3 Yooxanaa 1:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Dadka oo dhammu way u markhaati furaan Deemeetriyos, runta qudheedu way u markhaati furtaa, annaguna waannu u markhaati furnaa, waanad og tahay in markhaatifurkayagu run yahay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Tim 3:7 : 7 Weliba waa inuu markhaati wanaagsan ka helo kuwa dibadda ah, waaba intaasoo uu ku dhacaa cay iyo dabinka Ibliiska.
  • Yoox 21:24 : 24 ¶ Kan weeye kii xerta ahaa oo u marag furay waxyaalahan, oo qoray waxyaalahan, oo waxaannu garanayna maraggiisu inuu run yahay.
  • Yoox 19:35 : 35 Oo kii arkayna wuu marag furay, maraggiisuna waa run, wuuna garanayaa inuu run sheegayo, inaad idinkuna rumaysataan.
  • Fal 10:22 : 22 Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Korneeliyos oo boqol askari u taliya oo nin xaqa ah, Ilaahna ka cabsada, oo quruunta Yuhuudda oo dhammuna wanaaggiisa u markhaati furto, waxaa u digay isaga malaa'ig quduus ah inuu gurigiisa kuugu yeedho, hadallona kaa maqlo.
  • Fal 22:12 : 12 ¶ Oo mid la odhan jiray Ananiyas, oo nin cibaadaysan ahaa sida sharcigu leeyahay, oo ahaa mid Yuhuuddii halkaas joogtay oo dhanba marag wanaagsan u furtay,
  • 1 Tes 4:12 : 12 inaad sida idiin eg ugu socotaan xagga kuwa dibadda jooga, oo aydnaan waxba u baahnaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 3 Yoox 1:3-6
    4 aayado
    77%

    3Waayo, aad baan ugu farxay markii walaalo yimaadeen oo ka markhaati fureen runtaada iyo sidaad runta ugu socotid.

    4Ma lihi farxad tan iiga weyn inaan maqlo in carruurtaydu ay runta ku socdaan.

    5¶ Gacaliyow, aaminnimaad ku samaysaa shuqul kasta oo aad u samaysid walaalaha iyo shisheeyahaba.

    6Iyagu jacaylkaagay kiniisadda horteeda kaga markhaati fureen. Wanaag baad samayn lahayd haddii aad iyaga u ambabbixisid sida Ilaah istaahilo;

  • 10Idinkuna markhaati baad ka tihiin, Ilaahna wuu ka yahay, sidaannu daahir iyo xaq iyo ceebla'aan kula macaamiloonnay kuwiinna rumaysan.

  • 11Gacaliyow, ha ku dayan waxa sharka ah, laakiinse ku dayo waxa wanaagsan. Ka samafalaa waa ku Ilaah, ka shar falaase Ilaah ma uu arkin.

  • 2 Yoox 1:1-4
    4 aayado
    75%

    1¶ Anigoo odayga ah waxaan salaamayaa marwada la doortay iyo carruurteeda aan runta ku jeclahay, keligayna ma ahaye, laakiin xataa waxaa jecel kuwa runta yaqaan oo dhan,

    2runta inagu dhex jirta, weligeedna inagu dhex jiri doonta aawadeed.

    3Nimco iyo naxariis iyo nabad ka yimaada Ilaaha Aabbaha ah iyo Ciise Masiix oo ah Wiilka Aabbaha ayaa inala jiri doona xagga runta iyo jacaylka.

    4¶ Aad baan ugu farxay markaan arkay carruurtaadii qaarkood oo runta ku socda, waana sidaynu Aabbaha amar uga helnay.

  • 1 Yoox 1:1-5
    5 aayado
    74%

    1¶ Waxaannu idiin soo qoraynaa wax ku saabsan wixii tan iyo bilowgii jiray, oo aannu maqalnay, oo aannu indhahayaga ku aragnay, oo aannu eegnay, oo ay gacmahayagu taabteen oo Ereyga nolosha ah.

