Baxniintii 25:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Qurbaan ii ururiya, oo nin kasta oo qalbigiisu raalli ka yahay waa inaad ka qaaddaa qurbaankayga.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Cesr 2:68 : 68 Oo qaar ah madaxdii qabiilooyinka ayaa markay yimaadeen gurigii Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal ikhtiyaarkood wax ugu bixiyey in gurigii Rabbiga meeshiis laga dhiso.
  • 2 Kor 9:7 : 7 Qof kastaa wax ha u bixiyo siduu qalbiga ka goostay, oo yaanu ku bixin caloolxumo ama qasab, waayo, Ilaah wuxuu jecel yahay kan farxad wax ku bixiya.
  • 1 Taar 29:1-9 : 1 ¶ Markaasaa Boqor Daa'uud shirkii oo dhan ku yidhi, Wiilkayga Sulaymaan oo Ilaahu keligiis doortay, weli wuu yar yahay, waana tabar daranyahay, oo shuqulkuna waa weyn yahay, waayo, guriga nin loo dhisi maayo, laakiinse waxaa loo dhisayaa Rabbiga Ilaaha ah. 2 Haddaba xooggaygii oo dhan ayaan gurigii Ilaahayga u diyaarshay dahabka laga sameeyo alaabta dahabka, iyo lacagta laga sameeyo alaabta lacagta ah, iyo naxaasta laga sameeyo alaabta naxaasta ah, iyo birta laga sameeyo alaabta birta ah, iyo qoriga laga sameeyo alaabta qoriga ah, iyo dhagaxyo onika la yidhaahdo, iyo dhagaxyada la dejiyo oo wax lagu qurxiyo oo midabyo kala cayncayn ah, iyo cayn kasta oo dhagaxyo qaaliya ah, iyo dhagaxyo badan oo marmar ah. 3 Oo weliba anigu aad baan u jeclahay guriga Ilaahayga, oo taas daraaddeed waxaan guriga Ilaahayga siinayaa khasnad mulkigayga ah oo dahab iyo lacag ah, taasoo aan ku jirin wixii aan u diyaariyey gurigii quduuska ah, 4 waxa weeye saddex kun oo talanti oo dahab ah oo weliba ah dahabkii Oofir, iyo toddoba kun oo talanti oo ah lacag la safeeyey, in lagu dahaadho guryaha derbiyadoodii oo dhan, 5 iyo in dahab laga sameeyo alaab dahab ah, iyo in lacag laga sameeyo alaab lacag ah, iyo shuqul kasta oo ay kuwa sancada yaqaan gacmahooda ku qabtaan. Haddaba yaa raalli ka ah oo maantadan nafsaddiisa Rabbiga u bixinaya? 6 Markaas amiirradii reeraha iyo amiirradii qabiilooyinka reer binu Israa'iil iyo kuwii kun kun u taliyey, iyo kuwii boqol boqol u taliyey, iyo taliyayaashii boqorka hawshiisa xukumi jirayba waxay bixiyeen wax ay raalli ka yihiin. 7 Oo adeegidda guriga Ilaah daraaddeed waxay u bixiyeen shan kun oo talanti iyo toban kun oo dirham oo dahab ah, iyo toban kun oo talanti oo lacag ah, iyo siddeed iyo toban kun oo talanti oo naxaas ah, iyo boqol kun oo talanti oo bir ah. 8 Oo kuwii dhagxanta qaaliga ah laga helayna waxay siiyeen khasnaddii guriga Rabbiga, waxaana loo dhiibay gacantii Yexii'eel oo ahaa reer Gershoon. 9 Markaasaa dadkii aad ugu farxay raallinimadii ay raalligooda wax ku bixiyeen aawadeed, maxaa yeelay, iyagu qalbi qumman ayay Rabbiga wax ugu bixiyeen iyagoo raalli ka ah, oo Boqor Daa'uudna farxad weyn buu farxay. 10 ¶ Haddaba sidaas daraaddeed ayaa Daa'uud Rabbiga ku ammaanay shirkii oo dhan hortiisa, oo yidhi, Rabbiyow, awowgayo Israa'iil Ilaahiisiiyow, weligaa iyo weligaaba ammaanu ha kuu ahaato. 11 Rabbiyow, weynaanta, iyo xoogga, iyo ammaanta, iyo guusha, iyo haybaddaba adigaa iska leh, waayo, waxa samada ku jira oo dhan iyo waxa dhulka saaranba adigaa iska leh. Rabbiyow, boqortooyada adigaa iska leh, oo adiga waxaa laguu sarraysiiyaa sidii madax wax kasta ka sarreeya. 12 Oo maal iyo sharafuba xaggaagay ka yimaadaan, oo wax kasta adigaa u taliya, oo gacantaadana waxaa ku jira xoog iyo itaal, oo gacantaada weeye midda wax weynayn karta oo qof kastaba xoog siin karta. 13 Haddaba sidaas daraaddeed, Ilaahayagiiyow, waannu kugu mahadnaqaynaa, oo magacaaga haybadda badanna waannu ammaanaynaa. 14 Laakiinse bal anigu yaan ahay, dadkayguse waa ayo, inaan annagu awoodno inaan sidan wax u bixinno annagoo raalli ka ah? Waayo, wax kastaaba xaggaagay ka yimaadeen, oo annana waxaagii baan wax ka siinnay. 