2 Boqorradii 2:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasuu qaaday Eliiyaah go'iisii ka dhacay, oo dib buu u noqday oo soo istaagay Webi Urdun qarkiisa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 9:26 : 26 ¶ Markaasaa Boqor Sulaymaan doonniyo ku sameeyey Cesyoon Geber taasoo ku taal Eelood dhinaceeda ee ah xeebta Badda Cas ee ku taal dalka Edom.
  • 1 Boq 19:19 : 19 ¶ Sidaas daraaddeed halkaas wuu ka tegey, oo wuxuu helay Eliishaa ina Shaafaad oo beer ku qodaya laba iyo toban qindi oo dibi ah ee ka horreeya isaga, oo isna wuxuu la jiray kii laba iyo tobnaad; markaasaa Eliiyaah isagii u soo gudbay oo go'iisii ayuu ku dul tuuray.
  • 2 Boq 2:8 : 8 Markaasaa Eliiyaah go'iisii qaaday oo duudduubay, oo biyihii ku dhuftay, iyana xagga iyo xagga ayay u kala qaybsameen, sidaas daraaddeed labadoodiiba waxay mareen dhul engegan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 87%

    14Oo wuxuu qaaday Eliiyaah go'iisii ka dhacay, oo intuu biyihii ku dhuftay ayuu yidhi, Meeh Rabbiga ah Ilaaha Eliiyaah? Oo markuu biyihii ku dhuftay ayay xagga iyo xagga u kala qaybsameen; markaasaa Eliishaa ka gudbay.

    15Oo qoonkii nebiyada ahaa oo Yerixoo joogay ee isaga ka soo hor jeeday markay arkeen waxay yidhaahdeen, Eliiyaah ruuxiisii wuxuu ku dul hadhay Eliishaa. Oo intay isagii ka hor yimaadeen ayay hortiisa ku sujuudeen.

    16Oo iyana waxay isagii ku yidhaahdeen, War waannu ku baryaynaaye annagoo addoommadaada ah waxaa nala jira konton nin oo xoog leh, haddaba iyagu ha tageen oo sayidkaagii ha dooneen, waayo, waaba intaasoo Ruuxa Rabbigu isagii qaaday, oo uu ku xooray buur dusheed ama dooxo. Oo isna wuxuu yidhi, Waa inaydaan cid dirin.

  • 2 Boq 2:1-12
    12 aayado
    85%

    1¶ Oo markii Rabbigu doonayay inuu Eliiyaah samada dabayl cirwareen ah ugu qaado ayaa Eliiyaah wuxuu Gilgaal ka raacay Eliishaa.

    2Markaasaa Eliiyaah wuxuu Eliishaa ku yidhi, Waan ku baryayaaye halkan iska joog, waayo, Rabbigu wuxuu ii diray tan iyo Beytel. Oo Eliishaana wuxuu yidhi, Waxaan ku dhaartay Rabbiga noloshiisa iyo adiga naftaadee inaanan kaa tagayn. Sidaas daraaddeed waxay ku wada dhaadhaceen Beytel.

    3Oo qoonkii nebiyada ahaa oo Beytel joogay ayaa Eliishaa u soo baxay, oo waxay ku yidhaahdeen, War ma og tahay in Rabbigu maanta sayidkaaga kaa qaadi doono? Oo isna wuxuu ku yidhi, Haah, waan ogahaye iska aamusa.

    4Markaasaa Eliiyaah wuxuu ku yidhi isagii, Eliishaa, waan ku baryayaaye halkan iska joog, waayo, Rabbigu haddana wuxuu ii diray Yerixoo. Oo isna wuxuu yidhi, Waxaan ku dhaartay Rabbiga noloshiisa iyo adiga naftaadee inaanan kaa tagayn. Sidaas daraaddeed waxay yimaadeen Yerixoo.

    5Oo haddana qoonkii nebiyada ahaa oo Yerixoo joogay ayaa Eliishaa u soo dhowaaday, oo waxay ku yidhaahdeen, War ma og tahay in Rabbigu maanta sayidkaaga kaa qaadi doono? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Haah, waan ogahaye iska aamusa.

    6Markaasaa Eliiyaah wuxuu ku yidhi isagii, Waan ku baryayaaye halkan iska joog, waayo, Rabbigu wuxuu ii diray Webi Urdun. Oo isna wuxuu ku yidhi, Waxaan ku dhaartay nolosha Rabbiga iyo adiga naftaadee inaanan kaa tagayn. Markaasay labadiiba israaceen.

    7Oo waxaa tegey konton nin oo qoonkii nebiyada ahaa ah, oo waxay istaageen meel hortooda ah oo cabbaar ka fog; oo labadoodiina waxay istaageen Webi Urdun agtiisa.

    8Markaasaa Eliiyaah go'iisii qaaday oo duudduubay, oo biyihii ku dhuftay, iyana xagga iyo xagga ayay u kala qaybsameen, sidaas daraaddeed labadoodiiba waxay mareen dhul engegan.

