1 Boqorradii 11:34

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Habase yeeshee boqortooyada oo dhan ka wada qaadi maayo; laakiinse cimrigiisa oo dhan amiir baan ka dhigayaa addoonkaygii Daa'uud oo aan doortay aawadiis, maxaa yeelay, wuxuu dhawray amarradaydii iyo qaynuunnadaydii.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 11:12-13 : 12 Habase yeeshee, intaad nooshahay saas yeeli maayo, aabbahaa Daa'uud aawadiis; laakiinse waxaan ka xoogayaa wiilkaaga. 13 Oo weliba boqortooyada oo dhan ka wada xoogi maayo, laakiinse qabiil ayaan wiilkaaga siinayaa, addoonkayga Daa'uud aawadiis iyo Yeruusaalem oo aan doortay aawadeed.
  • 1 Boq 11:31 : 31 Kolkaasuu Yaaraabcaam ku yidhi, Toban meelood qaado, waayo, Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ah wuxuu leeyahay, Boqortooyada waan ka xoogayaa Sulaymaan, oo toban qabiil ayaan ku siinayaa,
  • Ayuub 11:6 : 6 Oo bal muu ku tuso waxyaalaha qarsoon ee xigmadda ah, Waayo, way badan yihiin. Haddaba bal ogow in Ilaah kaa jisaynayo in ka sii yar ciqaabta dembigaagu istaahilo.
  • Sab 103:10 : 10 Isagu inoolama uu macaamiloon sidii dembiyadeennu ahaayeen, Oo inooguma uu abaalmarin sidii xumaatooyinkeennu ahaayeen.
  • Ish 55:3 : 3 Dhegihiinna soo dhiga, oo ii kaalaya, i maqla oo naftiinnuna way noolaan doontaa, oo anna waxaan idinla dhigan doonaa axdi weligiis ah, kaasoo ah waxyaalahii naxariista lahaa oo la hubo ee aan Daa'uud u ballanqaaday.
  • Xab 3:2 : 2 Rabbiyow, waxaan maqlay warkaagii, waanan cabsanayaa. Rabbiyow, shuqulkaaga soo noolee sannadaha dhexdooda, Sannadaha dhexdooda ogeysii, Oo markii aad cadhootid naxariis soo xusuuso.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 82%

    11Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu Sulaymaan ku yidhi, Waxan aad samaysay aawadiis ayaan boqortooyada kaaga xoogayaa, oo waxaan siinayaa addoonkaaga, maxaa yeelay, ma aadan xajin axdigaygii iyo qaynuunnadaydii aan kugu amray.

    12Habase yeeshee, intaad nooshahay saas yeeli maayo, aabbahaa Daa'uud aawadiis; laakiinse waxaan ka xoogayaa wiilkaaga.

    13Oo weliba boqortooyada oo dhan ka wada xoogi maayo, laakiinse qabiil ayaan wiilkaaga siinayaa, addoonkayga Daa'uud aawadiis iyo Yeruusaalem oo aan doortay aawadeed.

  • 82%

    35Laakiinse boqortooyada waxaan ka qaadayaa wiilkiisa oo adigaan ku siinayaa toban qabiil.

    36Oo wiilkiisana waxaan siinayaa qabiil keliya in addoonkaygii Daa'uud had iyo goorba hortayda laambad ku haysto Yeruusaalem dhexdeeda, taasoo ah magaaladii aan u doortay inaan magacayga halkaas dhigo.

    37Oo waan ku qaadan doonaa, oo waxaad boqor u ahaan doontaa siday naftaadu doonayso, oo dalka Israa'iilna boqor baad ka noqon doontaa.

    38Oo haddaad maqasho waxa aan kugu amro oo dhan, oo aad jidadkaygana ku socotid, oo aad samaysid waxa hortayda ku qumman, oo aad dhawrtid qaynuunnadayda iyo amarradayda, sidii addoonkaygii Daa'uud yeeli jiray oo kale, ayaan kula jiri doonaa, oo waxaan kuu dhisi doonaa reer ammaan ah, sidii aan Daa'uud ugu dhisay oo kale, oo weliba dalka Israa'iilna adigaan ku siinayaa.

