2 Korintos 6:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

haddii lana maamuuso iyo haddii lana maamuus jebiyoba, haddii war xun lanaga sheego, iyo haddii war wanaagsan lanaga sheegoba, sida annagoo ah khaa'inno laakiin kuwa runta ah;

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 27:63 : 63 oo waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, waxaannu xusuusan nahay in khaa'inkaasu yidhi, intuu weli noolaa, Saddex maalmood dabadeed waan soo sara kacayaa.
  • Room 3:8 : 8 Maxaannu u odhan weynaa, Shar aan samayno in wanaag yimaado? sida lanoo hafro oo ay qaar naga sheegaan sidii annagoo nidhaahna. Xukunka ay kuwaasu helaan waa xaq.
  • 1 Kor 4:10-13 : 10 Annagu waxaannu nahay Masiixa aawadiis doqonno, idinkuse caqli baad ku leedihiin xagga Masiixa. Annagu waa xoog darannahay, idinkuse waad xoog badan tihiin, idinku ammaan baad leedihiin, annaguse waa maamuus la' nahay. 11 Tan iyo saacaddan waan gaajaysan nahay, waanan harraadsan nahay, waanan arradan nahay, waa nala garaacay, oo meel aan ku hoyannona ma lihin. 12 Waana hawshoonnaa annagoo gacmahayaga ku shaqayna; markii lana caayona waan ducaynaa; markii lana silciyona waan dulqaadannaa. 13 Markii lana xantona, si qabow ayaannu u hadallaa, waxaannu noqonnay uskagga dunida iyo waxa ugu wasakhsan wax kasta tan iyo haatan.
  • 1 Tim 3:7 : 7 Weliba waa inuu markhaati wanaagsan ka helo kuwa dibadda ah, waaba intaasoo uu ku dhacaa cay iyo dabinka Ibliiska.
  • 1 Tim 4:10 : 10 Sababtan daraaddeed waannu u hawshoonnaa oo u dadaalnaa, maxaa yeelay, waxaannu rajo ku leennahay Ilaaha nool oo Badbaadiyaha u ah dadka oo dhan, khusuusan kuwa rumaysan.
  • Cib 13:13 : 13 Haddaba aynu isaga ugu tagno xerada dibaddeeda, innagoo qaadayna caydii la caayay isaga.
  • 1 But 4:14 : 14 Haddii magaca Masiix aawadiis laydin caayo, waad barakaysan tihiin, maxaa yeelay, waxaa idin dul jooga Ruuxa ammaanta oo ah Ruuxa Ilaah.
  • 3 Yoox 1:12 : 12 Dadka oo dhammu way u markhaati furaan Deemeetriyos, runta qudheedu way u markhaati furtaa, annaguna waannu u markhaati furnaa, waanad og tahay in markhaatifurkayagu run yahay.
  • Muj 3:9 : 9 Bal eeg, kuwa isku sheega Yuhuud oo aan ahayn ee beenta sheegaya waxaan ka keeni doonaa sunagogga Shayddaanka, oo bal eeg, iyaga waxaan ka dhigi doonaa inay yimaadaan oo ay cagahaaga hortooda ku sujuudaan oo ay ogaadaan inaan anigu ku jeclahay.
  • Mat 5:11-12 : 11 Waad barakaysan tihiin goortii laydin caayo, oo laydin silciyo, oo wax walba oo xun oo been ah laydinka sheego aawaday. 12 Farxa oo reyreeya, waayo, jannada abaalgudkiinnu waa ku weyn yahay, waayo, sidaasay u silcin jireen nebiyadii idinka horreeyey.
  • Mat 10:25 : 25 Waa ku filan tahay qof xer ah inuu noqdo sida macallinkiisa, addoonkuna sida sayidkiisa. Hadday odayga reerka Be'elsebul ugu yeedhaan, intee ka badan ayay ugu yeedhi doonaan kuwa gurigiisa jooga.
  • Mat 22:16 : 16 Waxay xertoodii ula soo direen Herodosiinta, oo waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, waannu og nahay inaad run tahay, oo aad dadka jidka Ilaah run ku bartid, oo aanad ninna u eexan, waayo, dadka wejigooda ma eegtid.
