1 Boqorradii 10:15

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

oo intaasuna kuma jirin wixii ay keeni jireen geddisleyda iyo baayacmushtariyaasha, iyo boqorradii dalka Carabta oo dhan, iyo taliyayaashii waddanka.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Taar 9:24 : 24 Oo afarta dhinacba waxaa joogay iridjoogayaashii xagga bari, iyo xagga galbeed, iyo xagga woqooyi, iyo xagga koonfureedba.
  • 2 Taar 9:13-14 : 13 ¶ Haddaba dahabkii sannad kasta Sulaymaan u iman jiray miisaankiisu wuxuu ahaa lix boqol iyo lix iyo lixdan talanti oo dahab ah, 14 oo intaasu kuma jirin wixii ay keeni jireen geddisleyda iyo baayacmushtariyaashu, oo boqorradii dalka Carabta iyo taliyayaashii waddanka oo dhammuna waxay Sulaymaan u keeni jireen dahab iyo lacag.
  • Sab 72:10 : 10 Boqorrada Tarshiish iyo kuwa gasiiraduhuba waxay isaga u keeni doonaan gabbaro, Boqorrada Shebaa iyo kuwa Sebaana waxay isaga siin doonaan hadiyado.
  • Ish 21:13 : 13 ¶ Kanu waa warka culus ee dalka Carabta ku saabsan. Kuwiinna safarka ah oo reer Dedaanow, waxaad ku hoyan doontaan kaynta dalka Carabta.
  • Gal 4:25 : 25 Haagaartanu waa Buur Siinay oo Carabiya ku taal, oo waxay ka dhigan tahay Yeruusaalemta haatan joogta; waayo, waa la addoonsaday iyada iyo carruurteedaba.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 89%

    12Oo Boqor Sulaymaanna wuxuu boqoraddii Shebaa siiyey wax alla wixii ay doonaysay oo dhan oo ay weyddiisatay, iyo weliba wax ka sii badan wixii ay boqorka u keentay. Markaasay noqotay oo dalkeedii tagtay iyada iyo addoommadeediiba.

    13¶ Haddaba dahabkii sannad kasta Sulaymaan u iman jiray miisaankiisu wuxuu ahaa lix boqol iyo lix iyo lixdan talanti oo dahab ah,

    14oo intaasu kuma jirin wixii ay keeni jireen geddisleyda iyo baayacmushtariyaashu, oo boqorradii dalka Carabta iyo taliyayaashii waddanka oo dhammuna waxay Sulaymaan u keeni jireen dahab iyo lacag.

    15Markaasaa Boqor Sulaymaan wuxuu sameeyey laba boqol oo gaashaan oo waaweyn oo dahab la tumay ah, oo gaashaan weynba waxaa galay lix boqol oo sheqel oo dahab la tumay ah.

  • 81%

    10Markaasay boqorkii siisay boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah, iyo uunsi faro badan, iyo dhagaxyo qaali ah; uma iman uunsi dambe oo u badan sidii kii boqoradda Shebaa ay siisay Boqor Sulaymaan.

    11Oo Xiiraam doonniyihiisii Oofir dahab ka keenay, waxay kaloo Oofir ka keeneen geedo almuug ah oo badan, iyo dhagaxyo qaali ah.

  • 79%

    13Oo Boqor Sulaymaanna wuxuu boqoraddii Shebaa siiyey wax alla wixii ay doonaysay oo dhan oo ay weyddiisatay, oo ayan ku jirin wixii uu Sulaymaan u siiyey sharafta boqornimadiisa, markaasay noqotay oo dalkeedii tagtay iyadii iyo addoommadeediiba.

    14¶ Haddaba dahabkii sannad kasta Sulaymaan u iman jiray miisaankiisu wuxuu ahaa lix boqol iyo lix iyo lixdan talanti oo dahab ah,

  • 78%

    21Oo Boqor Sulaymaan weelashiisii wax lagu cabbi jiray oo dhammu waxay wada ahaayeen dahab; gurigii kaynta Lubnaan weelashiisii oo dhammuna waxay wada ahaayeen dahab saafi ah, oo midna lagama samayn lacag, waayo, wakhtigii Sulaymaan lacag waxba qiimo ma lahayn.

    22Maxaa yeelay, boqorku wuxuu badda ku lahaa doonniyo Tarshiish u dhoofa oo ay la jiraan Xiiraam doonniyihiisa; oo saddexdii sannadoodba mar bay doonniyihii Tarshiish iman jireen, oo waxay keeni jireen dahab, iyo lacag, iyo foolmaroodi, iyo daayeerro, iyo daa'uusyo.

    23Sidaasuu Boqor Sulaymaan xagga maalka iyo xagga xigmaddaba ugaga hor maray boqorradii dunida oo dhan.

    24Oo dunida oo dhammuna waxay doondooneen Sulaymaan inay arkaan oo ay maqlaan xigmaddii Ilaah qalbigiisa geliyey.

