Baxniintii 27:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo waa inaad u samaysaa weelal dambaska lagaga guro, iyo majarafadaheeda, iyo maddiibadaheeda, iyo mudacyadeeda, iyo dabqaadayaasheeda, oo alaabteeda oo dhan waxaad ka samaysaa naxaas.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 7:45 : 45 iyo dheryihii, iyo majarafadihii, iyo maddiibadihii; oo dhammaan weelashan gurigii Rabbiga yiil ee uu Xiiraam Boqor Sulaymaan u sameeyey waxay ahaayeen naxaas dhalaasha.
  • 2 Boq 25:15 : 15 Oo sirkaalkii askartu wuxuu la tegey dabqaadayaashii, iyo maddiibadihii; intii dahabka ahayd, dahab ahaan buu u qaaday, intii lacagta ahaydna lacag ahaan.
  • 1 Taar 28:17 : 17 iyo tilmaantii mudacyada, iyo maddiibadaha, iyo koobabka laga samayn lahaa dahab saafi ah, oo baaquliyada dahabka ahna baaquli kasta dahabkiisii miisaankiisa, oo baquliyada lacagta ahna baquli kasta lacagtiisii miisaankeeda,
  • 2 Taar 4:11 : 11 Oo Xuuraamna wuxuu sameeyey dheryihii iyo majarafadihii iyo maddiibadihii. Oo Xuuraamna sidaasuu u dhammeeyey shuqulkii uu Boqor Sulaymaan ugu sameeyey guriga Ilaah,
  • 2 Taar 4:16 : 16 Oo weliba dheryihii, iyo majarafadihii, iyo mudacyadii, iyo weelashooda oo dhanba ayaa Xuuraamaabbii Boqor Sulaymaan ugu sameeyey guriga Rabbiga aawadiis oo wuxuu ka wada sameeyey naxaas dhalaasha.
  • Yer 52:18-20 : 18 Oo waxay kaloo qaadeen dheryihii, iyo majarafadihii, iyo alaabtii laambadihii lagu safayn jiray, iyo maddiibadihii, iyo malgacadihii, iyo weelashii naxaasta ahaa oo lagu adeegi jiray oo dhan. 19 Oo sirkaalkii askartu wuxuu la tegey suxuuntii, iyo dabqaadayaashii, iyo maddiibadihii, iyo dheryihii, iyo laambadihii, iyo malgacadihii, iyo koobabkiiba, intii dahabka ahayd dahab ahaan buu u qaaday, oo intii lacagta ahaydna lacag ahaan. 20 Labadii tiir, iyo berkeddii, iyo laba iyo tobankii dibi oo naxaasta ahaa oo saldhigyada ka hooseeyey, oo Boqor Sulaymaan uu u sameeyey gurigii Rabbiga, dhammaan weelashaas naxaastoodu miisaan ma lahayn.
  • Bax 24:6 : 6 Markaasaa Muuse wuxuu qaaday dhiiggii badhkiis oo wuxuu ku shubay xeedhooyin; oo dhiiggii badhkiisna wuxuu ku rusheeyey meeshii allabariga.
  • Bax 38:3 : 3 Oo wuxuu kaloo sameeyey alaabtii meesha allabariga oo dhan, kuwaasoo ah dheryihii, iyo majarafadihii, iyo maddiibadihii, iyo mudacyadii, iyo dabqaadayaashii; oo alaabteeda oo dhan wuxuu ka sameeyey naxaas.
  • Laaw 16:12 : 12 Oo waa inuu meesha allabariga ee Rabbiga hortiisa taal ka qaadaa idan ay dhuxulo noolu ka buuxaan, oo waa inuu sacabbadiisana ka buuxsadaa foox udgoon oo tuman, oo uu ilxidhka la galaa.
  • Tir 4:14 : 14 Waana inay saaraan alaabteeda oo dhan oo ay kaga adeegaan, kuwaas oo ah idammada, iyo mudacyada, iyo majarafadaha, iyo maddiibadaha, iyo weelashii meesha allabariga oo dhan, oo markaas waa inay ku kala dul bixiyaan ded ah harag adhidibadeed, oo ay ulaha lagu qaado sudhaan.
  • 1 Sam 2:13-14 : 13 Haddaba caadadii wadaaddadu dadka la lahaayeen waxay ahayd, in markii nin uun allabari bixiyo uu midiidinka wadaadku iman jiray, inta hilibka la karinayo, isagoo gacanta ku sita hilibqabato saddex farood leh, 14 oo wuxuu ku dhex mudi jiray daawihii, ama kidhligii, ama digsigii, ama dherigii, oo kulli wixii qabatadu ay soo qaaddoba wadaadku wuu qaadan jiray. Oo saasay reer binu Israa'iilkii Shiiloh yimid oo dhan ku sameeyeen.
  • 1 Boq 7:40 : 40 Oo Xiiraam wuxuu wada sameeyey berkedihii, iyo majarafadihii, iyo maddiibadihii. Oo sidaasuu Xiiraam u dhammeeyey shuqulkii uu Boqor Sulaymaan ugu sameeyey guriga Rabbiga,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 38:2-6
    5 aayado
    89%

