Baxniintii 38:24
¶ Oo dahabkii la bixiyey oo loogu isticmaalay hawshii meesha quduuskaa oo dhammu wuxuu ahaa sagaal iyo labaatan talanti, iyo toddoba boqol iyo soddon sheqel, oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah.
¶ Oo dahabkii la bixiyey oo loogu isticmaalay hawshii meesha quduuskaa oo dhammu wuxuu ahaa sagaal iyo labaatan talanti, iyo toddoba boqol iyo soddon sheqel, oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
25Oo shirka intiisii la tiriyey lacagtoodii waxay ahayd boqol talanti, iyo kun iyo toddoba boqol iyo shan iyo toddobaatan sheqel, oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah.
26Waxaa nin kastaa bixiyey beqac, kaas oo ah nus sheqel, oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo kulli intii u gudubtay kuwii la tiriyey, intii jirtay labaatan sanadood iyo wixii ka sii weyn, waxay ahaayeen lix boqol iyo saddex kun, iyo shan boqol iyo konton nin.
27Oo saldhigyada meesha quduuska ah iyo saldhigyada ilxidhku waxay ka samaysmeen boqolkii talanti oo lacagta ahaa, boqol saldhig baa laga sameeyey boqolkii talanti, saldhigba talanti baa laga sameeyey.
28Kun iyo toddoba boqol iyo shan iyo toddobaatanka sheqel ayuu tiirarka qabsatooyinkoodii ka sameeyey, oo wuxuuna ku dahaadhay tiirarka madaxyadoodii, wuxuuna ka sameeyey waxyaalihii tiirarka laysugu wada xidhay.
29Naxaastii la bixiyey waxay ahayd toddobaatan talanti, iyo laba kun iyo afar boqol oo sheqel.
30Oo wuxuu naxaastii ka sameeyey iriddii teendhada shirka saldhigyadeedii, iyo meeshii naxaasta ahayd oo allabariga, iyo shabaggeedii naxaasta ahaa, iyo alaabtii meesha allabariga oo dhan,
24Oo iyada iyo alaabteeda oo dhanba wuxuu ka sameeyey talanti dahab saafi ah.
38Oo birqaabyadeeda iyo alaabteeda lagu safeeyoba waa inay dahab saafi ah ahaadaan.
39Oo iyada iyo alaabtan oo dhanba waa in talanti dahab saafi ah laga sameeyaa.
51Oo Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa iyagay ka qaadeen dahabkii oo ahaa wax kasta oo laysku sharxo oo dahab laga sameeyey.
52Oo dahabkii qurbaanka sare loo qaado oo dhan oo ay kun-u-taliyayaasha iyo boqol-u-taliyayaashu Rabbiga u bixiyeen wuxuu ahaa lix iyo toban kun iyo toddoba boqol iyo konton sheqel.
14iyo tilmaantii dahabkii loo miisaami lahaa weelasha dahabka ah, oo ah kulli weelasha lagu adeegi lahaa cayn kasta oo adeegid ah, iyo tii lacagtii loo miisaami lahaa kulli weelasha lacagta ah oo ah kulli weelasha lagu adeegi lahaa cayn kasta oo adeegid ah,
15iyo weliba tii dahabkii loo miisaami lahaa laambadaha dahabka ah, iyo laambadahooda yaryar ee dahabka ah oo dhan, laambad kasta iyo laambadaheeda yaryarba miisaankooda, iyo tii lacagtii loo miisaami lahaa laambadaha lacagta ah, laambad kasta iyo laambadaheeda yaryarba miisaankooda, si waafaqsan wixii laambad kasta lagu qaban lahaa,
16iyo tii dahabkii loo miisaami lahaa miisaska kibista tusniinta, miis kasta miisaankiisa, iyo tii lacagtii miisaska lacagta ah,
17iyo tilmaantii mudacyada, iyo maddiibadaha, iyo koobabka laga samayn lahaa dahab saafi ah, oo baaquliyada dahabka ahna baaquli kasta dahabkiisii miisaankiisa, oo baquliyada lacagta ahna baquli kasta lacagtiisii miisaankeeda,
18iyo tilmaantii girgiraha fooxa dahabkiisa la safeeyey miisaankiisa, iyo tilmaantii dahabka loo miisaami lahaa naqshadda gaadhifaraska, iyo keruubiimtii baalashooda kala bixisay oo ku qarisay sanduuqii axdiga Rabbiga.
7Oo adeegidda guriga Ilaah daraaddeed waxay u bixiyeen shan kun oo talanti iyo toban kun oo dirham oo dahab ah, iyo toban kun oo talanti oo lacag ah, iyo siddeed iyo toban kun oo talanti oo naxaas ah, iyo boqol kun oo talanti oo bir ah.
