1 Boqorradii 13:24

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo markuu ka tegey ayaa libaax jidkii kaga hor yimid, wuuna dilay isagii; oo meydkiisiina waxaa lagu tuuray jidka dhexdiisa, oo dameerkiina wuu ag taagnaa; libaaxiina wuxuu dhinac taagnaa meydka.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 20:36 : 36 Kolkaasuu ku yidhi, Adigu ma aadan addeecin Eraygii Rabbiga oo sidaas daraaddeed bal ogow haddiiba markii aad iga tagto waxaa ku dili doona libaax. Oo haddiiba markuu isagii ka tegey ayaa waxaa helay libaax, wuuna dilay isagii.
  • 2 Boq 2:24 : 24 Oo isna markaasuu gadaashiisa dhugtay oo arkay iyagii, oo magicii Rabbiga ayuu ku habaaray. Markaasaa dhirtii waxaa ka soo baxay laba orso oo dhaddig oo waxay dildillaacsadeen laba iyo afartan carruurtii ka mid ahaa.
  • Maah 22:13 : 13 Kii caajis ahu wuxuu yidhaahdaa, Libaax baa dibadda jooga, Oo jidka dhexdiisa ayaa laygu dili doonaa.
  • Maah 26:13 : 13 Ninkii caajis ahu wuxuu yidhaahdaa, Libaax baa waddada jooga; Libaax baa jidka taagan.
  • Aam 5:19 : 19 Waa sidii nin libaax ka cararay oo orso ka hor timid, ama intuu guri galay derbiga ku tiirsaday oo markaas abeeso gacanta ka qaniintay.
  • 1 Kor 11:31-32 : 31 Laakiin haddaynu innagu dhexdeenna iska xukumi lahayn, laynama xukumeen. 32 Markii layna xukumo, Rabbiga ayaa ina edbiya, inaan laynala xukumin dunida.
  • 1 But 4:17-18 : 17 Waayo, waxaa la gaadhay wakhtigii dadka Ilaah xukunka laga bilaabi lahaa, oo haddii innaga marka hore laynaga bilaabo, kuwa aan injiilka Ilaah addeecin muxuu aakhirkoodu ahaan doonaa? 18 Haddaba haddii kan xaqa ahu si dhib leh ku badbaado, xaggee bay ka muuqan doonaan cibaadalaawaha iyo dembiluhu?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 91%

    25Oo bal eeg, dad baa soo ag maray, oo waxay arkeen meydka jidka lagu tuuray iyo libaaxa meydka agtiisa taagan; oo waxay yimaadeen magaaladii nebiga duqa ahu degganaa, markaasay dadkii u sheegeen.

    26Oo nebigii isaga jidka ka soo celiyey markuu taas maqlay ayuu yidhi, Waa ninkii Ilaah oo ku caasiyoobay Rabbiga; oo sidaas daraaddeed ayuu Rabbigu isaga ugu gacan gashay libaaxa dildillaacsaday oo dilay, taasuna waa sidii uu ahaa erayguu Rabbigu kula hadlay.

    27Markaasuu wiilashiisii la hadlay oo ku yidhi, War dameerka ii kooreeya. Oo iyana way u kooreeyeen.

    28Kolkaasuu tegey oo wuxuu helay meydkiisii oo jidka dhex yaal, iyo dameerkii iyo libaaxii oo meydka ag taagan; libaaxiina meydkii ma cunin, dameerkiina ma dildillaacsan.

    29Oo nebigiina wuxuu qaaday meydkii ninkii Ilaah, oo kor saaray dameerkii, wuuna soo celiyey. Markaasuu yimid magaaladii nebigii duqa ahaa inuu halkaas ku aaso oo ugu baroorto.

    30Oo xabaashiisii uu isagu lahaa ayuu meydkiisii geliyey, wayna u baroorteen, oo yidhaahdeen, Hoognay, walaalkayow!

  • 82%

    36Kolkaasuu ku yidhi, Adigu ma aadan addeecin Eraygii Rabbiga oo sidaas daraaddeed bal ogow haddiiba markii aad iga tagto waxaa ku dili doona libaax. Oo haddiiba markuu isagii ka tegey ayaa waxaa helay libaax, wuuna dilay isagii.

    37Oo haddana wuxuu helay nin kale, markaasuu ku yidhi, War waan ku baryayaaye i dil. Markaasaa ninkii intuu wax ku dhuftay dhaawacay.

  • 82%

    22laakiinse waad soo noqotay oo kibis baad ku cuntay, biyona waad ku cabtay meeshii uu kugu yidhi, Kibis ha ku cunin, biyona ha ku cabbin. Sidaas daraaddeed meydkaagu gaadhi maayo xabaashii awowayaashaa.

    23Oo markuu kibis cunay oo biyo cabbay dabadeed ayuu dameerkiisii u kooreeyey nebigii uu soo celiyey.