    2Oo geesaheediina wuxuu ugu sameeyey afarteeda rukun; oo geesaheeduna isku waslad bay la ahaayeen, naxaas buuna ku dahaadhay.

    3Oo wuxuu kaloo sameeyey alaabtii meesha allabariga oo dhan, kuwaasoo ah dheryihii, iyo majarafadihii, iyo maddiibadihii, iyo mudacyadii, iyo dabqaadayaashii; oo alaabteeda oo dhan wuxuu ka sameeyey naxaas.

    4Oo wuxuu meeshii allabariga u sameeyey shabag naxaas ah oo gaadha qarka hoostiisa ilaa kalabadhka.

    5Afarta daraf oo shabaggii naxaasta ahaa ayuu u yeelay afar siddo si ay u ahaadaan meelihii ulaha laga gelin lahaa.

    6Oo ulihiina wuxuu ka sameeyey qori qudhac ah, naxaas buuna ku dahaadhay.

  • 2Oo afarteeda rukun waxaad u yeeshaa afar gees; oo geesaheedu waa inay isku waslad la ahaadaan; oo waa inaad naxaas ku dahaadhaa.

  • 4Oo waa inaad shabag naxaas ah u yeeshaa; oo shabagga dushiisa waa inaad u yeeshaa afar siddo oo naxaas ah oo ku taal afarta gees.

  • 39iyo meeshii allabariga oo naxaasta ahayd, iyo shabaggeedii naxaasta ahaa, iyo ulaheedii, iyo alaabteedii oo dhan, iyo berkeddii weysada, iyo salkeedii,

  • 19Oo alaabta taambuugga lagaga adeego oo dhan, iyo musmaarradiisa oo dhan, iyo barxadda musmaarradeeda oo dhammu waa inay naxaas wada ahaadaan.

  • 6Oo meesha allabariga waa inaad u yeeshaa ulo qudhac ah oo lagu qaado, oo waxaad ku dahaadhaa naxaas.

  • 16iyo meesha allabariga lagu gubo, iyo shabaggeeda naxaasta ah, iyo ulaheeda, iyo alaabteeda oo dhan, iyo berkedda weysada, iyo salkeeda,

  • Bax 38:29-30
    2 aayado
    79%

    29Naxaastii la bixiyey waxay ahayd toddobaatan talanti, iyo laba kun iyo afar boqol oo sheqel.

    30Oo wuxuu naxaastii ka sameeyey iriddii teendhada shirka saldhigyadeedii, iyo meeshii naxaasta ahayd oo allabariga, iyo shabaggeedii naxaasta ahaa, iyo alaabtii meesha allabariga oo dhan,

  • Bax 25:37-39
    3 aayado
    78%

    37Oo waa inaad toddoba laambadood ka dhigtaa, oo laambadaheeda waa in la shidaa inay hortooda iftiimiyaan.

    38Oo birqaabyadeeda iyo alaabteeda lagu safeeyoba waa inay dahab saafi ah ahaadaan.

    39Oo iyada iyo alaabtan oo dhanba waa in talanti dahab saafi ah laga sameeyaa.

  • 29Oo waa inaad u samaysaa suxuuntiisa, iyo malqacadihiisa, iyo kidhliyadiisa, iyo maddiibadihiisa wax lagaga shubo, oo waa inaad dahab saafi ah ka wada samaysaa.

