1 Boqorradii 20:36

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kolkaasuu ku yidhi, Adigu ma aadan addeecin Eraygii Rabbiga oo sidaas daraaddeed bal ogow haddiiba markii aad iga tagto waxaa ku dili doona libaax. Oo haddiiba markuu isagii ka tegey ayaa waxaa helay libaax, wuuna dilay isagii.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Sam 15:22-23 : 22 Markaasaa Samuu'eel yidhi, Rabbigu miyuu aad ugu farxaa qurbaanno la gubo iyo allabaryo, siduu ugu farxo in codka Rabbiga la addeeco? Bal eeg, addeeciddu waa ka wanaagsan tahay allabariga, maqlidduna waa ka wanaagsan tahay baruurta wananka. 23 Waayo, caasinimadu waxay la mid tahay dembiga sixirka, madaxadaygguna wuxuu la mid yahay shar iyo sanam caabudidda. Waxaad diidday Eraygii Rabbiga, oo sidaas daraaddeed isna wuxuu kuu diiday inaad boqor sii ahaatid.
  • 1 Boq 13:21-24 : 21 Wuuna ku qayliyey ninkii Ilaah oo Yahuudah ka yimid, oo ku yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Caasi baad ku noqotay Rabbiga, mana aadan xajin amarkii Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu amray, 22 laakiinse waad soo noqotay oo kibis baad ku cuntay, biyona waad ku cabtay meeshii uu kugu yidhi, Kibis ha ku cunin, biyona ha ku cabbin. Sidaas daraaddeed meydkaagu gaadhi maayo xabaashii awowayaashaa. 23 Oo markuu kibis cunay oo biyo cabbay dabadeed ayuu dameerkiisii u kooreeyey nebigii uu soo celiyey. 24 Oo markuu ka tegey ayaa libaax jidkii kaga hor yimid, wuuna dilay isagii; oo meydkiisiina waxaa lagu tuuray jidka dhexdiisa, oo dameerkiina wuu ag taagnaa; libaaxiina wuxuu dhinac taagnaa meydka.
  • 1 Boq 13:26 : 26 Oo nebigii isaga jidka ka soo celiyey markuu taas maqlay ayuu yidhi, Waa ninkii Ilaah oo ku caasiyoobay Rabbiga; oo sidaas daraaddeed ayuu Rabbigu isaga ugu gacan gashay libaaxa dildillaacsaday oo dilay, taasuna waa sidii uu ahaa erayguu Rabbigu kula hadlay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 87%

    24Oo markuu ka tegey ayaa libaax jidkii kaga hor yimid, wuuna dilay isagii; oo meydkiisiina waxaa lagu tuuray jidka dhexdiisa, oo dameerkiina wuu ag taagnaa; libaaxiina wuxuu dhinac taagnaa meydka.

    25Oo bal eeg, dad baa soo ag maray, oo waxay arkeen meydka jidka lagu tuuray iyo libaaxa meydka agtiisa taagan; oo waxay yimaadeen magaaladii nebiga duqa ahu degganaa, markaasay dadkii u sheegeen.

    26Oo nebigii isaga jidka ka soo celiyey markuu taas maqlay ayuu yidhi, Waa ninkii Ilaah oo ku caasiyoobay Rabbiga; oo sidaas daraaddeed ayuu Rabbigu isaga ugu gacan gashay libaaxa dildillaacsaday oo dilay, taasuna waa sidii uu ahaa erayguu Rabbigu kula hadlay.

  • 37Oo haddana wuxuu helay nin kale, markaasuu ku yidhi, War waan ku baryayaaye i dil. Markaasaa ninkii intuu wax ku dhuftay dhaawacay.

  • 28Kolkaasuu tegey oo wuxuu helay meydkiisii oo jidka dhex yaal, iyo dameerkii iyo libaaxii oo meydka ag taagan; libaaxiina meydkii ma cunin, dameerkiina ma dildillaacsan.

