1 Boqorradii 21:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Axaab wuxuu yimid gurigiisii isagoo calool xun oo ka xanaaqsan eraygii Naabood kii reer Yesreceel isaga kula hadlay; maxaa yeelay, wuxuu isaga ku yidhi, Ku siin maayo dhaxalkii awowayaashay. Markaasuu sariirtiisii jiifsaday, wuuna sii jeestay, oo diiday inuu wax cuno.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 20:43 : 43 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil wuxuu u kacay gurigiisii isagoo calool xun, oo xanaaqsan, oo Samaariya buu yimid.
  • Yac 1:14 : 14 Mid kasta waxaa jirraba damaciisa sharka ah isagoo la jiidanayo oo la sasabayo.
  • Bil 4:5-8 : 5 laakiinse Qaabiil iyo qurbaankiisii Rabbigu ma uu eegin. Qaabiilna aad buu u cadhooday, wejigiisiina wuu madoobaaday. 6 Oo Rabbigu wuxuu ku yidhi Qaabiil, Maxaad u cadhoonaysaa? Maxaase wejigaagu u madoobaaday? 7 Haddaad wax wanaagsan samaysid, sow laguma aqbaleen? Haddaadan wax wanaagsan samaynse, dembi illinkuu kuugu gabbanayaa; doonistiisuna aday noqon doontaa, adiguna waa inaad xukuntid isaga. 8 Qaabiilna wuxuu ku yidhi walaalkiis Haabiil, Ina keen, aynu duurka tagnee. Waxaana dhacday, markii ay duurka joogeen, in Qaabiil walaalkiis Haabiil ku kacay oo dilay isagii.
  • Tir 22:13-14 : 13 Aroortii dambe ayaa Balcaam kacay, oo wuxuu amiirradii Baalaaq ku yidhi, Dalkiinnii taga, waayo, Rabbigu fasax buu ii diidaa inaan idin raaco. 14 Markaasaa amiirradii reer Moo'aab kaceen, oo Baalaaq u tageen, oo waxay ku yidhaahdeen, Balcaam waa diiday inuu na soo raaco.
  • 2 Sam 13:2 : 2 Oo Amnoon ayaa u dhibtooday oo u bukooday walaashiis Taamaar, waayo, iyadu bikrad bay ahayd; Amnoonna dhib bay la noqotay inuu wax ku sameeyo.
  • 2 Sam 13:4 : 4 Markaasuu ku yidhi, Ina boqorow, maxaad maalinba maalinta ka dambaysa sidan ugu caatoobaysaa? War maad ii sheegtid? Kolkaasaa Amnoon wuxuu ku yidhi, Waxaan caashaqay Taamaar oo ah walaalkay Absaaloom walaashiis.
  • 1 Boq 21:3 : 3 Markaasaa Naabood wuxuu Axaab ku yidhi, Ilaah ha iga hayo inaan dhaxalkii awowayaashay ku siiyo.
  • Ayuub 5:2 : 2 Waayo, ninkii nacas ah xanaaqiisaa dila, Oo kii doqon ahna ciilkiisaa dila.
  • Wacd 6:9 : 9 Damac iska wareega waxaa ka wanaagsan indhaha aragtiddooda, taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.
  • Wacd 7:8-9 : 8 Wax bilowgiisa waxaa ka wanaagsan dhammaadkiisa, oo kii dulqaadasho badanuna waa ka wanaagsan yahay kii kibir badan. 9 Xanaaq ha ku degdegin, waayo, xanaaqu wuxuu ku jiraa laabta nacasyada.
  • Ish 57:20-21 : 20 Laakiinse kuwa sharka ahu waa sida bad kacsan oo kale, waayo, iyadu innaba ma xasilli karto, oo biyaheeduna waxay kor u soo xooraan wasakh iyo dhoobo. 21 Ilaahaygu wuxuu leeyahay, Kuwa sharka ah nabadu uma jirto.
  • Yoon 4:1 : 1 ¶ Laakiinse Yoonis taas aad buu uga calool xumaaday, wuuna xanaaqay.
  • Yoon 4:9 : 9 Markaasaa Ilaah wuxuu Yoonis ku yidhi, War inaad geedkii ubbada ahaa u xanaaqdid ma kuu wanaagsan tahay? Oo isna wuxuu yidhi, Haah, oo inaan cadhoodo way ii wanaagsan tahay xataa ilaa dhimasho.
  • Xab 2:9-9 : 9 ¶ Waxaa iska hoogay kii faa'iido shar ah reerkiisa u soo urursada si uu buulkiisa uga dhisto meel sare oo uu gacanta sharka uga samatabbaxo! 10 Dadyowga badan oo aad baabbi'isay daraaddood waxaad reerkaagii ugu arrimisay ceeb, oo waxaad ku dembaabtay naftaadii. 11 Waayo, dhagax baa ka qaylin doona derbiga dhexdiisa, oo loox alwaaxda ku dhex jira ayaa u jawaabi doona. 12 ¶ Waxaa iska hoogay kii magaalo dhiig ku dhisa, oo magaalo xumaan ku adkeeya!
  • Ef 4:27 : 27 Ibliiskana meel ha siinina.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1 Boq 21:5-9
    5 aayado
    85%

