1 Korintos 4:15

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

In kastoo aad leedihiin toban kun oo Masiix idinku rabbeeyey, aabbayaal badan ma lihidin, waayo, Ciise Masiix ayaan idinku dhalay xagga injiilka.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Gal 4:19 : 19 Carruurtaydiiyey, mar kalaan idin foolanayaa ilaa Masiix idinku dhex abuurmo.
  • 1 Kor 3:10 : 10 ¶ Sida dhise xigmad leh waxaan aasaaskii ku dhigay nimcadii Ilaah i siiyey, oo mid kalena wuu ka dul dhisayaa. Laakiin mid kastaa ha ka fiirsado siduu uga dul dhisayo.
  • 1 Kor 9:1-2 : 1 ¶ Miyaanan xor ahayn? Miyaanan rasuul ahayn? Miyaanan arkin Rabbigeenna Ciise? Miyeydnaan ahayn shuqulkayga xagga Rabbiga? 2 Xataa haddaanan kuwa kale rasuul u ahayn, idinka waa idiin ahay, waayo, waxaad tihiin shaabadda rasuulnimadayda xagga Rabbiga.
  • 1 Kor 9:12 : 12 Qaar kale hadday waxaas jid idiinku leeyihiin, miyaannan annagu si ka badan idiinku lahayn? Hase ahaatee, waxan noo jidka ah kuma aannu isticmaalin, laakiin wax walba waannu u dulqaadannaa inaannan sina u joojin injiilka Masiix.
  • 1 Kor 9:14 : 14 Sidaas oo kale Rabbigu wuxuu amray in kuwa dadka injiilka ku wacdiyaa ay injiilka ku noolaadaan.
  • 1 Kor 9:18 : 18 Haddaba abaalgudkaygu waa maxay? Waa in markaan injiilka dadka ku wacdiyo aan injiilka ka dhigo iibla'aan, si aanan ugu wada isticmaalin waxa ii jidka ah xagga injiilka.
  • 1 Kor 9:23 : 23 Wax kasta waxaan u sameeyaa injiilka aawadiis, si aan u noqdo mid injiilka la qaybsada iyaga.
  • 2 Kor 3:1-3 : 1 ¶ Miyaannu bilaabaynaa inaannu haddana is-ammaanno? Ama miyaannu u baahan nahay warqado ammaan ah in laydiin diro ama in laydiinka soo diro sida qaar kale? 2 Idinku waxaad tihiin warqaddayada ee qalbigayaga ku qoran, tan ay dadka oo dhammu garanayaan oo akhriyaan, 3 idinkoo muuqanaya inaad tihiin warqadda Masiixa ee ah taannu ka adeegnay, ee aan khad lagu qorin, laakiinse lagu qoray Ruuxa Ilaaha nool, oo aan lagu qorin looxyo dhagax ah dushood laakiin lagu qoray looxyo qalbiyo jiidh ah dushood.
  • 2 Tim 4:3 : 3 Waayo, waxaa iman doona wakhti aan dadku u adkaysan doonin cilmiga runta ah, laakiinse iyagoo dheguhu cuncunayaan ayay waxay u urursan doonaan macallimiin siday damcaan;
  • Titus 1:4 : 4 waxaan warqaddan u qorayaa Tiitos oo ah wiilkayga runta ah xagga iimaanka inaga dhexeeya. Nimco iyo nabadu ha kaaga yimaadeen Ilaaha Aabbaha ah iyo Badbaadiyeheenna Ciise Masiix.
  • Flm 1:10-12 : 10 Waxaan kuu baryayaa wiilkayga Oneesimos oo aan dhalay anigoo xabbisan, 11 kii waagii hore aan waxtarka kuu lahaan jirin, haatanse adiga iyo anigaba wax ina tara. 12 Waan kuu soo celinayaa, isagoo qalbigayga ah.
  • Flm 1:19 : 19 Anigoo Bawlos ah waxaan gacantayda ku qorayaa, Anigaa bixin doona. Kugu odhan maayo, Wax baan kugu leeyahay xataa naftaadaba ha noqotee.
  • Yac 1:18 : 18 Isagoo doonaya ayuu hadalka runta ah inagu dhalay si aynu u noqonno midhaha ugu horreeya oo uunkiisa.
  • 1 But 1:23 : 23 Idinka mar kale laydinkuma dhalin abuur baabba'aya, laakiinse waxaa laydinku dhalay abuur aan baabba'ayn oo ah erayga Ilaah oo nool oo waara.
  • Fal 18:4-9 : 4 Oo wuxuu sabti walba sunagogga kula doodi jiray oo soo jeedin jiray Yuhuud iyo Gariigba. 5 ¶ Laakiin markii Silas iyo Timoteyos Makedoniya ka yimaadeen, hadalka ayaa haystay Bawlos isagoo Yuhuudda hortooda ka sheegaya in Ciise yahay Masiixa. 6 Oo markay is hor taageen oo caytameen, isagu dharkiisuu hurgufay oo ku yidhi iyagii, Dhiiggiinnu madaxiinna ha dul ahaado; anigu nadiif baan ahay, hadda ka dib waxaan u tegi doonaa dadka aan Yuhuudda ahayn. 7 Markaasuu meeshaas ka tegey, oo wuxuu galay gurigii ninka Tiitos Yuustos la odhan jiray, kaasoo Ilaah caabudi jiray, oo gurigiisu ku xigay sunagogga. 8 Markaasaa Kirisbos oo sunagogga u sarreeyey baa Rabbiga rumaystay, isaga iyo kuwii gurigiisa oo dhanba; kuwo badan oo reer Korintos ahna ayaa markay maqleen rumaystay, oo waa la baabtiisay. 9 Haddaba Rabbiga ayaa wuxuu Bawlos habeennimo riyo ku yidhi, Ha cabsanin, laakiin hadal, hana aamusin; 10 maxaa yeelay, anaa kula jooga, ninnana kuma dhici doono inuu wax ku yeelo, waayo, dad badan baan magaaladan ku leeyahay. 11 Meeshaasna sannad iyo lix bilood ayuu joogay, oo wuxuu dhexdooda barayay ereyga Ilaah.
  • Room 15:20 : 20 Sidaasaan u hawaystay inaan injiilka ku wacdiyo meel aan Masiixa awil lagu magacaabin, si aanan ugu dul dhisin aasaaska nin kale dhigay.
  • 1 Kor 3:6 : 6 Anigu waan beeray, Abolloosna wuu waraabiyey, laakiin Ilaah baa koriyey.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 14¶ Anigu waxyaalahaas u qori maayo inaan idin ceebeeyo laakiin inaan idin waaniyo sida carruurtayda aan jeclahay oo kale.

