1 Boqorradii 21:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse naagtiisii Yesebeel ayaa u timid oo waxay ku tidhi, War maxaa naftaadu u qulubsan tahay oo aad kibis la cuni weyday?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 3:6 : 6 Oo markii naagtii aragtay in geedkii cunto ku wanaagsan yahay, oo indhaha u roon yahay, oo uu yahay geed caqli lagu yeesho, ayay midho ka qaadatay, oo cuntay; ninkeedii la joogayna wax bay ka siisay, oo isagiina wuu cunay.
  • 2 Sam 13:4 : 4 Markaasuu ku yidhi, Ina boqorow, maxaad maalinba maalinta ka dambaysa sidan ugu caatoobaysaa? War maad ii sheegtid? Kolkaasaa Amnoon wuxuu ku yidhi, Waxaan caashaqay Taamaar oo ah walaalkay Absaaloom walaashiis.
  • 1 Boq 16:31 : 31 Markaas sidii iyadoo la sahlan isaga inuu sameeyo dembiyadii Yaaraabcaam ina Nebaad, wuxuu guursaday Yesebeel oo ahayd ina Etbacal boqorkii reer Siidoon, wuuna tegey oo u adeegay oo caabuday Bacal.
  • 1 Boq 18:4 : 4 waayo, markay Yesebeel baabbi'isay nebiyadii Rabbiga ayaa Cobadyaah kaxeeyey boqol nebi, oo kontonba god buu ku qariyey, oo wuxuu ku quudin jiray kibis iyo biyo.)
  • 1 Boq 19:2 : 2 Markaasaa Yesebeel farriin u dirtay Eliiyaah oo ku tidhi, Sidaas iyo si ka sii daranba ilaahyadu ha igu sameeyeen haddaanan berrito hadda oo kale naftaada ka dhigin sidii mid iyaga ka mid ah naftiisii.
  • 1 Boq 21:25 : 25 (Laakiinse lama arag qof Axaab la mid ah oo isu iibiyey inuu sameeyo wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, kaasoo ay kicisay naagtiisii Yesebeel.
  • Nex 2:2 : 2 Oo boqorkii wuxuu igu yidhi, War maxaa wejigaagu u murugaysan yahay adigoo aan bukayn? Tanu wax kale ma aha waase tiiraanyo qalbiga ku jirta. Markaasaan aad u baqay,
  • Est 4:5 : 5 Markaasaa Esteer waxay u yeedhay Hatag oo boqorka midiidinnadiisa ka mid ahaa oo uu boqorku u doortay inuu u adeego, oo waxay isagii ku amartay inuu Mordekay u tago oo uu soo ogaado bal waxa xaalkanu ahaa, iyo wuxuu u dhacayba.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1 Boq 21:6-9
    4 aayado
    86%

    6Markaasuu iyadii ku yidhi, Naa waxaan la hadlay Naabood kii reer Yesreceel, oo aan ku idhi, Beertaada canabka ah lacag iga siiso, ama haddii kale oo ay kula wanaagsan tahay waxaan kaa siisanayaa beer kale oo canab ah, oo isna wuxuu iigu jawaabay, Beertayda ku siin maayo.

    7Markaasaa naagtiisii Yesebeel waxay ku tidhi, War miyaadan haatan u talin boqortooyada Israa'iil? Haddaba kac oo wax cun, oo qalbigaagana ka farxi; anigaa ku siinaya Naabood ka reer Yesreceel beertiisa canabka ah.

    8Sidaas daraaddeed warqado ayay ku qortay Axaab magiciisii oo waxay ku shaabadaysay shaabaddiisii. Oo waxay warqadihii u dirtay odayaashii iyo kuwii gobta ahaa ee magaaladiisii Naabood la degganaa.

    9Oo waxay warqadaha ku qortay oo ku tidhi, War waxaad naadisaan oo tidhaahdaan, Ha la soomo; oo Naaboodna dadka ka sarraysiiya.