    5Laakiinse naagtiisii Yesebeel ayaa u timid oo waxay ku tidhi, War maxaa naftaadu u qulubsan tahay oo aad kibis la cuni weyday?

    6Markaasuu iyadii ku yidhi, Naa waxaan la hadlay Naabood kii reer Yesreceel, oo aan ku idhi, Beertaada canabka ah lacag iga siiso, ama haddii kale oo ay kula wanaagsan tahay waxaan kaa siisanayaa beer kale oo canab ah, oo isna wuxuu iigu jawaabay, Beertayda ku siin maayo.

    7Markaasaa naagtiisii Yesebeel waxay ku tidhi, War miyaadan haatan u talin boqortooyada Israa'iil? Haddaba kac oo wax cun, oo qalbigaagana ka farxi; anigaa ku siinaya Naabood ka reer Yesreceel beertiisa canabka ah.

    8Sidaas daraaddeed warqado ayay ku qortay Axaab magiciisii oo waxay ku shaabadaysay shaabaddiisii. Oo waxay warqadihii u dirtay odayaashii iyo kuwii gobta ahaa ee magaaladiisii Naabood la degganaa.

    9Oo waxay warqadaha ku qortay oo ku tidhi, War waxaad naadisaan oo tidhaahdaan, Ha la soomo; oo Naaboodna dadka ka sarraysiiya.

  • 1 Boq 21:1-3
    3 aayado
    82%

    1¶ Oo waxyaalahaas dabadood waxay noqotay in Naabood oo ahaa reer Yesreceel uu lahaa beer canab ah oo Yesreceel ku tiil ee uu dhowayd gurigii Axaab oo ahaa boqorkii Samaariya.

    2Oo Axaab baa Naabood la hadlay, oo ku yidhi, Beertaada canabka ah i sii aan beer khudrad ah ka dhigtee, maxaa yeelay, waxay u dhow dahay gurigayga, oo adigana waxaan ku siinayaa beer canab ah oo iyada ka sii wanaagsan, amase haddii ay kula wanaagsan tahay, waxaan ku siinayaa qiimeheeda oo lacag ah.

    3Markaasaa Naabood wuxuu Axaab ku yidhi, Ilaah ha iga hayo inaan dhaxalkii awowayaashay ku siiyo.

  • 81%

    11Oo dadkii magaaladiisii la degganaa ee ahaa odayaashii iyo kuwii gobta ahaa waxay yeeleen sidii Yesebeel u soo fartay oo ahayd sidii ku qornayd warqadihii ay iyaga u dirtay.

    12Waxay naadiyeen oo yidhaahdeen, Ha la soomo, oo Naaboodna ayay dadka ka sarraysiiyeen.

    13Oo waxaa yimid oo hortiisa fadhiistay laba nin oo waxmatarayaal ah, markaasaa waxmatarayaashii Naabood ku marag fureen dadka hortiisii, oo waxay yidhaahdeen, Naabood wuxuu caayay Ilaah iyo boqorkaba. Markaasay isagii magaaladii ka saareen, oo waxay la dhaceen dhagaxyo, wuuna dhintay.

    14Markaasay Yesebeel farriin u direen oo waxay ku yidhaahdeen, Naabood waa la dhagxiyey, wuuna dhintay.

    15Markii Yesebeel ay maqashay in Naabood la dhagxiyey oo uu dhintay, ayay Yesebeel Axaab ku tidhi, War kac oo iska qaado beertii canabka ahayd oo Naabood kii reer Yesreceel ee uu hore inuu lacag kaa siisto kuugu diiday; waayo, haatan Naabood ma noola, wuuse dhintay.

    16Oo markii Axaab maqlay in Naabood dhintay ayaa Axaab wuxuu u kacay inuu u dhaadhaco oo iska qaato beertii Naabood kii reer Yesreceel.

