1 Boqorradii 21:20
Markaasaa Axaab wuxuu ku yidhi Eliiyaah, Cadowgaygiiyow, haddana ma i heshay? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Haah, waan ku helay, maxaa yeelay, waxaad isu iibisay inaad Rabbiga hortiisa wax shar ah ku samayso.
Markaasaa Axaab wuxuu ku yidhi Eliiyaah, Cadowgaygiiyow, haddana ma i heshay? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Haah, waan ku helay, maxaa yeelay, waxaad isu iibisay inaad Rabbiga hortiisa wax shar ah ku samayso.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
15Markii Yesebeel ay maqashay in Naabood la dhagxiyey oo uu dhintay, ayay Yesebeel Axaab ku tidhi, War kac oo iska qaado beertii canabka ahayd oo Naabood kii reer Yesreceel ee uu hore inuu lacag kaa siisto kuugu diiday; waayo, haatan Naabood ma noola, wuuse dhintay.
16Oo markii Axaab maqlay in Naabood dhintay ayaa Axaab wuxuu u kacay inuu u dhaadhaco oo iska qaato beertii Naabood kii reer Yesreceel.
17¶ Oo Eraygii Rabbiga ayaa u yimid Eliiyaah kii reer Tishbii, isagoo leh,
18War sara joogso, oo u dhaadhac boqorka dalka Israa'iil oo Axaab ah oo Samaariya deggan; oo bal eeg, wuxuu ku dhex jiraa beertii canabka ahayd oo Naabood, halkaasoo uu ugu dhaadhacay inuu iska qaato.
19Waa inaad isaga la hadashaa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, War ma wax baad dishay, oo haddana ma wax baad qaadatay? Oo haddana isaga waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Meeshii eeyuhu ka leefleefeen dhiiggii Naabood ayaa adiga dhiiggaagana eeyo ka leefleefi doonaan.
16¶ Sidaas daraaddeed Cobadyaah wuxuu u tegey inuu Axaab la kulmo, wuuna u soo sheegay; markaasaa Axaab u tegey inuu Eliiyaah la kulmo.
17Oo markuu Axaab arkay Eliiyaah ayuu ku yidhi, War ma adigii baa kii dadkii Israa'iil dhibayayow?
18Markaasuu u jawaabay, oo ku yidhi, Anigu dadkii Israa'iil ma aanan dhibin, laakiinse waxaa dhibay adiga iyo reerka aabbahaa, waayo, waxaad ka tagteen amarradii Rabbiga, oo weliba waxaad raacday Bacaliim.
7Oo bal eeg, Cobadyaah intuu jidkii sii socday ayaa waxaa ka hor yimid Eliiyaah; oo wuu aqooday, markaasuu wejiga dhulka saaray, oo wuxuu yidhi, Eliiyaahow sayidkaygiiyow, ma adigii baa?
8Markaasuu ugu jawaabay, Haah, waa anigii; haddaba tag oo sayidkaagii waxaad ku tidhaahdaa, War Eliiyaah halkanuu joogaa.
9Markaasuu wuxuu ku yidhi isagii, War maxaan ku dembaabay, oo aad u doonaysaa anoo addoonkaaga ah inaad Axaab ii gacangeliso inuu i dilo aawadeed?
10Rabbiga Ilaahaaga ah noloshiisaan ku dhaartaye inaan la arag quruun iyo boqortooyo uusan sayidkaygu cid u dirin si uu kaaga goobo; oo markay yidhaahdeen, Halkan ma joogo, ayuu boqortooyo kasta iyo quruun kastaba dhaariyey inay ku waayeen.
11Oo imminka waxaad leedahay, Tag, oo sayidkaagii u sheeg in Eliiyaah halkan joogo.
12Oo bal eeg waxay noqon doontaa markaan kaa tago in Ruuxa Rabbigu kuu qaadi doona meel aanan aqoon, oo sidaas daraaddeed markaan Axaab u tago oo kuu soo sheego, oo uu ku waayo aniguu i dilayaa; laakiinse anigoo addoonkaaga ah Rabbiga waan ka cabsan jiray tan iyo dhallinyaranimadaydii.
21Oo bal ogow, Axaabow, belaayo baan kugu soo dejin doonaa, oo farcankaaga waan kaa qaadi doonaa, oo waxaan kaa baabbi'in doonaa wiil kasta, ha ahaado mid kasta oo dalka Israa'iil ku dhex xidhan ama mid kasta oo ku dhex furan.
22Oo reerkaagana waxaan ka dhigi doonaa sidii reerkii Yaaraabcaam ina Nebaad iyo sidii reerkii Bacshaa ina Axiiyaah, sababtuna waxa weeye xanaaqii aad iga xanaajisay oo aad dadkii Israa'iilna dembaajisay aawadiis.
