo, jidhku xubin qudha ma aha ee waa xubno badan.

  • 1 Kor 12:4-7
    4 aayado
    81%

    4¶ Waxaa jira hadiyado kala cayn ah, laakiin waa isku Ruux.

    5Waxaana jira adeegid kala cayn ah, waana isku Rabbi.

    6Waxaana jira shuqullo kala cayn ah, laakiin waa isku Ilaah, kan dhammaan wax walba kaga dhex shaqeeya.

    7Laakiin mid kasta waxaa muujinta Ruuxa loo siiyaa waxtar.

  • 1¶ Walaalayaalow, dooni maayo inaad jaahil ka ahaataan waxa ku saabsan hadiyadaha Ruuxa ka yimaada.

  • Room 12:3-6
    4 aayado
    73%

    3¶ Waayo, nimcadii lay siiyey ayaan ku hadlayaa, waxaan ku leeyahay, Mid kasta oo idinka mid ah, yuusan isderejayn intuu isderejayn lahaa in ka badan, laakiinse miyirqab ha ku fikiro, sida Ilaah mid kasta u siiyey qayb rumaysad ah.

    4Waayo, sida aynu xubno badan ugu leennahay jidhkeenna, oo aan xubnaha oo dhammuna isku shuqul u ahayn,

    5sidaas oo kalaan, innagoo badan, Masiixa isku jidh ku nahay, oo midba midka kale waa xubnihiisii.

    6Innagoo haysanna hadiyado ku kala duwan nimcadii layna siiyey, hadday tahay wax sii sheegid, aan wax ku sii sheegno sida qaybta rumaysadkeenna.

  • Ef 4:7-8
    2 aayado
    72%

    7Laakiinse midkeen kastaba nimcada waxaa laynoo siiyey sida ay tahay qiyaasta hadiyadda Masiixa.

    8Sidaas daraaddeed wuxuu yidhi, Markuu kor u baxay ayuu wuxuu qabtay oo kaxeeyey kuwii maxaabiista ahaan jiray, Wuxuuna dadka siiyey hadiyado.

  • 72%

    10Innagase Ilaah baa inoogu muujiyey Ruuxa, waayo, Ruuxu wuxuu baadhaa wax kasta, xataa waxyaalaha hoos u dhaadheer oo Ilaah.

    11Waayo, dadka dhexdood yaa garanaya nin waxyaalihiisa, ruuxa ninka ku jira mooyaane? Sidaas oo kalena ninna garan maayo waxyaalaha Ilaah, Ruuxa Ilaah mooyaane.

    12Laakiin innagu ma aynu helin ruuxa dunida laakiinse Ruuxa Ilaah ka yimid, inaynu garanno waxyaalaha uu Ilaah nimco ahaan inoo siiyey.

    13Waxyaalahaasna ayaannu ku hadalnaa, kumase hadalno hadallo la baro ee ah xigmadda dadka, laakiin waxa Ruuxu baro, annaga oo waxyaalaha ruuxa ah ku simayna waxyaalaha ruuxa ah.

  • 17in Ilaaha Rabbigeenna Ciise Masiix oo ah Aabbaha ammaanta uu ruuxa xigmadda iyo muujinta idinku siiyo aqoonta aad isaga taqaaniin.

  • 12Sidaasoo kale idinkuna, idinkoo ku kulul hadiyadaha ruuxa, aad u dadaala inaad hadiyado badan u lahaataan kiniisadda dhisniinteeda.

  • 10Sida mid waluba u helay hadiyad, idinku isu adeega, sida wakiillo wanaagsan oo helay nimcada Ilaah ee badan ee kala cayncaynka ah.

  • 5Maxaa yeelay, wax walba hodan buu idinkaga dhigay, ha ahaato hadal walba iyo aqoon walbaba,

  • 3¶ Maxaa yeelay, Ilaah xooggiisu wuxuu ina siiyey wax kasta oo ku saabsan nolosha iyo cibaadadaba, oo wuxuu inagu siiyey aqoonta kan inoogu yeedhay ammaantiisa iyo wanaaggiisa.

  • 6Waayo, Rabbigu isagaa bixiya xigmadda, Oo afkiisa waxaa ka soo baxa aqoonta iyo waxgarashada.

  • 8¶ Oo Ilaaha qalbiga garta ayaa u markhaati furay iyaga, wuxuuna iyaga siiyey Ruuxa Quduuska ah siduu innagana inoo siiyey;

  • 69%

    27¶ Idinku waxaad tihiin jidhka Masiix iyo xubno ka mid ah.