  • Tir 22:21-23
    3 aayado
    74%

    21¶ Oo subaxdii dambe ayaa Balcaam kacay oo dameertiisii kooraystay, kolkaasuu raacay amiirradii reer Moo'aab.

    22Oo Ilaah cadhadiisiina way kululaatay, maxaa yeelay, Balcaam baa tegey. Markaasaa malaa'igtii Rabbigu jidka istaagtay iyadoo cadow ku ah isaga. Haddaba isagu wuxuu iska fuushanaa dameertiisii, oo labadiisii addoonna way la socdeen.

    23Markaasaa dameertii waxay aragtay malaa'igtii Rabbiga oo jidka taagan oo seefteedii oo galka ka baxsan gacanta ku haysata. Kolkaasay dameertii jidka ka leexatay oo berrinka gashay. Oo Balcaamna dameertii wax buu ku dhuftay si uu jidka ugu soo celiyo.

  • 74%

    10Oo sidaas daraaddeed jid kaluu maray, dib umana uu sii qaadin jidkii uu Beytel u soo maray.

    11Waagaas waxaa Beytel degganaa nebi duq ah, oo wiilashiisii midkood baa u yimid oo u soo sheegay kulli shuqulladii ninka Ilaah maalintaas Beytel ku sameeyey; oo erayadii uu boqorka kula hadlayna aabbahood way u soo sheegeen.

    12Markaasaa aabbahood ku yidhi, Jidkee buu qaaday? Oo wiilashiisuna way arkeen jidkii ninkii Ilaah oo Yahuudah ka yimid qaaday.

    13Markaasuu wiilashiisii ku yidhi, War dameerka ii kooreeya. Dameerkiina way u kooreeyeen oo isna wuu fuulay.

    14Oo ninkii Ilaah wuu daba galay, oo helay isagoo geed hoos fadhiya; kolkaasuu ku yidhi, War ma waxaad tahay ninkii Ilaah oo Yahuudah ka yimid? Isna wuxuu yidhi, Haah, waan ahay.

  • Xaak 14:8-9
    2 aayado
    72%

    8Oo wakhti yar dabadeed ayuu u soo noqday inuu kaxaysto iyadii, markaasuu ku leexday inuu arko bakhtigii libaaxa; oo bal eeg, bakhtigii libaaxa waxaa ku jiray shinni badan iyo malab.

    9Oo markaasuu gacmihiisii ku qaaday, oo iska tegey, isagoo cunaya intuu sii socday, markaasuu u yimid aabbihiis iyo hooyadiis, oo iyagiina wuu siiyey, wayna cuneen; laakiinse iyagii uma uu sheegin inuu malabka ka soo qaaday bakhtigii libaaxa.

  • Tir 22:32-33
    2 aayado
    72%

    32Kolkaasaa malaa'igtii Rabbigu waxay isagii ku tidhi, War maxaad dameertaada u dishay saddexdan jeer? Bal eeg, anigu waxaan u soo baxay cadow ahaan, maxaa yeelay, jidkaagu hortayda waa ku qalloocan yahay.

    33Oo dameertuna anay i aragtay oo saddexdan jeerba hortayday ka leexatay. Oo haddaanay iga leexan, hubaal waan ku dili lahaa, iyadase waan badbaadin lahaa.

  • 27Oo haddana dameertii waxay aragtay malaa'igtii Rabbiga, markaasay iska jiifsatay Balcaam hoostiisa, Balcaamna wuu cadhooday, oo dameertii usha ku dhuftay.

  • 25Oo haddana dameertii waxay aragtay malaa'igtii Rabbiga, markaasay derbiga isku jiidday, oo Balcaam cagtiisii ayay derbigii kula qabatay, oo isna haddana wax buu ku dhuftay.

  • Nax 2:11-13
    3 aayado
    71%

    11Bal meeday bohoshii libaaxyadu, oo meeday meeshii lagu quudin jiray libaaxyada qayrabka ah, taasoo ah meeshii ay ku socon jireen aarka iyo goosha iyo dhasha libaaxu, iyagoo aan ciduna cabsiin?

    12Aarkii libaaxu wuxuu dhashiisii u dildillaaciyey wax ku filan, oo goolihiisiina wax buu u dilay, oo godadkiisii wuxuu ka buuxsaday ugaadh, oo boholihiisiina wuxuu ka buuxsaday raq.

    13Rabbigii ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eega, anigu col baan idinla ahay, oo gaadhifardoodyadana qiiq baan ku gubi doonaa, oo libaaxyada qayrabyada ahna seef baa baabbi'in doonta, oo waxa aad ugaadhsataanna dhulkaan ka dhammayn doonaa, oo codkii wargeysyadiinnana mar dambe lama maqli doono.

  • Yex 19:5-6
    2 aayado
    71%

    5Haddaba iyadu markay isagii wax badan sugtay oo ay ka rajo beeshay waxay qaadatay mid kale oo dhasheedii ah, oo waxay ka dhigtay libaax aaran ah.

