1 Boqorradii 12:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Boqor Rexabcaam wuxuu diray Adoraam oo cashuurta u sarreeyey, oo dadkii Israa'iil oo dhammu dhagax bay la dhaceen, wuuna dhintay. Markaasaa Boqor Rexabcaam ku degdegay inuu fuulo gaadhifaraskiisii si uu Yeruusaalem ugu cararo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 4:6 : 6 oo Axiishaarna wuxuu u sarreeyey shuqulka guriga; oo Adoniiraam ina Cabdaana wuxuu ahaa gabbaroqaade.
  • 1 Boq 5:14 : 14 Oo bishiiba toban kun ayuu Lubnaan u diri jiray; markaasay intii bil ah Lubnaan joogi jireen, laba biloodna reerahooday joogi jireen; oo shaqaalayaasha waxaa u sarreeyey Adoniiraam.
  • 2 Sam 20:24 : 24 Oo Adoraamna wuxuu ahaa kan baad qaada, Yehooshaafaad oo ahaa ina Axiiluudna wuxuu ahaa kan taariikhda dhiga,
  • Bax 17:4 : 4 Kolkaasaa Muuse Rabbiga u qayshaday oo ku yidhi, Bal maxaan dadkan ku sameeyaa? Waayo, waxay ku dhow yihiin inay i dhagxiyaan.
  • Tir 14:10 : 10 Laakiinse shirkii oo dhammu waxay yidhaahdeen, Iyaga ha la dhagxiyo. Markaasaa ammaantii Rabbigu waxay reer binu Israa'iil oo dhan uga muuqatay teendhadii shirka.
  • 1 Boq 20:18-20 : 18 Isna wuxuu yidhi, Hadday nabad u soo baxeen iyo hadday dagaal u soo baxeenba iyagoo nool qabqabta. 19 Sidaas daraaddeed kuwanu magaaladii way ka soo baxeen, waxayna ahaayeen amiirradii gobollada addoommadoodii iyo ciidankii iyaga daba socday. 20 Oo kulligood mid waluba ninkiisii ayuu dilay; markaasaa ciidanka Suuriya cararay, oo ciidankii Israa'iilna way eryadeen; oo Benhadad oo ahaa boqorkii Suuriya faras buu fuulay oo rag fardooley ah la baxsaday.
  • 2 Taar 10:18 : 18 Markaasaa Boqor Rexabcaam wuxuu diray Hadooraam oo cashuurta u sarreeyey, oo dadkii Israa'iil dhagax bay la dhaceen, wuuna dhintay. Markaasaa Boqor Rexabcaam ku degdegay inuu fuulo gaadhifaraskiisii si uu Yeruusaalem ugu cararo.
  • 2 Taar 24:21 : 21 Oo iyana intay isagii shirqool u dhigeen, ayay iyagoo boqorka amar ka wata isagii ku dhagxiyeen barxadda guriga Rabbiga.
  • Maah 28:1-2 : 1 Kuwa sharka lahu waxay cararaan iyadoo aan ciduna eryanayn, Laakiinse kuwa xaqa ahu waxay u dhiirran yihiin sida libaax oo kale. 2 Waddan xadgudubkiisa aawadiis amiirradu way badan yihiin, Laakiinse ninkii waxgarasho iyo aqoon leh dowladdiisu way sii raagtaa.
  • Aam 2:16 : 16 oo kuwa xoogga leh kii ugu geesinimo badanuna maalintaas wuu carari doonaa isagoo qaawan, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Fal 5:26 : 26 Markaasaa sirkaalkii, isagoo saraakiil kale la socoto, intuu tegey, rabshadla'aan u soo kaxeeyey; waayo, waxay ka baqeen dadku inuu dhagxiyo.
  • Fal 7:57-58 : 57 Laakiin markaasay cod weyn ku qayliyeen oo dhegaha furaysteen, oo iyagoo isku wada qalbi ah ku yaaceen isagii. 58 Markaasay intay magaalada ka soo saareen dhagxiyeen; kuwii maragga ahaana dharkoodii waxay ag dhigteen nin dhallinyaro ah oo la odhan jiray Sawlos.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 93%

    16Oo dadkii Israa'iil oo dhammuna markay arkeen inaan boqorku dhegaysan ayaa dadkii waxay boqorkii ugu jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Bal maxaan qayb ku leennahay Daa'uud? Dhaxalna kuma lihin ina Yesay. Haddaba dadkii Israa'iilow, nin kastow, teendhadaadii tag. Oo Daa'uudow, bal eeg, reerkaagii waa kuu kaas. Markaasay dadkii Israa'iil oo dhammu teendhooyinkoodii tageen.