27Kolkii Axaab erayadaas maqlay ayuu dharkiisii jeexjeexay, oo joonyado guntaday, wuuna soomay, oo joonyado ku dhex seexday, oo aayar u socday.
28Oo haddana eraygii Rabbigu wuxuu u yimid Eliiyaah kii reer Tishbii oo ku yidhi,
29War sow uma jeeddid siduu Axaab hortayda isugu hoosaysiiyey? Sharka ku soo dejin maayo intuu isagu nool yahay, maxaa yeelay, isagu hortayduu isku hoosaysiiyey; laakiinse sharka waxaan reerkiisa ku soo dejin doonaa wakhtiga wiilkiisa.
24Oo Axaab dadkiisa kii magaalada kaga dhinta waxaa cuni doona eeyaha; oo kii duurka kaga dhintana waxaa cuni doona haadka samada.
25(Laakiinse lama arag qof Axaab la mid ah oo isu iibiyey inuu sameeyo wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, kaasoo ay kicisay naagtiisii Yesebeel.
13¶ Oo bal eeg, nebi baa u soo dhowaaday boqorkii dalka Israa'iil oo Axaab ahaa, oo wuxuu ku yidhi, War Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadkan faraha badan oo dhan ma aragtay? Bal ogow, kulligood adigaan maanta kuu soo gacangelinayaa, oo markaasaad ogaan doontaa inaan anigu ahay Rabbiga.
14Markaasaa Axaab wuxuu yidhi, Oo yuu iigu soo gacangelinayaa? Isna wuxuu yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Amiirradii gobollada addoommadooda ayaan kuugu soo gacangelinayaa. Oo haddana wuxuu yidhi, Oo dagaalka yaa bilaabaya? Wuxuu yidhi, Adiga.
1¶ Oo markaasaa Axaab wuxuu Yesebeel u sheegay kulli wixii Eliiyaah sameeyey oo dhan, iyo siduu nebiyadii oo dhan seef ugu laayay.
2Markaasaa Yesebeel farriin u dirtay Eliiyaah oo ku tidhi, Sidaas iyo si ka sii daranba ilaahyadu ha igu sameeyeen haddaanan berrito hadda oo kale naftaada ka dhigin sidii mid iyaga ka mid ah naftiisii.
1¶ Oo waxyaalahaas dabadood waxay noqotay in Naabood oo ahaa reer Yesreceel uu lahaa beer canab ah oo Yesreceel ku tiil ee uu dhowayd gurigii Axaab oo ahaa boqorkii Samaariya.
2Oo Axaab baa Naabood la hadlay, oo ku yidhi, Beertaada canabka ah i sii aan beer khudrad ah ka dhigtee, maxaa yeelay, waxay u dhow dahay gurigayga, oo adigana waxaan ku siinayaa beer canab ah oo iyada ka sii wanaagsan, amase haddii ay kula wanaagsan tahay, waxaan ku siinayaa qiimeheeda oo lacag ah.
3Markaasaa Naabood wuxuu Axaab ku yidhi, Ilaah ha iga hayo inaan dhaxalkii awowayaashay ku siiyo.
4Markaasaa Axaab wuxuu yimid gurigiisii isagoo calool xun oo ka xanaaqsan eraygii Naabood kii reer Yesreceel isaga kula hadlay; maxaa yeelay, wuxuu isaga ku yidhi, Ku siin maayo dhaxalkii awowayaashay. Markaasuu sariirtiisii jiifsaday, wuuna sii jeestay, oo diiday inuu wax cuno.
14Oo hadda waxaad igu leedahay, Tag oo sayidkaagii u sheeg in Eliiyaah halkan joogo; oo isna wuu i dilayaa.
12Oo waxaa isagii u timid qorniin laga keenay Nebi Eliiyaah, oo leh, Rabbiga aabbahaa Daa'uud Ilaahiisa ahu wuxuu leeyahay, Adigu kuma aadan socon jidadkii aabbahaa Yehooshaafaad maray iyo jidadkii Aasaa oo boqorka dalka Yahuudah ahaa uu maray toona,
13laakiinse waxaad ku socotay jidkii boqorrada dalka Israa'iil, oo dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem degganaaba waxaad ka dhigtay inay sanamyo raacaan sidii reerkii Axaab yeelay oo kale, oo weliba waxaad laysay walaalahaa oo reerka aabbahaa ka mid ahaa oo kaa wanaagsanaa,
7Oo adna waa inaad laysaa reerka Axaab ee sayidkaaga, inaan ka aargudo dhiiggii addoommadaydii nebiyada ahaa, iyo addoommadii Rabbiga oo dhan ee ay Yesebeel daadisay.
6Markaasuu iyadii ku yidhi, Naa waxaan la hadlay Naabood kii reer Yesreceel, oo aan ku idhi, Beertaada canabka ah lacag iga siiso, ama haddii kale oo ay kula wanaagsan tahay waxaan kaa siisanayaa beer kale oo canab ah, oo isna wuxuu iigu jawaabay, Beertayda ku siin maayo.
