Baxniintii 25:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo qurbaanka aad ka qaadayso waxa weeyaan: dahab, iyo lacag, iyo naxaas,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 8:9 : 9 oo waa dal aad waayitaanla'aan kibis kaga cunaysaan oo aydaan waxba uga baahnayn, waa dal dhagaxyadiisu ay bir yihiin, oo aad buurihiisana naxaas ka qodan doontaan.
  • Ayuub 28:2 : 2 Birta waxaa laga soo bixiyaa ciidda, Oo naxaastana waxaa laga dhalaaliyaa dhagaxa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 35:4-6
    3 aayado
    90%

    4¶ Oo Muuse wuxuu la hadlay shirkii reer binu Israa'iil oo dhan, isagoo leh, Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray, isagoo leh,

    5Idinku dhexdiinna waa inaad wax Rabbiga isaga ururisaan. Mid kasta oo qalbigiisu raalli ka yahay, ha keeno qurbaanka Rabbiga, kaasoo ah dahab, iyo lacag, iyo naxaas,

    6iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, iyo dhogor riyaad,

  • Bax 25:1-2
    2 aayado
    84%

    1¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu la hadlay Muuse, oo ku yidhi,

    2Waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Qurbaan ii ururiya, oo nin kasta oo qalbigiisu raalli ka yahay waa inaad ka qaaddaa qurbaankayga.

  • 29Naxaastii la bixiyey waxay ahayd toddobaatan talanti, iyo laba kun iyo afar boqol oo sheqel.

  • Bax 35:22-24
    3 aayado
    78%

    22Oo in alla intii raalliga ahayd way yimaadeen, rag iyo dumarba, oo waxay keeneen dugaagado, iyo hilqado, iyo kaatunno, iyo murriyado, iyo wax kasta oo laysku sharxo oo dahab ah; oo nin kastaaba wuxuu Rabbiga u bixiyey wax dahab ah.

    23Oo nin walba, oo laga helay buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, iyo dhogor riyaad, iyo wanan hargahood oo la caseeyey, iyo adhidibadeed hargahoodba wuu keenay.

    24Oo mid kasta oo qurbaan lacag iyo naxaas ah bixiyey wuxuu u bixiyey Rabbiga; oo nin kasta oo laga helay qori qudhac ah wuxuu u keenay hawsha adeegidda aawadeed.

  • Tir 31:50-52
    3 aayado
    77%

    50Oo annagu waannu keennay qurbaankii Rabbiga, kaas oo ah wixii dahab ah oo nin waluba helay, kuwaasoo ah silsilado, iyo dugaagado, iyo kaatunno, iyo hilqado, iyo murriyado, inaannu naftayada Rabbiga hortiisa u kafaaro gudno.

    51Oo Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa iyagay ka qaadeen dahabkii oo ahaa wax kasta oo laysku sharxo oo dahab laga sameeyey.

    52Oo dahabkii qurbaanka sare loo qaado oo dhan oo ay kun-u-taliyayaasha iyo boqol-u-taliyayaashu Rabbiga u bixiyeen wuxuu ahaa lix iyo toban kun iyo toddoba boqol iyo konton sheqel.

  • 77%

    5iyo in dahab laga sameeyo alaab dahab ah, iyo in lacag laga sameeyo alaab lacag ah, iyo shuqul kasta oo ay kuwa sancada yaqaan gacmahooda ku qabtaan. Haddaba yaa raalli ka ah oo maantadan nafsaddiisa Rabbiga u bixinaya?

    6Markaas amiirradii reeraha iyo amiirradii qabiilooyinka reer binu Israa'iil iyo kuwii kun kun u taliyey, iyo kuwii boqol boqol u taliyey, iyo taliyayaashii boqorka hawshiisa xukumi jirayba waxay bixiyeen wax ay raalli ka yihiin.

    7Oo adeegidda guriga Ilaah daraaddeed waxay u bixiyeen shan kun oo talanti iyo toban kun oo dirham oo dahab ah, iyo toban kun oo talanti oo lacag ah, iyo siddeed iyo toban kun oo talanti oo naxaas ah, iyo boqol kun oo talanti oo bir ah.

  • 39Oo iyada iyo alaabtan oo dhanba waa in talanti dahab saafi ah laga sameeyaa.

  • Bax 38:24-25
    2 aayado
    77%

    24¶ Oo dahabkii la bixiyey oo loogu isticmaalay hawshii meesha quduuskaa oo dhammu wuxuu ahaa sagaal iyo labaatan talanti, iyo toddoba boqol iyo soddon sheqel, oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah.

    25Oo shirka intiisii la tiriyey lacagtoodii waxay ahayd boqol talanti, iyo kun iyo toddoba boqol iyo shan iyo toddobaatan sheqel, oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah.

  • 4iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, iyo dhogor riyaad,

  • Cesr 8:27-28
    2 aayado
    76%

    27iyo labaatan maddiibadood oo dahab ah oo iyana kun dirham ah, iyo laba weel oo ah naxaas dhalaalaysa oo sida dahab qaali u ah.

    28Oo markaasaan ku idhi, Idinku Rabbigaad quduus u tihiin oo weelashuna waa quduus, oo lacagta iyo dahabka waa qurbaan ikhtiyaar loogu bixiyey Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin.

  • 5Oo ha qaateen dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.

  • 25oo waxaan u miisaamay lacagtii iyo dahabkii iyo weelashii ahaa qurbaankii loo bixiyey guriga Ilaah oo ay wada bixiyeen boqorkii iyo lataliyayaashiisii iyo amiirradiisii, iyo reer binu Israa'iilkii halkaas joogay oo dhan.