15 Waayo, annagu hortaada waxaannu ku nahay shisheeyayaal sodcaal ah, sidii awowayaashayo oo dhammu ay ahaan jireen, oo cimrigayaga aan dhulka joognaana waa sida hoos oo kale, oo wax la filayaana ma jiro. 16 Rabbiyow Ilaahayagiiyow, kaydkan aannu u diyaarinnay inaan guri ugu dhisno magacaaga quduuska ah dhammaantiis wuxuu ka yimid gacantaada oo kulligiisna adigaa iska leh. 17 Weliba waan ogahay, Ilaahayow, inaad qalbiga imtixaantid, oo aad qummanaanta ku faraxdid. Oo aniguna iyadoo qalbigaygu qumman yahay ayaan waxyaalahan oo dhan bixiyey anigoo raalli ah, oo haddana farxad baan ku arkay dadkaaga halkan jooga oo wax bixinaya iyagoo raalli ah. 18 Rabbiyow, awowayaashayo Ibraahim iyo Isxaaq iyo Israa'iil Ilaahoodiiyow, weligaaba saas ka yeel malayaasha fikirrada qalbiga dadkaaga, oo qalbigoodana xaggaaga u soo toosi. 19 Oo wiilkayga Sulaymaanna waxaad siisaa qalbi qumman oo uu ku dhawro amarradaada iyo markhaatigaaga iyo qaynuunnadaada, inuu waxyaalahan oo dhan sameeyo, iyo inuu dhiso gurigii aan wax u sii diyaarshay. 20 ¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu shirkii oo dhan ku yidhi, Haddaba Rabbiga Ilaahiinna ah ammaana. Kolkaasay shirkii oo dhammu ammaaneen Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood, oo intay madaxa foororiyeen ayay u sujuudeen Rabbiga iyo boqorkaba. 21 ¶ Oo subaxdii maalintaas ka dambaysay ayay Rabbiga u bixiyeen allabaryo iyo qurbaanno la gubo oo ah kun dibi, iyo kun wan, iyo kun baraar ah, iyo qurbaannadooda cabniinka ah, iyo allabaryo tiro badan oo reer binu Israa'iil oo dhan loo bixiyey. 22 Oo maalintaas iyagoo aad u faraxsan ayay Rabbiga hortiisa wax ku cuneen oo wax ku cabbeen. Oo Sulaymaan ina Daa'uud ayay mar labaad boqreen, oo isaga Rabbiga ugu subkeen inuu madax ahaado, Saadooqna inuu wadaad ahaado. 23 Markaasaa Sulaymaan carshigii Rabbiga ku fadhiistay isagoo jagadii aabbihiis Daa'uud boqor ka ah, wuuna barwaaqoobay, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna isagay addeeceen. 24 Oo amiirradii oo dhan iyo raggii xoogga badnaa iyo Boqor Daa'uud wiilashiisii kale oo dhammuba Boqor Sulaymaan ayay addeeceen oo ka wada dambeeyeen. 25 Oo Rabbiguna Sulaymaan aad iyo aad buu ugu weyneeyey reer binu Israa'iil oo dhan hortooda, oo wuxuu isaga siiyey boqortooyo haybad leh oo ayan lahaan jirin boqorradii reer binu Israa'iil oo isaga ka horreeyey oo dhammu. 26 ¶ Haddaba Daa'uud ina Yesay wuxuu boqor u ahaan jiray reer binu Israa'iil oo dhan. 27 Oo wakhtigii uu reer binu Israa'iil boqor u ahaana wuxuu ahaa afartan sannadood; toddoba sannadood ayuu Xebroon boqor ka ahaa, saddex iyo soddon sannadoodna wuxuu boqor ka ahaa Yeruusaalem. 28 Oo wuxuu dhintay isagoo oday ah oo ka dhergay cimri, iyo maal, iyo sharafba, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Sulaymaan. 29 Haddaba Boqor Daa'uud falimihiisii, intii hore iyo intii dambeba, waxay ku qoran yihiin taariikhdii Samuu'eel oo wax arke ahaa, iyo taariikhdii Nebi Naataan, iyo taariikhdii Gaad oo isna wax arke ahaa. 30 Oo waxaa halkaas ku qoran kulli wakhtiyadii ay soo mareen boqortooyadiisii iyo xooggiisii, iyo wakhtiyadii ay isaga iyo reer binu Israa'iil, iyo boqortooyooyinkii waddammada oo dhammuba soo mareen.
  • Cesr 1:6 : 6 Oo kulli intii hareerahooda ku wareegsanayd oo dhammu waxay gacmahooda ku xoogeeyeen weelal lacag ah iyo dahab, iyo xoolo mood iyo noolba ah, iyo waxyaalo qaali ah, oo wixii ikhtiyaarka loo bixiyey ayan ku jirin.
  • Cesr 3:5 : 5 dabadeedna qurbaankii joogtada ahaa, iyo kuwii bilaha cusub, iyo iidihii Rabbiga oo quduuska ahaa, iyo kii qof waluba Rabbiga ikhtiyaarkiisa ugu bixiyey.
  • Cesr 7:16 : 16 iyo kulli lacagta iyo dahabka aad ka heli doonto gobolka Baabuloon oo dhan, iyo qurbaanka dadku ikhtiyaarka u bixiyo, iyo kan wadaaddadu ay ikhtiyaarkooda ugu bixiyaan guriga Ilaahooda oo Yeruusaalem ku yaal aawadiis,
  • Nex 11:2 : 2 Oo dadkiina waxay u duceeyeen dadkii ikhtiyaarkooda isu bixiyey inay Yeruusaalem degganaadaan.
  • Sab 110:3 : 3 Dadkaagu iyagoo raalli ah bay isbixiyaan maalintii xooggaaga, Iyagoo leh quruxda quduusnimada, ee ka timaada uurka waaberiga, Adigaa leh sayaxa dhallinyaranimadaada.