    17¶ Oo Eraygii Rabbiga ayaa u yimid Eliiyaah kii reer Tishbii, isagoo leh,

    18War sara joogso, oo u dhaadhac boqorka dalka Israa'iil oo Axaab ah oo Samaariya deggan; oo bal eeg, wuxuu ku dhex jiraa beertii canabka ahayd oo Naabood, halkaasoo uu ugu dhaadhacay inuu iska qaato.

    19Waa inaad isaga la hadashaa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, War ma wax baad dishay, oo haddana ma wax baad qaadatay? Oo haddana isaga waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Meeshii eeyuhu ka leefleefeen dhiiggii Naabood ayaa adiga dhiiggaagana eeyo ka leefleefi doonaan.

    20Markaasaa Axaab wuxuu ku yidhi Eliiyaah, Cadowgaygiiyow, haddana ma i heshay? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Haah, waan ku helay, maxaa yeelay, waxaad isu iibisay inaad Rabbiga hortiisa wax shar ah ku samayso.

    21Oo bal ogow, Axaabow, belaayo baan kugu soo dejin doonaa, oo farcankaaga waan kaa qaadi doonaa, oo waxaan kaa baabbi'in doonaa wiil kasta, ha ahaado mid kasta oo dalka Israa'iil ku dhex xidhan ama mid kasta oo ku dhex furan.

    22Oo reerkaagana waxaan ka dhigi doonaa sidii reerkii Yaaraabcaam ina Nebaad iyo sidii reerkii Bacshaa ina Axiiyaah, sababtuna waxa weeye xanaaqii aad iga xanaajisay oo aad dadkii Israa'iilna dembaajisay aawadiis.

    23Oo Yesebeelna Rabbigu wuu ka hadlay oo yidhi, Yesebeel eeyuhu waa ku cuni doonaan derbiga Yesreceel agtiisa.

    24Oo Axaab dadkiisa kii magaalada kaga dhinta waxaa cuni doona eeyaha; oo kii duurka kaga dhintana waxaa cuni doona haadka samada.

    25(Laakiinse lama arag qof Axaab la mid ah oo isu iibiyey inuu sameeyo wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, kaasoo ay kicisay naagtiisii Yesebeel.

  • 74%

    27Kolkii Axaab erayadaas maqlay ayuu dharkiisii jeexjeexay, oo joonyado guntaday, wuuna soomay, oo joonyado ku dhex seexday, oo aayar u socday.

    28Oo haddana eraygii Rabbigu wuxuu u yimid Eliiyaah kii reer Tishbii oo ku yidhi,

    29War sow uma jeeddid siduu Axaab hortayda isugu hoosaysiiyey? Sharka ku soo dejin maayo intuu isagu nool yahay, maxaa yeelay, isagu hortayduu isku hoosaysiiyey; laakiinse sharka waxaan reerkiisa ku soo dejin doonaa wakhtiga wiilkiisa.

  • 73%

    25Kolkaasaa Yeehuu wuxuu ku yidhi Bidqar oo sirkaalkiisii ahaa, Isaga kor u qaad oo ku dhex tuur beerta Naabood kii reer Yesreceel; waayo, bal xusuuso sidii Rabbigu isaga hadalkan culus uga sheegay markaynu aniga iyo adiguba innagoo fardo fuushan aabbihiis Axaab daba soconnay;

    26Rabbigu wuxuu yidhi, Hubaal shalayto waxaan arkay Naabood dhiiggiisii iyo dhiiggii wiilashiisii, haddaba adiga beertan baan abaalkaaga kugu siinayaa. Sidaas daraaddeed isaga qaad oo beerta ku dhex tuur sidii erayga Rabbigu ahaa.

  • 40Markaasuu Axaab dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo wiilkiisii Axasyaah ayaa meeshiisii boqor ka noqday.

  • 23Laakiinse wuu diiday, oo wuxuu yidhi, Anigu waxba cuni maayo. Laakiinse addoommadiisii ayaa naagtii kula qasbay; markaasuu codkoodii yeelay. Oo intuu dhulkii ka kacay ayuu sariirtii ku fadhiistay.

  • 43Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil wuxuu u kacay gurigiisii isagoo calool xun, oo xanaaqsan, oo Samaariya buu yimid.

  • 70%

    36Sidaas daraaddeed way soo noqdeen, oo isagii bay u soo sheegeen. Wuxuuna yidhi, Kanu waa eraygii Rabbigu kaga hadlay addoonkiisii Eliiyaah kii reer Tishbii isagoo leh, Beerta Yesreceel dhexdeeda ayaa eeydu ku cuni doonaan Yesebeel hilibkeeda.

