Sabuurradii 89:33

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse naxariistayda oo dhan kama wada qaadi doono, Aaminnimadayduna inay isaga gabto uma oggolaan doono.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Sam 7:15 : 15 laakiinse naxariistaydu ka dhammaan mayso isaga, sidii aan Saa'uul uga dhammeeyey oo kale, kaasoo ahaa kii aan hortaa fogeeyey.
  • 1 Boq 11:13 : 13 Oo weliba boqortooyada oo dhan ka wada xoogi maayo, laakiinse qabiil ayaan wiilkaaga siinayaa, addoonkayga Daa'uud aawadiis iyo Yeruusaalem oo aan doortay aawadeed.
  • 1 Boq 11:32 : 32 (laakiinse qabiil isagaa u haysanaya addoonkaygii Daa'uud aawadiis, iyo Yeruusaalem oo ah magaaladii aan qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan ka doortay aawadeed;)
  • 1 Boq 11:36 : 36 Oo wiilkiisana waxaan siinayaa qabiil keliya in addoonkaygii Daa'uud had iyo goorba hortayda laambad ku haysto Yeruusaalem dhexdeeda, taasoo ah magaaladii aan u doortay inaan magacayga halkaas dhigo.
  • Sab 89:39 : 39 Axdigii addoonkaaga waad nacday, Oo taajkiisiina waad nijaasaysay oo dhulka ku tuurtay.
  • Ish 54:8-9 : 8 Rabbiga Bixiyahaaga ahu wuxuu leeyahay, Muddo gaaban ayaan cadho yar wejigayga kaaga qariyey, laakiinse raxmad weligeed ah ayaan kuugu naxariisan doonaa. 9 Maxaa yeelay, tanu waxay iila mid tahay sidii biyihii wakhtigii Nuux oo kale, waayo, sidaan ugu dhaartay inaanay biyihii Nuux mar dambe dhulka kor mari doonin ayaan ugu dhaartay inaanan mar dambe kuu cadhoon doonin, iyo inaanan innaba ku canaanan doonin. 10 Waayo, Rabbiga kuu naxariistaa wuxuu leeyahay, In kastoo ay buuruhu fogaadaan oo ay kuruhuna dhaqdhaqaaqaan raxmaddaydu innaba kaa fogaan mayso, oo axdigayga nabdeedna dhaqdhaqaaqi maayo.
  • Yer 33:20-26 : 20 Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad jebin karaysaan axdigayga habeenka, amase axdigayga maalinta, si habeen iyo maalinu ayan xilligooda u ahaanin, 21 markaas axdigayga aan addoonkayga Daa'uud la dhigtayna waa jabi karayaa si uusan u helin wiil carshigiisa ka dul taliya, iyo kii aan la dhigtay wadaaddada reer Laawi oo midiidinnadayda ah. 22 Sida aan ciidammada samada loo tirin karin, amase aan ciidda badda loo qiyaasi karin, ayaan u tarmin doonaa farcanka addoonkayga Daa'uud, iyo reer Laawiga ii adeegaba. 23 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah u yimid, oo wuxuu ku yidhi, 24 Miyaadan ka fikirayn waxa dadkanu ku hadleen iyagoo leh, Labadii qolo ee uu Rabbigu doortayba wuu xooray? Oo saasay dadkayga u quudhsadaan si ayan iyagu mar dambe hortooda quruun ugu ahaan. 25 Rabbigu wuxuu leeyahay, Hadduusan axdigayga habeenka iyo maalintu sii jirin, ama haddaanan waajib ka dhigin qaynuunnada samada iyo dhulkaba, 26 markaas waxaan xoori doonaa farcankii Yacquub, iyo addoonkaygii Daa'uudba, si aanan farcankiisa qaarna uga dhigin inay taliyayaal u ahaadaan farcankii Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, waayo, maxaabiistooda waan soo celin doonaa, waanan u naxariisan doonaa.
  • Bar 3:31-32 : 31 Waayo, Sayidku ilaa weligiis ma uu sii tuuri doono. 32 Maxaa yeelay, inkastoo uu murugeeyo, haddana weli wuu ugu nixi doonaa naxariistiisa badnaanteeda aawadeed.
  • 1 Kor 15:25 : 25 Waayo, waa inuu wax xukumo ilaa uu cadaawayaashiisa oo dhan cagihiisa hoostooda geliyo.
  • Cib 6:18 : 18 in laba waxyaalood, oo aan beddelmi karin, oo aan suurtoobin inuu Ilaah been ka sheego, aynu ku helno dhiirranaan xoog leh innagoo magangal u soo cararnay si aynu u qabsanno rajada ina hor taal,
  • 1 Sam 15:29 : 29 Kan xoogga reer binu Israa'iil ahna been sheegi maayo, qoomamaynna maayo; waayo, isagu ma aha nin qoomamooda.
  • 2 Sam 7:13 : 13 Oo isna guri buu magacayga u dhisi doonaa, oo xoog baan u yeeli doonaa carshiga boqortooyadiisa weligiis.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 89:34-37
    4 aayado
    87%

    34Axdigayga ma jebin doono, Oo wixii afkayga ka soo baxayna ma beddeli doono.