    25Oo nin waluba wuxuu sannad kasta u keeni jiray hadiyaddiis oo ay ka mid yihiin weelal lacag ah, iyo weelal dahab ah, iyo dhar, iyo hub, iyo uunsi, iyo fardo, iyo baqlo.

    26Sulaymaanna wuxuu urursaday gaadhifardood iyo rag fardooley ah; oo wuxuu lahaa kun iyo afar boqol oo gaadhifaras, iyo laba iyo toban kun oo nin oo fardooley ah, oo wuxuu fadhiisiyey magaalooyinkii gaadhifardoodka, oo qaarna boqorkay Yeruusaalem la joogeen.

    27Oo boqorku wuxuu lacag Yeruusaalem kaga dhigay sida dhagaxyo oo kale, oo geedo kedar ahna wuxuu u soo badiyey oo ka dhigay sida geedaha darayga ah oo dhulka hoose ka baxa oo kale.

    28Fardihii Sulaymaan haystayna waxaa laga keenay dalka Masar, oo boqorka baayacmushtariyaashiisii ayaa raxan raxan u soo kaxeeyey, iyagoo raxanba iib gaar ah siiyey.

    29Oo gaadhifaras wuxuu Masar kaga soo bixi jiray lix boqol oo sheqel oo lacag ah, farasna boqol iyo konton sheqel; oo saasoo kalay ugu wada keeni jireen boqorradii reer Xeed oo dhan iyo boqorradii reer Suuriyaba.

  • 78%

    9Markaasay boqorkii siisay boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah, iyo uunsi faro badan, iyo dhagaxyo qaali ah; oo boqoraddii Shebaa uunsigii ay Boqor Sulaymaan siisay oo kale ma jirin.

    10Oo Xuuraam addoommadiisii iyo Sulaymaan addoommadiisii oo Oofir dahab ka keenay, waxay kaloo keeneen geedo almuug ah iyo dhagaxyo qaali ah.

  • Yex 27:21-23
    3 aayado
    77%

    21Carabiya iyo amiirradii reer Qedaar oo dhammu waxay kuu soo iib geeysan jireen baraar, iyo wanan iyo orgi: oo waxaasay kaaga baayacmushtari jireen.

    22Oo reer Shebaa iyo reer Racmaahna way kula baayacmushtari jireen, oo waxay alaabtaadii kaga baayacmushtari jireen xawaashka ugu fiican, iyo dhagxan kasta oo qaali ah, iyo dahab.

    23Oo waxaa kaloo kula baayacmushtari jiray Xaaraan, iyo Kanneeh, iyo Ceeden, iyo baayacmushtariyaashii Shebaa, iyo Ashuur, iyo Kilmad oo dhan.

  • 1 Boq 10:1-5
    5 aayado
    77%

    1¶ Boqoraddii Shebaa markay maqashay Sulaymaan warkiisii ku saabsanaa xagga magaca Rabbiga ayay ugu timid inay ku imtixaanto su'aalo adadag.

    2Oo waxay Yeruusaalem la timid dad aad u badan, iyo awr badan oo ay ku raran yihiin uunsi, iyo dahab aad u badan, iyo dhagaxyo qaali ah; oo markay Sulaymaan u timid wixii qalbigeeda ku jiray oo dhan ayay kala hadashay.

    3Sulaymaanna wuxuu uga jawaabay su'aalaheedii oo dhan; oo wax boqorka ka qarsoonaa oo uusan u sheegin ma jirin.

    4Boqoraddii Shebaana markay aragtay xigmaddii Sulaymaan oo dhan, iyo gurigii uu dhisay,

    5iyo cuntadii miiskiisa, iyo fadhigii addoommadiisa, iyo hawshii adeegayaashiisa, iyo dharkoodii, iyo kuwiisii cabniinka siin jiray, iyo wixii uu guriga Rabbiga ku fuuli jiray, naf dambe iyadii kuma hadhin.

  • 75%

    15Oo boqorku wuxuu lacag iyo dahabba Yeruusaalem kaga dhigay sida dhagaxyo oo kale. Oo geedo kedar ahna wuxuu u soo badiyey oo ka dhigay sida geedaha darayga ah oo dhulka hoose ka baxa oo kale.

    16Oo Sulaymaan farduhuu haystayna waxaa laga keenay dalka Masar, oo boqorka baayacmushtariyaashiisii ayaa raxan raxan u soo kaxeeyey iyagoo raxanba iib gaar ah siiyey.

    17Oo gaadhifaras wuxuu Masar kaga soo bixi jiray lix boqol oo sheqel oo lacag ah, farasna boqol iyo konton sheqel; oo saasoo kalay ugu wada keeni jireen boqorradii reer Xeed oo dhan iyo boqorradii reer Suuriyaba.

  • 74%

    16Markaasaa Boqor Sulaymaan wuxuu sameeyey laba boqol oo gaashaan waaweyn oo dahab la tumay ah; oo gaashaan weynba waxaa galay lix boqol oo sheqel oo dahab ah.

    17Oo haddana wuxuu kaloo sameeyey saddex boqol oo gaashaan oo yaryar oo dahab la tumay ah, oo gaashaan yarba waxaa galay saddex mina oo dahab ah, markaasaa boqorku iyagii dhigay gurigii ku yiil kaynta Lubnaan.