  • Bax 35:4-9 : 4 ¶ Oo Muuse wuxuu la hadlay shirkii reer binu Israa'iil oo dhan, isagoo leh, Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray, isagoo leh, 5 Idinku dhexdiinna waa inaad wax Rabbiga isaga ururisaan. Mid kasta oo qalbigiisu raalli ka yahay, ha keeno qurbaanka Rabbiga, kaasoo ah dahab, iyo lacag, iyo naxaas, 6 iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, iyo dhogor riyaad, 7 iyo wanan hargahood oo la caseeyey, iyo adhidibadeed hargahood, iyo qori qudhac ah, 8 iyo saliid laambadda lagu shubo, iyo udgoon lagu daro saliidda lagu subkado, iyo foox udgoon, 9 iyo dhagaxyo onika la yidhaahdo, iyo dhagaxyo lagu dhejiyo eefodka iyo laabgashiga. 10 Oo nin kasta oo xigmad leh oo idinku dhex jiraaba ha yimaado oo ha sameeyo wixii Rabbigu idinku amray oo dhan; 11 waxaas oo ah taambuugga iyo teendhadiisa, iyo dedkiisa, iyo qabsatooyinkiisa, iyo looxyadiisa, iyo ulihiisa gudban, iyo tiirarkiisa, iyo saldhigyadiisa, 12 iyo sanduuqa, iyo ulihiisa, iyo daboolka, iyo ilxidhka daaha ah, 13 iyo miiska, iyo ulihiisa, iyo alaabtiisa oo dhan, iyo kibista tusniinta, 14 iyo laambadda iftiinka aawadiis, iyo alaabteeda, iyo laambadaheeda, iyo saliidda iftiinka aawadiis, 15 iyo meesha allabariga ee fooxa, iyo ulaheeda, iyo saliidda lagu subkado, iyo fooxa udgoon, iyo daaha iridda laga soo galo taambuugga, 16 iyo meesha allabariga lagu gubo, iyo shabaggeeda naxaasta ah, iyo ulaheeda, iyo alaabteeda oo dhan, iyo berkedda weysada, iyo salkeeda, 17 iyo barxadda daahyadeeda, iyo tiirarkeeda, iyo saldhigyadooda, iyo daaha iridda barxadda, 18 iyo musmaarradii taambuugga, iyo musmaarradii barxadda, iyo xadhkahooda, 19 iyo dharka lagaga adeegi lahaa meesha quduuska ah, kuwaas oo ah dharka quduuska ah ee wadaadka Haaruun, iyo dharka wiilashiisa si ay ugaga adeegaan hawsha wadaadnimada. 20 ¶ Markaasaa shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ka tageen Muuse hortiisii. 21 Oo waxay yimaadeen iyagoo mid walba qalbigiisu kacay, oo mid walba ruuxiisu raalli ka dhigay, oo waxay keeneen waxay Rabbiga u bixiyeen, kuwaasoo ah wixii loo doonay shuqulkii teendhada shirka, iyo hawsheeda oo dhan, iyo dharkii quduuska ahaa. 22 Oo in alla intii raalliga ahayd way yimaadeen, rag iyo dumarba, oo waxay keeneen dugaagado, iyo hilqado, iyo kaatunno, iyo murriyado, iyo wax kasta oo laysku sharxo oo dahab ah; oo nin kastaaba wuxuu Rabbiga u bixiyey wax dahab ah. 23 Oo nin walba, oo laga helay buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, iyo dhogor riyaad, iyo wanan hargahood oo la caseeyey, iyo adhidibadeed hargahoodba wuu keenay. 24 Oo mid kasta oo qurbaan lacag iyo naxaas ah bixiyey wuxuu u bixiyey Rabbiga; oo nin kasta oo laga helay qori qudhac ah wuxuu u keenay hawsha adeegidda aawadeed. 25 Oo dumarkii xigmadda lahaa oo dhammu waxay gacmahooda ku miiqeen dun, oo waxay keeneen wixii ay miiqeen oo ahaa buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan. 26 Oo dumarkii qalbigoodu xigmadda la kacay oo dhammu waxay miiqeen dhogor riyaad. 27 Oo taliyayaashiina waxay keeneen dhagaxyada onika la yidhaahdo, iyo dhagaxyada lagu dhejiyo eefodka iyo laabgashiga. 28 Waxayna keeneen uunsiga, iyo saliidda iftiinka, iyo saliidda lagu subkado, iyo fooxa udgoon. 29 Oo reer binu Israa'iil waxay Rabbiga u bixiyeen qurbaan ay raalli ka yihiin; oo waxay ahaayeen dad rag iyo dumarba leh oo qalbigoodu raalli ka ahaa inay u keenaan shuqulka Rabbigu Muuse ku amray in la sameeyo oo dhan.
  • Tir 7:3-9 : 3 Oo waxay Rabbiga hortiisa keeneen qurbaankoodii oo ah lix gaadhi oo dedan, iyo laba iyo toban dibi. Labadii amiirba waxay keeneen gaadhi, amiir kastaana dibi, oo waxay geeyeen taambuugga hortiisii. 4 Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse oo wuxuu ku yidhi, 5 Ka qaad iyaga inay u ahaadaan wax hawsha teendhada shirka lagu sameeyo, oo waxaad siisaa reer Laawi, nin walba sidii hawshiisu tahay. 6 Markaasaa Muuse gaadhiyaashii iyo dibidii qaaday oo reer Laawi siiyey. 7 Laba gaadhi iyo afar dibi wuxuu siiyey reer Gershoon, sidii hawshoodu ahayd. 8 Oo afar gaadhi iyo siddeed dibina wuxuu siiyey reer Meraarii, sidii hawshoodu ahayd, oo wuxuu ugu dhiibay gacantii wadaadkii Haaruun ahaa wiilkiisii Iitaamaar. 9 Laakiinse reer Qohaad waxba kama uu siin, maxaa yeelay, iyagaa lahaa hawshii meesha quduuska ah, oo waxay ku qaadi jireen garbahooda. 