1 Yooxanaa 2:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiin kan walaalkii neceb, gudcurkuu ku jiraa, oo gudcurkuu ku socdaa, oo garan maayo meeshuu marayo, waayo, gudcurkaa indhihiisa tiray.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 12:35 : 35 Ciise haddaba ayaa ku yidhi, Weli in yar nuurka ayaa idinla jiraya. Socda intaad nuurka haysataan, si aan gudcurku idiin soo gaadhin. Kan gudcurka ku socdaana ma yaqaan meeshuu u socdo.
  • 1 Yoox 2:9 : 9 Kan yidhaahda, Nuurkaan ku jiraa, oo walaalkiis neceb, wuxuu ku jiraa gudcurka ilaa imminkada.
  • Muj 3:17 : 17 Waxaad tidhaahdaa, Taajir baan ahay, oo maal baan helay, oo waxba uma baahni, oo ma ogid inaad tahay tan belaysan, oo loo naxo, oo miskiinka ah, oo indhaha la', oo qaawan.
  • Maah 4:19 : 19 Jidka kuwa sharka lahuna waa sida gudcurka oo kale. Oo iyagu garan maayaan waxay ku turunturoodaan.
  • Yoox 12:40 : 40 Wuu indhatiray, qalbigoodana ayuu engejiyey, Si aanay indhahooda wax ugu arkin, oo aanay qalbigoodana wax ugu garan, Oo aanay u soo noqon, Oo aanan u bogsiin.
  • 2 Kor 3:14 : 14 Laakiin fikirradoodii way adkaadeen. Waayo, tan iyo maalintaas markii axdiga hore la akhriyo, indho shareerkaas ayaa hadha isagoo aan laga saarin, kan xagga Masiix ka idlaaday.
  • 2 Kor 4:4 : 4 Ilaaha wakhtigani wuu ka indho tiray maanka kuwa aan rumaysanaynin, inaan iftiinka injiilka ee ammaanta Masiix, kan ah u-ekaanta Ilaah, uu ifin iyaga.
  • Titus 3:3 : 3 Waayo, innaguba waa baynu ahayn nacasyo, iyo caasiyiin, iyo kuwa la khiyaaneeyey, iyo addoommada damacyada xaaraanta ah iyo raaxooyinka kala duduwan, oo waxaynu ku socon jirnay xumaan iyo xaasidnimo, oo waxaynu ahaan jirnay kuwo la nebcaaday oo iyana midba midka kale neceb yahay.
  • 1 Yoox 1:6 : 6 Haddaynu nidhaahno, Wehelnimo ayaynu la wadaagnaa isaga, oo aynu gudcurka ku soconno, been baynu sheegnaa, oo runta ma falno.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 90%

    8Oo weliba qaynuun cusub ayaan idiin soo qorayaa, kaas oo isaga iyo idinkaba run idinku dhex ah, maxaa yeelay, gudcurku waa dhammaanayaa, oo nuurka runta ahuna imminkuu iftiimayaa.

    9Kan yidhaahda, Nuurkaan ku jiraa, oo walaalkiis neceb, wuxuu ku jiraa gudcurka ilaa imminkada.

    10Kan walaalkii jecel, nuurkuu ku jiraa, oo wax lagu xumaado kuma jiro isaga.

  • 81%

    10Tan ayay carruurta Ilaah iyo carruurta Ibliisku ku kala muuqdaan; ku alla kii aan xaqnimo falin ma aha kan Ilaah, oo waxaa la mid ah kan aan walaalkii jeclayn.

    11Oo kanu waa warkii aad tan iyo bilowgii maqlayseen, kaasoo ah inaynu isjeclaanno,

    12oo aynaan ahaanin sida Qaabiil oo ahaa kan sharka leh oo walaalkii dilay. Oo muxuu u dilay? Waayo, shuqulladiisu waxay ahaayeen shar, oo kuwii walaalkiisna xaq bay ahaayeen.

    13¶ Walaalayaalow, ha la yaabina haddii ay dunidu idin neceb tahay.