  • 77%

    16Haddaba waxaan idinka baryayaa inaad igu dayataan.

    17Taas aawadeed waxaan idiin soo diray Timoteyos oo xagga Rabbiga ah wiilkayga aan jeclahay oo aaminka ah. Wuu idin xusuusin doonaa socodkayga ee ah xagga Masiixa, sidaan meel kasta wax ugu baro kiniisad kasta.

  • 19Carruurtaydiiyey, mar kalaan idin foolanayaa ilaa Masiix idinku dhex abuurmo.

  • 26Waayo, kulligiin waxaad wiilashii Ilaah ku tihiin rumaysad idinkoo ku jira Ciise Masiix.

  • Gal 4:6-7
    2 aayado
    72%

    6Oo wiilashiisa aad tihiin daraaddeed ayaa Ilaah u soo diray Ruuxa Wiilkiisa qalbiyadeenna dhexdooda, isagoo dhawaaqaya oo leh, Aabbow.

    7Saasaadan mar dambe addoon u ahayn, laakiinse waxaad tahay wiilkiisa, oo haddaad wiilkiisa tahay, waxaadna tahay mid dhaxal leh xagga Ilaah.

  • Ef 4:20-21
    2 aayado
    72%

    20Laakiinse idinku Masiixa sidaas kuma aydnaan baran,

    21hadday run tahay inaad isaga maqasheen oo isaga laydinku baray sida runtu Ciise ugu jirto.

  • 71%

    4Aabbayaashow, carruurtiinna ha ka cadhaysiinina, laakiinse waxaad ku korisaan edbinta iyo waanada Rabbiga.