10 Oo maalintii meesha allabariga la subkay ayay amiirradii bixiyeen qurbaankii daahirinta, oo waxay qurbaankoodii ku bixiyeen meesha allabariga horteeda. 11 Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Iyagu qurbaankooda waa inay u bixiyaan meesha allabariga daahirinteeda, oo amiir kastaaba maalintiisa ha bixiyo. 12 ¶ Oo kii maalintii kowaad qurbaankiisii bixiyey wuxuu ahaa Naxshoon oo ahaa ina Cammiinaadaab oo reer Yahuudah ah. 13 Oo qurbaankiisuna wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 14 iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 15 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 16 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 17 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Naxshoon ina Cammiinaadaab. 18 ¶ Oo maalintii labaadna waxaa bixiyey Netaneel ina Suucaar oo amiir u ahaa reer Isaakaar. 19 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 20 iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 21 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 22 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 23 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Netaneel ina Suucaar. 24 ¶ Oo maalintii saddexaadna waxaa bixiyey Elii'aab ina Xeelon, oo amiir u ahaa reer Sebulun. 25 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 26 iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 27 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 28 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 29 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Elii'aab ina Xeelon. 30 ¶ Oo maalintii afraadna waxaa bixiyey Eliisuur ina Shedeeyuur oo amiir u ahaa reer Ruubeen. 31 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 32 iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel oo foox ka buuxo. 33 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 34 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 35 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Eliisuur ina Shedeeyuur. 36 ¶ Oo maalintii shanaad waxaa bixiyey Shelumii'eel ina Suuriishadday, oo amiir u ahaa reer Simecoon. 37 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 38 iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 39 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 40 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 41 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Shelumii'eel ina Suuriishadday. 42 ¶ Oo maalintii lixaadna waxaa bixiyey Eliyaasaaf ina Decuu'eel, oo amiir u ahaa reer Gaad. 43 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaankii hadhuudhka aawadiis, 44 iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 45 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 46 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 47 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Eliyaasaaf ina Decuu'eel. 48 ¶ Oo maalintii toddobaadna waxaa bixiyey Eliishaamaac ina Cammiihuud oo amiir u ahaa reer Efrayim. 49 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 50 iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 51 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 52 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 53 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Eliishaamaac ina Cammiihuud. 54 ¶ Oo maalintii siddeedaadna waxaa bixiyey Gamalii'eel ina Fedaahsuur oo amiir u ahaa reer Manaseh. 55 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 56 iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 57 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 58 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 59 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Gamalii'eel ina Fedaahsuur. 60 ¶ Oo maalintii sagaalaadna waxaa bixiyey Abiidaan ina Gidconii, oo amiir u ahaa reer Benyaamiin. 61 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 62 iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 63 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 64 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 65 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Abiidaan ina Gidconii. 