  • 1 Boq 21:1-4
    4 aayado
    85%

    1¶ Oo waxyaalahaas dabadood waxay noqotay in Naabood oo ahaa reer Yesreceel uu lahaa beer canab ah oo Yesreceel ku tiil ee uu dhowayd gurigii Axaab oo ahaa boqorkii Samaariya.

    2Oo Axaab baa Naabood la hadlay, oo ku yidhi, Beertaada canabka ah i sii aan beer khudrad ah ka dhigtee, maxaa yeelay, waxay u dhow dahay gurigayga, oo adigana waxaan ku siinayaa beer canab ah oo iyada ka sii wanaagsan, amase haddii ay kula wanaagsan tahay, waxaan ku siinayaa qiimeheeda oo lacag ah.

    3Markaasaa Naabood wuxuu Axaab ku yidhi, Ilaah ha iga hayo inaan dhaxalkii awowayaashay ku siiyo.

    4Markaasaa Axaab wuxuu yimid gurigiisii isagoo calool xun oo ka xanaaqsan eraygii Naabood kii reer Yesreceel isaga kula hadlay; maxaa yeelay, wuxuu isaga ku yidhi, Ku siin maayo dhaxalkii awowayaashay. Markaasuu sariirtiisii jiifsaday, wuuna sii jeestay, oo diiday inuu wax cuno.

  • 75%

    14Markaasay Yesebeel farriin u direen oo waxay ku yidhaahdeen, Naabood waa la dhagxiyey, wuuna dhintay.

    15Markii Yesebeel ay maqashay in Naabood la dhagxiyey oo uu dhintay, ayay Yesebeel Axaab ku tidhi, War kac oo iska qaado beertii canabka ahayd oo Naabood kii reer Yesreceel ee uu hore inuu lacag kaa siisto kuugu diiday; waayo, haatan Naabood ma noola, wuuse dhintay.

    16Oo markii Axaab maqlay in Naabood dhintay ayaa Axaab wuxuu u kacay inuu u dhaadhaco oo iska qaato beertii Naabood kii reer Yesreceel.

    17¶ Oo Eraygii Rabbiga ayaa u yimid Eliiyaah kii reer Tishbii, isagoo leh,

    18War sara joogso, oo u dhaadhac boqorka dalka Israa'iil oo Axaab ah oo Samaariya deggan; oo bal eeg, wuxuu ku dhex jiraa beertii canabka ahayd oo Naabood, halkaasoo uu ugu dhaadhacay inuu iska qaato.

    19Waa inaad isaga la hadashaa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, War ma wax baad dishay, oo haddana ma wax baad qaadatay? Oo haddana isaga waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Meeshii eeyuhu ka leefleefeen dhiiggii Naabood ayaa adiga dhiiggaagana eeyo ka leefleefi doonaan.

    20Markaasaa Axaab wuxuu ku yidhi Eliiyaah, Cadowgaygiiyow, haddana ma i heshay? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Haah, waan ku helay, maxaa yeelay, waxaad isu iibisay inaad Rabbiga hortiisa wax shar ah ku samayso.

  • 73%

    23Oo Yesebeelna Rabbigu wuu ka hadlay oo yidhi, Yesebeel eeyuhu waa ku cuni doonaan derbiga Yesreceel agtiisa.

    24Oo Axaab dadkiisa kii magaalada kaga dhinta waxaa cuni doona eeyaha; oo kii duurka kaga dhintana waxaa cuni doona haadka samada.

    25(Laakiinse lama arag qof Axaab la mid ah oo isu iibiyey inuu sameeyo wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, kaasoo ay kicisay naagtiisii Yesebeel.

  • 31Markaas sidii iyadoo la sahlan isaga inuu sameeyo dembiyadii Yaaraabcaam ina Nebaad, wuxuu guursaday Yesebeel oo ahayd ina Etbacal boqorkii reer Siidoon, wuuna tegey oo u adeegay oo caabuday Bacal.

  • 71%

    27Kolkii Axaab erayadaas maqlay ayuu dharkiisii jeexjeexay, oo joonyado guntaday, wuuna soomay, oo joonyado ku dhex seexday, oo aayar u socday.