  • Mark 12:14 : 14 Goortay yimaadeen waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, waannu og nahay inaad run tahay oo aanad ninna u eexan, waayo, dadka wejigooda ma eegtid, jidka Ilaahse aad run ku bartid. Ma xalaal baa in cashuur Kaysar la siiyo ama inaan la siin?
  • Yoox 7:12 : 12 Dadkii badnaa aad bay uga gunuuneceen isaga, qaarkood waxay yidhaahdeen, Waa nin wanaagsan; qaar kalena waxay yidhaahdeen, Sidaas ma aha, laakiin dadkii badnaa ayuu khiyaaneeyaa.
  • Yoox 7:17-18 : 17 Haddii nin doonayo inuu doonistii Ilaah sameeyo, wuu garan doonaa waxbaridda, inay tahay tii Ilaah amase aan qudhaydu iska hadlayo. 18 Kan qudhiisu iska hadlaa, ammaantiisuu doonaa, laakiin kan doona ammaanta kan soo diray, kaasaa run ah, oo xaqdarro kuma jirto.
  • Fal 4:21 : 21 Markaasay, intay sii cabsiiyeen, sii daayeen, waayo, waxay waayeen waxay ku taqsiiraan, dadka aawadiis; maxaa yeelay, dadkii oo dhammu waxay Ilaah ku ammaaneen wixii la sameeyey.
  • Fal 5:13 : 13 Laakiin kuwii kale midkoodna kuma dhicin inuu iyaga ku darmado, hase ahaatee dadkii waa sharfeen iyaga;
  • Fal 5:40-41 : 40 ¶ Markaasay ku raaceen isaga; oo intay rasuulladii u yeedheen, ayay garaaceen, oo waxay ku amreen inayan magaca Ciise ku hadlin, markaasay sii daayeen. 41 Markaasay shirkii hortiisii ka tageen, iyagoo ku faraxsan in lagu tiriyey inay istaahilaan in Magaca aawadiis loo maamuus jebiyo.
  • Fal 6:3 : 3 Haddaba, walaalayaalow, waxaad dhexdiinna ka xushaan toddoba nin oo sharaf leh, oo ay ka buuxaan Ruuxa iyo xigmaddu, oo aynu u dooranno shuqulkan.
  • Fal 10:22 : 22 Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Korneeliyos oo boqol askari u taliya oo nin xaqa ah, Ilaahna ka cabsada, oo quruunta Yuhuudda oo dhammuna wanaaggiisa u markhaati furto, waxaa u digay isaga malaa'ig quduus ah inuu gurigiisa kuugu yeedho, hadallona kaa maqlo.
  • Fal 14:11-20 : 11 Markii dadkii badnaa arkeen wixii Bawlos sameeyey, ayay codkoodii sare u qaadeen, iyagoo afkii Luka'oniya ku leh, Ilaahyadu waxay inoogu yimaadeen iyagoo sidii niman u eg. 12 Barnabasna waxay u bixiyeen Yubiter; Bawlosna waxay u bixiyeen Merkuriyos, maxaa yeelay, wuxuu ahaa kii hadalka waday. 13 Markaasaa wadaadkii Yubiter oo macbudkiisu ku yiil magaalada horteeda, wuxuu irdaha keenay dibiyo, iyo ubaxyo isku taxan, wuxuuna doonayay inuu dadkii badnaa la sadqeeyo. 14 Laakiin rasuulladii Barnabas iyo Bawlos markay maqleen, ayay dharkoodii jeexjeexeen, oo dadkii badnaa ku soo dhex boodeen, iyagoo ku dhawaaqaya 15 oo leh, Niman yahow, maxaad waxyaalahan u samaynaysaan? Annagu waxaannu nahay niman idinla dabiicad ah, oo waxaannu idiin keenaynaa war wanaagsan inaad ka soo jeesataan waxyaalahan aan micnaha lahayn oo u jeesataan Ilaaha nool, kaasoo sameeyey samada iyo dhulka iyo badda iyo waxyaalaha ku jira oo dhan, 16 kaasoo qarniyada tegey quruumaha oo dhan u oggolaaday inay jidadkooda ku socdaan. 