66 ¶ Oo maalintii tobnaadna waxaa bixiyey Axiiceser ina Cammiishadday oo amiir u ahaa reer Daan. 67 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 68 iyo malqacad dahab ah oo miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 69 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 70 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 71 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Axiiceser ina Cammiishadday. 72 ¶ Oo maalintii kow iyo tobnaadna waxaa bixiyey Fagcii'eel ina Cokraan oo amiir u ahaa reer Aasheer. 73 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 74 iyo malqacad dahab ah oo miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 75 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 76 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 77 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Fagcii'eel ina Cokraan. 78 ¶ Oo maalintii laba iyo tobnaadna waxaa bixiyey Axiirac ina Ceynaan oo amiir u ahaa reer Naftaali. 79 Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis, 80 iyo malqacad dahab ah oo miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo. 81 Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah, 82 oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi. 83 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Axiirac ina Ceynaan. 84 ¶ Intaasu waxay ahayd wixii amiirradii reer binu Israa'iil ay maalintii meesha allabariga la subkay daahirinteeda u bixiyeen, waxayna ahaayeen laba iyo toban saxan oo waaweyn oo lacag ah, iyo laba iyo toban maddiibadood oo lacag ah, iyo laba iyo toban malqacadood oo dahab ah. 85 Oo miisaanka saxan kastaa oo lacag ah wuxuu ahaa boqol iyo soddon sheqel, oo kan maddiibad kastaana wuxuu ahaa toddobaatan sheqel, oo weelasha oo dhan lacagtoodu waxay ahayd laba kun iyo afar boqol oo sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah. 86 Oo laba iyo tobanka malqacadood oo dahabka ahna waxaa ka wada buuxay foox, oo mid kastaaba waxay ahayd toban sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo malqacadaha oo dhan dahabkoodu wuxuu ahaa boqol iyo labaatan sheqel. 87 Oo dibidii qurbaanka la gubo loo bixiyey oo dhammu waxay ahaayeen laba iyo toban dibi, wanankuna waxay ahaayeen laba iyo toban wan oo waaweyn, iyo laba iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah, waxaana la keenay qurbaankoodii hadhuudhka ahaa. Oo qurbaankii dembigana orgidii loo bixiyey waxay ahaayeen laba iyo toban, 88 oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinada dibidii loo bixiyey oo dhammu waxay ahaayeen afar iyo labaatan, wananka waaweynuna waxay ahaayeen lixdan, orgiduna waxay ahaayeen lixdan, wananka yaryar oo wada gu jirka ahuna waxay ahaayeen lixdan. Intaasu waa wixii daahirinta meesha allabariga loo bixiyey markii la subkay dabadeed.
  • Tir 18:24 : 24 Waayo, waxaan reer Laawi dhaxal u siiyey meeltobnaadka ay reer binu Israa'iil Rabbiga ugu bixiyaan qurbaan sare loo qaado, oo sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku idhi, Reer binu Israa'iil dhexdooda dhaxal kuma lahaan doontaan.
  • Sharc 16:16-17 : 16 Oo sannaddiiba saddex jeer raggiinna oo dhammu waa inay Rabbiga Ilaahiinna ah kaga hor muuqdaan meeshuu dooranayo, oo saddexdaas jeer waa Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn, iyo Iidda Toddobaadyada, iyo Iidda Waababka, oo waa inaanay iyagoo fara madhan Rabbiga hortiisa ka muuqan. 17 Nin waluba waa inuu bixiyo wixii uu awoodo sida ay tahay barakada Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siiyey.
  • Xaak 5:9 : 9 Qalbigaygu wuxuu la jiraa taliyayaasha reer binu Israa'iil, Kuwaasoo iyagoo oggol isku bixiyey dadka dhexdiisa. Rabbiga ammaana.
  • 2 Kor 8:11-12 : 11 Laakiin hadda shaqaddii dhammeeya, in sidaad diyaar u ahaydeen, aad haddana ugu dhammaysaan waxaad awooddaan. 12 Waayo, haddii diyaar la yahay, sida loo haysto ayaa loo aqbalaa ee ma aha sidaan loo haysan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 35:4-5
    2 aayado
    89%