    37Oo Yesebeel meydkeedu wuxuu ahaan doonaa sida digo taal beerta Yesreceel dhexdeeda, si aan loo odhan, Tanu waa Yesebeel.

  • 2 Boq 9:9-10
    2 aayado
    69%

    9Oo reerka Axaab waxaan ka dhigayaa sidii reerkii Yaaraabcaam ina Nebaad iyo sidii reerkii Bacshaa ina Axiiyaah oo kale.

    10Oo Yesebeel ayaa eeydu ku cuni doonaan dhulka Yesreceel, oo ninna iyada ma xabaali doono, oo markaasuu albaabkii furay oo cararay.

  • 42Markaasaa Axaab u kacay inuu wax cuno oo wax cabbo. Oo Eliiyaahna wuxuu fuulay Buur Karmel dusheeda, oo intuu foororsaday ayuu dhulka ku sujuuday oo wejigiisiina wuxuu geliyey lowyihiisa dhexdooda.

  • 69%

    21Wuuna ku qayliyey ninkii Ilaah oo Yahuudah ka yimid, oo ku yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Caasi baad ku noqotay Rabbiga, mana aadan xajin amarkii Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu amray,

    22laakiinse waad soo noqotay oo kibis baad ku cuntay, biyona waad ku cabtay meeshii uu kugu yidhi, Kibis ha ku cunin, biyona ha ku cabbin. Sidaas daraaddeed meydkaagu gaadhi maayo xabaashii awowayaashaa.

  • 7Oo adna waa inaad laysaa reerka Axaab ee sayidkaaga, inaan ka aargudo dhiiggii addoommadaydii nebiyada ahaa, iyo addoommadii Rabbiga oo dhan ee ay Yesebeel daadisay.

  • 17Markaasaa waxaa soo kacay odayaashii reerkiisa, oo intay agtiisa soo istaageen ayay damceen inay dhulka ka kiciyaan, laakiinse wuu diiday, oo waxbana lama uu cunin.

  • 31Markaas sidii iyadoo la sahlan isaga inuu sameeyo dembiyadii Yaaraabcaam ina Nebaad, wuxuu guursaday Yesebeel oo ahayd ina Etbacal boqorkii reer Siidoon, wuuna tegey oo u adeegay oo caabuday Bacal.

  • 9Markaasuu wuxuu ku yidhi isagii, War maxaan ku dembaabay, oo aad u doonaysaa anoo addoonkaaga ah inaad Axaab ii gacangeliso inuu i dilo aawadeed?

  • 7Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil u soo yeedhay odayaashii dalka oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Waan idin baryayaaye, bal eega oo ogaada sida ninkanu iiga belaayo doonayo, waayo, wuxuu u soo cid dirsaday naagahayga iyo carruurtayda, iyo lacagtayda, iyo dahabkayga, oo anna uma aanan diidin.

  • 20Sidaas daraaddeed nafsaddiisu kibista way karahsataa, Naftiisuna cuntada macaan way nacdaa.

  • 28Markaasaa Coomrii dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay Samaariya; oo wiilkiisii Axaab ayaa meeshiisii boqor ka noqday.

  • 1¶ Oo markaasaa Axaab wuxuu Yesebeel u sheegay kulli wixii Eliiyaah sameeyey oo dhan, iyo siduu nebiyadii oo dhan seef ugu laayay.

  • 4Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Sariirta aad fuushay ka soo degan maysid, laakiinse hubaal waad dhimanaysaa. Dabadeedna Eliiyaah waa iska tegey.

  • 17Oo waxyaalahaas dabadood ayaa naagtii guriga lahayd wiilkeedii bukooday, oo xataa neef keliyahu kuma hadhin, maxaa yeelay, bukaankiisu aad buu u xumaa.

  • 8Kolkaasaa ninkii Ilaah wuxuu boqorkii ku yidhi, Xataa haddaad gurigaaga badhkiis i siinayso ku raaci maayo, oo innaba kibisna ku cuni maayo, biyona ka cabbi maayo meeshan;

  • 21Markaasaa Yooraam yidhi, Gaadhifaras diyaariya. Oo iyana gaadhifaraskiisii ayay diyaariyeen. Kolkaasaa Yooraam oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil iyo Axasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudahba waxay baxeen isagoo mid waliba gaadhifaraskiisii ku jiro, oo waxay u baxeen inay Yeehuu ka hor tagaan, oo waxay ka heleen beertii Naabood kii reer Yesreceel.