  • 74%

    20Oo Boqor Sulaymaan weelashiisii wax lagu cabbi jiray oo dhammu waxay wada ahaayeen dahab, gurigii kaynta Lubnaan weelashiisii oo dhammuna waxay wada ahaayeen dahab saafi ah; wakhtigii Sulaymaan lacag waxba qiimo ma lahayn.

    21Maxaa yeelay, boqorku wuxuu lahaa doonniyo Tarshiish u dhoofa oo waxay raaceen addoommadii Xuuraam, oo saddexdii sannadoodba mar bay doonniyihii Tarshiish iman jireen, oo waxay keeni jireen dahab, iyo lacag, iyo foolmaroodi, iyo daayeerro, iyo daa'uusyo.

    22Sidaasuu Boqor Sulaymaan xagga maalka iyo xagga xigmaddaba ugaga hor maray boqorradii dunida oo dhan.

    23Oo boqorradii dunida oo dhammuna waxay doondooneen Sulaymaan inay arkaan oo ay maqlaan xigmaddii Ilaah qalbigiisa geliyey.

    24Oo nin waluba wuxuu sannad kasta u keeni jiray hadiyaddiis oo ay ka mid yihiin weelal lacag ah, iyo weelal dahab ah, iyo dhar, iyo hub, iyo uunsi, iyo fardo, iyo baqlo.

  • 28Waxayna yimaadeen Oofir, oo halkaasay Boqor Sulaymaan uga keeneen afar boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah.

  • 18Oo Xuuraamna wuxuu gacanta addoommadiisii ugu sii dhiibay doonniyo iyo addoommo badda aqoon u leh, oo iyagu waxay addoommadii Sulaymaan u soo raaceen Oofir, oo halkaasayna Boqor Sulaymaan uga keeneen afar boqol iyo konton talanti oo dahab ah.

  • 1¶ Boqoraddii Shebaa markay maqashay Sulaymaan warkiisii ayay Sulaymaan ugu timid Yeruusaalem inay ku imtixaanto su'aalo adadag, oo waxay wadatay dad aad u badan, iyo awr badan oo ay ku raran yihiin uunsi, iyo dahab aad u badan, iyo dhagaxyo qaali ah; oo markay Sulaymaan u timid wixii qalbigeeda ku jiray oo dhan ayay kala hadashay.

  • 14Xiiraamna wuxuu boqorkii u diray boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah.

  • 15Dadkii reer Dedaanna way kula baayacmushtari jireen, oo gasiirado badan ayaa kuu ahaan jiray meelahaad ku baayacmushtartid, oo waxay kuu keeni jireen foolmaroodi iyo qori haabniim ah.

  • Muj 18:12-13
    2 aayado
    71%

    12shixnaddaas oo ah dahab, iyo lacag, iyo dhagaxyo qaali ah, iyo luul, iyo dhar wanaagsan, iyo dhar guduudan, iyo xariir, iyo dhar cas, iyo alwaax kasta oo tu'inos ah, iyo weel kasta oo foolmaroodi laga sameeyey, iyo weel kasta oo alwaax qaali ah laga sameeyey, iyo kuwa laga sameeyey naxaas, iyo bir, iyo marmar,

    13iyo qorfe, iyo xawaash, iyo uunsi, iyo barafuun, iyo foox, iyo khamri, iyo saliid, iyo bur wanaagsan, iyo sarreen, iyo lo', iyo ido, iyo fardo, iyo gaadhifardood, iyo addoommo, iyo nafaha dadka.

  • 28Oo Sulaymaanna fardo waxaa looga keeni jiray Masar iyo dalalka kale oo dhanba.

  • 10Boqorrada Tarshiish iyo kuwa gasiiraduhuba waxay isaga u keeni doonaan gabbaro, Boqorrada Shebaa iyo kuwa Sebaana waxay isaga siin doonaan hadiyado.

  • 12ayaa xigmad iyo aqoonba lagu siiyey, oo anna waxaan ku siinayaa maal, iyo hodan, iyo sharaf ayan lahaan jirin boqorradii kaa horreeyey oo dhammu, oo ayan kuwa kaa dambeeya oo dhammuna taasoo kale lahaan doonin.

  • 12Tarshiish waxay ahayd tii kula baayacmushtari jirtay hodantinimadaadii badnayd ee cayn kasta ahayd aawadeed, oo waxay alaabtaadii kaga baayacmushtari jirtay lacag, iyo bir, iyo qasacad, iyo alxan.

  • 11Sulaymaanna wuxuu Xiiraam siiyey labaatan kun oo kor oo sarreen ah oo reerkiisu quuto, iyo labaatan kor oo saliid saafiya ah; oo Sulaymaan intaasuu sannad kasta siin jiray Xiiraam.

  • 24iyo boqorrada Carabiya oo dhan, iyo boqorrada dadka isku qasan oo lamadegaanka dhex deggan oo dhan,