  • 18Waxaad samaysaa berked weyso oo naxaas ah, salkeedana waxaad ka samaysaa naxaas, oo waxaad dhigtaa meel u dhexaysa taambuugga shirka iyo meesha allabariga; oo waa inaad biyo ku shubtaa, ha lagu maydho e.

  • 45iyo dheryihii, iyo majarafadihii, iyo maddiibadihii; oo dhammaan weelashan gurigii Rabbiga yiil ee uu Xiiraam Boqor Sulaymaan u sameeyey waxay ahaayeen naxaas dhalaasha.

  • 16Oo weliba dheryihii, iyo majarafadihii, iyo mudacyadii, iyo weelashooda oo dhanba ayaa Xuuraamaabbii Boqor Sulaymaan ugu sameeyey guriga Rabbiga aawadiis oo wuxuu ka wada sameeyey naxaas dhalaasha.

  • Bax 37:23-24
    2 aayado
    76%

    23Oo dahab saafi ah wuxuu ka sameeyey toddobadeedii laambadood, iyo birqaabyadeedii iyo alaabteedii lagu safayn jirayba.

    24Oo iyada iyo alaabteeda oo dhanba wuxuu ka sameeyey talanti dahab saafi ah.

  • 14Waana inay saaraan alaabteeda oo dhan oo ay kaga adeegaan, kuwaas oo ah idammada, iyo mudacyada, iyo majarafadaha, iyo maddiibadaha, iyo weelashii meesha allabariga oo dhan, oo markaas waa inay ku kala dul bixiyaan ded ah harag adhidibadeed, oo ay ulaha lagu qaado sudhaan.

  • 76%

    14Oo waxay kaloo qaadeen dheryihii, iyo majarafadihii, iyo alaabta laambadaha lagu safayn jiray, iyo malgacadihii, iyo weelashii naxaasta ahaa oo lagu adeegi jiray oo dhan.

    15Oo sirkaalkii askartu wuxuu la tegey dabqaadayaashii, iyo maddiibadihii; intii dahabka ahayd, dahab ahaan buu u qaaday, intii lacagta ahaydna lacag ahaan.

  • 27Oo wuxuu sameeyey toban saldhig oo naxaas ah, oo saldhig kasta dhererkiisu wuxuu ahaa afar dhudhun, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa afar dhudhun, sarajooggiisuna wuxuu ahaa saddex dhudhun.

  • Tir 16:38-39
    2 aayado
    76%

    38Oo idammada nimankan naftooda ku dembaabay ha laga dhigo dahaadh tuman oo meesha allabariga lagu dahaadho; waayo, Rabbiga hortiisay ku bixiyeen, oo sidaas daraaddeed iyagu waa quduus; oo calaamo bay reer binu Israa'iil u noqon doonaan.

    39Markaasaa wadaadkii Elecaasaar wuxuu soo qaaday idammadii naxaasta ahaa oo ay kuwii gubtay bixiyeen, oo inta la tumay ayaa meesha allabariga dahaadh looga dhigay,

  • 17iyo tilmaantii mudacyada, iyo maddiibadaha, iyo koobabka laga samayn lahaa dahab saafi ah, oo baaquliyada dahabka ahna baaquli kasta dahabkiisii miisaankiisa, oo baquliyada lacagta ahna baquli kasta lacagtiisii miisaankeeda,

  • Bax 30:27-28
    2 aayado
    75%

    27iyo miiska iyo alaabtiisa oo dhan, iyo laambadda iyo alaabteeda, iyo meesha allabariga ee fooxa,

    28iyo meesha allabariga lagu gubo iyo alaabteeda oo dhan, iyo berkedda weysada iyo salkeedaba.

  • 18Oo waxay kaloo qaadeen dheryihii, iyo majarafadihii, iyo alaabtii laambadihii lagu safayn jiray, iyo maddiibadihii, iyo malgacadihii, iyo weelashii naxaasta ahaa oo lagu adeegi jiray oo dhan.

  • Bax 37:16-17
    2 aayado
    75%

    16Oo wuxuu dahab saafi ah ka sameeyey alaabtii miiska saarnayd oo dhan oo ahayd suxuuntiisii, iyo malqacadihiisii, iyo maddiibadihiisii, iyo kidhliyadiisii wax laga shubo.