3Oo qurbaanka aad ka qaadayso waxa weeyaan: dahab, iyo lacag, iyo naxaas,
85Oo miisaanka saxan kastaa oo lacag ah wuxuu ahaa boqol iyo soddon sheqel, oo kan maddiibad kastaana wuxuu ahaa toddobaatan sheqel, oo weelasha oo dhan lacagtoodu waxay ahayd laba kun iyo afar boqol oo sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah.
86Oo laba iyo tobanka malqacadood oo dahabka ahna waxaa ka wada buuxay foox, oo mid kastaaba waxay ahayd toban sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo malqacadaha oo dhan dahabkoodu wuxuu ahaa boqol iyo labaatan sheqel.
4waxa weeye saddex kun oo talanti oo dahab ah oo weliba ah dahabkii Oofir, iyo toddoba kun oo talanti oo ah lacag la safeeyey, in lagu dahaadho guryaha derbiyadoodii oo dhan,
5iyo in dahab laga sameeyo alaab dahab ah, iyo in lacag laga sameeyo alaab lacag ah, iyo shuqul kasta oo ay kuwa sancada yaqaan gacmahooda ku qabtaan. Haddaba yaa raalli ka ah oo maantadan nafsaddiisa Rabbiga u bixinaya?
37Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis,
38iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.
25oo waxaan u miisaamay lacagtii iyo dahabkii iyo weelashii ahaa qurbaankii loo bixiyey guriga Ilaah oo ay wada bixiyeen boqorkii iyo lataliyayaashiisii iyo amiirradiisii, iyo reer binu Israa'iilkii halkaas joogay oo dhan.
26Waxaan iyaga u miisaamay oo gacanta u geliyey lix boqol iyo konton talanti oo lacag ah, iyo weelal lacag ah oo iyana boqol talanti ah, iyo boqol talanti oo dahab ah,
27iyo labaatan maddiibadood oo dahab ah oo iyana kun dirham ah, iyo laba weel oo ah naxaas dhalaalaysa oo sida dahab qaali u ah.
23Oo waxaa isaga la jiray Aaholii'aab oo ahaa ina Axiisaamaag, oo qabiilkiisu ahaa Daan, oo wuxuu ahaa mid wax xardha, oo aad iyo aad u farsamo badan, iyo mid yaqaan sida loo daabaco buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.
19Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis,
20iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.
3Oo waxay dahabkii u tumeen sidii caleemo khafiif ah oo kale, markaasay googooyeen oo silig ka dhigeen, in looga shaqeeyo buluuggii, iyo guduudkii, iyo casaankii, iyo maradii wanaagsanayd, oo la daabacay.
14Haddaba bal eeg, anoo dhibaataysan waxaan guriga Rabbiga u diyaarshay boqol kun oo talanti oo dahab ah, iyo kun kun oo talanti oo lacag ah, iyo naxaas iyo bir aan miisaan lahayn, waayo, aad bay u badan yihiin, oo weliba waxaan kaloo diyaariyey alwaax iyo dhagxan, oo adiguna intaas wax baad ku sii dari karaysaa.
25Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis,
26iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.
8Oo wuxuu sameeyey gurigii ugu wada quduusnaa, dhererkiisuna wuxuu le'ekaa guriga ballaadhkiisa oo labaatan dhudhun ahaa, oo ballaadhkiisuna wuxuu ahaa labaatan dhudhun, oo isagana wuxuu ku dahaadhay dahab wanaagsan oo gaadhaya lix boqol oo talanti.
9Oo musmaarrada miisaankooduna wuxuu ahaa konton sheqel oo dahab ah, oo qolalkii sarena wuxuu ku dahaadhay dahab.
31Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis,
32iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel oo foox ka buuxo.
49Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis,
79Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis,
80iyo malqacad dahab ah oo miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.
43Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaankii hadhuudhka aawadiis,
44iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.
72Oo dadka intiisii kale wixii ay bixiyeen waxay ahaayeen labaatan kun oo dirham oo dahab ah, iyo laba kun oo mina oo lacag ah, iyo toddoba iyo lixdan khamiis oo ah dhar wadaadood.
14Xiiraamna wuxuu boqorkii u diray boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah.
73Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis,
74iyo malqacad dahab ah oo miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.
24Oo mid kasta oo qurbaan lacag iyo naxaas ah bixiyey wuxuu u bixiyey Rabbiga; oo nin kasta oo laga helay qori qudhac ah wuxuu u keenay hawsha adeegidda aawadeed.
14iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.
26Oo hilqadihii dahabka ahaa oo uu weyddiistay miisaankoodii wuxuu noqday kun iyo toddoba boqol oo sheqel oo dahab ah, intaasoo aanay ku jirin bilihii, iyo murriyadihii, iyo dharkii guduudnaa oo ay boqorradii reer Midyaan xidhnaayeen, iyo silsiladihii sudhnaa qoorta awrtooda.