    9Oo haddana markii ay ka gudbeen, Eliiyaah wuxuu Eliishaa ku yidhi, War intaan layga kaa qaadin ka hor i weyddiiso wax aan kuu sameeyo. Markaasaa Eliishaa yidhi, Waan ku baryayaaye ruuxaaga labanlaabkiis ha igu soo dego.

    10Isna wuxuu yidhi, Wax aad u adag baad i weyddiisatay; habase yeeshee haddaad i aragtid markii layga kaa qaado, sidaasay kuu ahaanaysaa, haddii kalese saas ahaan mayso.

    11Oo intii ay sii socdeen, oo ay sheekaysanayeen ayaa waxaa u muuqday gaadhifaras dab ah iyo fardo dab ah, oo labadoodii bay kala dhex mareen, markaasaa Eliiyaah wuxuu kor u raacay dabayl cirwareen ah oo wuxuu galay samada.

    12Oo Eliishaana taas wuu arkay, oo wuxuu ku qayliyey, Aabbow, Aabbow, gaadhifardoodkii dadkii Israa'iil iyo raggoodii fardooleyda ahaa! Oo isna mar dambe uma uu jeedin; oo dharkiisii buu intuu ku dhegay laba inood u kala jeexay.

  • 75%

    19¶ Sidaas daraaddeed halkaas wuu ka tegey, oo wuxuu helay Eliishaa ina Shaafaad oo beer ku qodaya laba iyo toban qindi oo dibi ah ee ka horreeya isaga, oo isna wuxuu la jiray kii laba iyo tobnaad; markaasaa Eliiyaah isagii u soo gudbay oo go'iisii ayuu ku dul tuuray.

    20Oo isna dibidii wuu ka tegey, markaasuu ka daba orday Eliiyaah oo ku yidhi, Waan ku baryayaaye aan soo dhunkado aabbahay iyo hooyaday, oo dabadeedna waan ku raacayaa. Isna wuxuu ku yidhi, Haddana noqo, waayo, maxaan kugu sameeyey?

    21Markaasuu ka noqday isagii, oo wuxuu kaxeeyey qindigii dibida ahaa, wuuna qalay oo hilibkoodiina ku karshay alaabtii dibida, oo wuxuu siiyey dadkii, oo iyana way cuneen. Markaasuu kacay oo wuxuu raacay Eliiyaah, wuuna u adeegay isagii.

  • 74%

    14¶ Haddaba Eliishaa wuxuu la bukooday cudurkii uu u dhintay, oo waxaa isagii u yimid Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil, oo intuu ku dul ooyay ayuu ku yidhi, Aabbow, aabbow, bal eeg, gaadhifardoodkii dalka Israa'iil iyo raggoodii fardooleyda ahaa!

    15Markaasaa Eliishaa ku yidhi, Bal qaado qaanso iyo fallaadho, kolkaasuu qaanso iyo fallaadho soo qaatay.

    16Oo isna wuxuu boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, Bal qaansada gacanta kor saar, markaasuu gacantii kor saaray. Kolkaasaa Eliishaa gacmihiisii kor saaray gacmihii boqorka.

  • 46Oo Eliiyaah waxaa la jiray gacantii Rabbiga, oo intuu guntigiisii dhexda ku giigsaday ayuu Axaab hor ordayay ilaa meeshii Yesreceel laga galo.

  • 13Oo markuu Eliiyaah taas maqlay, ayuu go'iisii wejiga ku duudduubtay oo dibadda u baxay, oo wuxuu istaagay meeshii godka laga soo geliyey. Oo bal eeg, markaasaa waxaa isagii u yimid cod leh, Eliiyaah, maxaad halkan ka samaynaysaa?

  • 1 Boq 17:2-3
    2 aayado
    72%

    2Markaasaa haddana waxaa isagii u yimid Eraygii Rabbiga oo leh,

    3Halkan ka tag, oo u leexo xagga bari, oo waxaad ku ag dhuumataa durdurka Keriid ee ku hor yaal Webi Urdun.

  • 71%

    20¶ Markaasaa Eliishaa dhintay, waana la aasay. Oo sannad kasta bilowgeeda waxaa dalka dhici jiray guutooyinkii reer Moo'aab.

    21Markii nin la aasayay ayay kuwii aasayay u jeedeen guuto soo socota; markaasay waxay ninkii ku dhex tuureen qabrigii Eliishaa; oo haddiiba ninkii markuu taabtay Eliishaa lafihiisii ayuu soo noolaaday, oo sara joogsaday.

  • 5Sidaas daraaddeed wuu tegey, oo wuxuu yeelay sidii erayga Rabbigu ku yidhi, waayo, wuu tegey oo ag joogi jiray durdurka Keriid ee ku hor yaal Webi Urdun.

  • 25Oo isna halkaasuu uga kacay Buur Karmel, markaasuu meeshaas uga noqday Samaariya.

  • 2 Boq 1:7-8
    2 aayado
    70%

    7Oo isna wuxuu iyagii ku yidhi, Ninkii idinka hor yimid oo waxakan idiin sheegay nin caynkee ah buu ahaa?

    8Oo iyana waxay isagii ugu jawaabeen, Wuxuu ahaa nin xaad badan, oo suun meged ahna dhexduu ku xidhnaa. Markaasuu yidhi, Kaasu waa Eliiyaah kii reer Tishbii.