    28Ilaah markii hore kiniisadda qaar wuxuu uga dhigay rasuullo, markii labaadna qaar kale nebiyo, markii saddexaadna qaar kale macallimiin, dabadeedna qaar cajaa'ibyo sameeya, qaarna kuwo leh hadiyado wax lagu bogsiiyo, qaarna kaalmeeyayaal, qaarna taliyayaal, iyo qaar afaf kala cayn ah ku hadla.

    29Dhammaan ma wada rasuullo baa? Dhammaan ma wada nebiyo baa? Dhammaan ma wada macallimiin baa? Dhammaan ma wada cajaa'ibyo sameeyayaal baa?

    30Dhammaan ma wada leeyihiin hadiyado wax lagu bogsiiyo? Dhammaan ma ku hadlaan afaf kala cayn ah? Dhammaan wax ma fasiraan?

    31Laakiin aad u doona hadiyadaha u waaweyn. Oo weliba waxaan idin tusayaa jid kan ka sii wanaagsan.

  • 69%

    8Nimcadaas wuxuu inoogu badiyey xagga xigmadda iyo miyirka oo dhan,

  • 1¶ Jacaylka raaca, oo weliba hadiyadaha Ruuxa ka yimaada aad u doona, oo siiba doona inaad wax sii sheegtaan.

  • 26¶ Maxaa jira haddaba, walaalayaalow? Markaad isu timaadaan, mid kasta hees sabuur ah buu leeyahay, midna waxbarid buu leeyahay, midna muujin buu leeyahay, midna af buu leeyahay, midna fasiraad buu leeyahay. Wax walba ha loo sameeyo dhisniin.

  • 1¶ Xagga waxyaalaha sanamyada loo sadqeeyo, waxaynu garanaynaa inaynu dhammaan aqoon u wada leennahay. Aqoontu way kibrisaa, jacaylkuse wax buu dhisaa.

  • 18Haatanse Ilaah baa siduu doonayay xubnaha middood kastaba jidhka ugu hagaajiyey.

  • 12Sababtuna waa kaamilidda quduusiinta xagga shuqulka adeegidda, iyo xagga dhisidda jidhka Masiixa,

  • 1¶ Haddaba, walaalayaalow, waxaannu idin ogeysiinaynaa nimcada Ilaah oo la siiyey kiniisadaha Makedoniya,

  • 12waayo, Ruuxa Quduuska ah ayaa saacaddaas idin bari doonaa wixii aad leedihiin inaad tidhaahdaan.

  • 9Waayo, waxaynu naqaan waa qabyo, oo si qabyo ahaan ah ayaynu wax u sii sheegnaa.

  • 7De waxaan jeclaan lahaa in nimanka oo dhammu ay sidayda oo kale yihiin. Laakiin nin kastaaba hadiyad gooni ah ayuu Ilaah ka helaa, midkan sidan, kaasna sidaas.

  • 4Ilaahna wuxuu ugu marag furay calaamooyin iyo yaababba, iyo xoogag kala duduwan, iyo hadiyado Ruuxa Quduuska ahu u qaybiyey siduu doonayay.

  • 10Wuxuu ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyadii Ilaah garataan, kuwa kalese masaallo ayaa loogu sheegaa, si ay goortay arkayaan ayan u arkin, oo si ay goortay maqlayaan ayan u garan.

  • 17Si wanaagsan baad u mahadnaqdaa, laakiin kan kale ma dhisna.

  • Kol 1:8-9
    2 aayado
    67%

    8kaas oo weliba noo caddeeyey jacaylkiinna Ruuxa ku jira.

    9¶ Sababtaas daraaddeed tan iyo maalintii aannu taas maqalnay ma aannu joojin inaannu idiin soo ducayno. Waxaannu Ilaah idiin baryaynaa inay idinka buuxsanto aqoonta doonistiisa xagga xigmadda iyo waxgarashada Ruuxa oo dhan,

  • 7Laakiin sidaad wax kasta badnaan uga haysaan xagga rumaysadka, iyo hadalka, iyo aqoonta, iyo dadaalka oo dhan, iyo jacaylka aad noo qabtaan, waa inaad nimcadanna badnaan uga haysaan.

  • 31oo wuxuu isaga ka buuxiyey ruuxii Ilaah, xagga xigmadda iyo waxgarashada, iyo aqoonta, iyo sancada caynka kasta ah,