    35Mar baan waxaan ku dhaartay quduusnimadayda, Oo Daa'uud been uma sheegi doono,

    36Farcankiisu weligiisuu waari doonaa, Carshigiisuna wuxuu u waari doonaa sida qorraxda hortayda ka ifaysa.

    37Oo wuxuu weligiisba u sii jiri doonaa sida dayaxa, Iyo sida markhaatiga daacadda ah oo cirka jooga. (Selaah)

  • Sab 89:27-32
    6 aayado
    84%

    27Oo weliba waxaan isaga ka dhigi doonaa curadkayga, Oo wuxuu ahaan doonaa boqorrada dunida kan ugu wada sarreeya.

    28Weligayba waxaan isaga u hayn doonaa naxariistayda, Oo axdigayguna isaguu ku sii adkaan doona.

    29Oo weliba farcankiisana waxaan ka dhigi doonaa mid weligiis waara, Carshigiisana sida wakhtiga samada.

    30Carruurtiisu hadday sharcigayga ka tagaan, Oo aanay ku socon xukummadayda,

    31Hadday qaynuunnadayda jebiyaan, Oo aanay amarradayda dhawrin,

    32Markaas xadgudubkooda waxaan kaga abaalmarin doonaa ul, Xumaantoodana jeedal.

  • 80%

    14Oo anigu aabbaan u ahaan doonaa, isna wiil buu ii ahaan doonaa, oo hadduu dembi galona, waxaan ku edbin doonaa usha dadka iyo garaacidda binu-aadmiga,

    15laakiinse naxariistaydu ka dhammaan mayso isaga, sidii aan Saa'uul uga dhammeeyey oo kale, kaasoo ahaa kii aan hortaa fogeeyey.

  • Sab 89:24-25
    2 aayado
    78%

    24Laakiinse aaminnimadayda iyo naxariistaydu isagay la jiri doonaan, Oo geeskiisana waxaa lagu sarraysiin doonaa magacayga.

    25Oo weliba gacantiisa waxaan ka sarraysiin doonaa badda, Midigtiisana webiyaasha.

  • 13Oo anigu aabbaan u ahaan doonaa, isna wiil buu ii ahaan doonaa, oo anna naxariistayda kama fogayn doono, sidii aan uga fogeeyey kii kaa horreeyey,

  • Sab 89:1-4
    4 aayado
    76%

    1Anigu weligayba waxaan ku gabyi doonaa Rabbiga waxyaalihiisa naxariista leh, Oo aaminnimadaadana afkaygaan ka ab ka ab ku ogeysiinayaa.

    2Waayo, waxaan idhi, Naxariistu weligeedba way dhisnaan doontaa, Oo aaminnimadaadana waxaad ku adkayn doontaa samooyinka qudhooda.

    3Axdi baan la dhigtay kii aan doortay, Oo waxaan u dhaartay addoonkaygii Daa'uud, oo ku idhi,

    4Farcankaaga weligayba waan sii adkayn doonaa, Oo carshigaaguna wuu dhisnaan doonaa tan iyo ka ab ka ab. (Selaah)

  • 31Waayo, Sayidku ilaa weligiis ma uu sii tuuri doono.

  • 11Rabbiyow, naxariistaada ha iga ceshan, Raxmaddaada iyo runtaaduna had iyo goorba ha i dhawreen.

  • Ish 54:8-10
    3 aayado
    74%

    8Rabbiga Bixiyahaaga ahu wuxuu leeyahay, Muddo gaaban ayaan cadho yar wejigayga kaaga qariyey, laakiinse raxmad weligeed ah ayaan kuugu naxariisan doonaa.

    9Maxaa yeelay, tanu waxay iila mid tahay sidii biyihii wakhtigii Nuux oo kale, waayo, sidaan ugu dhaartay inaanay biyihii Nuux mar dambe dhulka kor mari doonin ayaan ugu dhaartay inaanan mar dambe kuu cadhoon doonin, iyo inaanan innaba ku canaanan doonin.

    10Waayo, Rabbiga kuu naxariistaa wuxuu leeyahay, In kastoo ay buuruhu fogaadaan oo ay kuruhuna dhaqdhaqaaqaan raxmaddaydu innaba kaa fogaan mayso, oo axdigayga nabdeedna dhaqdhaqaaqi maayo.

  • 39Oo taas aawadeed Daa'uud farcankiisa waan dhibayaa laakiinse dhibka ku waarin maayo.

  • 34Habase yeeshee boqortooyada oo dhan ka wada qaadi maayo; laakiinse cimrigiisa oo dhan amiir baan ka dhigayaa addoonkaygii Daa'uud oo aan doortay aawadiis, maxaa yeelay, wuxuu dhawray amarradaydii iyo qaynuunnadaydii.

  • 26markaas waxaan xoori doonaa farcankii Yacquub, iyo addoonkaygii Daa'uudba, si aanan farcankiisa qaarna uga dhigin inay taliyayaal u ahaadaan farcankii Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, waayo, maxaabiistooda waan soo celin doonaa, waanan u naxariisan doonaa.