    4¶ Oo Muuse wuxuu la hadlay shirkii reer binu Israa'iil oo dhan, isagoo leh, Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray, isagoo leh,

    5Idinku dhexdiinna waa inaad wax Rabbiga isaga ururisaan. Mid kasta oo qalbigiisu raalli ka yahay, ha keeno qurbaanka Rabbiga, kaasoo ah dahab, iyo lacag, iyo naxaas,

  • 29Oo reer binu Israa'iil waxay Rabbiga u bixiyeen qurbaan ay raalli ka yihiin; oo waxay ahaayeen dad rag iyo dumarba leh oo qalbigoodu raalli ka ahaa inay u keenaan shuqulka Rabbigu Muuse ku amray in la sameeyo oo dhan.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu la hadlay Muuse, oo ku yidhi,

  • 3Oo qurbaanka aad ka qaadayso waxa weeyaan: dahab, iyo lacag, iyo naxaas,

  • Laaw 1:2-3
    2 aayado
    81%

    2Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Markii nin idinka mid ahu uu Rabbiga qurbaan u bixinayo, qurbaankiinna waxaad ka bixisaan xoolaha, kuwaasoo ah lo'da iyo idaha.

    3¶ Oo haddii qurbaankiisu yahay qurbaan la gubo oo lo' ah, waa inuu bixiyaa neef lab oo aan iin lahayn, oo waa inuu ku bixiyaa teendhada shirka iriddeeda, si isaga Rabbiga hortiisa loogu aqbalo.

  • Bax 35:21-22
    2 aayado
    81%

    21Oo waxay yimaadeen iyagoo mid walba qalbigiisu kacay, oo mid walba ruuxiisu raalli ka dhigay, oo waxay keeneen waxay Rabbiga u bixiyeen, kuwaasoo ah wixii loo doonay shuqulkii teendhada shirka, iyo hawsheeda oo dhan, iyo dharkii quduuska ahaa.

    22Oo in alla intii raalliga ahayd way yimaadeen, rag iyo dumarba, oo waxay keeneen dugaagado, iyo hilqado, iyo kaatunno, iyo murriyado, iyo wax kasta oo laysku sharxo oo dahab ah; oo nin kastaaba wuxuu Rabbiga u bixiyey wax dahab ah.

  • Bax 36:2-3
    2 aayado
    78%

    2¶ Markaasaa Muuse wuxuu u yeedhay Besaleel iyo Aaholii'aab, iyo nin kasta oo xigmad leh, oo Rabbigu qalbigiisa xigmad geliyey, xataa mid kasta oo qalbigiisu kiciyey inuu yimaado oo shuqulka qabto.