17 Hase ahaatee isu maragfurla'aan iskama sii dayn, laakiin wanaag buu sameeyey, oo wuxuu samada idinka siiyey roob iyo xilliyo barwaaqo ah, isagoo qalbiyadiinna ka dherginaya cunto iyo farxad. 18 Markay waxyaalahaas yidhaahdeen, ayay dadkii badnaa dhib kaga joojiyeen inay u sadqeeyaan iyaga. 19 ¶ Laakiin waxaa Antiyokh iyo Ikoniyon ka yimid Yuhuud, oo markay dadkii badnaa yeelsiiyeen, ayay Bawlos dhagxiyeen, oo magaaladii ka jiideen, iyagoo u malaynaya inuu dhintay. 20 Laakiin intii xertii hareerihiisii taagnaayeen, ayuu kacay, markaasuu magaaladii galay; maalintii dambena wuu ka baxay oo Barnabas u raacay Derbe.
  • Fal 16:20-22 : 20 oo markay xaakinnadana u keeneen, waxay yidhaahdeen, Nimankanu iyagoo Yuhuud ah ayay si weyn magaaladayada u dhibayaan, 21 oo waxay na barayaan caadooyin aan noo xalaal ahayn inaannu aqbalno oo yeelno annagoo reer Rooma ah. 22 Markaasaa dadkii badnaa ku wada kaceen; oo xaakinnadiina dharkoodii bay ka jeexeen, waxayna ku amreen in la uleeyo.
  • Fal 16:39 : 39 Markaasay yimaadeen oo cafi ka baryeen; oo kolkay dibadda u soo saareenna, waxay weyddiisteen inay magaalada ka tagaan.
  • Fal 22:12 : 12 ¶ Oo mid la odhan jiray Ananiyas, oo nin cibaadaysan ahaa sida sharcigu leeyahay, oo ahaa mid Yuhuuddii halkaas joogtay oo dhanba marag wanaagsan u furtay,
  • Fal 24:5 : 5 Maxaa yeelay, waxaannu aragnay in ninkanu yahay nin baas oo fidmad ka dhex kiciya Yuhuudda dunida joogta oo dhan, waana kan horgalaha u ah dariiqada Naasaraaniyiinta;
  • Fal 28:4-9 : 4 Oo barbariyiintiina markay arkeen bahalkii gacantiisa ka laalaaday ayaa midkoodba wuxuu mid kale ku yidhi, Shakila'aan ninkanu waa nin dhiig qaba, waayo, in kastoo uu baddii nabdoonaan kaga baxsaday, haddana xaqnimadu uma oggolaan inuu sii noolaado. 5 Habase yeeshee bahalkii ayuu dabka iskaga tuuray, oo innaba waxyeello ma gaadhin isagii. 6 Laakiin iyagii waxay filanayeen inuu haddiiba bararo ama uu markiiba dhaco isagoo meyd ah; laakiin kolkii ay wakhti dheer dhawrayeen oo ay arkeen inaan waxyeello ku dhicin isagii, ayay fikirradoodii beddeleen, oo waxay isku yidhaahdeen, Isagu waa ilaah. 7 ¶ Haddaba meeshaas waxaa u dhowaa dhulal uu leeyahay ninkii gasiiradda madaxda u ahaa oo magiciisa la odhan jiray Bobliyos. Kaasuna waa na soo dhoweeyey, oo intii saddex maalmood ah ayuu si sharaf ah noo marti qaaday. 8 Oo waxay noqotay in Bobliyos aabbihiis jiifsaday isagoo qandho iyo dabadhiig qaba. Markaasaa Bawlos isagii u galay oo intuu u duceeyey ayuu gacmihiisii saaray oo wuu bogsiiyey isagii. 9 Oo markii waxaas la sameeyey dabadeed ayaa intii kale oo cudurro qabtay oo gasiiraddii joogtay oo dhammu wada yimaadeen, oo iyana waa la bogsiiyey; 10 oo kuwaasuna waxay nagu sharfeen sharaf badan; oo markii aannu dhoofaynay ayay doonnida noo saareen wax alla wixii aannu u baahnayn.
  • Fal 28:22 : 22 Laakiin waxaannu jeclaan lahayn inaannu kaa maqalno waxaad u malaynaysid; maxaa yeelay, xagga dariiqadan waxaannu ka og nahay in meel walba ka gees ahaan lagaga hadlo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 2 Kor 6:3-7
    5 aayado
    81%