  • 14Markaasuu Eliishaa ka tegey oo wuxuu u yimid sayidkiisii isaga ku yidhi, War maxaa Eliishaa kugu soo yidhi? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Wuxuu ii sheegay inaad hubaal bogsanaysid.

  • 15Markaasaa malaa'igtii Rabbigu waxay Eliiyaah ku tidhi, Tag oo isaga raac; hana ka cabsan. Kolkaasuu kacay oo intuu isagii la dhaadhacay ayuu boqorkii u tegey.

  • 11Laakiinse Yehooshaafaadba wuxuu yidhi, War sow ma joogo nin ah Rabbiga nebigiis aan Rabbiga wax ka weyddiinnee? Oo mid ka mid ah boqorkii dalka Israa'iil addoommadiisii ayaa ugu jawaabay, Waxaa jooga Eliishaa ina Shaafaad oo biyo ku shubi jiray Eliiyaah gacmihiisii.

  • 2Haddaba waannu ku baryaynaaye aannu tagno xagga Urdun oo halkaas nin waluba dogob ha ka qaado, oo aannu halkaas ka dhisanno meel aan degno. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Orda oo taga.

  • 2 Boq 5:8-9
    2 aayado
    70%

    8Oo markii Eliishaa oo ahaa nin Ilaah uu maqlay in boqorkii dalka Israa'iil dharkiisii iska jeexjeexay ayuu u cid diray boqorkii oo ku yidhi, War maxaad dharkaagii isaga jeexjeexday? Bal isagu ha ii yimaado, oo wuxuu ogaan doonaa in dalka Israa'iil nebi dhex joogo.

    9Markaasaa Nacamaan yimid, isagoo wata fardihiisii iyo gaadhifardoodkiisii, oo wuxuu soo hor istaagay albaabkii gurigii Eliishaa.

  • Yer 13:5-6
    2 aayado
    70%

    5Sidaas daraaddeed waan tegey oo waxaan guntigii ku soo qariyey Webi Yufraad agtiisa, sidii Rabbigu igu amray.

    6Oo maalmo badan dabadeed ayaa Rabbigu igu yidhi, Kac oo waxaad tagtaa xagga Webi Yufraad, oo waxaad halkaas ka soo bixisaa guntigii aan kugu amray inaad halkaas ku qariso.

  • 22Sidaas daraaddeed biyihii way bogsadeen ilaa maantadan la joogo, oo way noqotay sidii eraygii Eliishaa ku hadlay.

  • 7Wuxuuna yidhi, War haddaba soo qaado. Sidaas daraaddeed gacantii buu fidiyey oo soo qaatay.

  • 1¶ Markaasaa Eliishaa u yeedhay mid qoonkii nebiyada ka mid ahaa, oo wuxuu ku yidhi, War guntiga isku giiji, oo weelkan saliidda ahna gacanta ku sii qaado, oo waxaad tagtaa Raamod Gilecaad.

  • 31Oo markaasuu yidhi, Ilaah saas iyo si ka sii daranba ha igu sameeyo, haddii Eliishaa ina Shaafaad madaxiisu maanta ku sii yaallo.

  • 12Markaasaa aabbahood ku yidhi, Jidkee buu qaaday? Oo wiilashiisuna way arkeen jidkii ninkii Ilaah oo Yahuudah ka yimid qaaday.

  • 13Oo markii wadaaddada sida sanduuqa Rabbiga ah Rabbiga dhulka oo dhan ay calaacalaha cagahoodu taabtaan biyaha Webi Urdun, ayaa biyaha Webi Urdun kala go'i doonaan, kuwaasoo ah biyaha kor ka imanaya, oo markaasay meel istaagi doonaan iyagoo tuulan.

  • 15Oo iyana waxay daba socdeen ilaa Webi Urdun; oo bal eeg jidka oo dhan waxaa ka buuxay dhar iyo weelal ay reer Suuriya iska xooreen intay degdegayeen. Oo wargeeyayaashiina intay soo noqdeen ayay saas boqorkii u soo sheegeen.

  • 21Oo saddex jeer ayuu wiilka korkiisii isku kala bixiyey, oo intuu Rabbiga u qayshaday ayuu yidhi, Rabbiyow, Ilaahayow, waan ku baryayaaye, wiilkan naftiisii mar kale ha ku soo noqoto.

  • 35Oo biyihii waxay qulquleen meeshii allabariga hareeraheeda, oo xataa meeshii la qodayna wuxuu ka buuxshay biyo.

  • 29Oo nebigiina wuxuu qaaday meydkii ninkii Ilaah, oo kor saaray dameerkii, wuuna soo celiyey. Markaasuu yimid magaaladii nebigii duqa ahaa inuu halkaas ku aaso oo ugu baroorto.

  • 19Markaasuu ku yidhi, Naa bal wiilkaaga ii keen. Oo intuu isagii ka qaaday xabadkeedii ayuu kor ula baxay qowladdii uu isagu degganaa, oo wuxuu saaray sariirtiisii.