  • 16iyo kulli lacagta iyo dahabka aad ka heli doonto gobolka Baabuloon oo dhan, iyo qurbaanka dadku ikhtiyaarka u bixiyo, iyo kan wadaaddadu ay ikhtiyaarkooda ugu bixiyaan guriga Ilaahooda oo Yeruusaalem ku yaal aawadiis,

  • 3Markaasay Muuse ka guddoomeen wixii la bixiyey oo dhan, oo ay reer binu Israa'iil u keeneen shuqulka adeegidda meesha quduuska ah, inay ka sameeyaan. Oo haddana waxay weliba subax walba u keeni jireen waxay raalli ka yihiin.

  • 22Habase yeeshee dahabka, iyo lacagta, iyo naxaasta, iyo birta, iyo waxa daasadda ah, iyo waxa rasaasta ah,

  • 14iyo tilmaantii dahabkii loo miisaami lahaa weelasha dahabka ah, oo ah kulli weelasha lagu adeegi lahaa cayn kasta oo adeegid ah, iyo tii lacagtii loo miisaami lahaa kulli weelasha lacagta ah oo ah kulli weelasha lagu adeegi lahaa cayn kasta oo adeegid ah,

  • 29Oo reer binu Israa'iil waxay Rabbiga u bixiyeen qurbaan ay raalli ka yihiin; oo waxay ahaayeen dad rag iyo dumarba leh oo qalbigoodu raalli ka ahaa inay u keenaan shuqulka Rabbigu Muuse ku amray in la sameeyo oo dhan.

  • 19Laakiinse lacagta, iyo dahabka, iyo alaabta naxaasta iyo birta ah oo dhammu waxay quduus u yihiin Rabbiga, oo iyaga waa in la soo geliyaa khasnadda Rabbiga.

  • 2Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Markii nin idinka mid ahu uu Rabbiga qurbaan u bixinayo, qurbaankiinna waxaad ka bixisaan xoolaha, kuwaasoo ah lo'da iyo idaha.

  • 25Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis,

  • 15Oo sirkaalkii askartu wuxuu la tegey dabqaadayaashii, iyo maddiibadihii; intii dahabka ahayd, dahab ahaan buu u qaaday, intii lacagta ahaydna lacag ahaan.

  • 29badhkooda intaas ka qaad, oo waxaad wadaadka Elecaasaar ah u siisaa Rabbiga qurbaankiisa sare loo qaado.

  • 29Oo hadiyadaha aad heshaan oo dhanba waa inaad ka bixisaan qurbaan kasta oo Rabbiga oo sare loo qaado intooda ugu wanaagsan oo ah inta ugu wada quduusan.

  • Bax 32:2-3
    2 aayado
    73%

    2Markaasaa Haaruun wuxuu iyagii ku yidhi, Soo bixiya hilqadaha dahabka ah oo dhegaha ugu jira naagihiinna, iyo wiilashiinna, iyo gabdhihiinna, oo ii keena.

    3Markaasaa dadkii oo dhammu waxay soo bixiyeen hilqadihii dahabka ahaa oo dhegaha ugu jiray oo waxay u keeneen Haaruun.

  • 69Iyagu intay awoodeen ayay khasnaddii shuqulka siiyeen kow iyo lixdan kun oo dirham oo dahab ah, iyo shan kun oo mina oo lacag ah, iyo boqol khamiis oo ah dhar wadaadood.

  • 31Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis,

  • 3Oo waa inaad u samaysaa weelal dambaska lagaga guro, iyo majarafadaheeda, iyo maddiibadaheeda, iyo mudacyadeeda, iyo dabqaadayaasheeda, oo alaabteeda oo dhan waxaad ka samaysaa naxaas.

  • 50Oo curadyadii reer binu Israa'iil ayuu ka qaaday lacagtii, oo ahayd kun iyo saddex boqol iyo shan iyo lixdan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah.

  • 24Markaasaan ku idhi, Ku alla kii dahab haystaa, ha siibo. Kolkaasay i siiyeen, anna dabkaan ku tuuray, oo waxaa ka soo baxday weyshan.

  • 17iyo tilmaantii mudacyada, iyo maddiibadaha, iyo koobabka laga samayn lahaa dahab saafi ah, oo baaquliyada dahabka ahna baaquli kasta dahabkiisii miisaankiisa, oo baquliyada lacagta ahna baquli kasta lacagtiisii miisaankeeda,

  • 29Oo waa inaad u samaysaa suxuuntiisa, iyo malqacadihiisa, iyo kidhliyadiisa, iyo maddiibadihiisa wax lagaga shubo, oo waa inaad dahab saafi ah ka wada samaysaa.

  • 5Waxaad qaadateen lacagtaydii iyo dahabkaygii, oo alaabtaydii wanaagsanayd oo qurxoonaydna waxaad geliseen macbudyadiinna,

  • 3Oo waxay dahabkii u tumeen sidii caleemo khafiif ah oo kale, markaasay googooyeen oo silig ka dhigeen, in looga shaqeeyo buluuggii, iyo guduudkii, iyo casaankii, iyo maradii wanaagsanayd, oo la daabacay.

  • 24Oo waa inaad dahab saafi ah ku dahaadhaa, waana inaad u samaysaa wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan.

  • 19Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis,

  • 43Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaankii hadhuudhka aawadiis,

  • 31¶ Oo laambad waa inaad dahab saafi ah ka samaysaa, oo laambaddii waa in dahab laga tumaa, xataa salkeeda iyo usheeda dhexe, iyo koobabkeeda, iyo burooyinkeeda, iyo ubaxeeduba, waa inay isku waslad la ahaadaan.