    3Annagu ninna wax uu ku turunturoodo uma dhigno, si aan adeegiddayada waxba looga sheegin.

    4Laakiin sida midiidinyada Ilaah ayaannu wax walba isugu caddaynaynaa dulqaadasho badan, annagoo ku dhex jirna dhibaatooyin, iyo baahi, iyo cidhiidhiyo,

    5iyo karbaashyo, iyo xabsiyo, iyo rabshooyin, iyo hawlo, iyo soo jeedid, iyo soomid,

    6annagoo isku caddaynayna daahirnimo, iyo aqoon, iyo samir, iyo roonaan, iyo Ruuxa Quduuskaa, iyo jacayl aan labaweji lahayn,

    7iyo hadalka runtaa, iyo xoogga Ilaah, iyo hubka xaqnimada ee midigta iyo bidixdaba,

  • 2 Kor 6:9-10
    2 aayado
    78%

    9sida kuwo aan la garanaynin laakiin la yaqaan, sida kuwo dhimanaya, laakiin bal eeg, waannu nool nahaye, sida kuwo la edbiyo, laakiin aan dhimasho la gaadhsiin,

    10sida kuwo la calool xumeeyey, laakiin weli had iyo goorba farxa, sida masaakiin, laakiin dad badan hodansiiya, sida kuwo aan waxba haysanin laakiin wax walba leh.

  • 2laakiin waxaannu diidnay waxyaalihii qarsoonaa oo ceebta ahaa, annagoo aan sirta ku soconaynin ama aan ereyga Ilaah qalloocinaynin, laakiin muujinta runta ayaannu niyada dadka oo dhan isugu bognaa Ilaah hortiisa.

  • 2 Kor 13:7-8
    2 aayado
    73%

    7Hadda waxaannu Ilaah ka baryaynaa inaydnaan wax shar ah samayn, mana aha inaannu annagu u muuqanno sidii kuwo loo bogay, laakiinse waa inaad idinku samaysaan waxa wanaagsan, in kastoo aannu nahay sidii kuwo aan loo bogin.

    8Waayo, annagu ma samayn karno wax runta ka gees ah, laakiinse waxaannu samayn karnaa wax runta la jira.

  • 10Annagu waxaannu nahay Masiixa aawadiis doqonno, idinkuse caqli baad ku leedihiin xagga Masiixa. Annagu waa xoog darannahay, idinkuse waad xoog badan tihiin, idinku ammaan baad leedihiin, annaguse waa maamuus la' nahay.

  • 17Waayo, innagu la mid ma nihin kuwa badan ee ereyga Ilaah ka baayacmushtara, laakiin sida kuwa daacadda ah iyo kuwa Ilaah ayaynu Masiix ugu hadallaa Ilaah hortiisa.

  • 1 Tes 2:2-6
    5 aayado
    72%

    2Laakiinse annagoo awil aad ugu xanuunsannay oo lanagu ceebeeyey Filiboy, sidaad og tihiin, waxaannu ku dhiirranaannay Ilaaheenna inaannu injiilka Ilaah idiin sheegno annagoo dhib badan ku jirna.