7Markaasaa naagtiisii Yesebeel waxay ku tidhi, War miyaadan haatan u talin boqortooyada Israa'iil? Haddaba kac oo wax cun, oo qalbigaagana ka farxi; anigaa ku siinaya Naabood ka reer Yesreceel beertiisa canabka ah.
30Oo Axaab oo ahaa ina Coomrii wuxuu sameeyey wixii shar ku ahaa Rabbiga hortiisa oo ka sii daran sharkii kuwii isaga ka horreeyey oo dhan.
25Kolkaasaa Yeehuu wuxuu ku yidhi Bidqar oo sirkaalkiisii ahaa, Isaga kor u qaad oo ku dhex tuur beerta Naabood kii reer Yesreceel; waayo, bal xusuuso sidii Rabbigu isaga hadalkan culus uga sheegay markaynu aniga iyo adiguba innagoo fardo fuushan aabbihiis Axaab daba soconnay;
7Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil u soo yeedhay odayaashii dalka oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Waan idin baryayaaye, bal eega oo ogaada sida ninkanu iiga belaayo doonayo, waayo, wuxuu u soo cid dirsaday naagahayga iyo carruurtayda, iyo lacagtayda, iyo dahabkayga, oo anna uma aanan diidin.
18Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil Yehooshaafaad ku yidhi, Miyaanan kuu sheegin inuusan wax wanaagsan iga sii sheegayn wax shar ah mooyaane?
20Sidaas daraaddeed Axaab wuxuu u cid diray dadkii Israa'iil oo dhan, oo nebiyadiina wuxuu ku soo wada ururiyey Buur Karmel.
36Oo markii la gaadhay wakhtigii la bixin jiray allabarigii fiidnimada, Nebi Eliiyaah waa soo dhowaaday, oo wuxuu yidhi, Rabbiyow, Ibraahim iyo Isxaaq iyo Israa'iil Ilaahoodiiyow, maanta dalka Israa'iil ha lagu dhex ogaado inaad adigu Ilaah tahay, oo aan anna ahay addoonkaaga, iyo inaan waxyaalahan oo dhan eraygaaga ku sameeyey.
17Oo haddana markuu Samaariya gaadhay ayuu wada laayay intii Axaab Samaariya ugu hadhay oo dhan ilaa uu u baabbi'iyey sidii uu ahaa eraygii Rabbigu kula hadlay Eliiyaah.
42Markaasuu isagii ku yidhi, Rabbigu wuxuu ku leeyahay, Ninkii aan baabba'a ku xukumay ayaad gacantaada ka sii daysay, oo sidaas daraaddeed naftaadu waxay u dhiman doontaa naftiisa, dadkaaguna dadkiisa.
18Markaasay Eliiyaah ku tidhi, War nin yahow Ilaah, maxaa inoo dhexeeya? War ma waxaad iigu timid inaad dembigayga i soo xusuusisid oo aad wiilkayga dishid?
3Markaasaa Axaab wuxuu u yeedhay Cobadyaah oo shuqulkii guriga u sarreeyey. (Haddaba Cobadyaah Rabbiga aad buu uga cabsan jiray,
17Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil Yehooshaafaad ku yidhi, Miyaanan kuu sheegin inuusan wax wanaagsan iga sii sheegayn wax shar ah mooyaane?
10¶ Isna wuxuu yidhi, Anigu Rabbiga ah Ilaaha ciidammada aawadiis ayaan aad ugu hinaasay; waayo, dadkii Israa'iil axdigaagii way ka tageen, oo meelahaagii allabarigana way dumiyeen, oo nebiyadaadiina seef bay ku laayeen; oo aniga keligay ayaa ka hadhay, oo waxay doonayaan inay naftayda iga qaadaan.
10Haddaba bal ogaada in Eraygii Rabbiga ee uu Rabbigu reer Axaab kaga hadlay aan waxba dhulka kaga dhacayn, maxaa yeelay, Rabbigu waa sameeyey wixii uu kaga hadlay addoonkiisii Eliiyaah.
19Markaasaa Rabbigu yidhi, Kumaa Axaab oo ah boqorka dalka Israa'iil soo sasabaya inuu Raamod Gilecaad tago oo halkaas ku dhinto? Oo mid sidanuu ku hadlay, mid kalena sidaasuu ku hadlay.
14Isna wuxuu yidhi, Anigu Rabbiga ah Ilaaha ciidammada aawadiis ayaan aad ugu hinaasay, waayo, dadkii Israa'iil axdigaagii way ka tageen, oo meelahaagii allabarigana way dumiyeen, oo nebiyadaadiina seef bay ku laayeen; oo aniga keligay ayaa ka hadhay, oo waxay doonayaan inay naftayda iga qaadaan.