2 Yooxanaa 1:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Aad baan ugu farxay markaan arkay carruurtaadii qaarkood oo runta ku socda, waana sidaynu Aabbaha amar uga helnay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 3 Yoox 1:3-4 : 3 Waayo, aad baan ugu farxay markii walaalo yimaadeen oo ka markhaati fureen runtaada iyo sidaad runta ugu socotid. 4 Ma lihi farxad tan iiga weyn inaan maqlo in carruurtaydu ay runta ku socdaan.
  • Ef 5:8 : 8 haatanse waxaad Rabbiga ku tihiin nuur; haddaba u socda sida carruurta nuurka,
  • Fil 4:10 : 10 ¶ Laakiin Rabbiga aad baan ugu faraxsanahay inaad haatan ugu dambaysta mar kale iga fikirteen; taas oo aad ka fikiri jirteen laakiin aad fursad u weydeen.
  • 1 Tes 2:19-20 : 19 Maxaa yeelay, waa ayo rajadayada iyo farxaddayada iyo taajka faanidda oo ahaan doona Rabbigeenna Ciise Masiix hortiisa goortuu yimaado? Sow idinka ma aha? 20 Waa idinka faankayaga iyo farxaddayaduba.
  • 1 Tes 3:6-9 : 6 Laakiinse haatan markii Timoteyos nooga kiin yimid, wuxuu noo keenay warka wanaagsan oo ku saabsan rumaysadkiinna iyo jacaylkiinna, iyo inaad kol kasta si wanaagsan noo xusuusataan idinkoo xiiso u qaba inaad na aragtaan sida aannu annaguba xiiso ugu qabno inaannu idin aragno; 7 sababtaas daraaddeed, walaalayaalow, dhibkayagii iyo qaxarkayagii oo dhan waxaannu kaga qalbi qabownay xaggiinna, rumaysadkiinna aawadiis; 8 maxaa yeelay, haatan annagu waa nool nahay haddaad xagga Rabbiga ku xoogaysataan. 9 Waayo, mahad intee le'eg baannu Ilaah ugu naqi karnaa idinka aawadiin iyo farxaddii oo dhan oo aannu ku faraxnay Ilaahayaga hortiisa idinka aawadiin? 10 Habeen iyo maalinba aad iyo aad baannu Ilaah u baryaynaa inaannu wejigiinna aragno oo aannu dhammaystirno waxa ka dhiman rumaysadkiinna.
  • 1 Yoox 2:6 : 6 Kan yidhaahda, Isagaan ku jiraa, waa inuu u socdaa siduu isagu u socday.
  • Hos 14:9 : 9 Kii xigmad lahu waxyaalahan ha fiirsado. Kii miyir lahuna ha garto. Waayo, Rabbiga jidadkiisu waa qumman yihiin, oo kuwii xaq ahuna way ku socon doonaan, laakiinse kuwa xadgudbaa way ku dhex dhici doonaan.
  • Mal 2:6 : 6 Sharcigii runtu afkooduu ku jiray, oo bushimihoodana xaqdarro lagama helin. Way igula socdeen nabaadiino iyo qummanaan, qaar badanna xumaan bay ka leexiyeen.
  • Gal 2:14 : 14 Kolkaan arkay inayan si hagaagsan ugu soconayn runta injiilka, ayaan kulli hortooda Keeyfas ku idhi, Adigoo Yuhuudi ah haddaad u dhaqanto sida dadka aan Yuhuudda ahayn, oo aadan ahaan sida Yuhuudda, sidee baad ugu qasbaysaa dadka aan Yuhuudda ahayn inay u dhaqmaan sida Yuhuudda?
  • Ef 5:2 : 2 Jacayl ku socda siduu Masiixuba idiin jeclaa, oo uu nafsaddiisii inoogu bixiyey inuu Ilaah u ahaado qurbaan iyo allabari oo uu ahaado caraf udgoon.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 3 Yoox 1:1-5
    5 aayado
    87%

    1¶ Anigoo odayga ah waxaan warqaddan u qorayaa gacaliye Gayos oo aan runta ku jeclahay.

    2¶ Gacaliyow, waxaan kuugu duceeyaa inaad wax kasta ku liibaantid oo aad caafimaad qabtid siday naftaadu u liibaansan tahay.

    3Waayo, aad baan ugu farxay markii walaalo yimaadeen oo ka markhaati fureen runtaada iyo sidaad runta ugu socotid.

    4Ma lihi farxad tan iiga weyn inaan maqlo in carruurtaydu ay runta ku socdaan.

    5¶ Gacaliyow, aaminnimaad ku samaysaa shuqul kasta oo aad u samaysid walaalaha iyo shisheeyahaba.