    3Waayo, waanadayadu kama iman qalad ama wasakh ama khiyaano,

    4laakiinse siduu Ilaah noogu bogay inuu nagu ammaaneeyo injiilka, sidaasaannu u hadalnaa, mana aha inaannu dadka ka farxinno, laakiinse inaannu ka farxinno Ilaaha qalbigayaga imtixaama.

    5Sidaad og tihiin, marnaba kuma aannu isticmaalin hadal sasabasho ah ama damacnimo qarsoon, oo taas Ilaah baa marag ka ah.

    6Dadka xaggiisana ammaan kama aannu doondoonin, ama xaggiinna ha noqoto, ama xagga dad kale, in kastoo aan culaab idinku noqon kari lahayn, annagoo ah rasuulladii Masiixa.

  • 12Dadka oo dhammu way u markhaati furaan Deemeetriyos, runta qudheedu way u markhaati furtaa, annaguna waannu u markhaati furnaa, waanad og tahay in markhaatifurkayagu run yahay.

  • Titus 2:7-8
    2 aayado
    72%

    7Wax walba nafsaddaada masaal ahaan u tus xagga shuqullada wanaagsan; oo cilmigaagana ku tus qummanaan, iyo dhuglahaan,

    8iyo hadal run ah oo aan ceeb lahayn, si midka geesta kaa ahu u ceeboobo, oo uusan u helin wax xun oo uu inaga sheego.

  • 18Laakiin sida uu Ilaah aamin u yahay, hadalkayagu xaggiinna ma aha, Haah, iyo Maya.

  • 71%

    20Waxaannu iska jiraynaa inaan qofna nagu masabidin deeqsinimadan aannu ka adeegno,

    21waayo, waxaannu ka tashannaa waxyaalaha wanaagsan, mana aha Rabbiga hortiisa oo keliya, laakiin dadka hortiisana.

  • 71%

    12Waana hawshoonnaa annagoo gacmahayaga ku shaqayna; markii lana caayona waan ducaynaa; markii lana silciyona waan dulqaadannaa.

    13Markii lana xantona, si qabow ayaannu u hadallaa, waxaannu noqonnay uskagga dunida iyo waxa ugu wasakhsan wax kasta tan iyo haatan.

  • 6Waayo, haddaan dooni lahaa inaan faano, doqon ma ahaan doono, waayo, runtaan ku hadli doonaa; laakiin waan iska celiyaa inaanu qofna ii malayn mid ka weyn wuxuu igu arko ama iga maqlo.

  • 10Idinkuna markhaati baad ka tihiin, Ilaahna wuu ka yahay, sidaannu daahir iyo xaq iyo ceebla'aan kula macaamiloonnay kuwiinna rumaysan.

  • 2¶ Qalbiyadiinna noo fura. Ninna ma aannu xumayn, ninna ma aannu hallayn, ninna wixiisa ma aannu damcin.

  • 16idinkoo qalbi wanaagsan leh, in markii wax xun laydinka sheego, ay ceeboobaan kuwa caaya dabiicaddiinna wanaagsan ee xagga Masiixa ah.

  • 12Annagu haddana isu kiin ammaani mayno, laakiin waxaannu idin siinaynaa waxaad aawadayo ku faantaan, inaad lahaataan waxaad ugu jawaabtaan kuwa wejiga ku faana ee aan qalbiga ku faanin.

  • 12¶ Waxaannu ku faanaynaa, qalbigayaguna marag furayaa, inaannu dunida ugu soconnay quduusnimo iyo daacadnimo xagga Ilaah, ee uguma aan socon xigmadda jidhka laakiinse nimcada Ilaah, oo khusuusan xaggiinna.

