1 Yooxanaa 1:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Nolosha waa la muujiyey, oo waannu aragnay, waanan u marag furaynaa, oo waxaannu idiinka warramaynaa nolosha weligeed ah, ta Aabbaha la jirtay oo lanoo muujiyey.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 1:4 : 4 Isaga waxaa ku jirtay nolol, noloshuna waxay ahayd nuurka dadka.
  • 1 Yoox 3:8 : 8 Kii dembi falaa wuxuu yahay kan Ibliiska; oo Ibliisku tan iyo bilowgii ayuu dembaabayay. Taas aawadeed ayuu Wiilka Ilaah u muuqday inuu baabbi'iyo shuqullada Ibliiska.
  • 1 Yoox 5:20 : 20 Waxaynu og nahay in Wiilka Ilaah yimid, oo wuxuu ina siiyey garasho si aynu ugu garanno kan runta ah; innaguna waa ku jirnaa kan runta ah, oo ah Wiilkiisa ee Ciise Masiix ah. Kanu waa Ilaaha runta ah iyo nolosha weligeed ah.
  • 1 Yoox 3:5 : 5 Oo idinku waad og tihiin in isagu u muuqday inuu dembiyadeenna inaga qaado, oo isagu dembi ma leh.
  • 1 Tim 3:16 : 16 Oo muranla'aan qarsoodiga cibaadadu waa weyn yahay. Isaga jidh baa lagu muujiyey, oo ruux baa xaq laga caddeeyey, malaa'iguhuna way arkeen, quruumahana waa laga dhex wacdiyey, dunidana waa laga rumaystay, ammaanna kor baa loogu qaaday.
  • Yoox 14:6 : 6 Markaasaa Ciise wuxuu Toomas ku yidhi, Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee.
  • Yoox 15:27 : 27 Idinkuna waad marag furi doontaan, waayo, tan iyo bilowgii waad ila jirteen.
  • Yoox 17:3 : 3 Tanu waa nolosha weligeed ah inay ku gartaan, adoo ah Ilaaha runta ah oo keliya, iyo inay gartaan Ciise Masiix, kii aad soo dirtay.
  • Fal 3:15 : 15 oo waxaad disheen Amiirkii nolosha, kan Ilaah ka sare kiciyey kuwii dhintay, annaguna markhaatiyaal baannu ka nahay.
  • Yoox 1:1-2 : 1 ¶ Bilowgii waxaa jiray Ereyga, Ereyguna wuxuu la jiray Ilaah, Ereyguna wuxuu ahaa Ilaah. 2 Isagu Ilaah buu la jiray bilowgii.
  • 1 Yoox 1:1 : 1 ¶ Waxaannu idiin soo qoraynaa wax ku saabsan wixii tan iyo bilowgii jiray, oo aannu maqalnay, oo aannu indhahayaga ku aragnay, oo aannu eegnay, oo ay gacmahayagu taabteen oo Ereyga nolosha ah.
  • Yoox 11:25-26 : 25 Ciise ayaa ku yidhi, Anigu waxaan ahay sarakicidda iyo nolosha. Kii i rumaystaa, in kastoo uu dhinto, wuu noolaan doonaa. 26 Kii kasta oo nool oo i rumaystaa weligii ma dhiman doono. Waxan ma rumaysan tahay?
  • Gal 4:4 : 4 laakiinse markii wakhtigii buuxsamay, Ilaah wuxuu soo diray Wiilkiisii, isagoo naag ka dhashay oo sharciga ku hoos dhashay,
  • 1 Yoox 5:11 : 11 Maragguna waa kan, kaas oo ah in Ilaah ina siiyey nolosha weligeed ah, oo ay noloshanu Wiilkiisa ku jirto.
  • 2 Tim 1:10 : 10 laakiinse haatan lagu muujiyey muuqashada Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, kaas oo dhimashada baabbi'iyey, oo nolosha iyo dhimashola'aanta iftiinka ugu soo saaray xagga injiilka,
  • Titus 1:2 : 2 iyagoo rajaynaya nolosha weligeed ah oo Ilaaha aan beenta sheeginu u ballanqaaday waayadii hore hortood,
  • 1 But 5:1 : 1 ¶ Anigoo anba oday la ah oo marag ka ah waxyaalihii Masiixu ku xanuunsaday oo weliba ka qayb qaadanaya ammaanta la muujin doono, waxaan ku waaninayaa odayaasha idinku dhex jira:
  • Maah 8:22-30 : 22 Rabbigu wuxuu i lahaan jiray bilowgii jidkiisa Iyo shuqulladiisii hore ka hor. 23 Aniga aakhirada hore waa lay taagay, waxaan jiray bilowgii ugu horreeyey, Ama intaan dunidu jirin ka hor. 24 Anigu waxaan dhashay intaan moolal jirin ka hor, Iyo intaanay jirin ilo biyo ka buuxaan. 25 Intaan la qotomin buuraha Iyo kuraha ka hor ayaan anigu dhashay, 26 Intaanuu isagu samayn dhulka iyo berrimmada, Amase ciiddii dunida ugu horraysay. 27 Markuu samooyinka hagaajiyey anigu waan joogay, Markuu xariijinta ku wareejiyey moolka dushiisa, 28 Markuu cirka sare taagay, Markii ilaha moolku xoog yeesheen, 29 Markuu badda xad u yeelay Si aan biyuhu amarkiisa ugu xadgudbin, Markuu aasaaskii dhulka dhigay, 30 Markaas anigu isagaan dhinac joogay, anigoo ah sidii hawlhoggaamiye, Oo anigu maalin kasta faraxiisaan ahaa, Oo mar kasta hortiisaan ku rayrayn jiray;
  • Yoox 16:28 : 28 Aabbaha ayaan ka imid oo dunida imid. Haddana waan ka tegayaa dunida oo Aabbahaan u tegayaa.
  • Yoox 1:18 : 18 Ninna ma arkin Ilaah marnaba, Wiilka keliya oo laabta Aabbaha ku jira kaasaa inoo sheegay.
  • Yoox 3:13 : 13 Ninna jannada kor uma tegin, kii jannada ka soo degay maahee, waana Wiilka Aadanaha oo jannada jooga.
  • Yoox 7:29 : 29 Anigu waa aqaan, waayo, isagaan ka imid, wuuna i soo diray.
  • Yoox 8:38 : 38 Waxaan xaggii Aabbahay ku soo arkay ayaan ka hadlaa, idinkuna waxaad samaysaan wixii aydin aabbihiin ka maqasheen.
  • Fal 5:32 : 32 Waxyaalahaas annagaa ka marag ah, waxaa kaloona ka marag ah Ruuxa Quduuska ah oo Ilaah siiyey kuwa addeeca isaga.
  • Fal 10:41 : 41 uma muujin dadka oo dhan, laakiin wuxuu u muujiyey markhaatiyaashii Ilaah hore u doortay, xataa annaga oo isaga wax la cunnay oo la cabnay markuu kuwii dhintay ka soo sara kacay dabadeed.
  • Room 8:3 : 3 Waayo, wax aan sharcigu samayn karayn, maxaa yeelay, wuu itaaldarnaa jidhka aawadiis, ayaa Ilaah sameeyey isagoo Wiilkiisa ku soo diraya u-ekaantii jidhka dembiga leh oo u soo diraya dembiga aawadiis, wuxuuna xukumay dembigii jidhka ku jiray,
  • Room 16:25-26 : 25 ¶ Haddaba ammaanu ha u ahaato kan kara inuu idinku xoogeeyo injiilkayga iyo wacdiga ku saabsan Ciise Masiix iyo muujinta qarsoodiga oo qarsoonaa tan iyo weligiis, 26 laakiinse haatan lagu muujiyey Qorniinka nebiyada sida amarka Ilaaha daa'imka ah oo quruumaha oo dhan loo ogeysiiyey inay addeecaan rumaysadka.
  • Yoox 17:5 : 5 Haddana, Aabbow, adiga qudhaadu igu ammaan ammaantaan kula lahaa intaan dunidu jirin.
  • Yoox 21:14 : 14 Taasu waa markii saddexaad oo Ciise xertii isu muujiyey markii uu kuwa dhintay ka soo sara kacay dabadeed.
  • Fal 1:22 : 22 oo ka bilaabmay baabtiiskii Yooxanaa ilaa maalintii sare laynooga qaaday isaga, iyagii midkood waa inuu markhaati ina gala ahaado sarakiciddiisa.
  • Fal 2:32 : 32 Ciisahan Ilaah baa sara kiciyey, annagoo dhammuna markhaatiyaal baan ka wada nahay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1¶ Waxaannu idiin soo qoraynaa wax ku saabsan wixii tan iyo bilowgii jiray, oo aannu maqalnay, oo aannu indhahayaga ku aragnay, oo aannu eegnay, oo ay gacmahayagu taabteen oo Ereyga nolosha ah.