    6Oo isaguna libaaxyaduu dhex socday, oo wuxuu noqday libaax aaran ah, oo wuxuu bartay sida ugaadha loo qabsado, dad buuna cunay.

  • 71%

    25Oo markay bilaabeen inay meeshaas degaan Rabbiga kama ay cabsan jirin, oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu dhexdooda u soo diray libaaxyo, kuwaasoo iyagii qaar ka laayay.

    26Sidaas daraaddeed boqorkii Ashuur ayaa lala hadlay oo lagu yidhi, War quruumihii aad kaxaysay oo aad magaalooyinka Samaariya dejisay ma ay yaqaaniin camalka Ilaaha dalkaas, oo sidaas daraaddeed wuxuu dhexdooda u soo diray libaaxyo, oo bal eeg, libaaxyadu way laayaan, maxaa yeelay, iyagu ma ay yaqaaniin camalka Ilaaha dalkaas.

  • 11Libaaxa duqa ahu ugaadhla'aanta buu u bakhtiyaa, Oo goosha dhasheediina way kala firdhaan.

  • 5¶ Markaasaa Samsoon, iyo aabbihiis iyo hooyadiis, waxay tageen Timnaad, oo waxay yimaadeen beerihii canabka ahaa oo Timnaad. Oo bal eeg, waxaa isagii ku soo ciyey libaax yar.

  • 24Bal eeg, dadku wuxuu u kacaa sidii gool oo kale, Oo sidii aar oo kale ayuu isu qaadaa: Oo isagu jiifsan maayo jeeruu ugaadh cuno, Oo uu dhiigga ka cabbo waxa uu dishay.

  • 19Isaga waxaa loo xabaali doonaa sida dameer loo xabaalo oo kale, oo inta la jiido ayaa irdaha Yeruusaalem dibadda looga bixin doonaa.

  • 13Ninkii caajis ahu wuxuu yidhaahdaa, Libaax baa waddada jooga; Libaax baa jidka taagan.

  • Hos 13:7-8
    2 aayado
    69%

    7Sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku ahay sida libaax oo kale, oo sida shabeel ayaan jidka ku ag dhawri doonaa.

    8Oo waxaan iyaga uga hor iman doonaa sida orso gabneheedii laga gablamiyey, oo waxaan jeexjeexi doonaa xuubkii wadnahooda, oo halkaasaan iyaga ku baabbi'in doonaa sidii gool libaax oo kale, oo waxaa iyaga dildillaacsan doona dugaagga.

  • 19Waa sidii nin libaax ka cararay oo orso ka hor timid, ama intuu guri galay derbiga ku tiirsaday oo markaas abeeso gacanta ka qaniintay.

  • 12Markaasuu kacay oo baxay, oo wuxuu tegey Samaariya. Oo markuu gaadhay gurigii adhijirrada ee jidka ku yiil

  • 13Kii caajis ahu wuxuu yidhaahdaa, Libaax baa dibadda jooga, Oo jidka dhexdiisa ayaa laygu dili doonaa.

  • 16Laakiinse isaga waxaa loo canaantay xadgudubkiisii aawadiis. Dameer carrab la' ayaa ku hadlay dad codkiis, oo wuxuu joojiyey waallidii nebiga.

  • 3Oo dhasheedii midkood ayay korisay, oo wuxuu noqday libaax aaran ah, oo wuxuu bartay sida ugaadha loo qabsado, dad buuna cunay.

  • 21Markaasuu ka noqday isagii, oo wuxuu kaxeeyey qindigii dibida ahaa, wuuna qalay oo hilibkoodiina ku karshay alaabtii dibida, oo wuxuu siiyey dadkii, oo iyana way cuneen. Markaasuu kacay oo wuxuu raacay Eliiyaah, wuuna u adeegay isagii.

  • 20Haddaba isagii sidii baa ku dhacday; maxaa yeelay, isagii dadkii baa ku tuntay isagoo iridda jooga oo wuu dhintay.

  • 10¶ Haddii nin deriskiisa ammaano ugu dhiibto dameer ama dibi, ama lax amase neef uun, markaas hadduu dhinto, ama wax gaadhaan, ama la kaxaysto iyadoo aan la arkayn,

  • 6Oo sidaas daraaddeed waxaa iyaga dili doona libaax kaynta ka soo baxay, oo waxaa baabbi'in doonta yeyda fiideed. Oo magaalooyinkoodana waxaa gaagaatami doona shabeel, oo ku alla kii halkaas ka soo baxaba waa la kala dildillaacsan doonaa, maxaa yeelay, xadgudubyadoodu waa tiro badan yihiin, oo dibunoqoshadoodiina waa sii korodhay.

  • 7Oo waxaa wada daaqi doona saca iyo orsada, oo ubadkooduna way isla wada jiifsan doonaan, oo libaaxuna sida dibiga oo kale caws buu u cuni doonaa.

  • 24Markaasay dameer kooraysatay, oo midiidinkeedii waxay ku tidhi, Igu kaxee oo hore u soco, oo anigoo kugu amra mooyaane ha i raajin.