1 Korintos 15:41

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaa jirta ammaanta qorraxda iyo ammaanta kaloo dayaxa iyo ammaanta kaloo xiddigaha, waayo, xiddiguba xiddigta kale way ka ammaan duwan tahay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 1:14 : 14 ¶ Ilaahna wuxuu yidhi, Iftiimmo ha ahaadeen meesha bannaan oo samada dhex ah si ay u kala soocaan maalinta iyo habeenka; oo ha u ahaadeen calaamooyin, iyo xilliyo, iyo maalmo iyo sannado;
  • Sharc 4:19 : 19 Ama waa intaasoo aad indhaha samada kor ugu taagtaan, oo markaad aragtaan qorraxda iyo dayaxa iyo xiddigaha oo ah ciidanka samada oo dhan, laydin jiitaa oo aad caabuddaan iyaga, oo aad u adeegtaan, kuwaasoo Rabbiga Ilaahiinna ahu u qaybiyey dadyowga samada ka hooseeya oo dhan.
  • Ayuub 31:26 : 26 Haddaan fiiriyey qorraxda oo dhalaalaysa, Ama dayaxa oo iftiin ku socda,
  • Sab 8:3 : 3 Markaan ka fiirsado samooyinka farahaaga lagu sameeyey, Iyo dayaxa iyo xiddigaha aad amartay,
  • Sab 19:4-6 : 4 Codkoodii wuxuu dhex maray dhulka oo dhan, Hadalkoodiina wuxuu gaadhay dunida meesha ugu dambaysa. Oo dhexdooda wuxuu taambuug u dhigay qorraxda, 5 Taasoo la mid ah aroos qolladdiisii ka soo baxaya, Oo waxay u faraxdaa sida nin xoog leh oo baratamaya. 6 Waxay ka soo baxdaa samada darafkeeda, Oo waxay ku soo wareegtaa hareeraheeda, Oo kulaylkeedana wax ka qarsoonu ma jiraan.
  • Sab 148:3-5 : 3 Qorraxda iyo dayaxow, ammaana isaga, Xiddigaha iftiinka oo dhammow, ammaana isaga. 4 Ammaana isaga, samooyinka samooyinkow, Iyo biyaha samooyinka ka sarreeyow. 5 Iyagu magaca Rabbiga ha ammaaneen, Waayo, isagu wuu amray, oo iyana way abuurmeen.
  • Ish 24:23 : 23 Oo markaasaa dayaxu isku qasmi doonaa, oo qorraxduna way ceeboobi doontaa, waayo, Rabbiga ciidammadu boqor buu ku ahaan doonaa Buur Siyoon iyo Yeruusaalem, isagoo odayaashiisa hortooda sharaftiisa ka muujinaya.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 91%

    38Laakiin Ilaah wuxuu iyada siiyaa jidh siduu u doonayay, iniin kastana jidhkeeda.

    39Hilib oo dhammu isku hilib ma aha, laakiin waxaa jira hilibka dadka iyo hilibka kaloo dugaagga, iyo hilibka kaloo shimbirraha, iyo hilibka kaloo kalluunka.

    40Oo waxaa jira jidhadhka samada iyo jidhadhka dhulka, laakiin ammaanta kuwa samadu waa mid, oo tan kuwa dhulkuna waa mid kale.

  • 75%

    42Sarakicidda kuwii dhintayna waa sidaas oo kale. Waxaa lagu beeraa qudhun, waxaana lagu sara kiciyaa qudhunla'aan.

    43Waxaa lagu beeraa maamuusla'aan, waxaana lagu sara kiciyaa ammaan, waxaa lagu beeraa itaaldarro, waxaa lagu sara kiciyaana xoog.

    44Waxaa la beeraa jidh naf leh, waxaana la sara kiciyaa jidh ruux leh. Hadduu jiro jidh naf leh, jidh ruux lihina waa jiraa.

  • 3Qorraxda iyo dayaxow, ammaana isaga, Xiddigaha iftiinka oo dhammow, ammaana isaga.

  • 72%

    10Waayo, wixii ammaan lahaan jiray, ammaan kama lahayn wixii kan ku saabsan, ammaanta ka sarraysa aawadeed.