  • 2 Yoox 1:1-3
    3 aayado
    82%

    1¶ Anigoo odayga ah waxaan salaamayaa marwada la doortay iyo carruurteeda aan runta ku jeclahay, keligayna ma ahaye, laakiin xataa waxaa jecel kuwa runta yaqaan oo dhan,

    2runta inagu dhex jirta, weligeedna inagu dhex jiri doonta aawadeed.

    3Nimco iyo naxariis iyo nabad ka yimaada Ilaaha Aabbaha ah iyo Ciise Masiix oo ah Wiilka Aabbaha ayaa inala jiri doona xagga runta iyo jacaylka.

  • 2 Yoox 1:5-9
    5 aayado
    78%

    5Oo haatan waxaan kaa baryayaa, murwoy, sidii anigoo aan kuu soo qorayn amar cusub laakiinse kii aynu tan iyo bilowgii haysannay, kaasoo ah inaynu isjeclaanno.

    6Tanu waa jacayl inaynu amarradiisa ku soconno. Amarkiina waa kan, waana sidaad tan iyo bilowgii u maqli jirteen inaad ku socotaan.

    7Waayo, khaa'inno badan baa dunida u soo baxay, waana kuwa aan qiran in Ciise Masiix jidh ku yimid. Kaasu waa khaa'inka iyo ku Masiixa ka gees ah.

    8Iska jira si aydnaan u khasaarayn wixii aynu falnay, laakiinse si aad abaalgud dhan u heshaan.

    9Mid kasta oo dhaafa oo aan cilmiga Masiixa ku sii socon, kaasu Ilaah ma leh; laakiin kii cilmiga ku sii socdaa, Aabbaha iyo Wiilka labadaba wuu leeyahay.

  • 1 Yoox 1:1-4
    4 aayado
    74%

    1¶ Waxaannu idiin soo qoraynaa wax ku saabsan wixii tan iyo bilowgii jiray, oo aannu maqalnay, oo aannu indhahayaga ku aragnay, oo aannu eegnay, oo ay gacmahayagu taabteen oo Ereyga nolosha ah.

    2Nolosha waa la muujiyey, oo waannu aragnay, waanan u marag furaynaa, oo waxaannu idiinka warramaynaa nolosha weligeed ah, ta Aabbaha la jirtay oo lanoo muujiyey.

    3Wixii aannu aragnay oo aannu maqalnay ayaannu idiinka warramaynaa, si aad idinkuna noo soo wehelisaan; oo wehelnimadeennu waa mid la jirta Aabbaha iyo Wiilkiisa Ciise Masiix ah.

    4Oo waxaannu waxyaalahan idiinku soo qoraynaa si ay farxaddiinnu u buuxsanto.

  • 73%

    13Aabbayaashow, wax baan idiin soo qorayaa, maxaa yeelay, waad garanaysaan kan tan iyo bilowgii jira. Ragga dhallinyarada ahow, wax baan idiin soo qorayaa, maxaa yeelay, idinku kan sharka ah ayaad ka adkaateen. Carruurtaydiiyey, wax baan idiin soo qoray, maxaa yeelay, Aabbaha waad garanaysaan.

    14Aabbayaashow, wax baan idiin soo qoray, maxaa yeelay, waad garanaysaan kan tan iyo bilowgii jira. Ragga dhallinyarada ahow, wax baan idiin soo qoray, maxaa yeelay, waad xoog weyn tihiin, oo ereyga Ilaah baa idinku jira, oo kan sharka ah ayaad ka adkaateen.

  • 11Sidaad og tihiin waxaannu midkiin kastaba kula macaamiloonnay sida aabbe carruurtiisa ula macaamiloodo, annagoo idin waaninayna oo idin dhiirigelinayna oo idiin markhaati furayna,

  • 8Sidaas daraaddeed waxaa inagu waajib ah inaynu kuwaas oo kale soo dhowayno, si aynu u noqonno kuwa runta kala wada shaqeeya iyaga.

  • 71%

    12¶ In kastoo aan hayo wax badan oo aan idiin soo qoro, ma aan jeclayn inaan warqad iyo khad idiinku soo qoro; laakiinse waxaan rajaynayaa inaan idiin imaado oo aan afkayga idinkula hadlo, si ay farxaddiinnu u buuxsanto.

    13¶ Carruurtii walaashaada la doortay way ku soo salaamayaan.

  • 71%

    23Oo kanu waa qaynuunkiisa, kaasoo ah inaynu rumaysanno magaca Wiilkiisa Ciise Masiix ah, oo aynu isjeclaanno, siduu qaynuunka inoo siiyey.

    24Oo kii xajiya qaynuunnadiisa, wuu ku sii jiraa isaga, isaguna wuu ku sii jiraa. Oo saasaynu ku garanaynaa inuu isagu inagu sii jiro xagga Ruuxa uu ina siiyey.

  • 1 Yoox 2:6-8
    3 aayado
    71%

    6Kan yidhaahda, Isagaan ku jiraa, waa inuu u socdaa siduu isagu u socday.