    17¶ Oo wuxuu laambadda ka sameeyey dahab saafi ah, oo laambaddii waxay ahayd mid tuman, xataa salkeeda iyo usheeda dhexe iyo koobabkeeda, iyo burooyinkeeda iyo ubaxeeduba isku waslad bay la wada ahaayeen.

  • Bax 31:8-9
    2 aayado
    75%

    8iyo miiska iyo alaabtiisa, iyo laambadaha saafiga ah, iyo alaabtooda oo dhan, iyo meesha allabariga oo fooxa,

    9iyo meesha allabariga lagu gubo, iyo alaabteeda oo dhan, iyo berkedda weysada iyo salkeeda,

  • 28Laakiinse weelka dhoobada ah oo lagu kariyey waa in la burburiyaa, oo haddii weel naxaas ah lagu kariyana waa in la xaquuqaa oo biyo lagu dhaqaa.

  • 20Oo musmaarrada taambuugga iyo barxadda ku wareegsanba kulligood waxay ahaayeen naxaas.

  • 11Markaas digsiga oo madhan dhuxusha shidan saar si uu u kululaado, oo ay naxaastiisu u gubato, oo ay wasakhdiisu gudihiisa ugu dhalaasho oo uu miridhkiisuna u baabba'o.

  • 31¶ Oo laambad waa inaad dahab saafi ah ka samaysaa, oo laambaddii waa in dahab laga tumaa, xataa salkeeda iyo usheeda dhexe, iyo koobabkeeda, iyo burooyinkeeda, iyo ubaxeeduba, waa inay isku waslad la ahaadaan.

  • 9Oo markaas waa inay maro buluug ah qaadaan oo ay ku daboolaan laambadda iftiinka, iyo laambadaheeda, iyo birqaabyadeeda, iyo alaabteeda lagu safeeyo, iyo weelasha saliidda oo dhan oo ay kaga adeegaan.

  • 17Oo tiirarka barxadda ku wareegsan oo dhan waa in lacag laysugu wada xidhaa; oo qabsatooyinkooduna waa inay lacag ahaadaan, saldhigyadooduna waa inay naxaas ahaadaan.

  • 3Oo qurbaanka aad ka qaadayso waxa weeyaan: dahab, iyo lacag, iyo naxaas,

  • Bax 30:3-4
    2 aayado
    72%

    3Oo waa inaad dahab saafi ah ku dahaadhaa dusheeda iyo dhinacyadeeda ku wareegsan iyo geesaheedaba; oo waxaad u samaysaa wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan.

    4Oo qarkeeda hoostiisa waa inaad laba siddo oo dahab ah ugu yeeshaa labada rukun; labada dhinac waa inaad sidaas u yeeshaa, oo waxay u noqon doonaan meelihii ulaha lagu qaado laga gelin lahaa.

  • 37Oo daaha waa inaad u samaysaa shan tiir oo qudhac ah, oo dahab ku dahaadh iyaga, qabsatooyinkooduna ha ahaadeen dahab; oo waa inaad shan saldhig oo naxaas ah u yeeshaa.

  • 38Oo wuxuu sameeyey toban berkedood oo naxaas ah; oo berkedba waxay qaadday afartan bad; oo berked kastaaba waxay ahayd afar dhudhun; oo tobankii saldhigna mid kasta berked baa saarnayd.

  • Tir 31:22-23
    2 aayado
    72%

    22Habase yeeshee dahabka, iyo lacagta, iyo naxaasta, iyo birta, iyo waxa daasadda ah, iyo waxa rasaasta ah,

    23iyo wax kasta oo dab u adkaysta waa inaad dab dhex marisaan, oo markaas nadiif bay ahaan doonaan; hase ahaatee waa in lagu daahiriyaa biyaha nijaasta daahiriya, oo wixii aan dabka u adkaysanna waa inaad biyaha dhex marisaan.

  • 37iyo laambaddii saafiga ahayd, iyo laambadaheedii, kuwaasoo ah laambadihii la diyaarin lahaa, iyo alaabtoodii oo dhan, iyo saliiddii lagu shidi lahaa,