  • 11Sidaad og tihiin waxaannu midkiin kastaba kula macaamiloonnay sida aabbe carruurtiisa ula macaamiloodo, annagoo idin waaninayna oo idin dhiirigelinayna oo idiin markhaati furayna,

  • 1¶ Igu dayda sidaan aniguba Masiix ugu daydo.

  • Room 8:14-15
    2 aayado
    70%

    14¶ In alla intii Ruuxa Ilaah hoggaamiyo, waa carruurta Ilaah.

    15Waayo, ma aydnaan helin ruuxa addoonnimada inaad mar kale cabsataan, laakiinse waxaad hesheen Ruuxa carruur idinka dhigay, kan aynu ku qaylinno Aabbow.

  • Gal 4:11-13
    3 aayado
    70%

    11Waxaan ka baqayaa inaan waxtarla'aan idinkugu hawshooday.

    12¶ Waxaan idinka baryayaa, walaalayaalow, inaad noqotaan sida aan ahay, waayo, anba waxaan ahay sida aad tihiin. Waxba iguma aydnaan xumayn.

    13Laakiin waad og tihiin in itaaldarrada jidhka aawadeed aan markii ugu horraysay injiilka idinku wacdiyey.

  • 8¶ Sidaas daraaddeed, in kastoo aan Masiixa ku leeyahay dhiirranaan badan inaan kugu amro waxa kuu eg,

  • 20¶ Walaalayaalow, carruur ha ka noqonina xagga maanka, xagga xumaantase dhallaan ka ahaada, laakiin xagga maanka dad waaweyn ka ahaada.

  • 1 Kor 3:1-2
    2 aayado
    69%

    1¶ Anna, walaalayaalow, idiinlama aan hadli karin sida idinkoo ruuxa raaca, laakiin idinkoo jidhka raaca sida kuwo ilmo yaryar ah oo ku jira Masiix.

    2Waxaan idin siiyey caano ee idinma aan siin cunto, waayo, weli ma aydaan cuni karin, haatanna weli ma aad kartaan.

  • 1 Tes 4:1-2
    2 aayado
    69%

    1¶ Ugu dambaysta, walaalayaalow, waxaannu idinku baryaynaa oo idinku waaninaynaa Rabbi Ciise, sidaad nooga hesheen sidii waajibka idinku ahayd inaad u socotaan oo Ilaah uga farxisaan, in sidaad ku socotaan, aad si ka badan u socotaan.

    2Waayo, amarradii aan Rabbi Ciise idinku siinnay waad og tihiin.

  • 12Wakhtigii aad macallimiin noqon lahaydeen ayaad haddana u baahan tihiin in laydin baro waxyaalaha ugu horreeya ee Ereyada Ilaah, oo waxaad noqoteen sidii kuwa caano u baahan ee aan cunto adag u baahnayn.

  • 1 Tes 1:5-6
    2 aayado
    69%

    5waayo, injiilkayagu idiinkuma iman hadal oo keliya, laakiinse wuxuu kaloo idiinku yimid xoog iyo Ruuxa Quduuska ah iyo hubaal badan. Waad garanaysaan caynkaannu dhexdiinna ku ahayn idinka aawadiin.

    6Oo waxaad noqoteen kuwo ku dayda annaga iyo Rabbigaba, idinkoo ereyga ku helay dhib badan iyo farxadda Ruuxa Quduuska ah.

  • 14¶ Markan waa markii saddexaad oo aan diyaar u ahay inaan idiin imaado; oo idinma culaysin doono, maxaa yeelay, idinkaan idin doonayaa ee ma doonayo wixiinna; waayo, ma aha inay carruurtu waalidkood wax u kaydiso, laakiin waa inuu waalidku carruurta wax u kaydiyo.

  • 9¶ Laakiinse xagga jacaylka walaalaha loo qabo uma aad baahnidin in wax laydiin soo qoro, maxaa yeelay, idinka qudhiinnaba Ilaah baa idin baray in midkiinba midka kale jeclaado.

  • 69%

    1¶ Haddaba ahaada kuwo ku dayda Ilaah idinkoo ah sida carruur la jecel yahay.