  • 35¶ Oo nin qoonkii nebiyada ka mid ah ayaa saaxiibkiis ku yidhi, War i dil, waan ku baryayaaye, taasuna waxay ahayd eray xagga Rabbiga ka yimid, laakiinse ninkii waa diiday inuu dilo.

  • 21Wuuna ku qayliyey ninkii Ilaah oo Yahuudah ka yimid, oo ku yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Caasi baad ku noqotay Rabbiga, mana aadan xajin amarkii Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu amray,

  • 42Markaasuu isagii ku yidhi, Rabbigu wuxuu ku leeyahay, Ninkii aan baabba'a ku xukumay ayaad gacantaada ka sii daysay, oo sidaas daraaddeed naftaadu waxay u dhiman doontaa naftiisa, dadkaaguna dadkiisa.

  • 74%

    25Oo markay bilaabeen inay meeshaas degaan Rabbiga kama ay cabsan jirin, oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu dhexdooda u soo diray libaaxyo, kuwaasoo iyagii qaar ka laayay.

    26Sidaas daraaddeed boqorkii Ashuur ayaa lala hadlay oo lagu yidhi, War quruumihii aad kaxaysay oo aad magaalooyinka Samaariya dejisay ma ay yaqaaniin camalka Ilaaha dalkaas, oo sidaas daraaddeed wuxuu dhexdooda u soo diray libaaxyo, oo bal eeg, libaaxyadu way laayaan, maxaa yeelay, iyagu ma ay yaqaaniin camalka Ilaaha dalkaas.

  • 73%

    17Oo Rabbiguna wuxuu samaystay wixii uu iga hadlay, oo Rabbiguna boqortooyadii gacantaada wuu ka dillaaciyey, oo wuxuu siiyey deriskaaga kaaso ah Daa'uud.

    18Maxaa yeelay, waad addeeci weyday Rabbiga codkiisii, cadhadiisii weynaydna Camaaleq waad ku dili weyday, oo sidaas daraaddeed baa Rabbigu maanta waxan kuugu sameeyey.

  • 6Oo sidaas daraaddeed waxaa iyaga dili doona libaax kaynta ka soo baxay, oo waxaa baabbi'in doonta yeyda fiideed. Oo magaalooyinkoodana waxaa gaagaatami doona shabeel, oo ku alla kii halkaas ka soo baxaba waa la kala dildillaacsan doonaa, maxaa yeelay, xadgudubyadoodu waa tiro badan yihiin, oo dibunoqoshadoodiina waa sii korodhay.

  • Yex 19:5-6
    2 aayado
    72%

    5Haddaba iyadu markay isagii wax badan sugtay oo ay ka rajo beeshay waxay qaadatay mid kale oo dhasheedii ah, oo waxay ka dhigtay libaax aaran ah.

    6Oo isaguna libaaxyaduu dhex socday, oo wuxuu noqday libaax aaran ah, oo wuxuu bartay sida ugaadha loo qabsado, dad buuna cunay.

  • 19Haddaba maxaad Rabbiga codkiisa u addeeci weyday, oo aadse ugu boodday wixii la dhacay, oo maxaad u samaysay wixii Rabbiga hortiisa sharka ku ahaa?

  • 72%

    39Oo markii boqorkii soo ag maray ayuu boqorkii u qayliyey, oo wuxuu ku yidhi, Anigoo addoonkaaga ahu waxaan dhex galay dagaalkii, oo bal eeg nin baa igu soo leexday, nin buuna ii keenay, oo wuxuu igu yidhi, Ninkan dhawr; oo si kastaba ha noqotee haddii hadhow la waayo, naftaadaa loo qisaasayaa, ama haddii kaleto waxaad bixin doontaa talanti lacag ah.

    40Oo anigoo addoonkaaga ah intii aan mashquul ku ahaa halkan iyo halkaas ayaa ninkii iska tegey. Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, Xukunkaagu saasuu ahaanayaa, waayo, adaa goostay.

  • 19Waa sidii nin libaax ka cararay oo orso ka hor timid, ama intuu guri galay derbiga ku tiirsaday oo markaas abeeso gacanta ka qaniintay.

