1 Boqorradii 10:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Haddaba dahabkii sannad kasta Sulaymaan u iman jiray miisaankiisu wuxuu ahaa lix boqol iyo lix iyo lixdan talanti oo dahab ah,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 9:28 : 28 Waxayna yimaadeen Oofir, oo halkaasay Boqor Sulaymaan uga keeneen afar boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah.
  • 2 Taar 9:13-28 : 13 ¶ Haddaba dahabkii sannad kasta Sulaymaan u iman jiray miisaankiisu wuxuu ahaa lix boqol iyo lix iyo lixdan talanti oo dahab ah, 14 oo intaasu kuma jirin wixii ay keeni jireen geddisleyda iyo baayacmushtariyaashu, oo boqorradii dalka Carabta iyo taliyayaashii waddanka oo dhammuna waxay Sulaymaan u keeni jireen dahab iyo lacag. 15 Markaasaa Boqor Sulaymaan wuxuu sameeyey laba boqol oo gaashaan oo waaweyn oo dahab la tumay ah, oo gaashaan weynba waxaa galay lix boqol oo sheqel oo dahab la tumay ah. 16 Oo haddana wuxuu kaloo sameeyey saddex boqol oo gaashaan oo yaryar oo dahab la tumay ah, oo gaashaan yarba waxaa galay saddex boqol oo sheqel oo dahab ah; markaasaa boqorku iyagii dhigay gurigii ku yiil kaynta Lubnaan. 17 Oo weliba boqorku wuxuu kaloo sameeyey carshi weyn oo foolmaroodi ah, oo wuxuu ku dahaadhay dahab saafi ah. 18 Carshigu wuxuu lahaa jaranjaro lix tallaabo ah; oo waxaa la jiray cagodhig dahab ah oo carshiga ku xidhan, oo kursiga meeshii lagu fadhiisto labadeeda dhinacba waxay lahayd meelo xusullada la saarto, oo meelaha xusullada la saartana dhinacooda waxaa taagnaa laba libaax. 19 Oo jaranjaradii lixdeedii tallaabo labadooda dhinac waxaa ka taagnaa laba iyo toban libaax, oo boqortooyona saas oo kale looguma samayn. 20 Oo Boqor Sulaymaan weelashiisii wax lagu cabbi jiray oo dhammu waxay wada ahaayeen dahab, gurigii kaynta Lubnaan weelashiisii oo dhammuna waxay wada ahaayeen dahab saafi ah; wakhtigii Sulaymaan lacag waxba qiimo ma lahayn. 21 Maxaa yeelay, boqorku wuxuu lahaa doonniyo Tarshiish u dhoofa oo waxay raaceen addoommadii Xuuraam, oo saddexdii sannadoodba mar bay doonniyihii Tarshiish iman jireen, oo waxay keeni jireen dahab, iyo lacag, iyo foolmaroodi, iyo daayeerro, iyo daa'uusyo. 22 Sidaasuu Boqor Sulaymaan xagga maalka iyo xagga xigmaddaba ugaga hor maray boqorradii dunida oo dhan. 23 Oo boqorradii dunida oo dhammuna waxay doondooneen Sulaymaan inay arkaan oo ay maqlaan xigmaddii Ilaah qalbigiisa geliyey. 24 Oo nin waluba wuxuu sannad kasta u keeni jiray hadiyaddiis oo ay ka mid yihiin weelal lacag ah, iyo weelal dahab ah, iyo dhar, iyo hub, iyo uunsi, iyo fardo, iyo baqlo. 25 Sulaymaanna wuxuu lahaa afar kun oo xero oo fardaha iyo gaadhifardoodka lagu xereeyo, iyo laba iyo toban kun oo nin oo fardooley ah, oo wuxuu fadhiisiyey magaalooyinkii gaadhifardoodka, oo qaarna boqorkay Yeruusaalem la joogeen. 26 Oo wuxuu u wada talin jiray kulli boqorradii joogay Webiga ilaa dalka reer Falastiin iyo ilaa soohdinta Masar. 27 Oo boqorku wuxuu lacag Yeruusaalem kaga dhigay sida dhagaxyo oo kale, oo geedo kedar ahna wuxuu u soo badiyey oo ka dhigay sida geedaha darayga ah oo dhulka hoose ka baxa oo kale. 28 Oo Sulaymaanna fardo waxaa looga keeni jiray Masar iyo dalalka kale oo dhanba.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 96%

    12Oo Boqor Sulaymaanna wuxuu boqoraddii Shebaa siiyey wax alla wixii ay doonaysay oo dhan oo ay weyddiisatay, iyo weliba wax ka sii badan wixii ay boqorka u keentay. Markaasay noqotay oo dalkeedii tagtay iyada iyo addoommadeediiba.