    39Oo taas aawadeed Daa'uud farcankiisa waan dhibayaa laakiinse dhibka ku waarin maayo.

  • 79%

    32(laakiinse qabiil isagaa u haysanaya addoonkaygii Daa'uud aawadiis, iyo Yeruusaalem oo ah magaaladii aan qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan ka doortay aawadeed;)

    33maxaa yeelay, way i dayriyeen, oo waxay caabudeen Cashtored oo ilaahaddii reer Siidoon ah, iyo Kemoosh oo ah ilaahii reer Moo'aab, iyo Milkom oo ah ilaahii reer Cammoon; oo jidadkaygiina kuma ay socon, inay sameeyaan waxa hortayda ku qumman, iyo inay dhawraan qaynuunnadayda iyo xukummadayda, sidii aabbihiis Daa'uud yeeli jiray oo kale.

  • 78%

    4Habase yeeshee Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu iga doortay reerkii aabbahay oo dhan inaan weligay ahaado boqor reer binu Israa'iil u taliya, waayo, isagu wuxuu Yahuudah u doortay inuu amiir ahaado, oo reer Yahuudahna wuxuu ka doortay reerkii aabbahay, oo wiilashii aabbahayna aniguu igala dhex baxay oo igu farxay inuu iga dhigo boqor u taliya reer binu Israa'iil oo dhan.

    5Rabbigu wiilal badan buu i siiyey oo wuxuu wiilashaydii oo dhan ka doortay wiilkayga Sulaymaan inuu carshiga boqortooyada Rabbiga ku fadhiisto oo uu reer binu Israa'iil u taliyo.

    6Oo wuxuu igu yidhi, Wiilkaaga Sulaymaan ayaa dhisi doona gurigayga iyo barxadahaygaba, waayo, waxaan isaga u doortay inuu ahaado wiilkaygii, oo anna waxaan isaga u ahaan doonaa aabbihiis.

    7Oo anigu boqortooyadiisaan xoogayn doonaa weligeed, hadduu ku sii adkaado inuu sameeyo amarradayda iyo xukummadayda, siday maantadan tahay.

  • 77%

    17Oo adiguna haddaad sidii aabbahaa Daa'uud oo kale hortayda ugu socotid, si aad u yeeshid wax alla wixii aan kugu amray oo dhan, oo aad u xajisid qaynuunnadayda iyo xukummadayda,

    18markaasaan dhisi doonaa carshiga boqortooyadaada, sidaan axdi kula dhigtay aabbahaa Daa'uud markaan ku idhi, Lagaa waayi maayo nin reer binu Israa'iil u taliya.

  • 16Tan iyo maalintii aan dadkayga reer binu Israa'iil ka soo bixiyey dalkii Masar, qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan kama aan dooran magaalo guri la iiga dhiso si magacaygu halkaas ugu jiro, laakiinse Daa'uud baan u doortay inuu dadkayga reer binu Israa'iil u taliyo.

  • 8oo boqortooyadiina intaan reerkii Daa'uud ka soo xoogay ayaan ku siiyey, oo weliba ma aadan ahaan sidii addoonkaygii Daa'uud, kii amarradaydii xajiyey, oo qalbigiisa oo dhanna igu raacay inuu sameeyo wixii hortayda ku qummanaa oo keliya,

  • 5de markaasaan dhisi doonaa oo aan weligiis waarin doonaa carshiga boqortooyadaada ee reer binu Israa'iil u taliya sidaan ugu ballanqaaday aabbahaa Daa'uud, markaan ku idhi, Nin carshiga dalka Israa'iil ku fadhiista lagaa waayi maayo.

  • Yex 37:24-25
    2 aayado
    75%

    24Oo addoonkaygii Daa'uud ayaa iyaga boqor u ahaan doona, oo kulligoodna waxay lahaan doonaan adhijir qudha; oo weliba xukummadayday ku dhex socon doonaan, oo qaynuunnadaydana way dhawri doonaan oo way wada samayn doonaan.