    7¶ Gacaliyayaalow, qaynuun cusub idiin soo qori maayo, laakiin waxaan idiin soo qorayaa qaynuun hore oo aad tan iyo bilowgii haysateen. Qaynuunkii hore waa hadalkii aad bilowgii maqasheen.

    8Oo weliba qaynuun cusub ayaan idiin soo qorayaa, kaas oo isaga iyo idinkaba run idinku dhex ah, maxaa yeelay, gudcurku waa dhammaanayaa, oo nuurka runta ahuna imminkuu iftiimayaa.

  • 28Oo imminka, carruurtiiyey, ku sii jira isaga; in kolkuu muuqdo aynu kalsoonaan doonno oo aynaan wakhtiga imaatinkiisa ka xishoonin inaynu hor tagno.

  • 4Markaan ilmadaadii xusuusto waxaan aad u doonayaa inaan ku arko, inaan aad u farxo.

  • 4Waxaannu maqalnay rumaysadkiinna xagga Ciise Masiix iyo jacaylka aad quduusiinta oo dhan u qabtaan,

  • 71%

    18Carruurtaydiiyey, yeynan ku jeclaanin hadalka iyo afka toona, laakiin camalka iyo runta aan ku jeclaanno.

    19¶ Oo taasaynu ku garan doonnaa inaynu kuwa runta nahay, oo aynu isaga hortiisa qalbigeenna kaga dhiiro gelin doonnaa

  • 1 Tes 4:1-2
    2 aayado
    70%

    1¶ Ugu dambaysta, walaalayaalow, waxaannu idinku baryaynaa oo idinku waaninaynaa Rabbi Ciise, sidaad nooga hesheen sidii waajibka idinku ahayd inaad u socotaan oo Ilaah uga farxisaan, in sidaad ku socotaan, aad si ka badan u socotaan.

    2Waayo, amarradii aan Rabbi Ciise idinku siinnay waad og tihiin.

  • 5waayo, waxaan maqlay jacaylka aad quduusiinta oo dhan u qabto iyo rumaysadka aad Rabbi Ciise ku rumaysato.

  • 2Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbi Ciise Masiix.

  • 2Taasaynu ku garanaynaa inaynu carruurta Ilaah jecel nahay, goortaynu Ilaah jeclaanno oo qaynuunnadiisa xajinno.

  • 4Carruurtiiyey, kuwa Ilaah baad tihiin, oo iyagaad ka adkaateen; maxaa yeelay, Ka idinku jira ayaa ka weyn ka dunida ku jira.

  • 1 Tim 1:2-3
    2 aayado
    70%

    2waxaan warqaddan u qorayaa Timoteyos oo xagga iimaanka ku ah wiilkayga runta ah. Nimco iyo naxariis iyo nabadu ha kaaga yimaadeen Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbigeenna Ciise Masiix.

    3¶ Sidaan kugu waaniyey markaan Makedoniya tegayay ayaan haatanna kugu waaninayaa inaad Efesos sii joogtid oo aad kuwo ku amartid inayan cilmi kale dadka barin,

  • 12Dadka oo dhammu way u markhaati furaan Deemeetriyos, runta qudheedu way u markhaati furtaa, annaguna waannu u markhaati furnaa, waanad og tahay in markhaatifurkayagu run yahay.

  • 15¶ Anigu waxaan maqlay rumaysadkiinna xagga Rabbi Ciise, iyo jacaylka aad quduusiinta oo dhan u qabtaan, oo sidaas daraaddeed

  • 21Wixii aan idiin soo qoray uma aan soo qorin aqoonla'aantiinna xagga runta aawadeed, laakiin waxaan u soo qoray aqoonta aad runta taqaaniin iyo inaanay beenina runta ka iman aawadood.

  • 7Waayo, jacaylkaaga waxaan ku haystay farxad iyo dhiirranaan badan, maxaa yeelay, qalbiga quduusiinta adaa qabowjiyey, walaalkayow.

  • 3Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheenna ah iyo Rabbi Ciise Masiix.

  • 2waxaan warqaddan u qorayaa Timoteyos oo ah wiilkayga aan jeclahay. Nimco iyo naxariis iyo nabadu ha kaaga yimaadeen Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbigeenna Ciise Masiix.

  • 24Haddaba idinku waxaad tan iyo bilowgii maqlayseen ha idinku sii jiro. Haddii wixii aad tan iyo bilowgii maqlayseen idinku sii jiro, idinkuna waxaad ku sii jiri doontaan Wiilka iyo Aabbaha.

  • 3Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheen ah iyo Rabbi Ciise Masiix.

  • 23¶ Walaalaha ha u ahaadeen nabad iyo jacayl rumaysad la jiro oo xagga Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbi Ciise Masiix ka yimid.