    13¶ Haddaba dahabkii sannad kasta Sulaymaan u iman jiray miisaankiisu wuxuu ahaa lix boqol iyo lix iyo lixdan talanti oo dahab ah,

    14oo intaasu kuma jirin wixii ay keeni jireen geddisleyda iyo baayacmushtariyaashu, oo boqorradii dalka Carabta iyo taliyayaashii waddanka oo dhammuna waxay Sulaymaan u keeni jireen dahab iyo lacag.

    15Markaasaa Boqor Sulaymaan wuxuu sameeyey laba boqol oo gaashaan oo waaweyn oo dahab la tumay ah, oo gaashaan weynba waxaa galay lix boqol oo sheqel oo dahab la tumay ah.

    16Oo haddana wuxuu kaloo sameeyey saddex boqol oo gaashaan oo yaryar oo dahab la tumay ah, oo gaashaan yarba waxaa galay saddex boqol oo sheqel oo dahab ah; markaasaa boqorku iyagii dhigay gurigii ku yiil kaynta Lubnaan.

  • 80%

    10Markaasay boqorkii siisay boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah, iyo uunsi faro badan, iyo dhagaxyo qaali ah; uma iman uunsi dambe oo u badan sidii kii boqoradda Shebaa ay siisay Boqor Sulaymaan.

    11Oo Xiiraam doonniyihiisii Oofir dahab ka keenay, waxay kaloo Oofir ka keeneen geedo almuug ah oo badan, iyo dhagaxyo qaali ah.

  • 79%

    15oo intaasuna kuma jirin wixii ay keeni jireen geddisleyda iyo baayacmushtariyaasha, iyo boqorradii dalka Carabta oo dhan, iyo taliyayaashii waddanka.

    16Markaasaa Boqor Sulaymaan wuxuu sameeyey laba boqol oo gaashaan waaweyn oo dahab la tumay ah; oo gaashaan weynba waxaa galay lix boqol oo sheqel oo dahab ah.

    17Oo haddana wuxuu kaloo sameeyey saddex boqol oo gaashaan oo yaryar oo dahab la tumay ah, oo gaashaan yarba waxaa galay saddex mina oo dahab ah, markaasaa boqorku iyagii dhigay gurigii ku yiil kaynta Lubnaan.

  • 14Xiiraamna wuxuu boqorkii u diray boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah.

  • 13Oo Boqor Sulaymaanna wuxuu boqoraddii Shebaa siiyey wax alla wixii ay doonaysay oo dhan oo ay weyddiisatay, oo ayan ku jirin wixii uu Sulaymaan u siiyey sharafta boqornimadiisa, markaasay noqotay oo dalkeedii tagtay iyadii iyo addoommadeediiba.

  • 9Markaasay boqorkii siisay boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah, iyo uunsi faro badan, iyo dhagaxyo qaali ah; oo boqoraddii Shebaa uunsigii ay Boqor Sulaymaan siisay oo kale ma jirin.

  • 28Waxayna yimaadeen Oofir, oo halkaasay Boqor Sulaymaan uga keeneen afar boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah.

  • 74%

    21Oo Boqor Sulaymaan weelashiisii wax lagu cabbi jiray oo dhammu waxay wada ahaayeen dahab; gurigii kaynta Lubnaan weelashiisii oo dhammuna waxay wada ahaayeen dahab saafi ah, oo midna lagama samayn lacag, waayo, wakhtigii Sulaymaan lacag waxba qiimo ma lahayn.

    22Maxaa yeelay, boqorku wuxuu badda ku lahaa doonniyo Tarshiish u dhoofa oo ay la jiraan Xiiraam doonniyihiisa; oo saddexdii sannadoodba mar bay doonniyihii Tarshiish iman jireen, oo waxay keeni jireen dahab, iyo lacag, iyo foolmaroodi, iyo daayeerro, iyo daa'uusyo.

    23Sidaasuu Boqor Sulaymaan xagga maalka iyo xagga xigmaddaba ugaga hor maray boqorradii dunida oo dhan.

