1 Boqorradii 21:27

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kolkii Axaab erayadaas maqlay ayuu dharkiisii jeexjeexay, oo joonyado guntaday, wuuna soomay, oo joonyado ku dhex seexday, oo aayar u socday.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Boq 6:30 : 30 Oo markii boqorkii naagtii hadalkeedii maqlay ayuu dharkiisii dildillaaciyey; (oo markaas wuxuu dul marayay derbiga), oo dadkiina way wada arkayeen inuu jidhkiisii ku guntaday joonyado.
  • Bil 37:34 : 34 Markaasaa Yacquub dharkiisii dildillaaciyey, oo joonyad buu dhexda ku xidhay, wiilkiisiina maalmo badan ayuu u barooranayay.
  • 2 Sam 3:31 : 31 ¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi Yoo'aab iyo dadkii isaga la jiray oo dhan, Dharkiinna jeexjeexa oo dhar joonyad ah guntada, oo Abneer hortiisa ku baroorta. Oo Boqor Daa'uudna wuxuu raacay naxashkii.
  • 2 Sam 12:16-17 : 16 ¶ Sidaas daraaddeed Daa'uud ayaa wiilkiisii Ilaah u baryay, kolkaasaa Daa'uud soomay, oo intuu gudaha galay ayuu habeenkii oo dhan dhulka jiifay. 17 Markaasaa waxaa soo kacay odayaashii reerkiisa, oo intay agtiisa soo istaageen ayay damceen inay dhulka ka kiciyaan, laakiinse wuu diiday, oo waxbana lama uu cunin.
  • 2 Boq 18:37 : 37 Markaasaa waxaa Xisqiyaah u yimid Elyaaqiim ina Xilqiyaah oo reerka boqorka u sarreeyey, iyo Shebnaa oo karraanigii ahaa, iyo Yoo'aax ina Aasaaf oo taariikhqorihii ahaa, iyagoo dhar jeexjeexan, oo waxay isagii u sheegeen Rabshaaqeeh erayadiisii.
  • Ayuub 16:15 : 15 Korkayga waxaan ku tolay joonyad, Oo xooggaygiina ciiddaan ku riday.
  • Ish 22:12 : 12 Oo Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu maalintaas dadka ugu yeedhay oohin, iyo madax-xiirnaan, iyo dhar joonyad ah guntashadiisa.
  • Ish 38:15 : 15 Haddaba bal maxaan idhaahdaa? Isagu wuu ila hadlay, oo weliba isaga qudhiisaa waxan sameeyey. Haddaba cimrigayga oo dhan tartiib baan u socon doonaa qadhaadhka naftayda aawadiis.
  • Ish 58:5-8 : 5 Soonkii aan doortay ma waxaas oo kalaa? Ma maalin nin naftiisa dhibo baa? Ma inuu madaxiisa sida cawsduur u foororsho, oo uu hoostiisa dhar joonyad ah iyo dambas ku goglo baa? Waxaa ma waxaad tidhaahdaan, Waa soon iyo maalin Rabbigu aqbali karo? 6 Sow kanu ma aha soonkii aan doortay in silsiladihii sharnimada la furo, oo guntimihii harqoodka la debciyo, oo kuwa la dulmay la xoreeyo, oo aad harqood kasta jebisaan? 7 Sow ma aha inaad kibistaada ka gaajaysan u gooysid, oo aad masaakiinta aan hoy lahayn gurigaaga soo gelisid, oo markaad aragtid mid qaawan aad wax huwisid, oo aadan xigtadaada aad isku jiidhka tihiin ka dhuuman? 8 Oo markaas iftiinkaagu wuxuu u soo kaahi doonaa sida kaaha waaberi, oo bogsiintaaduna dhaqso bay u soo bixi doontaa, oo xaqnimadaaduna way ku hor socon doontaa, oo ammaanta Rabbiguna way ku daba socon doontaa.
  • Yoel 1:13 : 13 ¶ Kuwiinna wadaaddada ahow, joonyado guntada oo ooya, oo kuwiinna meesha allabariga ka adeegow, baroorta. Ilaahayga midiidinnadiisow, kaalaya oo habeenka oo dhan joonyado ku jiifa, waayo, qurbaankii hadhuudhka iyo qurbaankii cabniinkaba waa laga joojiyey gurigii Ilaahiinna.
  • Yoon 3:6 : 6 ¶ Oo warkiina wuxuu gaadhay boqorkii Nineweh, oo isna intuu carshigiisii ka kacay ayuu dharkiisii quruxdasanaa iska bixiyey, oo wuxuu huwaday dhar joonyad ah, dambasna wuu ku fadhiistay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 84%