    3Markaasay Muuse ka guddoomeen wixii la bixiyey oo dhan, oo ay reer binu Israa'iil u keeneen shuqulka adeegidda meesha quduuska ah, inay ka sameeyaan. Oo haddana waxay weliba subax walba u keeni jireen waxay raalli ka yihiin.

  • Tir 28:1-2
    2 aayado
    76%

    1¶ Kolkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

    2Reer binu Israa'iil amar, oo waxaad ku tidhaahdaa, Qurbaankayga oo ah cuntada qurbaannada dabka la iigu sameeyo oo carafta udgoon ii ah waa inaad dhawrtaan inaad wakhtigoodii bixisaan.

  • 75%

    17¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    18Waxaad la hadashaa Haaruun iyo wiilashiisa iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Ku alla kii reer binu Israa'iil ka mid ah, ama dadka shisheeyayaasha ah ee reer binu Israa'iil dhex deggan, markay keenaan qurbaankooda ay Rabbiga ugu bixinayaan qurbaan la gubo aawadiis, hadduu yahay nidarradooda midkood amase qurbaannadooda ikhtiyaarka ah,

    19si laydiinka aqbalo aawadeed waa inaad bixisaan neef lab oo aan iin lahayn, kaasoo ka mid ah lo'da, ama idaha, ama orgida.

  • 24Oo mid kasta oo qurbaan lacag iyo naxaas ah bixiyey wuxuu u bixiyey Rabbiga; oo nin kasta oo laga helay qori qudhac ah wuxuu u keenay hawsha adeegidda aawadeed.

  • 75%

    5iyo in dahab laga sameeyo alaab dahab ah, iyo in lacag laga sameeyo alaab lacag ah, iyo shuqul kasta oo ay kuwa sancada yaqaan gacmahooda ku qabtaan. Haddaba yaa raalli ka ah oo maantadan nafsaddiisa Rabbiga u bixinaya?

    6Markaas amiirradii reeraha iyo amiirradii qabiilooyinka reer binu Israa'iil iyo kuwii kun kun u taliyey, iyo kuwii boqol boqol u taliyey, iyo taliyayaashii boqorka hawshiisa xukumi jirayba waxay bixiyeen wax ay raalli ka yihiin.

  • Bax 30:14-15
    2 aayado
    74%

    14Oo mid kasta oo u gudba kuwa la tiriyey oo ah inta jirta labaatan sannadood iyo wixii ka sii weyn, waa inuu bixiyaa Rabbiga wixiisa.

    15Markay Rabbiga wixiisa u bixinayaan inay nafihiinna u kafaaro gudaan, kii taajir ahu waa inaanu bixin wax nus sheqel ka badan, kii miskiin ahuna waa inaanu bixin wax nus sheqel ka yar.

  • Tir 18:28-29
    2 aayado
    74%

    28Oo sidaas waa inaad idinku qurbaan sare loo qaado Rabbiga uga bixisaan meeltobnaadyadiinna oo dhan oo aad ka qaadataan reer binu Israa'iil, oo waa inaad Rabbiga qurbaankiisii sare loo qaado ka siisaan wadaadka Haaruun ah.

    29Oo hadiyadaha aad heshaan oo dhanba waa inaad ka bixisaan qurbaan kasta oo Rabbiga oo sare loo qaado intooda ugu wanaagsan oo ah inta ugu wada quduusan.

  • 29Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Kii Rabbiga u bixiyaa allabarigiisa qurbaannada nabaadiinada ah waa inuu Rabbiga qurbaankiisa uga keenaa allabariga qurbaannadiisa nabaadiinada ah.

  • 10Oo nin kasta oo xigmad leh oo idinku dhex jiraaba ha yimaado oo ha sameeyo wixii Rabbigu idinku amray oo dhan;

  • 17Nin waluba waa inuu bixiyo wixii uu awoodo sida ay tahay barakada Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siiyey.

  • Tir 15:2-3
    2 aayado
    73%

    2Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad gaadhaan dalka rugtiinna ah oo aan idin siinayo,

    3haddaad doonaysaan inaad Rabbiga qurbaan dab ugu bixisaan, kaasoo ah qurbaan la gubo, amase allabari aad nidar ku samaynaysaan, amase qurbaan aad ikhtiyaar ku bixisaan, amase iidihiinna joogtada ah inaad caraf udgoon Rabbiga uga bixisaan lo'da ama idaha,

  • Tir 18:25-26
    2 aayado
    73%

    25¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    26Weliba waxaad la hadashaa reer Laawi oo ku tidhaahdaa, Markaad reer binu Israa'iil dhaxal uga qaadataan meeltobnaadka aan idinka siiyey, markaas waa inaad Rabbiga uga bixisaan qurbaan sare loo qaado, oo ah meeltobnaadka meeltobnaadkiisa.