    28Oo haddana eraygii Rabbigu wuxuu u yimid Eliiyaah kii reer Tishbii oo ku yidhi,

  • 70%

    11Oo markay u sii socotay inay u keento ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Waan ku baryayaaye waxaad gacanta iigu soo qaaddaa in yar oo kibis ah.

    12Iyana waxay tidhi, Waxaan Rabbiga Ilaahaaga ah noloshiisa ugu dhaartay inaanan kibis haysan innaba, laakiinse waxaan haystaa sacab muggiis oo jidhiidh ah oo weel ku jira, iyo in yar oo saliid ah oo kusad ku jirta, oo bal eeg, laba qori baan u guranayaa si aan intaan gurigayga galo ugu diyaariyo aniga iyo wiilkayga, dabadeedna aan cunno oo aan dhimannee.

    13Markaasaa Eliiyaah ku yidhi iyadii, Ha cabsane tag oo yeel sidaad tidhi, laakiinse marka hore ii soo samee in yar oo kibis ah oo ii keen, dabadeedna u samee adiga iyo wiilkaaga.

  • 36Sidaas daraaddeed way soo noqdeen, oo isagii bay u soo sheegeen. Wuxuuna yidhi, Kanu waa eraygii Rabbigu kaga hadlay addoonkiisii Eliiyaah kii reer Tishbii isagoo leh, Beerta Yesreceel dhexdeeda ayaa eeydu ku cuni doonaan Yesebeel hilibkeeda.

  • 70%

    22Haddaba waan ku baryayaaye, bal adna codkayga maqal anoo addoontaada ah, oo in yar oo kibis ah aan hortaada dhigo, oo adna cun si markaad tagtid aad xoog u yeelatid.

    23Laakiinse wuu diiday, oo wuxuu yidhi, Anigu waxba cuni maayo. Laakiinse addoommadiisii ayaa naagtii kula qasbay; markaasuu codkoodii yeelay. Oo intuu dhulkii ka kacay ayuu sariirtii ku fadhiistay.

  • 1 Boq 19:1-2
    2 aayado
    69%

    1¶ Oo markaasaa Axaab wuxuu Yesebeel u sheegay kulli wixii Eliiyaah sameeyey oo dhan, iyo siduu nebiyadii oo dhan seef ugu laayay.

    2Markaasaa Yesebeel farriin u dirtay Eliiyaah oo ku tidhi, Sidaas iyo si ka sii daranba ilaahyadu ha igu sameeyeen haddaanan berrito hadda oo kale naftaada ka dhigin sidii mid iyaga ka mid ah naftiisii.

  • 28Markaasaa boqorkii wuxuu iyadii ku yidhi, Naa maxaa ku helay? Oo iyana waxay ugu jawaabtay, Naagtan waxay igu tidhi, Naa wiilkaaga na sii aan maanta cunnee oo wiilkaygana berri baannu wada cuni doonnaa.

  • 68%

    41Markaasaa Eliiyaah wuxuu Axaab ku yidhi, War kac oo wax cun, oo wax cab, waayo, waxaa sanqadhaya roob badan!

    42Markaasaa Axaab u kacay inuu wax cuno oo wax cabbo. Oo Eliiyaahna wuxuu fuulay Buur Karmel dusheeda, oo intuu foororsaday ayuu dhulka ku sujuuday oo wejigiisiina wuxuu geliyey lowyihiisa dhexdooda.

  • 68%

    10Oo Yesebeel ayaa eeydu ku cuni doonaan dhulka Yesreceel, oo ninna iyada ma xabaali doono, oo markaasuu albaabkii furay oo cararay.

    11Markaasaa Yeehuu u soo baxay addoommadii sayidkiisii; oo midkood baa wuxuu isagii ku yidhi, War wax waluba ma hagaagsan yihiin? Ninkan waalanu muxuu kuugu yimid? Oo isna wuxuu ku yidhi, Idinku waad garanaysaan ninka iyo hadalkiisu wuxuu ahaaba.