    17Laakiinse Rexabcaam wuxuu boqor u ahaa intii reer binu Israa'iil ahayd ee degganayd magaalooyinka reer Yahuudah.

    18Markaasaa Boqor Rexabcaam wuxuu diray Hadooraam oo cashuurta u sarreeyey, oo dadkii Israa'iil dhagax bay la dhaceen, wuuna dhintay. Markaasaa Boqor Rexabcaam ku degdegay inuu fuulo gaadhifaraskiisii si uu Yeruusaalem ugu cararo.

    19Sidaasay dadkii Israa'iil ugu caasiyoobeen Daa'uud reerkiisii ilaa maantadan la joogo.

  • 77%

    16Oo dadkii Israa'iil oo dhammuna markay arkeen inaan boqorku dhegaysan ayaa dadkii waxay boqorkii ugu jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Bal maxaan qayb ku leennahay Daa'uud? Dhaxalna kuma lihin ina Yesay. Haddaba dadkii Israa'iilow, teendhooyinkiinnii taga. Oo Daa'uudow, bal eeg, reerkaagii waa kuu kaas. Markaasay dadkii Israa'iil tageen teendhooyinkoodii.

    17Laakiinse Rexabcaam wuxuu boqor u ahaa intii reer binu Israa'iil ahayd ee degganayd magaalooyinka reer Yahuudah.

  • 75%

    19Sidaasay dadkii Israa'iil ugu caasiyoobeen Daa'uud reerkiisii ilaa maantadan la joogo.

    20Oo markii dadkii Israa'iil maqleen in Yaaraabcaam soo noqday ayay u cid direen oo shirkii ugu yeedheen, oo waxay ka dhigteen boqor u taliya dadkii Israa'iil oo dhan; oo reerkii Daa'uudna nin qudha ma raacin, qabiilkii reer Yahuudah mooyaane.

    21¶ Oo Rexabcaamna markuu Yeruusaalem tegey wuxuu reer Yahuudah oo dhan iyo qabiilkii reer Benyaamiin ka soo shiriyey boqol iyo siddeetan kun oo rag la doortay oo dagaalyahan ahaa, si ay dadkii Israa'iil ula diriraan oo ay boqortooyadii mar kale ugu soo celiyaan Rexabcaam ina Sulaymaan.

  • 21Oo iyana intay isagii shirqool u dhigeen, ayay iyagoo boqorka amar ka wata isagii ku dhagxiyeen barxadda guriga Rabbiga.

  • 71%

    27oo haddii dadkanu Yeruusaalem tagaan inay Rabbiga allabaryo ugu bixiyaan, de markaas qalbigoodu wuxuu u noqon doonaa sayidkoodii, kaasoo ah Rexabcaam ee boqor u ah reer Yahuudah, oo markaasay i dili doonaan, waxayna u noqon doonaan Rexabcaam ee ah boqorka reer Yahuudah.

    28Markaasaa boqorkii tashaday, oo wuxuu sameeyey laba weylood oo dahab ah, oo wuxuu dadkii ku yidhi, Dadkii Israa'iilow, aad bay idiinku dhib badan tahay inaad Yeruusaalem tagtaan, haddaba bal eega ilaahyadiinnii idinka keenay dalkii Masar.

  • 1 Boq 12:1-6
    6 aayado
    71%

    1¶ Markaasaa Rexabcaam wuxuu tegey Shekem, maxaa yeelay, reer binu Israa'iil oo dhammu waxay yimaadeen Shekem inay isaga ku soo boqraan.