  • 5Oo intay Muuse la hadleen ayay ku yidhaahdeen, Dadku waxay keeneen in ka sii badan intii ku filnayd in lagu qabto shuqulkii Rabbigu amray in la sameeyo.

  • 4Oo Yehoo'aash wuxuu ku yidhi wadaaddadii, Alaabta quduuska laga dhigay ee guriga Rabbiga la keenay lacagteeda oo dhan, taas oo ah lacagta nin waluba bixiyey markuu u gudbay kuwa la tiriyo, iyo lacagta kuwii lagu qiimeeyey, iyo lacagta nin kastaba qalbigiisa ka damcay inuu guriga Rabbiga keeno,

  • 9Markaasay dalka Yahuudah iyo Yeruusaalem oo dhan ku naadiyeen in Rabbiga loo keeno cashuurtii Muuse oo ahaa addoonkii Ilaah uu reer binu Israa'iil kor saaray markay cidlada dhex joogeen.

  • Tir 15:18-19
    2 aayado
    72%

    18Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Dalka aan idin geeynayo markaad gaadhaan,

    19oo aad dalka cuntadiisa cuntaan waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan sare loo qaado.

  • 9Markaasaa dadkii aad ugu farxay raallinimadii ay raalligooda wax ku bixiyeen aawadeed, maxaa yeelay, iyagu qalbi qumman ayay Rabbiga wax ugu bixiyeen iyagoo raalli ka ah, oo Boqor Daa'uudna farxad weyn buu farxay.

  • 6Oo waa inaad halkaas keentaan qurbaannadiinna la gubo, iyo allabaryadiinna, iyo meel tobnaadyadiinna, iyo qurbaanka aad gacanta sare ugu qaaddaan, iyo waxyaalaha aad nidartaan, iyo qurbaannada aad ikhtiyaarka u bixisaan, iyo curadyada lo'diinna iyo adhigiinna.

  • 7Qof kastaa wax ha u bixiyo siduu qalbiga ka goostay, oo yaanu ku bixin caloolxumo ama qasab, waayo, Ilaah wuxuu jecel yahay kan farxad wax ku bixiya.

  • 8¶ Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Nin kasta oo ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan, oo bixiya qurbaan la gubo ama allabari,

  • 10Oo Iiddii Toddobaadyada ee Rabbiga Ilaahiinna ah waa inaad ugu samaysaan waxyaalaha aad ikhtiyaarkiinna gacmaha ugu bixisaan, oo taas waxaad u bixisaan sida Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin barakeeyo.

  • 17Weliba waan ogahay, Ilaahayow, inaad qalbiga imtixaantid, oo aad qummanaanta ku faraxdid. Oo aniguna iyadoo qalbigaygu qumman yahay ayaan waxyaalahan oo dhan bixiyey anigoo raalli ah, oo haddana farxad baan ku arkay dadkaaga halkan jooga oo wax bixinaya iyagoo raalli ah.

  • 5Oo markaad allabari qurbaanno nabaadiino ah Rabbiga u bixinaysaan waa inaad bixisaan si laydiin aqbalo.

  • 16iyo kulli lacagta iyo dahabka aad ka heli doonto gobolka Baabuloon oo dhan, iyo qurbaanka dadku ikhtiyaarka u bixiyo, iyo kan wadaaddadu ay ikhtiyaarkooda ugu bixiyaan guriga Ilaahooda oo Yeruusaalem ku yaal aawadiis,

  • 5Ka qaad iyaga inay u ahaadaan wax hawsha teendhada shirka lagu sameeyo, oo waxaad siisaa reer Laawi, nin walba sidii hawshiisu tahay.

  • 2Dadka reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin nidar galo, qofafka waa inay Rabbiga ugu ahaadaan sidaad ugu qiimaysa.

  • 29badhkooda intaas ka qaad, oo waxaad wadaadka Elecaasaar ah u siisaa Rabbiga qurbaankiisa sare loo qaado.

  • 28Oo markaasaan ku idhi, Idinku Rabbigaad quduus u tihiin oo weelashuna waa quduus, oo lacagta iyo dahabka waa qurbaan ikhtiyaar loogu bixiyey Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin.

  • 9Oo qurbaan kasta oo sare loo qaado oo ah waxyaalaha quduuska ah oo dhan ee ay reer binu Israa'iil wadaadka u keenaan waa in isagu lahaadaa.