  • 13Kii caajis ahu wuxuu yidhaahdaa, Libaax baa dibadda jooga, Oo jidka dhexdiisa ayaa laygu dili doonaa.

  • Nax 2:11-13
    3 aayado
    71%

    11Bal meeday bohoshii libaaxyadu, oo meeday meeshii lagu quudin jiray libaaxyada qayrabka ah, taasoo ah meeshii ay ku socon jireen aarka iyo goosha iyo dhasha libaaxu, iyagoo aan ciduna cabsiin?

    12Aarkii libaaxu wuxuu dhashiisii u dildillaaciyey wax ku filan, oo goolihiisiina wax buu u dilay, oo godadkiisii wuxuu ka buuxsaday ugaadh, oo boholihiisiina wuxuu ka buuxsaday raq.

    13Rabbigii ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eega, anigu col baan idinla ahay, oo gaadhifardoodyadana qiiq baan ku gubi doonaa, oo libaaxyada qayrabyada ahna seef baa baabbi'in doonta, oo waxa aad ugaadhsataanna dhulkaan ka dhammayn doonaa, oo codkii wargeysyadiinnana mar dambe lama maqli doono.

  • 34Oo Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, Anoo addoonkaaga ah waxaan hayn jiray idaha aabbahay, oo haddii libaax ama orso yimaado, oo idaha nayl yar ka qaato,

  • 11Libaaxa duqa ahu ugaadhla'aanta buu u bakhtiyaa, Oo goosha dhasheediina way kala firdhaan.

  • 38Wuxuu meeshiisii qarsoonayd uga soo baxay sidii libaax oo kale, waayo, dalkoodii cidla buu noqday, waana baabbi'iyaha cadhadiisa aawadeed iyo xanaaqiisa kulul aawadiis.

  • Hos 13:7-8
    2 aayado
    71%

    7Sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku ahay sida libaax oo kale, oo sida shabeel ayaan jidka ku ag dhawri doonaa.

    8Oo waxaan iyaga uga hor iman doonaa sida orso gabneheedii laga gablamiyey, oo waxaan jeexjeexi doonaa xuubkii wadnahooda, oo halkaasaan iyaga ku baabbi'in doonaa sidii gool libaax oo kale, oo waxaa iyaga dildillaacsan doona dugaagga.

  • 5¶ Markaasaa Samsoon, iyo aabbihiis iyo hooyadiis, waxay tageen Timnaad, oo waxay yimaadeen beerihii canabka ahaa oo Timnaad. Oo bal eeg, waxaa isagii ku soo ciyey libaax yar.

  • 30Anigu waxtarla'aan baan carruurtiinnii u dilay, iyaguse innaba kuma ay waano qaadan. Seeftiinnii ayaa nebiyadiinnii baabbi'isay sidii libaax wax baabbi'inaya oo kale.

  • 12Oo bal eeg waxay noqon doontaa markaan kaa tago in Ruuxa Rabbigu kuu qaadi doona meel aanan aqoon, oo sidaas daraaddeed markaan Axaab u tago oo kuu soo sheego, oo uu ku waayo aniguu i dilayaa; laakiinse anigoo addoonkaaga ah Rabbiga waan ka cabsan jiray tan iyo dhallinyaranimadaydii.

  • 14Waayo, waxaan reer Efrayim ku noqon doonaa sidii aar libaax oo kale, oo dadka Yahuudahna waxaan ku noqon doonaa sidii aaran libaax oo kale. Anigu qudhayda ayaa jeexjeexan doona oo bixi doona, waan la tegi doonaa, oo mid iga samatabbixiyaana ma jiri doono.

  • 13Ninkii caajis ahu wuxuu yidhaahdaa, Libaax baa waddada jooga; Libaax baa jidka taagan.

  • 8Aarkii waa ciyey, haddaba bal yaan cabsanayn? Sayidka Rabbiga ahu waa hadlay, haddaba bal yaa wax sii sheegi waayaya?

