1 Boqorradii 13:29

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo nebigiina wuxuu qaaday meydkii ninkii Ilaah, oo kor saaray dameerkii, wuuna soo celiyey. Markaasuu yimid magaaladii nebigii duqa ahaa inuu halkaas ku aaso oo ugu baroorto.

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 83%

    21Wuuna ku qayliyey ninkii Ilaah oo Yahuudah ka yimid, oo ku yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Caasi baad ku noqotay Rabbiga, mana aadan xajin amarkii Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu amray,

    22laakiinse waad soo noqotay oo kibis baad ku cuntay, biyona waad ku cabtay meeshii uu kugu yidhi, Kibis ha ku cunin, biyona ha ku cabbin. Sidaas daraaddeed meydkaagu gaadhi maayo xabaashii awowayaashaa.

    23Oo markuu kibis cunay oo biyo cabbay dabadeed ayuu dameerkiisii u kooreeyey nebigii uu soo celiyey.

    24Oo markuu ka tegey ayaa libaax jidkii kaga hor yimid, wuuna dilay isagii; oo meydkiisiina waxaa lagu tuuray jidka dhexdiisa, oo dameerkiina wuu ag taagnaa; libaaxiina wuxuu dhinac taagnaa meydka.

    25Oo bal eeg, dad baa soo ag maray, oo waxay arkeen meydka jidka lagu tuuray iyo libaaxa meydka agtiisa taagan; oo waxay yimaadeen magaaladii nebiga duqa ahu degganaa, markaasay dadkii u sheegeen.

    26Oo nebigii isaga jidka ka soo celiyey markuu taas maqlay ayuu yidhi, Waa ninkii Ilaah oo ku caasiyoobay Rabbiga; oo sidaas daraaddeed ayuu Rabbigu isaga ugu gacan gashay libaaxa dildillaacsaday oo dilay, taasuna waa sidii uu ahaa erayguu Rabbigu kula hadlay.

    27Markaasuu wiilashiisii la hadlay oo ku yidhi, War dameerka ii kooreeya. Oo iyana way u kooreeyeen.

    28Kolkaasuu tegey oo wuxuu helay meydkiisii oo jidka dhex yaal, iyo dameerkii iyo libaaxii oo meydka ag taagan; libaaxiina meydkii ma cunin, dameerkiina ma dildillaacsan.

  • 82%

    30Oo xabaashiisii uu isagu lahaa ayuu meydkiisii geliyey, wayna u baroorteen, oo yidhaahdeen, Hoognay, walaalkayow!

    31Oo markuu aasay dabadeed ayuu wiilashiisii la hadlay oo ku yidhi, Markaan dhinto igu xabaala xabaashii ninkii Ilaah lagu xabaalay, oo lafahayga lafihiisa ag dhiga.

  • 74%

    20¶ Markaasaa Eliishaa dhintay, waana la aasay. Oo sannad kasta bilowgeeda waxaa dalka dhici jiray guutooyinkii reer Moo'aab.

    21Markii nin la aasayay ayay kuwii aasayay u jeedeen guuto soo socota; markaasay waxay ninkii ku dhex tuureen qabrigii Eliishaa; oo haddiiba ninkii markuu taabtay Eliishaa lafihiisii ayuu soo noolaaday, oo sara joogsaday.

  • 19Isaga waxaa loo xabaali doonaa sida dameer loo xabaalo oo kale, oo inta la jiido ayaa irdaha Yeruusaalem dibadda looga bixin doonaa.

  • 72%

    10Oo sidaas daraaddeed jid kaluu maray, dib umana uu sii qaadin jidkii uu Beytel u soo maray.

    11Waagaas waxaa Beytel degganaa nebi duq ah, oo wiilashiisii midkood baa u yimid oo u soo sheegay kulli shuqulladii ninka Ilaah maalintaas Beytel ku sameeyey; oo erayadii uu boqorka kula hadlayna aabbahood way u soo sheegeen.

    12Markaasaa aabbahood ku yidhi, Jidkee buu qaaday? Oo wiilashiisuna way arkeen jidkii ninkii Ilaah oo Yahuudah ka yimid qaaday.