    2Oo markii Yaaraabcaam ina Nebaad taas maqlay ayaa Yaaraabcaam iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu u yimaadeen,

    3(waayo, Yaaraabcaam wuxuu weli joogay dalkii Masar oo uu Boqor Sulaymaan kaga cararay, oo Yaaraabcaamna wuxuu iska joogay dalka Masar, laakiinse waa loo cid diray oo loo yeedhay;) markaasay Rexabcaam la hadleen oo waxay ku yidhaahdeen,

    4War aabbahaa harqood daran buu na saaray; haddaba noo fududee hawshii aabbahaa oo adkayd iyo harqoodkiisii cuslaa oo uu na saaray, annana waannu kuu adeegaynaa.

    5Markaasuu ku yidhi, Bal intii saddex maalmood ah iga maqnaada, dabadeedna igu soo noqda. Markaasaa dadkii ka tegey.

    6Markaasaa Boqor Rexabcaam la tashaday odayaashii aabbihiis Sulaymaan intuu noolaa hor joogi jiray, oo wuxuu ku yidhi, War maxaad igula talinaysaan oo aan dadkan jawaab ugu celiyaa?

  • 69%

    12Sidaas daraaddeed Yaaraabcaam iyo dadkii oo dhammuba maalintii saddexaad ayay Rexabcaam u yimaadeen siduu boqorku hore ugu amray markuu ku yidhi, Maalinta saddexaad igu soo noqda.

    13Markaasaa Boqor Rexabcaam ka tegey taladii raggii odayaasha ahaa, oo si qallafsan ayuu ugu jawaabay,

  • 16Oo Rexabcaamna wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Abiiyaah.

  • 17Oo Absaaloom bay qaadeen oo ku tuureen yamays dheer oo kaynta ku dhex yiil, oo waxay dusha kaga tuuleen dhagaxyo faro badan, oo reer binu Israa'iilna dhammaantood mid waluba teendhadiisii buu ku cararay.

  • 68%

    11Haddaba meeshii aabbahay harqood culus idinka saaray, anna culays baan idiinku sii darayaa; oo aabbahay wuxuu idinku edbin jiray shaabuugyo, laakiinse anigu waxaan idinku edbinayaa hangarallayaal.

    12Sidaas daraaddeed Yaaraabcaam iyo dadkii oo dhammuba maalintii saddexaad ayay Rexabcaam u yimaadeen siduu boqorku hore ugu amray markuu ku yidhi, Maalinta saddexaad igu soo noqda.

    13Markaasaa boqorkii ka tegey taladii ragga odayaasha ahaa, oo dadkiina si qallafsan ayuu ugu jawaabay,

  • 3Waa loo cid diray oo loo yeedhay, oo Yaaraabcaam iyo reer binu Israa'iil oo dhammuna way yimaadeen, markaasay Rexabcaam la hadleen, oo waxay ku yidhaahdeen,

  • 25Markaasaa Boqor Sulaymaan u diray Benaayaah ina Yehooyaadaac, oo isna wuu dilay, Adoniiyaahna waa dhintay.

  • 3La hadal Rexabcaam ina Sulaymaan oo reer Yahuudah boqor u ah, iyo reer binu Israa'iilka dalka reer Yahuudah iyo kan reer Benyaamiin deggan oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa,

  • 1¶ Markii boqortooyadii Rexabcaam ay dhisantay oo uu xoogaystay ayuu ka tegey sharcigii Rabbiga, iyadoo ay reer binu Israa'iil oo dhammuba la jiraan.

  • 1¶ Markaasaa Rexabcaam wuxuu tegey Shekem, maxaa yeelay, reer binu Israa'iil oo dhammu waxay yimaadeen Shekem inay isaga ku soo boqraan.

  • 14Markaasay Yesebeel farriin u direen oo waxay ku yidhaahdeen, Naabood waa la dhagxiyey, wuuna dhintay.

  • 40Sidaas daraaddeed Sulaymaan wuxuu damcay inuu Yaaraabcaam dilo; laakiinse Yaaraabcaam wuu kacay, oo wuxuu u cararay dalka Masar, oo u tegey Shiishaq oo ahaa boqorkii Masar, oo tan iyo markii Sulaymaan geeriyooday ayuu dalka Masar iska joogay.