  • 16Oo intuu isaga la hadlayay, ayaa boqorkii ku yidhi, War ma annagaa boqorka lataliyihiisii kaa dhignay? Bes, bal maxaadse u doonaysaa in lagu garaaco? Markaasaa nebigii iska daayay oo wuxuu yidhi, Waxaan ogahay in Ilaah ku talo jiro inuu ku halligo, maxaa yeelay, waxan baad samaysay, oo taladaydiina ma aadan maqlin.

  • 30Aar libaax oo ah kan xayawaanka ugu xoogga badan, Oo aan weliba midna dib uga noqon,

  • 24Bal eeg, dadku wuxuu u kacaa sidii gool oo kale, Oo sidii aar oo kale ayuu isu qaadaa: Oo isagu jiifsan maayo jeeruu ugaadh cuno, Oo uu dhiigga ka cabbo waxa uu dishay.

  • 16Oo wuxuu isagii ku yidhi, Rabbigu wuxuu ku leeyahay, Waxaad wargeeyayaal u soo dirtay inaad Bacal Sebuub oo ah ilaaha reer Ceqroon wax soo weyddiiso ee sababtu ma waxay tahay inaan dalka Israa'iil jirin Ilaah aad hadalkiisa wax weyddiiso? Haddaba sidaas daraaddeed sariirtii aad fuushay ka soo degan maysid, laakiinse hubaal waad dhimanaysaa.

  • 69%

    36Anoo addoonkaaga ah libaaxii iyo orsadiiba waan dilay; oo midkan reer Falastiin oo buuryoqabka ahuna iyagoo kaluu noqon doonaa, waayo, wuxuu careeyey ciidammadii Ilaaha nool.

    37Oo Daa'uud wuxuu haddana yidhi, Rabbiga iga samatabbixiyey ciddiyihii libaaxa iyo ciddiyihii orsada ayaa haddana iga samatabbixin doona gacanta midkan reer Falastiin. Markaasaa Saa'uul wuxuu Daa'uud ku yidhi, Tag, Rabbigu ha kula jiree.

  • 2Boqorka cabsigeliddiisu waa sida libaaxa cidiisa, Oo ku alla kii ka xanaajiyaa, naftiisuu ku dembaabaa.

  • 20Haddaba isagii sidii baa ku dhacday; maxaa yeelay, isagii dadkii baa ku tuntay isagoo iridda jooga oo wuu dhintay.

  • 12Haddaba kac, oo gurigaaga tag, oo mar alla markay cagahaagu magaalada galaan ayuu wiilkii dhiman doonaa.

  • 3Oo dhasheedii midkood ayay korisay, oo wuxuu noqday libaax aaran ah, oo wuxuu bartay sida ugaadha loo qabsado, dad buuna cunay.

  • 14oo Rabbiga wax ma uu weyddiisan, oo sidaas aawadeed ayaa Rabbigu isaga u dilay, oo boqortooyadiina wuxuu u wareejiyey Daa'uud oo ahaa ina Yesay.

  • 7Libaax baa ka soo baxay jiqdiisa, quruumo baabbi'iyihiina wuu soo kacay, oo wuxuu meeshiisii uga soo baxay inuu dalkaaga cidlo ka dhigo, oo magaalooyinkaagana waa la baabbi'in doonaa, oo qofna ma degganaan doono.

  • 15Dabadeedna Daa'uud wuxuu u yeedhay raggii dhallinyarada ahaa midkood, oo ku yidhi, U dhowow oo dil. Markaasuu dilay, isna wuu dhintay.

  • 17Waayo, erayga Rabbigu wuxuu igu yidhi, Waa inaadan meeshaas kibis ku cunin, biyona ka cabbin, jidkii aad soo martayna dib ha u sii qaadin.

  • 4Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Sariirta aad fuushay ka soo degan maysid, laakiinse hubaal waad dhimanaysaa. Dabadeedna Eliiyaah waa iska tegey.

  • 10Iyagu waxay daba geli doonaan Rabbiga oo sidii libaax buu u ciyi doonaa, Markuu ciyo ilmihiisu xagga galbeed bay ka iman doonaan iyagoo gariiraya.