    11Waayo, haddii waxa idlaanayaa ammaan lahaan jiray, intee ka badan baa waxa hadhaa ammaan leeyahay.

  • Bil 1:14-17
    4 aayado
    70%

    14¶ Ilaahna wuxuu yidhi, Iftiimmo ha ahaadeen meesha bannaan oo samada dhex ah si ay u kala soocaan maalinta iyo habeenka; oo ha u ahaadeen calaamooyin, iyo xilliyo, iyo maalmo iyo sannado;

    15oo iftiimmo ha u noqdeen meeshii bannaanayd oo samada dhex ahayd si ay u iftiimiyaan dhulka dushiisa; sidaasayna ahaatay.

    16Oo Ilaah wuxuu sameeyey labada iftiin ee waaweyn; si uu iftiinka weynu u xukumo maalinta, iftiinka yaruna u xukumo habeenka; oo xiddigahana wuu sameeyey.

    17Ilaahna wuxuu iyaga dhigay meeshii bannaanayd oo samada dhex ahayd si ay dhulka u iftiimiyaan,

  • 10Waayo, xiddigaha samada iyo ururkooduba ma iftiimi doonaan. Qorraxduna way madoobaan doontaa markii ay soo baxdo, oo dayaxuna ma iftiimi doono.

  • 7Waayo, yaa kaa soocay? Maxaad haysataa oo, aanad helin? Laakiin haddaad heshay, bal maxaad u faanaysaa sidii adigoo aan helin?

  • 5Bal eeg, xataa dayuxu hortiisa nuur kuma leh, Oo xiddiguhuna hortiisa daahir kuma aha.

  • 1Samooyinku waxay caddeeyaan ammaanta Ilaah, Cirkuna wuxuu muujiyaa sancadii gacantiisa.

  • 15Qorraxdii iyo dayaxii way madoobaadeen, oo xiddigihiina iftiinkoodii way ceshadeen.

  • 68%

    47Ninkii ugu horreeyey waa kan dhulka oo cammuud ah, ninkii labaadna waa kan jannada.

    48Sida kan cammuudda ah kuwa cammuud ahina waa sidaas oo kale, oo sida kan jannada, kuwa jannaduna waa sidaas oo kale.

    49Oo sidaynu ugu eg nahay kan cammuudda ah, sidaas oo kale ayaynu ugu ekaan doonnaa kan jannada.

  • 14Iyo waxyaalaha qaaliga ah oo ah midhaha qorraxda, Iyo waxyaalaha qaaliga ah oo ah waxyaalaha bilaha soo baxa,

  • 6Waayo, waa Ilaah kan yidhi, Iftiin ha ka ifo gudcur, kan qalbiyadeenna uga ifay inuu iftiinka aqoonta ammaanta Ilaah inaga siiyo Ciise Masiix wejigiisa.

  • 35Rabbiga qorraxda maalintii nuurka ka dhiga, oo qaynuunnada dayaxa iyo xiddigaha ka dhiga inay habeenkii nuuraan, oo baddana kiciya si ay mawjadaheedu u guuxaan, oo magiciisa la yidhaahdo Rabbigii ciidammada, wuxuu leeyahay:

  • 31in sida qoran, Kii faanaa, Rabbiga ha ku faano.

  • 8sidaanay u ahayn adeegidda ruuxa inay la ahaan doonto ammaan?

  • 66%

    24¶ Laakiin wakhtigaas, dhibtaas dabadeed, qorraxdu waa madoobaan doontaa, dayaxuna ma nuuri doono,

    25xiddiguhuna cirka waa ka soo dhici doonaan, xoogagga cirka ku jirana waa la gariirin doonaa.

  • 24Waayo, Wax kasta oo jiidh lahu waa sida caws oo kale, Oo quruxdiisa oo dhammuna waa sida ubaxa duurka oo kale, Haddaba cawsku wuu engegaa, ubaxuna wuu dhacaa;

  • 18Laakiin dhammaanteen innagoo aan indho shareernayn, ammaanta Rabbiga ayaynu arkaynaa sidii oo muraayad lagu arko, oo isu-ekaanta ayaa laynoo roogayaa, ammaan ilaa ammaan, sida tan xagga Rabbiga Ruuxa ah ka timaada.