  • 68%

    17Oo waxyaalahaas dabadood ayaa naagtii guriga lahayd wiilkeedii bukooday, oo xataa neef keliyahu kuma hadhin, maxaa yeelay, bukaankiisu aad buu u xumaa.

    18Markaasay Eliiyaah ku tidhi, War nin yahow Ilaah, maxaa inoo dhexeeya? War ma waxaad iigu timid inaad dembigayga i soo xusuusisid oo aad wiilkayga dishid?

  • 21Markaasaa addoommadiisii waxay ku yidhaahdeen, War waxan aad samaysay waa maxay? Wiilku intuu noolaa ayaad soontay, oo u ooyday aawadiis; laakiinse yarkii markuu dhintay, waad kacday, wax baanad cuntay.

  • 13Oo sayidkaygiiyow, miyaan laguu sheegin wixii aan sameeyey markii Yesebeel laysay nebiyadii Rabbiga, iyo sidaan u qariyey boqol nin oo Rabbiga nebiyadiisii ah, oo aan kontonba god geliyey, oo aan kibis iyo biyo ku quudiyey?

  • 15Markaasuu ku yidhi, Kaalay oo gurigaygii ii raac aad kibis soo cuntide.

  • 1 Boq 14:5-6
    2 aayado
    67%

    5Markaasaa Rabbigu wuxuu Axiiyaah ku yidhi, Bal eeg, Yaaraabcaam bilcantiisii ayaa kuugu imanaysa inay ku weyddiiso wax ku saabsan wiilkeeda, maxaa yeelay, isagu wuu bukaa; haddaba iyada saas iyo saas ku dheh; waayo, markay kuu timaado waxay iska dhigaysaa naag kale.

    6Oo markii Axiiyaah maqlay sanqadhii cagaheeda, markii ay albaabka soo gashay ayuu ku yidhi, Soo gal, Yaaraabcaam bilcantiisay, maxaadse isaga dhigaysaa mid kale? Waayo, waxaa la iigu soo kaa dhiibay war xun.

  • 9Markaasuu wuxuu ku yidhi isagii, War maxaan ku dembaabay, oo aad u doonaysaa anoo addoonkaaga ah inaad Axaab ii gacangeliso inuu i dilo aawadeed?

  • 30¶ Oo Yeehuu markuu Yesreceel yimid ayaa Yesebeel maqashay, markaasay intay indhakuulatay oo gambaysatay daaqaddii ka fiirisay.

  • 23Oo isna wuxuu ku yidhi, Naa maxaad maanta ugu tegaysaa? Maanta bil cusub ma aha, sabtina ma aha. Oo iyana waxay tidhi, War way hagaagi doontaa.

  • 17Oo markuu Axaab arkay Eliiyaah ayuu ku yidhi, War ma adigii baa kii dadkii Israa'iil dhibayayow?

  • 1 Boq 18:2-4
    3 aayado
    66%

    2Markaasaa Eliiyaah wuxuu u tegey inuu Axaab istuso. Oo abaartuna aad bay ugu xumayd Samaariya.

    3Markaasaa Axaab wuxuu u yeedhay Cobadyaah oo shuqulkii guriga u sarreeyey. (Haddaba Cobadyaah Rabbiga aad buu uga cabsan jiray,

    4waayo, markay Yesebeel baabbi'isay nebiyadii Rabbiga ayaa Cobadyaah kaxeeyey boqol nebi, oo kontonba god buu ku qariyey, oo wuxuu ku quudin jiray kibis iyo biyo.)

  • 11Oo dadkii magaaladiisii la degganaa ee ahaa odayaashii iyo kuwii gobta ahaa waxay yeeleen sidii Yesebeel u soo fartay oo ahayd sidii ku qornayd warqadihii ay iyaga u dirtay.

  • 17Markaasaa waxaa soo kacay odayaashii reerkiisa, oo intay agtiisa soo istaageen ayay damceen inay dhulka ka kiciyaan, laakiinse wuu diiday, oo waxbana lama uu cunin.