    24Oo dunida oo dhammuna waxay doondooneen Sulaymaan inay arkaan oo ay maqlaan xigmaddii Ilaah qalbigiisa geliyey.

    25Oo nin waluba wuxuu sannad kasta u keeni jiray hadiyaddiis oo ay ka mid yihiin weelal lacag ah, iyo weelal dahab ah, iyo dhar, iyo hub, iyo uunsi, iyo fardo, iyo baqlo.

    26Sulaymaanna wuxuu urursaday gaadhifardood iyo rag fardooley ah; oo wuxuu lahaa kun iyo afar boqol oo gaadhifaras, iyo laba iyo toban kun oo nin oo fardooley ah, oo wuxuu fadhiisiyey magaalooyinkii gaadhifardoodka, oo qaarna boqorkay Yeruusaalem la joogeen.

  • 1 Boq 10:1-4
    4 aayado
    73%

    1¶ Boqoraddii Shebaa markay maqashay Sulaymaan warkiisii ku saabsanaa xagga magaca Rabbiga ayay ugu timid inay ku imtixaanto su'aalo adadag.

    2Oo waxay Yeruusaalem la timid dad aad u badan, iyo awr badan oo ay ku raran yihiin uunsi, iyo dahab aad u badan, iyo dhagaxyo qaali ah; oo markay Sulaymaan u timid wixii qalbigeeda ku jiray oo dhan ayay kala hadashay.

    3Sulaymaanna wuxuu uga jawaabay su'aalaheedii oo dhan; oo wax boqorka ka qarsoonaa oo uusan u sheegin ma jirin.

    4Boqoraddii Shebaana markay aragtay xigmaddii Sulaymaan oo dhan, iyo gurigii uu dhisay,

  • 26Waxaan iyaga u miisaamay oo gacanta u geliyey lix boqol iyo konton talanti oo lacag ah, iyo weelal lacag ah oo iyana boqol talanti ah, iyo boqol talanti oo dahab ah,

  • 1¶ Boqoraddii Shebaa markay maqashay Sulaymaan warkiisii ayay Sulaymaan ugu timid Yeruusaalem inay ku imtixaanto su'aalo adadag, oo waxay wadatay dad aad u badan, iyo awr badan oo ay ku raran yihiin uunsi, iyo dahab aad u badan, iyo dhagaxyo qaali ah; oo markay Sulaymaan u timid wixii qalbigeeda ku jiray oo dhan ayay kala hadashay.

  • 18Oo Xuuraamna wuxuu gacanta addoommadiisii ugu sii dhiibay doonniyo iyo addoommo badda aqoon u leh, oo iyagu waxay addoommadii Sulaymaan u soo raaceen Oofir, oo halkaasayna Boqor Sulaymaan uga keeneen afar boqol iyo konton talanti oo dahab ah.

  • Bax 38:24-25
    2 aayado
    71%

    24¶ Oo dahabkii la bixiyey oo loogu isticmaalay hawshii meesha quduuskaa oo dhammu wuxuu ahaa sagaal iyo labaatan talanti, iyo toddoba boqol iyo soddon sheqel, oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah.

    25Oo shirka intiisii la tiriyey lacagtoodii waxay ahayd boqol talanti, iyo kun iyo toddoba boqol iyo shan iyo toddobaatan sheqel, oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah.

  • 71%

    22Sidaasuu Boqor Sulaymaan xagga maalka iyo xagga xigmaddaba ugaga hor maray boqorradii dunida oo dhan.

    23Oo boqorradii dunida oo dhammuna waxay doondooneen Sulaymaan inay arkaan oo ay maqlaan xigmaddii Ilaah qalbigiisa geliyey.

    24Oo nin waluba wuxuu sannad kasta u keeni jiray hadiyaddiis oo ay ka mid yihiin weelal lacag ah, iyo weelal dahab ah, iyo dhar, iyo hub, iyo uunsi, iyo fardo, iyo baqlo.

  • 15Oo Sulaymaanna wuxuu lahaa toddobaatan kun oo xammaal iyo siddeetan kun oo nin oo buuraha geedo ka jari jiray.

  • 22Oo Sulaymaan maalintiiba wuxuu masruufan jiray soddon kor oo bur ah, iyo lixdan kor oo jidhiidh ah,

  • 20Oo Boqor Sulaymaan weelashiisii wax lagu cabbi jiray oo dhammu waxay wada ahaayeen dahab, gurigii kaynta Lubnaan weelashiisii oo dhammuna waxay wada ahaayeen dahab saafi ah; wakhtigii Sulaymaan lacag waxba qiimo ma lahayn.