    25Oo waxay dhex degganaan doonaan dalkii aan addoonkaygii Yacquub siiyey, oo ay awowayaashiin degganaan jireen, oo weligoodba halkaasay degganaan doonaan iyaga iyo carruurtooda, iyo carruurtooda carruurtooduba, oo addoonkaygii Daa'uudna weligiis amiirkoodii buu ahaan doonaa.

  • 19Habase yeeshee Rabbigu ma uu doonaynin inuu dalka Yahuudah baabbi'iyo, sababtuna waa addoonkiisii Daa'uud aawadiis, waayo, wuxuu u ballanqaaday inuu isaga iyo carruurtiisa had iyo goorba laambad siiyo.

  • 15laakiinse naxariistaydu ka dhammaan mayso isaga, sidii aan Saa'uul uga dhammeeyey oo kale, kaasoo ahaa kii aan hortaa fogeeyey.

  • 7Habase yeeshee Rabbigu ma uu doonaynin inuu baabbi'iyo reerkii Daa'uud, maxaa yeelay, axdi wuu la dhigtay, oo wuxuu u ballanqaaday inuu isaga iyo carruurtiisa had iyo goorba laambad siiyo.

  • 8Oo cagta reer binu Israa'iilna mar dambe ka dhaqaajin maayo dalkii aan u doortay awowayaashood, hadday dhawraan uun wixii aan ku amray oo dhan, kuwaasoo ah sharcigii iyo qaynuunnadii iyo xukummadii aan gacanta Muuse u soo dhiibay oo dhan.

  • 7Haddaba waxaad addoonkayga Daa'uud ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anaa kaa soo kaxeeyey xeradii idaha iyo idihii aad raacaysay, inaad ahaatid amiir u taliya dadkayga reer binu Israa'iil,

  • 35Dabadeedna waa inaad soo raacdaan isaga, oo isna waa inuu yimaado, oo carshigayga ku fadhiisto; waayo, meeshaydii isagaa boqor ka noqon doona, oo waxaan ka dhigay amiir u taliya dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah.

  • 4inuu Rabbigu oofiyo eraygiisii uu igaga hadlay, isagoo leh, Carruurtaadu hadday jidkooda dhawraan, oo ay qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhanba si run ah hortayda ugu socdaan, waayi maysid nin carshiga dalka Israa'iil ku fadhiista.

  • 16Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow Ilaaha reer binu Israa'iilow, xaji wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa, adoo ku leh, Hortayda laga waayi maayo nin kaa dhasho oo carshiga reer binu Israa'iil ku fadhiista, hadday carruurtaadu isjiraan oo ay sharcigayga ugu socdaan sidaad hortayda ugu socotay oo kale.

  • 33Laakiinse naxariistayda oo dhan kama wada qaadi doono, Aaminnimadayduna inay isaga gabto uma oggolaan doono.

  • 73%

    13Oo anigu aabbaan u ahaan doonaa, isna wiil buu ii ahaan doonaa, oo anna naxariistayda kama fogayn doono, sidii aan uga fogeeyey kii kaa horreeyey,

    14laakiinse waxaan isaga dhex taagi doonaa weligiisba gurigayga iyo boqortooyadayda, oo carshigiisuna weligiis wuu dhisnaan doonaa.

  • 8Haddaba waxaad addoonkayga Daa'uud ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anaa kaa soo kexeeyey xeradii idaha iyo idihii aad raacaysay, inaad ahaatid amiir u taliya dadkayga reer binu Israa'iil,

  • 11Rabbigu run buu Daa'uud ugu dhaartay, Oo dhaartiisiina ka soo noqon maayo, Midhaha jidhkaaga midkood ayaan carshigaaga ku fadhiisin doonaa.