    14Waxaynu og nahay inaynu dhimashada ka soo gudubnay oo aynu u soo gudubnay nolosha, maxaa yeelay, walaalaha ayaynu jecel nahay. Oo ka aan walaalkii jeclayn, dhimashaduu ku sii hadhaa.

    15Ku alla kii walaalkii neceb waa dhiigqabe, oo idinkuna waad og tihiin inaanu dhiigqabena lahayn nolosha weligeed ah oo ku sii jiraysa.

    16Taasaynu jacaylka ku garanaynaa, waayo, isagu naftiisuu u bixiyey aawadeen; oo innaguna waa inaynu nafteenna u bixinno walaalaheen.

    17Laakiin kan leh xoolaha dunidan, oo arka walaalkiis oo baahan, oo qalbigiisa ka xidha, sidee baa jacaylka Ilaah ugu jiraa isaga?

    18Carruurtaydiiyey, yeynan ku jeclaanin hadalka iyo afka toona, laakiin camalka iyo runta aan ku jeclaanno.

  • 79%

    20Haddii qof yidhaahdo, Ilaah waan jeclahay, oo uu walaalkiis neceb yahay, waa beenaaleh, maxaa yeelay, kan aan jeclayn walaalkii uu arko sidee buu u jeclaan karaa Ilaaha uusan arag?

    21Oo waxaynu isaga ka haysannaa qaynuunkan, kaas oo ah, Kii Ilaah jecel, walaalkiina ha jeclaado.

  • Yoox 3:19-21
    3 aayado
    76%

    19Kanu waa xukunka, nuurka ayaa dunida yimid, dadkiise waxay nuurkii ka jeclaadeen gudcurka, maxaa yeelay, shuqulladoodu shar bay ahaayeen.

    20Nin kastoo shar falaa nuurkuu nebcaadaa, umana yimaado nuurka, si aan shuqulladiisa loogu canaanan.

    21Laakiinse kii runta falaa, nuurkuu yimaadaa si shuqulladiisu u muuqdaan in Ilaah laga sameeyey.

  • 1 Yoox 1:5-8
    4 aayado
    75%

    5¶ Warkii aannu ka maqalnay oo aan idiinka warramayno wuxuu yahay, in Ilaah nuur yahay, oo isaga aan gudcur ku jirin innaba.

    6Haddaynu nidhaahno, Wehelnimo ayaynu la wadaagnaa isaga, oo aynu gudcurka ku soconno, been baynu sheegnaa, oo runta ma falno.

    7Laakiin haddaynu nuurka ku soconno siduu isaguba nuurka ugu jiro, wehelnimo ayaynu isla wada wadaagnaa, oo dhiigga Ciise, oo Wiilkiisa ah, wuxuu inaga nadiifiyaa dembi oo dhan.

    8Haddaynu nidhaahno, Dembi ma lihin, nafsaddeenna ayaynu khiyaanaynaa, oo runtuna inaguma jirto.

  • 10Laakiin qof hadduu habeenka socdo, wuu turunturoodaa, waayo, iftiinku kuma jiro isaga.

  • 23Laakiin ishaadu hadday xun tahay, jidhkaaga oo dhammi gudcur buu ahaan doonaa. Haddaba iftiinka kugu jira hadduu gudcur yahay, gudcurkaasu sidee buu u weyn yahay!

  • 71%

    34Ilayska jidhkaagu waa ishaada, ishaaduna markay hagaagsan tahay, jidhkaaga oo dhammu waa iftiimaa, laakiin goortay xun tahay, jidhkaaguna waa gudcur.

    35Haddaba iska jir si iftiinka kugu jiraa aanu gudcur u ahaan.

  • 5Nuurkuna wuxuu ka ifayaa gudcurka, gudcurkuna kama badin.

  • 19Jidka kuwa sharka lahuna waa sida gudcurka oo kale. Oo iyagu garan maayaan waxay ku turunturoodaan.