    13Markaasuu wiilashiisii ku yidhi, War dameerka ii kooreeya. Dameerkiina way u kooreeyeen oo isna wuu fuulay.

    14Oo ninkii Ilaah wuu daba galay, oo helay isagoo geed hoos fadhiya; kolkaasuu ku yidhi, War ma waxaad tahay ninkii Ilaah oo Yahuudah ka yimid? Isna wuxuu yidhi, Haah, waan ahay.

  • 37Oo sidaasuu boqorkii u dhintay, oo waxaa la keenay Samaariya, oo waxaana boqorkii lagu aasay Samaariya.

  • 70%

    35Oo iyana waxay u tageen inay iyadii soo aasaan, laakiinse waxba kama ay helin dhaladii iyo cagihii iyo calaacalihii gacmaheeda mooyaane.

    36Sidaas daraaddeed way soo noqdeen, oo isagii bay u soo sheegeen. Wuxuuna yidhi, Kanu waa eraygii Rabbigu kaga hadlay addoonkiisii Eliiyaah kii reer Tishbii isagoo leh, Beerta Yesreceel dhexdeeda ayaa eeydu ku cuni doonaan Yesebeel hilibkeeda.

    37Oo Yesebeel meydkeedu wuxuu ahaan doonaa sida digo taal beerta Yesreceel dhexdeeda, si aan loo odhan, Tanu waa Yesebeel.

  • 29Tan goortii xertiisii maqashay, ayay yimaadeen oo meydkiisii qaadeen oo aaseen.

  • 70%

    16Oo Yoosiyaah markuu soo jeestay ayuu arkay qabuurihii buurta ku yiil, oo intuu cid diray oo qabuurihii lafihii ka soo bixiyey ayuu meeshii allabariga ku dul gubay, wuuna nijaaseeyey, sidii uu ahaa erayga Rabbiga oo ninkii Ilaah naadiyey, kaasoo ahaa kii waxyaalahan naadiyey.

    17Markaasuu yidhi, Taalladaas aan arkaa waa maxay? Oo dadkii magaaladu waxay ku yidhaahdeen, Waa qabrigii ninkii Ilaah oo dalka Yahuudah ka yimid oo naadiyey waxyaalahan aad ku samaysay meeshii allabariga ee Beytel.

    18Markaasuu yidhi, Iska daaya oo yaan ninna lafihiisa dhaqaajin. Sidaas daraaddeed way iska daayeen lafihiisii iyo lafihii nebigii Samaariya ka yimid.

  • 18Oo dadkii dalka Israa'iil oo dhammu way aaseen, wayna u wada baroorteen siduu ahaa eraygii Rabbigu ku hadlay ee uu nebigii ahaa addoonkiisii Axiiyaah u soo dhiibay.

  • 28Markaasay isagii fardo ku keeneen, oo awowayaashiis ayaa lagula aasay magaaladii dalka Yahuudah.

  • 69%

    21Oo iyana kor bay u baxday, oo waxay isagii ku jiifisay sariirtii ninkii Ilaah, oo intay albaabkii ku xidhay ayay ka baxday.

    22Markaasay ninkeedii u dhawaaqday oo ku tidhi, Waan ku baryayaaye iigu cid dir midiidinnadii midkood iyo dameerihii midkood, si aan ninkii Ilaah ugu ordo oo aan haddana u soo noqdo.

  • 21Markaasuu ka noqday isagii, oo wuxuu kaxeeyey qindigii dibida ahaa, wuuna qalay oo hilibkoodiina ku karshay alaabtii dibida, oo wuxuu siiyey dadkii, oo iyana way cuneen. Markaasuu kacay oo wuxuu raacay Eliiyaah, wuuna u adeegay isagii.

  • 12Markaasaa xertiisii timid, oo meydkiisay qaadeen oo aaseen, kolkaasay tageen oo Ciise u warrameen.

  • 13Markaasuu qaaday Eliiyaah go'iisii ka dhacay, oo dib buu u noqday oo soo istaagay Webi Urdun qarkiisa.

  • 68%

    19Markaasuu ku yidhi, Naa bal wiilkaaga ii keen. Oo intuu isagii ka qaaday xabadkeedii ayuu kor ula baxay qowladdii uu isagu degganaa, oo wuxuu saaray sariirtiisii.