    2Nolosha waa la muujiyey, oo waannu aragnay, waanan u marag furaynaa, oo waxaannu idiinka warramaynaa nolosha weligeed ah, ta Aabbaha la jirtay oo lanoo muujiyey.

    3Wixii aannu aragnay oo aannu maqalnay ayaannu idiinka warramaynaa, si aad idinkuna noo soo wehelisaan; oo wehelnimadeennu waa mid la jirta Aabbaha iyo Wiilkiisa Ciise Masiix ah.

    4Oo waxaannu waxyaalahan idiinku soo qoraynaa si ay farxaddiinnu u buuxsanto.

    5¶ Warkii aannu ka maqalnay oo aan idiinka warramayno wuxuu yahay, in Ilaah nuur yahay, oo isaga aan gudcur ku jirin innaba.

  • 74%

    12¶ Waxaannu ku faanaynaa, qalbigayaguna marag furayaa, inaannu dunida ugu soconnay quduusnimo iyo daacadnimo xagga Ilaah, ee uguma aan socon xigmadda jidhka laakiinse nimcada Ilaah, oo khusuusan xaggiinna.

    13Wax kale idiin soo qori mayno waxaad akhridaan oo aad garanaysaan mooyaane, oo waanan rajaynayaa inaad sii garan doontaan ilaa dhammaadka.

    14Sidaad si ahaan noogu garateen inaannu faankiinna nahay, sidaas oo kale idinkuna kayagaad tihiin maalinta Rabbigeenna Ciise.

  • 3 Yoox 1:8-9
    2 aayado
    74%

    8Sidaas daraaddeed waxaa inagu waajib ah inaynu kuwaas oo kale soo dhowayno, si aynu u noqonno kuwa runta kala wada shaqeeya iyaga.

    9¶ Wax baan kiniisadda u soo qoray, laakiinse Diyotrefees oo jecel inuu iyaga ka sarreeyo, na aqbali maayo.

  • 8Waayo, annagu ma samayn karno wax runta ka gees ah, laakiinse waxaannu samayn karnaa wax runta la jira.

  • Yoox 5:32-33
    2 aayado
    73%

    32Laakiin waxaa jira mid kale oo ii marag fura, waanan ogahay maragguu ii furaa inuu run yahay.

    33Waxaad cid u soo dirteen Yooxanaa, wuuna u marag furay runta.

  • 19¶ Oo taasaynu ku garan doonnaa inaynu kuwa runta nahay, oo aynu isaga hortiisa qalbigeenna kaga dhiiro gelin doonnaa

  • 9Haddii aynu maragfurka dadka aqbali lahayn, maragfurka Ilaah baa ka weyn, waayo, maragfurka Ilaah waa kan oo ah inuu Wiilkiisa ka marag furay.

  • 33Kii maraggiisa aqbalay wuxuu xaqiijiyey in Ilaah run yahay.

  • 2kaasoo ka markhaati furay erayga Ilaah iyo markhaatifuridda Ciise Masiix, iyo wixii uu isagu arkay oo dhan.

  • 8haddii lana maamuuso iyo haddii lana maamuus jebiyoba, haddii war xun lanaga sheego, iyo haddii war wanaagsan lanaga sheegoba, sida annagoo ah khaa'inno laakiin kuwa runta ah;

  • 24¶ Kan weeye kii xerta ahaa oo u marag furay waxyaalahan, oo qoray waxyaalahan, oo waxaannu garanayna maraggiisu inuu run yahay.

  • 1¶ Anigoo odayga ah waxaan warqaddan u qorayaa gacaliye Gayos oo aan runta ku jeclahay.

  • 72%

    18Laakiin sida uu Ilaah aamin u yahay, hadalkayagu xaggiinna ma aha, Haah, iyo Maya.