  • 25Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, xaji wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa, adoo ku leh, Hortayda laga waayi maayo nin carshiga reer binu Israa'iil ku fadhiista, hadday carruurtaadu isjiraan, oo ay hortayda ugu socdaan sidaad hortayda ugu socotay oo kale.

  • 8Oo cagaha reer binu Israa'iilna mar dambe ka dhigi maayo kuwo ka wareega dalkii aan awowayaashood siiyey, hadday dhawraan uun wixii aan ku amray oo dhan, iyo sharcigii addoonkaygii Muuse ku amray oo dhan.

  • 11Oo markii cimrigaagu dhammaado, oo aad awowayaashaa la jiri doonto sida waajibka ah, ayaan sara kicin doonaa farcankaaga kaa dambeeya oo wiilashaada midkood ahaan doona, oo boqortooyadiisana waan dhisi doonaa.

  • 17Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Daa'uud marnaba ma waayi doono nin carshiga reer binu Israa'iil ku fadhiista.

  • 2 Taar 6:5-6
    2 aayado
    72%

    5Tan iyo maalintii aan dadkayga ka soo bixiyey dalkii Masar, qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan kama aan dooran magaalo guri la iiga dhiso si magacaygu halkaas ugu jiro, oo weliba ninna uma aan dooran inuu ahaado amiir u taliya dadkayga reer binu Israa'iil.

    6Laakiinse Yeruusaalem baan u doortay si magacaygu halkaas ugu jiro, oo Daa'uudna baan u doortay inuu dadkayga reer binu Israa'iil u taliyo.

  • 24Oo aniga Rabbiga ahu Ilaahooda baan ahaan doonaa, oo addoonkayga Daa'uudna wuxuu ahaan doonaa amiir dhexdooda jooga. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay.

  • 26markaas waxaan xoori doonaa farcankii Yacquub, iyo addoonkaygii Daa'uudba, si aanan farcankiisa qaarna uga dhigin inay taliyayaal u ahaadaan farcankii Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, waayo, maxaabiistooda waan soo celin doonaa, waanan u naxariisan doonaa.

  • 14Laakiinse imminka boqortooyadaadu sii jiri mayso. Rabbigu wuxuu doontay nin ah siduu qalbigiisu doonayo, oo Rabbiguna isaguu u doortay inuu ahaado amiir dadkiisa u taliya, maxaa yeelay, adigu ma aadan xajin wixii Rabbigu kugu amray.

  • 5War, miyeydnaan ogayn in Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu Daa'uud weligiis siiyey boqortooyada reer binu Israa'iil u talisa oo wuxuu isaga iyo wiilashiisana ku siiyey axdi cusbo leh?

  • 4Habase yeeshee Daa'uud daraaddiis ayaa Rabbiga Ilaahiis ahu Yeruusaalem ka dhex siiyey laambad inuu isaga dabadiis wiilkiisa dhiso iyo inuu Yeruusaalem adkeeyo aawadeed,

  • 28Weligayba waxaan isaga u hayn doonaa naxariistayda, Oo axdigayguna isaguu ku sii adkaan doona.

  • 14Oo haddaad ku socoto jidadkayga sidii aabbahaa Daa'uud ugu socday oo kale oo aad dhawrtid qaynuunnadayda iyo amarradayda markaas cimrigaaga waan dheerayn doonaa.

  • 10Oo guri buu magacayga u dhisi doonaa, oo wuxuu ahaan doonaa wiilkaygii, oo anna waxaan u ahaan doonaa aabbihiis, oo waxaan carshiga boqortooyadiisa u xoogayn doonaa inuu weligiis u taliyo reer binu Israa'iil.

  • 9laakiinse waxay u adeegi doonaan Rabbiga Ilaahooda ah, iyo boqorkooda Daa'uud ee aan iyaga u sara kicin doono.

  • 20si uusan qalbigiisu kor ugaga kicin walaalihiis, oo uusan amarka uga leexan xagga midigta ama xagga bidixda toona, in isaga iyo carruurtiisuba ay boqortooyada ku cimridheeraadaan reer binu Israa'iil dhexdooda.