    20Markaasuu Rabbiga u qayshaday, oo ku yidhi, Rabbiyow, Ilaahayow, naagta carmalka ah oo aan la degganahay ma shar baad ku soo dejisay intaad wiilkeedii dishay?

  • 14¶ Haddaba Eliishaa wuxuu la bukooday cudurkii uu u dhintay, oo waxaa isagii u yimid Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil, oo intuu ku dul ooyay ayuu ku yidhi, Aabbow, aabbow, bal eeg, gaadhifardoodkii dalka Israa'iil iyo raggoodii fardooleyda ahaa!

  • 13oo halkaasuu ka soo qaaday lafihii Saa'uul iyo lafihii wiilkiisii Yoonaataan; oo waxaa la soo ururiyey kuwii la deldelay lafahoodii.

  • 38Markaasaa nebigii tegey oo boqorkii ku sugay jidka agtiisa, wuuna isku beddelay calalkiisii madaxa oo uu indhaha ku qariyey.

  • 68%

    31Oo Geexasiina wuu ka sii hor maray, oo ushii saaray wiilka wejigiisii, laakiinse cod iyo wax maqlid toona laguma arag. Sidaas daraaddeed wuu noqday oo intuu ka hor yimid ayuu u warramay, oo ku yidhi, Yarkii ma uu toosin.

    32Oo Eliishaa markuu gurigii soo galay ayuu arkay in yarku meyd yahay, oo uu sariirtiisii ku jiifo.

  • 28Markaasuu iyadii ku yidhi, Naa bal kac, oo ina keen aan tagnee; laakiinse cidna uma ay jawaabin; markaasuu dameerkiisii saaray, oo meeshiisii u kacay.

  • 1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas waxaa qabriyadoodii laga soo bixin doonaa lafihii boqorrada dalka Yahuudah, iyo lafihii amiirradiisa, iyo lafihii wadaaddada, iyo lafihii nebiyada, iyo lafihii dadkii Yeruusaalem degganaaba.

  • 3oo magaaladii ugu dhow ninka la dilay waa in odayaasha magaaladaasu ay lo'da ka soo wataan qaalin aan lagu shaqaysan oo aan harqood wax ku jiidin,

  • 24Sidaas daraaddeed addoommadiisii gaadhifaraskii way ka dejiyeen oo waxay saareen gaadhifaraskii labaad ee uu lahaa, oo waxay isagii keeneen Yeruusaalem, halkaasuuna ku dhintay, oo waxaa lagu aasay qabuurihii awowayaashiis. Oo dadkii Yahuudah iyo Yeruusaalem oo dhan Yoosiyaah way u baroorteen.

  • 67%

    12Haddaba kac, oo gurigaaga tag, oo mar alla markay cagahaagu magaalada galaan ayuu wiilkii dhiman doonaa.

    13Oo dadka dalka Israa'iil oo dhan ayaa u barooran doona oo aasi doona, waayo, dadka Yaaraabcaam oo dhan isaga keliya ayaa xabaasha gelaya, maxaa yeelay, reer Yaaraabcaam isaga keliya ayaa laga helay wax ku wanaagsan xagga Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • 30Oo addoommadiisii intay gaadhifaras Megiddoo kaga qaadeen isagoo meyd ah ayay Yeruusaalem keeneen oo qabrigiisii ku aaseen. Markaasay dadkii waddanku soo wateen Yehoo'aaxaas ina Yoosiyaah, oo intay subkeen ayay boqor uga dhigeen meeshii aabbihiis.

  • 25Kolkaasaa Yeehuu wuxuu ku yidhi Bidqar oo sirkaalkiisii ahaa, Isaga kor u qaad oo ku dhex tuur beerta Naabood kii reer Yesreceel; waayo, bal xusuuso sidii Rabbigu isaga hadalkan culus uga sheegay markaynu aniga iyo adiguba innagoo fardo fuushan aabbihiis Axaab daba soconnay;

  • 12Oo goortuu iriddii magaalada ku soo dhowaaday, waxaa dibadda loo waday nin meyd ah oo madi u ahaa hooyadiis; iyaduna waxay ahayd carmal. Oo waxaa iyada la jiray dad badan oo magaalada.