  • 18Siday kuwa badanu jidhka ugu faanaan, ayaan anna ugu faani doonaa.

  • 1¶ Sare joogso, oo dhalaal, waayo, iftiinkaagii waa yimid, oo ammaantii Rabbiguna way soo baxday oo ku iftiimisay.

  • 5Oo qorraxduna way soo baxdaa, oo haddana way dhacdaa, oo waxay ku degdegtaa meeshii ay ka soo baxdo.

  • 21Taa aawadeed ninna yaanu dadka ku faanin. Waayo, wax walba idinkaa leh,

  • 2iyo intaan qorraxda, iyo iftiinka, iyo dayaxa, iyo xiddiguhuba ay wada madoobaan, ama intaan daruuruhu roobka ka daba noqon,

  • 3Oo kuwa xigmadda lahu waxay u dhalaali doonaan sida nuurka samada; kuwii kuwo badan xaqnimada u soo jeediyaana sida xiddigaha weligood iyo weligood.

  • 35¶ Laakiin mid baa odhan doona, Sidee baa kuwii dhintay loo sara kiciyaa? Oo jidh caynkee ah bay ku yimaadaan?

  • 29¶ Laakiin dhibta wakhtigaas dabadeed, kolkiiba qorraxdu waa madoobaan doontaa, dayuxuna ma nuuri doono, xiddiguhuna cirka waa ka soo dhici doonaan, xoogagga cirkana waa la gariirin doonaa.

  • 17¶ Kii faanaa, Rabbiga ha ku faano.

  • 19Oo waxaynu haysannaa hadalka nebiyadii sii sheegeen, oo aad loo sii xaqiijiyey, oo waad ku wanaagsan tihiin inaad u fiirsataan hadalkaas sida laambad meel gudcur ah ka ifaysa, ilaa waagu beryayo oo xiddigta waaberi qalbigiinna ka soo baxdo,

  • 16Sidaas oo kale iftiinkiinnu dadka hortiisa ha iftiimo, si ay shuqulladiinna wanaagsan u arkaan, oo ay Aabbihiinna jannada ku jira u ammaanaan.

  • 7Nin waa inuusan madaxa dedan, waayo, ninku wuxuu yahay u-ekaanta iyo ammaanta Ilaah; naagtuna waxay tahay ammaanta ninka.

  • 65%

    51Eega, waxaan idiin sheegayaa wax qarsoon. Dhammaanteen ma wada dhiman doonno, laakiin dhammaanteen waa layna beddeli doonaa,

    52dhaqsiba, intaan il laysku qaban, markii buunka ugu dambeeya la yeedhiyo; waayo, buunku waa dhawaaqi doonaa oo kuwii dhintayna qudhunla'aan baa la sara kicin doonaa, waana layna beddeli doonaa.

    53Waayo, kan qudhmayaa waa inuu gashado qudhunla'aanta, oo kan dhimanayaana waa inuu gashado dhimashola'aanta.

  • 3Markaan ka fiirsado samooyinka farahaaga lagu sameeyey, Iyo dayaxa iyo xiddigaha aad amartay,

  • 24Waayo, sida hillaacu markuu dhinaca hoose oo cirka ka hillaaco oo ilaa dhinaca kale oo hoose oo cirka u ifiyo, sidaas oo kale ayuu Wiilka Aadanahuna ahaan doonaa maalintiisa.

  • 19Ama waa intaasoo aad indhaha samada kor ugu taagtaan, oo markaad aragtaan qorraxda iyo dayaxa iyo xiddigaha oo ah ciidanka samada oo dhan, laydin jiitaa oo aad caabuddaan iyaga, oo aad u adeegtaan, kuwaasoo Rabbiga Ilaahiinna ahu u qaybiyey dadyowga samada ka hooseeya oo dhan.

  • 14¶ Waayo, jidhku xubin qudha ma aha ee waa xubno badan.