  • 35Ciise haddaba ayaa ku yidhi, Weli in yar nuurka ayaa idinla jiraya. Socda intaad nuurka haysataan, si aan gudcurku idiin soo gaadhin. Kan gudcurka ku socdaana ma yaqaan meeshuu u socdo.

  • 12¶ Wax baan idiin soo qorayaa, carruurtiiyey, maxaa yeelay, dembiyadiinnii waa laydinka cafiyey magiciisa aawadiis.

  • 23Kii i neceb, waxaa kaluu neceb yahay Aabbahay.

  • 11Gacaliyow, ha ku dayan waxa sharka ah, laakiinse ku dayo waxa wanaagsan. Ka samafalaa waa ku Ilaah, ka shar falaase Ilaah ma uu arkin.

  • 23Haddaba haddaad hadiyaddaada meesha allabariga keento, oo meeshaas aad ku xusuusatid in walaalkaa wax kuu haysto,

  • 69%

    8haatanse waxaad Rabbiga ku tihiin nuur; haddaba u socda sida carruurta nuurka,

  • 15Dunida iyo waxyaalaha dunida ku jira toona ha jeclaanina. Qof uun hadduu dunida jeclaado, jacaylka Aabbuhu kuma jiro isaga.

  • 9Waayo, kii waxyaalahaasu ka maqan yihiin wuu indha la' yahay oo arag gaaban yahay, oo wuxuu illoobay in dembiyadiisii hore laga safeeyey.

  • 6Ku alla kii isaga ku sii jiraa, ma dembaabo; ku alla kii dembaabaa ma uu arkin isaga, oo weliba ma yaqaan isaga.

  • 8Oo ka aan jeclaynina Ilaah ma yaqaan; waayo, Ilaah waa jacayl.

  • 36Laakiinse kii igu dembaabaa naftiisuu wax yeelaa, Kuwa aniga i neceb oo dhammu waxay jecel yihiin dhimasho.

  • 6Kan yidhaahda, Isagaan ku jiraa, waa inuu u socdaa siduu isagu u socday.

  • 1 Tes 5:4-5
    2 aayado
    68%

    4Laakiinse idinku, walaalayaalow, gudcur kuma jirtaan in maalintaasu sida tuug idiin qabato.

    5Waayo, kulligiin waxaad tihiin carruurta nuurka iyo carruurta maalinnimada, innagu ma nihin kuwa habeennimada iyo gudcurka;

  • 18Waxgarashadoodii way madoobaatay, oo jaahilnimada iyaga ku jirta aawadeed iyo qalbi engegnaantooda aawadeed ayay ajanabi uga noqdeen nolosha Ilaah.

  • 7Dunidu idinma nebcaan karto, anigase way i neceb tahay, waayo, waxaan ka marag furaa in shuqulladeedu ay shar yihiin.

  • 26In kastoo nacaybkiisu khiyaano isku daboolo, Xumaantiisa ayaa shirka lagu hor muujin doonaa.

  • 17Xaqdarrada oo dhammu waa dembi; oo waxaa jira dembi aan xagga dhimashada ahayn.

  • 13Oo qummanaanta waddooyinkeeda ka taga, Si ay jidadka gudcurka ugu socdaan,

  • 18¶ Dunidu hadday idin nebcaato, waad garanaysaan inay hortiin i nebcaatay.

  • 12Necbaantu waxay kicisaa isqabashada, Laakiinse jacaylku xadgudubyada oo dhan buu qariyaa.

  • 4Kan yidhaahda, Waan aqaan isaga, oo aan qaynuunnadiisa adkayn, waa beenaaleh, oo runtu kuma jirto isaga.

  • 11¶ Xumaan ha iskaga hadlina, walaalayaalow. Kii xumaan walaalkiis kaga hadlaa ama walaalkiis xukumaa, sharciga ayuu xumaan kaga hadlaa, sharcigana wuu xukumaa. Haddaad sharciga xukuntid, adigu ma ihid mid sharciga yeela, laakiin waxaad tahay mid isaga xukuma.