  • 1 Yoox 1:3-7
    5 aayado
    89%

    3Wixii aannu aragnay oo aannu maqalnay ayaannu idiinka warramaynaa, si aad idinkuna noo soo wehelisaan; oo wehelnimadeennu waa mid la jirta Aabbaha iyo Wiilkiisa Ciise Masiix ah.

    4Oo waxaannu waxyaalahan idiinku soo qoraynaa si ay farxaddiinnu u buuxsanto.

    5¶ Warkii aannu ka maqalnay oo aan idiinka warramayno wuxuu yahay, in Ilaah nuur yahay, oo isaga aan gudcur ku jirin innaba.

    6Haddaynu nidhaahno, Wehelnimo ayaynu la wadaagnaa isaga, oo aynu gudcurka ku soconno, been baynu sheegnaa, oo runta ma falno.

    7Laakiin haddaynu nuurka ku soconno siduu isaguba nuurka ugu jiro, wehelnimo ayaynu isla wada wadaagnaa, oo dhiigga Ciise, oo Wiilkiisa ah, wuxuu inaga nadiifiyaa dembi oo dhan.

  • Yoox 1:14-16
    3 aayado
    80%

    14Ereyguna jidh buu noqday, oo waa ina dhex joogay, oo waxaannu aragnay ammaantiisii, taas oo ahayd ammaantii u ekayd tan Wiilka keliya ee Aabbaha, ee nimco iyo run ka buuxa.

    15Yooxanaa waa u marag furay isaga, wuxuuna ku qayliyey oo yidhi, Kanu waa kii aan idhi, Kan iga daba imanayaa waa iga horreeyey, waayo, hortay buu jiray.

    16Dhammaanteen waxaynu buuxnaantiisa ka helnay nimco ka nimco.

  • Yoox 1:1-10
    10 aayado
    80%

    1¶ Bilowgii waxaa jiray Ereyga, Ereyguna wuxuu la jiray Ilaah, Ereyguna wuxuu ahaa Ilaah.

    2Isagu Ilaah buu la jiray bilowgii.

    3Wax walba waxaa laga sameeyey xaggiisa, oo wixii la sameeyey lama samayn isaga la'aantiis.

    4Isaga waxaa ku jirtay nolol, noloshuna waxay ahayd nuurka dadka.

    5Nuurkuna wuxuu ka ifayaa gudcurka, gudcurkuna kama badin.

    6¶ Waxaa jiray nin xagga Ilaah laga soo diray, magiciisuna wuxuu ahaa Yooxanaa.

    7Isagu wuxuu u yimid markhaati furid, inuu u marag furo nuurka, inay dhammaan xaggiisa ka wada rumaystaan.

    8Isagu nuurka ma uu ahayn, laakiin wuxuu u yimid inuu nuurka u marag furo.

    9Kaasu wuxuu ahaa nuurka runta ah oo iftiimiya nin walba oo dunida yimaada.

    10¶ Wuxuu ku jiray dunida, dunidana waxaa laga sameeyey xaggiisa, oo duniduna ma ay garanayn isaga.

  • 18Ninna ma arkin Ilaah marnaba, Wiilka keliya oo laabta Aabbaha ku jira kaasaa inoo sheegay.

  • 11Maragguna waa kan, kaas oo ah in Ilaah ina siiyey nolosha weligeed ah, oo ay noloshanu Wiilkiisa ku jirto.

  • 16¶ Annagu ma aannu raacin sheekooyin khiyaano lagu hindisay, markii aannu idin ogeysiinnay xoogga iyo imaatinka Rabbigeenna Ciise Masiix, laakiinse waxaannu ahayn markhaatiyaal indhaha ku arkay weynaantiisa.

  • 2kaasoo ka markhaati furay erayga Ilaah iyo markhaatifuridda Ciise Masiix, iyo wixii uu isagu arkay oo dhan.

  • Luuk 1:1-2
    2 aayado
    75%

    1¶ Dad badan waxay ku dadaaleen inay soo hagaajiyaan sheeko ku saabsan wixii dhexdayada lagu sameeyey oo la hubsaday,

    2siday noo ogeysiiyeen kuwii tan iyo bilowgii arkay oo Ereygii u shaqeeyey.

  • 9Ilaah baa Wiilkiisa keliya oo dhashay dunida u soo diray si aynu ugu noolaanno isaga, oo taasaa jacaylka Ilaah laynoogu muujiyey.

  • 75%

    24Haddaba idinku waxaad tan iyo bilowgii maqlayseen ha idinku sii jiro. Haddii wixii aad tan iyo bilowgii maqlayseen idinku sii jiro, idinkuna waxaad ku sii jiri doontaan Wiilka iyo Aabbaha.

    25Oo kanu waa ballankii uu inoogu ballanqaaday oo ah nolosha weligeed ah.

  • 2 Yoox 1:2-3
    2 aayado
    74%

    2runta inagu dhex jirta, weligeedna inagu dhex jiri doonta aawadeed.

    3Nimco iyo naxariis iyo nabad ka yimaada Ilaaha Aabbaha ah iyo Ciise Masiix oo ah Wiilka Aabbaha ayaa inala jiri doona xagga runta iyo jacaylka.