    28Oo haddana eraygii Rabbigu wuxuu u yimid Eliiyaah kii reer Tishbii oo ku yidhi,

    29War sow uma jeeddid siduu Axaab hortayda isugu hoosaysiiyey? Sharka ku soo dejin maayo intuu isagu nool yahay, maxaa yeelay, isagu hortayduu isku hoosaysiiyey; laakiinse sharka waxaan reerkiisa ku soo dejin doonaa wakhtiga wiilkiisa.

  • 1¶ Oo markii Boqor Xisqiyaah taas maqlay intuu dharkiisii jeexjeexay oo joonyad guntaday ayuu gurigii Rabbiga galay.

  • 30Oo markii boqorkii naagtii hadalkeedii maqlay ayuu dharkiisii dildillaaciyey; (oo markaas wuxuu dul marayay derbiga), oo dadkiina way wada arkayeen inuu jidhkiisii ku guntaday joonyado.

  • 1¶ Oo markii Xisqiyaah taas maqlay intuu dharkiisii jeexjeexay oo joonyad guntaday ayuu gurigii Rabbiga galay.

  • 11Oo markii boqorkii maqlay erayadii kitaabkii sharciga ayuu dharkiisii jeexjeexay.

  • 19Oo markii boqorkii maqlay erayadii sharciga ayuu dharkiisii jeexjeexay.

  • 42Markaasaa Axaab u kacay inuu wax cuno oo wax cabbo. Oo Eliiyaahna wuxuu fuulay Buur Karmel dusheeda, oo intuu foororsaday ayuu dhulka ku sujuuday oo wejigiisiina wuxuu geliyey lowyihiisa dhexdooda.

  • 1 Boq 21:4-5
    2 aayado
    74%

    4Markaasaa Axaab wuxuu yimid gurigiisii isagoo calool xun oo ka xanaaqsan eraygii Naabood kii reer Yesreceel isaga kula hadlay; maxaa yeelay, wuxuu isaga ku yidhi, Ku siin maayo dhaxalkii awowayaashay. Markaasuu sariirtiisii jiifsaday, wuuna sii jeestay, oo diiday inuu wax cuno.

    5Laakiinse naagtiisii Yesebeel ayaa u timid oo waxay ku tidhi, War maxaa naftaadu u qulubsan tahay oo aad kibis la cuni weyday?

  • 8Oo markii Eliishaa oo ahaa nin Ilaah uu maqlay in boqorkii dalka Israa'iil dharkiisii iska jeexjeexay ayuu u cid diray boqorkii oo ku yidhi, War maxaad dharkaagii isaga jeexjeexday? Bal isagu ha ii yimaado, oo wuxuu ogaan doonaa in dalka Israa'iil nebi dhex joogo.

  • Yoon 3:5-6
    2 aayado
    74%

    5Markaasaa dadkii Nineweh Ilaah rumaysteen, oo waxay ku dhawaaqeen in la soomo, oo kii ugu wada weynaa ilaa kii ugu yaraa inta ka dhex leh waxay wada xidheen dhar joonyad ah.

    6¶ Oo warkiina wuxuu gaadhay boqorkii Nineweh, oo isna intuu carshigiisii ka kacay ayuu dharkiisii quruxdasanaa iska bixiyey, oo wuxuu huwaday dhar joonyad ah, dambasna wuu ku fadhiistay.

  • 27Qalbigaagu wuu jilicsanaa oo Ilaah hortiisa ayaad isku hoosaysiisay markaad maqashay erayadiisii uu kaga hadlay meeshan iyo dadka degganba, oo hortayda ayaad isku hoosaysiisay, oo dharkaagii waad jeexjeexday, oo waad igu hor ooyday, oo sidaas daraaddeed waan ku maqlay, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 73%

    24Oo Axaab dadkiisa kii magaalada kaga dhinta waxaa cuni doona eeyaha; oo kii duurka kaga dhintana waxaa cuni doona haadka samada.

    25(Laakiinse lama arag qof Axaab la mid ah oo isu iibiyey inuu sameeyo wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, kaasoo ay kicisay naagtiisii Yesebeel.