    19Waayo, Wiilka Ilaah oo ah Ciise Masiix, ee aannu aniga iyo Silwanos iyo Timoteyos dhexdiinna kaga wacdinnay, ma ahayn Haah iyo Maya, laakiin xaggiisa waa Haah.

  • 6sida laydiinku adkeeyey maraggii Masiixa loo furay;

  • 2Idinku waxaad tihiin warqaddayada ee qalbigayaga ku qoran, tan ay dadka oo dhammu garanayaan oo akhriyaan,

  • 17Sharcigiinna waxaa ku qoran, Laba nin maraggoodu waa run.

  • 16¶ Annagu ma aannu raacin sheekooyin khiyaano lagu hindisay, markii aannu idin ogeysiinnay xoogga iyo imaatinka Rabbigeenna Ciise Masiix, laakiinse waxaannu ahayn markhaatiyaal indhaha ku arkay weynaantiisa.

  • 5waayo, injiilkayagu idiinkuma iman hadal oo keliya, laakiinse wuxuu kaloo idiinku yimid xoog iyo Ruuxa Quduuska ah iyo hubaal badan. Waad garanaysaan caynkaannu dhexdiinna ku ahayn idinka aawadiin.

  • 13¶ Waxaan hayay waxyaalo badan oo aan kuu soo qoro, laakiinse dooni maayo inaan qalin iyo khad kuugu soo qoro.

  • 1¶ Runtaan ku sheegayaa Masiixa, oo been sheegi maayo, qalbigayguna marag buu iigu furayaa Ruuxa Quduuskaa

  • 21Wixii aan idiin soo qoray uma aan soo qorin aqoonla'aantiinna xagga runta aawadeed, laakiin waxaan u soo qoray aqoonta aad runta taqaaniin iyo inaanay beenina runta ka iman aawadood.

  • 9Waayo, iyaguba waxay ka warramaan wax nagu saabsan oo ah sidaannu idiinku soo galnay, iyo sidaad sanamyadii uga jeesateen oo Ilaah ugu soo jeesateen, inaad u adeegtaan Ilaaha nool oo runta ah,

  • 11Runtii, runtii, waxaan ku leeyahay, Waxaannu naqaan ayaannu ka hadalnaa, oo waxaannu aragnay ayaannu ka marag furnaa, idinkuna maraggayaga ma aqbashaan.

  • 14Waayo, haddii aan xaggiisa wax uun idinku faaniyey, ma aan ceeboobin, laakiin wax walba run ahaan ayaannu idinkula hadalnay, sidaas oo kale ayaa faankayagii aan Tiitos u sheegay run u noqday.

  • 1¶ Dad badan waxay ku dadaaleen inay soo hagaajiyaan sheeko ku saabsan wixii dhexdayada lagu sameeyey oo la hubsaday,

  • 13Markhaatigaasu waa run. Sababtaas aawadeed aad u canaano iyaga inay iimaanka si run ah ugu socdaan

  • 21Laakiinse kii runta falaa, nuurkuu yimaadaa si shuqulladiisu u muuqdaan in Ilaah laga sameeyey.

  • 5Sidaad og tihiin, marnaba kuma aannu isticmaalin hadal sasabasho ah ama damacnimo qarsoon, oo taas Ilaah baa marag ka ah.

  • 8Iska jira si aydnaan u khasaarayn wixii aynu falnay, laakiinse si aad abaalgud dhan u heshaan.

  • 5waayo, waxaan maqlay jacaylka aad quduusiinta oo dhan u qabto iyo rumaysadka aad Rabbi Ciise ku rumaysato.

  • 2laakiin waxaannu diidnay waxyaalihii qarsoonaa oo ceebta ahaa, annagoo aan sirta ku soconaynin ama aan ereyga Ilaah qalloocinaynin, laakiin muujinta runta ayaannu niyada dadka oo dhan isugu bognaa Ilaah hortiisa.