  • 36Markaasaa shirkii oo dhammu waxay isagii keeneen xerada dibaddeedii, kolkaasay dhagxiyeen oo wuu dhintay, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 66%

    11Oo mar alla markuu boqorku gurigii Rabbiga galo ayay waardiyayaashu iman jireen oo ay gaashaammada soo qaadi jireen, oo haddana waxay ku soo celin jireen qolkii waardiyayaasha.

    12Oo markuu isagu is-hoosaysiiyey ayaa cadhadii Rabbigu ka noqotay si aan Rabbigu isaga dhammaantiisba u baabbi'in, oo weliba dalka Yahuudah waxyaalo wanwanaagsan baa laga heli jiray.

  • 1¶ Oo Rexabcaam markuu Yeruusaalem tegey wuxuu reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin ka soo shiriyey boqol iyo siddeetan kun oo rag la doortay oo dagaalyahan ahaa si ay dadkii Israa'iil ula diriraan oo ay boqortooyadii mar kale ugu soo celiyaan Rexabcaam.

  • 46Sidaas daraaddeed ayaa boqorkii amray Benaayaah ina Yehooyaadaac; kolkaasuu isna tegey oo dilay Shimcii, wuuna dhintay. Oo boqortooyadiina waxay ku sii dhisnaatay gacantii Sulaymaan.

  • 21Oo markaas nimanka magaaladiisa oo dhammu waa inay isaga dhagxiyaan si uu u dhinto. Oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan, oo reer binu Israa'iil oo dhammu taas way maqli doonaan, markaasay cabsan doonaan.

  • 4Haddana addoon kale ayuu u soo diray. Kaasay dakhreen oo ceebeeyeen.

  • 23La hadal Rexabcaam ina Sulaymaan oo reer Yahuudah boqorka u ah, iyo reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin, iyo dadka intiisa kale oo dhanba, oo waxaad ku tidhaahdaa,

  • 24Oo Adoraamna wuxuu ahaa kan baad qaada, Yehooshaafaad oo ahaa ina Axiiluudna wuxuu ahaa kan taariikhda dhiga,

  • 65%

    28Oo mar alla markii boqorku gurigii Rabbiga galo ayay waardiyayaashu gaashaammada qaadi jireen, oo haddana waxay ku soo celin jireen qolkii waardiyayaasha.

    29Haddaba Rexabcaam falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

  • 31Dibadduu u soo bixiyey dadkii magaalada ku jiray, oo wuxuu hoos dhigay miinshaaro, iyo biro wax lagu qodo, iyo faasas biro ah, oo wuxuu ka dhex dusiyey meesha lebenka lagu dubo; saasuuna u wada galay magaalooyinkii reer Cammoon oo dhan. Markaasaa Daa'uud iyo dadkii oo dhammu ku noqdeen Yeruusaalem.

  • 15Markaasay dadkii Yahuudah qayliyeen oo markay dadkii Yahuudah qayliyeen ayaa Rabbigu wax ku dhuftay Yaaraabcaam iyo dadkii Israa'iil oo dhan Abiiyaah iyo dadkii Yahuudah hortooda.

  • 40Oo weliba guutay kugu kicin doonaan, wayna ku dhagxin doonaan, oo seefahooday kugu mudhbixin doonaan.

  • 15Kolkaasaa waxaa Absaaloom hareereeyey toban nin oo dhallinyaro ahaa oo Yoo'aab hub u siday, oo intay dileen ayay gowraceen.

  • 10Oo waa inaad dhagxisaa si uu u dhinto, maxaa yeelay, wuxuu damcay inuu kaa fogeeyo Rabbiga Ilaahaaga ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga.

  • 6oo Axiishaarna wuxuu u sarreeyey shuqulka guriga; oo Adoniiraam ina Cabdaana wuxuu ahaa gabbaroqaade.

  • 6Markaasaa Boqor Rexabcaam la tashaday odayaashii aabbihiis Sulaymaan intuu noolaa hor joogi jiray, oo wuxuu ku yidhi, War maxaad igula talinaysaan oo aan dadkan jawaab ugu celiyaa?