  • 20Waxaynu og nahay in Wiilka Ilaah yimid, oo wuxuu ina siiyey garasho si aynu ugu garanno kan runta ah; innaguna waa ku jirnaa kan runta ah, oo ah Wiilkiisa ee Ciise Masiix ah. Kanu waa Ilaaha runta ah iyo nolosha weligeed ah.

  • 74%

    12Cidina Ilaah ma arkin marnaba. Haddii aynu isjeclaanno, Ilaah wuu inagu jiraa, oo jacaylkiisu wuu inagu dhan yahay.

    13¶ Ruuxiisuu ina siiyey oo taasaynu ku garanaynaa inaynu ku sii jirno isaga, isaguna inagu sii jiro.

    14Innagu waynu aragnay oo waxaynu markhaati u furaynaa in Aabbuhu Wiilka soo diray si uu Badbaadiyaha dunida u noqdo.

  • 20Isaga horaa loo yiqiin intaan dunida la aasaasin, laakiinse wakhtiyadii dhammaadkoodii ayaa loo muujiyey idinka aawadiin,

  • 1 Yoox 3:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Bal ogaada siduu yahay jacaylka Aabbuhu ina siiyey, taasoo ah in laynoogu yeedho carruurta Ilaah, oo saasaynu nahay. Sidaa aawadeed dunidu ina garan mayso, maxaa yeelay, isagaba ma ay garanaynin.

    2Gacaliyayaalow, imminka waxaynu nahay carruurta Ilaah; oo weli waxaynu noqon doonno lama muujin, laakiin waxaynu og nahay in goortuu muuqdo aynu noqon doonno sidiisa oo kale, waayo, waynu arki doonnaa isaga siduu yahay.

  • 10laakiinse haatan lagu muujiyey muuqashada Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, kaas oo dhimashada baabbi'iyey, oo nolosha iyo dhimashola'aanta iftiinka ugu soo saaray xagga injiilka,

  • 34Anigu waan arkay, waana u marag furay in kanu yahay Wiilka Ilaah.

  • 12Dadka oo dhammu way u markhaati furaan Deemeetriyos, runta qudheedu way u markhaati furtaa, annaguna waannu u markhaati furnaa, waanad og tahay in markhaatifurkayagu run yahay.

  • 18Oo codkaas aannu maqalnay wuxuu ka yimid samada markii aannu buurta quduuska ah isaga la joognay.

  • 11Oo kanu waa warkii aad tan iyo bilowgii maqlayseen, kaasoo ah inaynu isjeclaanno,

  • 11Runtii, runtii, waxaan ku leeyahay, Waxaannu naqaan ayaannu ka hadalnaa, oo waxaannu aragnay ayaannu ka marag furnaa, idinkuna maraggayaga ma aqbashaan.

  • 13¶ Waxyaalahan waxaan idiinku soo qoray, idinka oo rumaystay magaca Wiilka Ilaah, si aad u ogaataan inaad nolosha weligeed ah leedihiin.

  • 6¶ Kanu waa kii biyo iyo dhiig ku yimid, oo ah Ciise Masiix; biyo keliya kuma iman, laakiin wuxuu ku yimid biyo iyo dhiig.

  • 27Idinkuna waad marag furi doontaan, waayo, tan iyo bilowgii waad ila jirteen.

  • 8Oo weliba qaynuun cusub ayaan idiin soo qorayaa, kaas oo isaga iyo idinkaba run idinku dhex ah, maxaa yeelay, gudcurku waa dhammaanayaa, oo nuurka runta ahuna imminkuu iftiimayaa.

  • 71%

    13Aabbayaashow, wax baan idiin soo qorayaa, maxaa yeelay, waad garanaysaan kan tan iyo bilowgii jira. Ragga dhallinyarada ahow, wax baan idiin soo qorayaa, maxaa yeelay, idinku kan sharka ah ayaad ka adkaateen. Carruurtaydiiyey, wax baan idiin soo qoray, maxaa yeelay, Aabbaha waad garanaysaan.

    14Aabbayaashow, wax baan idiin soo qoray, maxaa yeelay, waad garanaysaan kan tan iyo bilowgii jira. Ragga dhallinyarada ahow, wax baan idiin soo qoray, maxaa yeelay, waad xoog weyn tihiin, oo ereyga Ilaah baa idinku jira, oo kan sharka ah ayaad ka adkaateen.

  • 5Oo haatan waxaan kaa baryayaa, murwoy, sidii anigoo aan kuu soo qorayn amar cusub laakiinse kii aynu tan iyo bilowgii haysannay, kaasoo ah inaynu isjeclaanno.