  • 11Haddaba ha ahaato aniga ama iyaga, sidaasaannu u wacdinnaa oo idinna u rumaysateen.

  • Cib 12:8-9
    2 aayado
    69%

    8Laakiin haddaan laydinku edbin edbinta laga wada qayb galo, haddaba waxaad tihiin garacyo, oo wiilashiisii ma ihidin.

    9Oo weliba waxaynu lahayn aabbayaal xagga jidhka ah, oo ina edbiyey, oo waynu maamuusnay. Miyaynan intaas in ka badan ka dambaynayn Aabbaha ruuxyada oo aynaan noolaannayn?

  • 13Masiixu miyuu qaybsamaa? Bawlos miyaa iskutallaabta laydiinku qodbay? Ama ma waxaa laydinku baabtiisay magaca Bawlos?

  • 10Waxaan kuu baryayaa wiilkayga Oneesimos oo aan dhalay anigoo xabbisan,

  • 15tan iyo yaraantaadii waxaad garanaysay qorniinka quduuska ah oo badbaadada kugu garansiin kara rumaysadka Ciise Masiix lagu rumaysto.

  • 17Waayo, Masiixu iima uu soo dirin inaan dad baabtiiso, laakiin wuxuu ii soo diray inaan dadka injiilka ku wacdiyo, ee ma aha inaan ku hadlo xigmadda hadalka, waaba intaasoo iskutallaabta Masiixa la caaqibo tiraaye.

  • 3¶ Sidaan kugu waaniyey markaan Makedoniya tegayay ayaan haatanna kugu waaninayaa inaad Efesos sii joogtid oo aad kuwo ku amartid inayan cilmi kale dadka barin,

  • 1¶ Walaalayaalow, waxaan idin ogeysiinayaa injiilka aan idinku wacdiyey, oo aad idinkuna aqbasheen, oo aad ku taagan tihiin,

  • 15Laakiinse siyaalaha qaarkood dhiirranaan badan baan idiinku soo qoray inaan idin xusuusiyo, nimcadii xagga Ilaah layga siiyey aawadeed,

  • Gal 1:15-16
    2 aayado
    68%

    15Laakiin Ilaaha uurkii hooyaday iga doortay, oo nimcadiisa iigu yeedhay, markuu ku farxay

    16inuu Wiilkiisa iga dhex muujiyo inaan dadka aan Yuhuudda ahayn ku wacdiyo isaga warkiisa, isla markaasba lama aan tashan bini aadan.

  • 7Laakiin dhexdiinna waxaannu idiinku roonayn sida mid carruurteeda nuujisa ay iyaga u dhaqaalayso.

  • 1¶ Haddaba, wiilkaygiiyow, ku xoogayso nimcada Ciise Masiix ku jirta.

  • 11¶ Walaalayaalow, waxaan idin ogaysiinayaa in injiilka aan idinku wacdiyey uusan ka iman xagga dadka.

  • 15Haddaba meeday farxaddiinnii? Waayo, waxaan idiinku markhaati furayaa inaad ii bixin lahaydeen indhihiinna oo aad i siin lahaydeen, hadday suurtowbi lahayd.

  • 16laakiinse aadan mar dambe u haysan addoon sidiis, illowse si mid addoon ka wanaagsan oo ah walaal aan khusuusan anigu jeclahay, laakiinse adigu aad iga sii jeceshahay, xagga jidhka iyo xagga Rabbigaba.

  • 2laakiinse wuxuu ka hooseeyaa kuwa ilaaliya iyo wakiillo ilaa maalintii aabbihiis ka ballamay.

  • 4¶ Aad baan ugu farxay markaan arkay carruurtaadii qaarkood oo runta ku socda, waana sidaynu Aabbaha amar uga helnay.

  • 22Laakiinse idinku waad taqaaniin xaqiiqadiisa in sida ilmo aabbihiis ugu adeego uu isagu iigula adeegay xagga injiilka.

  • 9Ninna dhulka ha ugu yeedhina aabbe, waayo, mid baa Aabbihiin ah, kaasu waa kan jannada ku jira.