  • 14Haddaba bal eeg, anoo dhibaataysan waxaan guriga Rabbiga u diyaarshay boqol kun oo talanti oo dahab ah, iyo kun kun oo talanti oo lacag ah, iyo naxaas iyo bir aan miisaan lahayn, waayo, aad bay u badan yihiin, oo weliba waxaan kaloo diyaariyey alwaax iyo dhagxan, oo adiguna intaas wax baad ku sii dari karaysaa.

  • 69%

    28Fardihii Sulaymaan haystayna waxaa laga keenay dalka Masar, oo boqorka baayacmushtariyaashiisii ayaa raxan raxan u soo kaxeeyey, iyagoo raxanba iib gaar ah siiyey.

    29Oo gaadhifaras wuxuu Masar kaga soo bixi jiray lix boqol oo sheqel oo lacag ah, farasna boqol iyo konton sheqel; oo saasoo kalay ugu wada keeni jireen boqorradii reer Xeed oo dhan iyo boqorradii reer Suuriyaba.

  • 86Oo laba iyo tobanka malqacadood oo dahabka ahna waxaa ka wada buuxay foox, oo mid kastaaba waxay ahayd toban sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo malqacadaha oo dhan dahabkoodu wuxuu ahaa boqol iyo labaatan sheqel.

  • 47Oo Sulaymaanna weelashii oo dhan ma uu miisaamin, maxaa yeelay, aad iyo aad bay u badnaayeen; oo naxaasta miisaankeeda lama hubin.

  • 14iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.

  • 2Markaasaa Sulaymaan wuxuu qortay toddobaatan kun oo xammaal, iyo siddeetan kun oo nin oo buuraha dhagax ka jari jiray, iyo saddex kun iyo lix boqol oo nin oo iyaga u taliya.

  • 21Sidaasuu Sulaymaan gurigii gudaha ku yiil ugu dahaadhay dahab saafi ah; oo silsilado dahab ah ayuu ku xidhay meeshii quduuska ahayd horteeda, wuxuuna ku wada dahaadhay dahab.

  • 17Oo gaadhifaras wuxuu Masar kaga soo bixi jiray lix boqol oo sheqel oo lacag ah, farasna boqol iyo konton sheqel; oo saasoo kalay ugu wada keeni jireen boqorradii reer Xeed oo dhan iyo boqorradii reer Suuriyaba.

  • 7Oo adeegidda guriga Ilaah daraaddeed waxay u bixiyeen shan kun oo talanti iyo toban kun oo dirham oo dahab ah, iyo toban kun oo talanti oo lacag ah, iyo siddeed iyo toban kun oo talanti oo naxaas ah, iyo boqol kun oo talanti oo bir ah.

  • 26Oo hilqadihii dahabka ahaa oo uu weyddiistay miisaankoodii wuxuu noqday kun iyo toddoba boqol oo sheqel oo dahab ah, intaasoo aanay ku jirin bilihii, iyo murriyadihii, iyo dharkii guduudnaa oo ay boqorradii reer Midyaan xidhnaayeen, iyo silsiladihii sudhnaa qoorta awrtooda.

  • 17Markaasaa Sulaymaan wada tiriyey shisheeyayaashii dalka Israa'iil degganaa oo dhan, oo wuxuu u tiriyey sidii aabbihiis Daa'uud u tiriyey oo kale, oo waxay noqdeen boqol iyo saddex iyo konton kun iyo lix boqol oo qof.

  • 3Boqoraddii Shebaana markay aragtay xigmaddii Sulaymaan iyo gurigii uu dhisay,

  • 11Sulaymaanna wuxuu Xiiraam siiyey labaatan kun oo kor oo sarreen ah oo reerkiisu quuto, iyo labaatan kor oo saliid saafiya ah; oo Sulaymaan intaasuu sannad kasta siin jiray Xiiraam.

  • 14iyo tilmaantii dahabkii loo miisaami lahaa weelasha dahabka ah, oo ah kulli weelasha lagu adeegi lahaa cayn kasta oo adeegid ah, iyo tii lacagtii loo miisaami lahaa kulli weelasha lacagta ah oo ah kulli weelasha lagu adeegi lahaa cayn kasta oo adeegid ah,