    26Oo wax aad karaahiyo u ah ayuu sameeyey markuu sanamyo raacay oo uu u wada sameeyey siday sameeyeen reer Amor kii Rabbigu ka tuuray dadka Israa'iil hortooda.)

  • 19Qalbigaagu wuu jilicsanaa oo Rabbiga hortiisa ayaad isku hoosaysiisay markaad maqashay wixii aan kaga hadlay meeshan iyo dadka degganba, iyo inay iyagu noqon doonaan cidla iyo inkaar, oo waad igu hor ooyday, dharkaagiina waad jeexjeexday, oo sidaas daraaddeed waan ku maqlay, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 72%

    45Oo wakhti yar dabadiis cirkii ayaa daruuro iyo dabayl la madoobaaday, oo waxaa jiray roob weyn. Oo Axaabna gaadhifaraskiisii buu fuulay, oo wuxuu tegey Yesreceel.

    46Oo Eliiyaah waxaa la jiray gacantii Rabbiga, oo intuu guntigiisii dhexda ku giigsaday ayuu Axaab hor ordayay ilaa meeshii Yesreceel laga galo.

  • 31Markaasaa boqorkii kacay, oo dharkiisii jeexjeexay, oo dhulkuu ku jiifsaday, oo addoommadiisii oo dhammuna agtiisa soo istaageen iyagoo dharkoodii jeexjeexay.

  • 1¶ Haddaba bisha afar iyo labaatankeedii ayaa reer binu Israa'iil soo shireen iyagoo sooman oo dhar joonyad ah guntan oo ciid isku shubay.

  • 1¶ Oo waxyaalahaas dabadood waxay noqotay in Naabood oo ahaa reer Yesreceel uu lahaa beer canab ah oo Yesreceel ku tiil ee uu dhowayd gurigii Axaab oo ahaa boqorkii Samaariya.

  • 12Oo Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu maalintaas dadka ugu yeedhay oohin, iyo madax-xiirnaan, iyo dhar joonyad ah guntashadiisa.

  • Yoel 2:12-13
    2 aayado
    71%

    12¶ Haddaba haatan waxaa Rabbigu leeyahay, Qalbigiinna oo dhan iigu soo jeesta, idinkoo sooman, oo ooyaya, oo barooranaya.

    13Haddaba qalbigiinna jeexa ee dharkiinna ha jeexina, oo Rabbiga Ilaahiinna ah xaggiisa u soo jeesta, waayo, isagu waa nimco miidhan, waana raxmad badan yahay, cadho wuu u gaabiya, waana naxariis badan yahay, oo belaayadana wuu ka soo noqdaa.

  • 71%

    15Markii Yesebeel ay maqashay in Naabood la dhagxiyey oo uu dhintay, ayay Yesebeel Axaab ku tidhi, War kac oo iska qaado beertii canabka ahayd oo Naabood kii reer Yesreceel ee uu hore inuu lacag kaa siisto kuugu diiday; waayo, haatan Naabood ma noola, wuuse dhintay.

    16Oo markii Axaab maqlay in Naabood dhintay ayaa Axaab wuxuu u kacay inuu u dhaadhaco oo iska qaato beertii Naabood kii reer Yesreceel.

    17¶ Oo Eraygii Rabbiga ayaa u yimid Eliiyaah kii reer Tishbii, isagoo leh,

    18War sara joogso, oo u dhaadhac boqorka dalka Israa'iil oo Axaab ah oo Samaariya deggan; oo bal eeg, wuxuu ku dhex jiraa beertii canabka ahayd oo Naabood, halkaasoo uu ugu dhaadhacay inuu iska qaato.

  • 1¶ Haddaba markii Mordekay ogaaday wixii la sameeyey oo dhan ayuu dharkiisii jeexjeexay, dhar joonyad ahna wuu xidhay oo dambas ismariyey, markaasuu magaalada dhex galay oo oohin dheer oo qadhaadh ku qayliyey.

  • 70%

    30Oo Axaab oo ahaa ina Coomrii wuxuu sameeyey wixii shar ku ahaa Rabbiga hortiisa oo ka sii daran sharkii kuwii isaga ka horreeyey oo dhan.