  • 9Magacayga aawadiis ayaan idiinka joogsan doonaa ammaantayda daraaddeed.

  • Sab 77:7-8
    2 aayado
    73%

    7Sayidku weligiisba ma i xoorayaa? Oo miyaanu mar dambe raalli iga ahaanaynin?

    8Naxariistiisii miyey wada dhammaatay weligeedba? Ballankiisiina miyuu baaqanayaa ka ab ka ab?

  • Sab 89:21-22
    2 aayado
    73%

    21Oo gacantaydu isagay la jiri doontaa, Dhudhunkayguna isaguu xoogayn doonaa.

    22Cadowgu ma dulmi doono, Wiilka sharnimaduna ma dhibi doono.

  • 49Sayidow, meeday naxariistaadii hore, Oo aad Daa'uud aaminnimadaada ugu dhaaratay?

  • 14Waayo, Rabbigu dadkiisa xoori maayo, Oo dhaxalkiisana dayrin maayo.

  • 40Oo waxaan iyaga la dhigan doonaa axdi weligiisba sii waaraya, si aanan marnaba uga sii jeesan inaan iyaga wanaag u sameeyo, oo qalbigooda ayaan cabsidayda gelin doonaa, si ayan iiga tegin aawadeed.

  • 15laakiinse raxmaddaada waa inaanad ka gooyn reerkayga weligaa, oo xataa ma aha markii Rabbigu cadaawayaashaada ka dhammeeyo dhulka.

  • 11Rabbigu run buu Daa'uud ugu dhaartay, Oo dhaartiisiina ka soo noqon maayo, Midhaha jidhkaaga midkood ayaan carshigaaga ku fadhiisin doonaa.

  • 18markaasaan dhisi doonaa carshiga boqortooyadaada, sidaan axdi kula dhigtay aabbahaa Daa'uud markaan ku idhi, Lagaa waayi maayo nin reer binu Israa'iil u taliya.

  • 21markaas axdigayga aan addoonkayga Daa'uud la dhigtayna waa jabi karayaa si uusan u helin wiil carshigiisa ka dul taliya, iyo kii aan la dhigtay wadaaddada reer Laawi oo midiidinnadayda ah.

  • 12Habase yeeshee, intaad nooshahay saas yeeli maayo, aabbahaa Daa'uud aawadiis; laakiinse waxaan ka xoogayaa wiilkaaga.

  • 19Habase yeeshee Rabbigu ma uu doonaynin inuu dalka Yahuudah baabbi'iyo, sababtuna waa addoonkiisii Daa'uud aawadiis, waayo, wuxuu u ballanqaaday inuu isaga iyo carruurtiisa had iyo goorba laambad siiyo.

  • 5de markaasaan dhisi doonaa oo aan weligiis waarin doonaa carshiga boqortooyadaada ee reer binu Israa'iil u taliya sidaan ugu ballanqaaday aabbahaa Daa'uud, markaan ku idhi, Nin carshiga dalka Israa'iil ku fadhiista lagaa waayi maayo.

  • 8Rabbigaa kaamil ka dhigi doona waxa igu saabsan, Rabbiyow, naxariistaadu weligeedba way sii waartaa, Ha ka tegin shuqulladii gacmahaaga.

  • 21Rabbigu wuxuu leeyahay, Kanu waa axdigayga aan iyaga la dhigan doono. Ruuxayga ku kor jooga iyo erayadaydii aan afkaaga ku riday innaba afkaaga, iyo afka farcankaaga, iyo afka farcankaaga farcankiisa toona hadda ka dib iyo tan iyo weligeedba kama tegi doonaan, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 44Laakiinse in kastoo ay saas sameeyeen anigu intay dalka cadaawayaashooda joogaan oo dhan iyaga diidi maayo, karhina maayo, wada baabbi'inna maayo, oo axdigaygii aan la dhigtay jebin maayo, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahooda ah.

  • 16Waayo, ilaa weligay diriri maayo oo ilaa weligay sii cadhaysnaan maayo, haddii kalese ruuxii iyo nafihii aan abuurayba hortayda way ku taag darnaan lahaayeen.

  • 28Waayo, Rabbigu wuxuu jecel yahay caddaaladda, Mana uu dayrsho quduusiintiisa, Laakiinse iyaga weligoodba waa la ilaashaa, Illowse kuwa sharka leh carruurtoodu way go'i doonaan.

  • 38Laakiinse isagoo raxmad miidhan ah ayuu xumaantoodii cafiyey, oo mana uu baabbi'in iyagii, Haah, oo marar badan ayuu cadhadiisii ka leexiyey, Oo cadhadiisii oo dhanna ma uu wada kicin.

  • 31maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa Ilaah naxariis badan, oo isagu idin gabi maayo, idinna baabbi'in maayo, illoobina maayo axdigii uu awowayaashiin ugu dhaartay.

  • 18Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Habase ahaatee, anigu wakhtigaas idin wada baabbi'in maayo.