  • 15inaad ceeb iyo eed la'aataan, idinkoo ah carruurtii Ilaah oo aan iin lahayn, oo ku dhex jira qarni qalloocan oo qallafsan, kuwaas oo aad uga dhex muuqataan sida nuurar dunida ku dhex jira,

  • 1¶ Runtaan ku sheegayaa Masiixa, oo been sheegi maayo, qalbigayguna marag buu iigu furayaa Ruuxa Quduuskaa

  • Room 3:7-8
    2 aayado
    69%

    7Runta Ilaah hadday beentayda ugu badatay ammaantiisa, de maxaa aniga haddana weli la iigu xukumaa sida mid dembi leh?

    8Maxaannu u odhan weynaa, Shar aan samayno in wanaag yimaado? sida lanoo hafro oo ay qaar naga sheegaan sidii annagoo nidhaahna. Xukunka ay kuwaasu helaan waa xaq.

  • 12Quruumaha dhexdooda dabiicad wanaagsan ku dhaqma, in meeshii ay wax xun idinkaga sheegi lahaayeen sidii idinkoo ah kuwo xumaan fala, ay shuqulladiinna wanaagsan oo ay arkaan Ilaah ku ammaanaan maalinta booqashada.

  • 1¶ In alla intii addoommo ah oo ka hoosaysa harqoodka addoonnimada, sayidyadooda ha ku tiriyeen kuwo maamuus oo dhan istaahila, si aan magaca Ilaah iyo cilmiga loo caayin.

  • 18¶ Noo soo duceeya; waayo, waxaannu hubnaa inaannu leennahay niyo wanaagsan annagoo doonayna inaannu wax kasta si qumman ugu soconno.

  • 14Waayo, haddii aan xaggiisa wax uun idinku faaniyey, ma aan ceeboobin, laakiin wax walba run ahaan ayaannu idinkula hadalnay, sidaas oo kale ayaa faankayagii aan Tiitos u sheegay run u noqday.

  • 8Sidaas daraaddeed ha ka xishoon u markhaatifuridda Rabbigeenna ama aniga oo isaga maxbuus u ah, laakiinse dhibaatada injiilka kaga qayb qaado xoogga Ilaah.

  • 13¶ Kuwaas oo kale waa rasuullo been ah iyo shaqeeyayaal khaa'inno ah iyagoo isu ekaysiinaya rasuullada Masiix.

  • 6sida laydiinku adkeeyey maraggii Masiixa loo furay;

  • 2 Kor 4:8-9
    2 aayado
    68%

    8Wax walba waa lanagu dhibay, laakiin lanama cidhiidhiyin, waannu qalbi walaacnay, laakiin ma aannu quusan,

    9waa lana silciyey, laakiin lanama dayrin, hoos baa lanoo tuuray, laakiin lanama baabbi'in.

  • 8Sidaas daraaddeed waxaa inagu waajib ah inaynu kuwaas oo kale soo dhowayno, si aynu u noqonno kuwa runta kala wada shaqeeya iyaga.

  • 5Taasu waxay muujisaa xukunka xaqa ah ee Ilaah, in laydinku tiriyo kuwo istaahila boqortooyada Ilaah, tan aad daraaddeed u xanuunsataan.

  • 6Iyagu jacaylkaagay kiniisadda horteeda kaga markhaati fureen. Wanaag baad samayn lahayd haddii aad iyaga u ambabbixisid sida Ilaah istaahilo;

  • Ef 6:6-7
    2 aayado
    68%

    6Ha ahaanina kuwo markii loo jeedo oo keliya shaqeeya sida kuwa dadka ka farxiya, laakiinse ahaada sida addoommada Masiixa, idinkoo doonista Ilaah xagga qalbiga ka samaynaya.

    7Niyo wanaagsan ku adeega sida idinkoo Rabbiga u adeegaya oo aan dad u adeegin,

  • 10oo ayan wax ka xadin, laakiin waa inay aaminnimo wanaagsan oo dhan muujiyaan, inay si kasta cilmiga Ilaaha Badbaadiyeheenna ah ammaan ugu soo jiidaan.