    31Markaas sidii iyadoo la sahlan isaga inuu sameeyo dembiyadii Yaaraabcaam ina Nebaad, wuxuu guursaday Yesebeel oo ahayd ina Etbacal boqorkii reer Siidoon, wuuna tegey oo u adeegay oo caabuday Bacal.

  • 3Oo waxaan wejigayga u jeediyey Sayidka Ilaah ah inaan ku doondoono tukasho iyo baryootan, anoo sooman, oo joonyado guntan, oo dambas ku fadhiya.

  • 1 Boq 18:2-3
    2 aayado
    70%

    2Markaasaa Eliiyaah wuxuu u tegey inuu Axaab istuso. Oo abaartuna aad bay ugu xumayd Samaariya.

    3Markaasaa Axaab wuxuu u yeedhay Cobadyaah oo shuqulkii guriga u sarreeyey. (Haddaba Cobadyaah Rabbiga aad buu uga cabsan jiray,

  • 70%

    31Oo addoommadiisii waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, waxaannu maqalnay in boqorrada dalka Israa'iil yihiin boqorro naxariis badan, haddaba waannu ku baryaynaaye aannu joonyado guntanno, oo madaxana aannu xadhko ku duudduubanno, oo aannu boqorka dalka Israa'iil u baxno, waxaa laga yaabaa inuu naftaada badbaadiyee.

    32Sidaas daraaddeed waxay guntadeen joonyado, madaxyadana waxay ku duudduubteen xadhko, oo waxay u yimaadeen boqorkii dalka Israa'iil, oo ku yidhaahdeen, Addoonkaagii Benhadad wuxuu kugu leeyahay, Waan ku baryayaaye maanta i bixi. Oo isna wuxuu ku yidhi, War miyuu weli nool yahay? Isagu waa walaalkay.

  • 9Oo waxay warqadaha ku qortay oo ku tidhi, War waxaad naadisaan oo tidhaahdaan, Ha la soomo; oo Naaboodna dadka ka sarraysiiya.

  • 3Oo gobol kasta oo qaynuunkii iyo amarkii boqorku gaadhayba waxaa Yuhuuddii ka dhex dhacday baroor weyn, iyo soon, iyo oohin, iyo qaylo; kuwo badanuna dambas bay ku jiifeen iyagoo dhar joonyad ah qaba.

  • 3Kolkaasaa Yehooshaafaad cabsaday, oo wuxuu isu diyaariyey inuu Rabbiga doondoono, oo dalkii Yahuudah oo dhanna soon buu ku naadiyey.

  • 20Markaasaa Axaab wuxuu ku yidhi Eliiyaah, Cadowgaygiiyow, haddana ma i heshay? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Haah, waan ku helay, maxaa yeelay, waxaad isu iibisay inaad Rabbiga hortiisa wax shar ah ku samayso.

  • 9Markaasuu wuxuu ku yidhi isagii, War maxaan ku dembaabay, oo aad u doonaysaa anoo addoonkaaga ah inaad Axaab ii gacangeliso inuu i dilo aawadeed?

  • 12Waxay naadiyeen oo yidhaahdeen, Ha la soomo, oo Naaboodna ayay dadka ka sarraysiiyeen.

  • 8Haddaba u musannaaba sidii gabadh joonyad xidhatay oo u barooranaysa arooskeedii ka dhintay.

  • 20Markaasaa Ayuub sara joogsaday, oo huwiskiisii jeexjeexay, oo madaxiisiina wuu xiiray, oo intuu dhulka ku dhacay ayuu sujuuday,

  • 14Haddaba soon naadiya, oo shir ku dhawaaqa, oo soo wada ururiya odayaasha iyo dadka dalka deggan oo dhan, oo waxaad isugu keentaan guriga Rabbiga Ilaahiinna ah, oo markaas Rabbiga u qayshada.

  • 3Oo kolkaan waxaas maqlay ayaan dharkaygii iyo go'aygii jeexjeexay, oo timihii ku yiil madaxayga iyo gadhkaygana waan iska rifay, oo waxaan fadhiistay anigoo wareersan.

  • 11Markaasaa Daa'uud dharkiisii jeexjeexay; oo raggii isaga la jiray oo dhammuna saasoo kalay wada yeeleen,

  • 13Laakiinse markay bukeen, dharkaygu wuxuu ahaa joonyado, Oo naftaydana soon baan ku dhibay, Oo tukashadayduna laabtayday ku soo noqotay.